Faallo: Buugga Baadigoobkii Nabadda Geeska

Waxaa qoray: Sulaymaan Bashiir Ciise

Buugga Baadigoobkii Nabadda Geeska, oo uu qoray Danjire Maxamed Cabdi Afey, ma aha xusuus-qor siyaasadeed, mana aha taariikh kaliya ka warramaysa dhacdooyin isdaba-joog ah. Haseyeeshe, waa qoraal isku dhafan oo si qoto dheer u dhexgelinaya waayo-aragnimo shakhsiyeed, aragti diblumaasiyadeed, iyo falanqayn miisaan leh oo ku saabsan fashilka ku noqnoqda dowlad-dhiska Soomaaliya iyo guud ahaan nabad-raadinta Geeska Afrika. Intii aan ku guda jiray akhrinta buuggan oo ka kooban in ka badan 300 bog, waxaa si cad iigu bidhaantay in ujeeddada qoraagu aysan ahayn is-muujin ama is-difaac siyaasadeed, balse ay tahay diiwaangelinta khaladaad taariikhi ah si ay u noqdaan casharro laga faa’iideysto, halkii ay noqon lahaayeen gefaf mar kale lagu celiyo.

Faallada qoraalkani waxay ku dhisan tahay aragti ah in buuggu yahay dukumeenti siyaasadeed oo miisaan leh, lagana dheehan karo casharro qaran, kuwo goboleed, iyo kuwo istiraatiiji ah oo aan weli si dhab ah loo qaadan.

Buugga iyo Dulucda Aragtiyadiisa Guud

Marka la akhriyo dhammaan cutubyada buugga, hal aragti oo aas-aasi ah ayaa si joogto ah u soo noqnoqota, taas oo ah: “Nabadda Geeska Afrika laguma gaari karo hannaan dibadda laga keeno, haddii uusan jirin heshiis gudaha ah oo dhab ah.” Qoraagu wuxuu si miyir leh u sheegayaa mala-awaalka ah in shirar caalami ah, ergooyin tiro badan, ama kafaala-qaad shisheeye ay si toos ah u horseedi karaan dowlad shaqeysa.

 Halkii laga eedeyn lahaa faragelin shisheeye oo keli ah, Afey wuxuu muujinayaa in mushkiladdu salka ku hayso hoggaan la’aan, aragti qaran oo liidata, iyo aqbalidda nidaamyo ku dhisan tanaasul siyaasadeed halkii ay ka ahaan lahaayeen heshiis bulsho. Buuggu wuxuu akhristaha ku hagayaa in uu ka gudbo eedeynta guud, una gudbo faham qoto dheer oo ku saabsan sababta khaladaadka loo galay iyo sida ay u noqdeen dhaqan siyaasadeed la aqbalay.

Dowlad-dhiska Soomaaliya: Falanqayn Ka Baxsan Qabiil

Mid ka mid ah qodobbada ugu miisaanka culus buugga waa falanqaynta dowlad-dhiska Soomaaliya. Qoraagu si cad ayuu u diidayaa in mushkiladda Soomaaliya lagu soo koobo kaliya qabiil , isagoo qaba aragti ah in: “Qabiilku yahay aalad la adeegsaday, balse dhibaatadu ay tahay hoggaan la’aan ku dhisan mabaadi’ iyo aragti qaran.”

Shirarkii Carta, Eldoret, iyo Mbagathi waxaa lagu soo bandhigay tusaalayaal muujinaya nidaamyo khaldan, halkaas oo dib-u-heshiisiin bulsho lagu beddelay awood-qaybsi siyaasadeed. Buuggu wuxuu si qoto dheer u falanqeynayaa sida ergadii shirka u badnaayeen kuwo matalaya dano gaar ah, halka shacabka intiisa badan ay ka maqnaayeen go’aamada masiirkooda. Natiijadu waxay noqotay dowlado magac uun ah, hay’ad ahaan u dhisan balse aan lahayn sharciyad bulsho. Qodobkani wuxuu buugga siinayaa qiime aragtiyeed (theoretical value) maadaama uu soo bandhigayo aragti ka duwan tan caanka ah ee ku kooban qabiil-eex.

Doorka Dalalka Deriska ah: Dhab iyo Dano Isku Dhafan

Buuggu kama muuqato eedeyn toos ah ama colaad diblumaasiyadeed ee doorka dalalka deriska ah sida Kenya, Itoobiya, Jabuuti iyo ururka IGAD waxaa loo eegayaa si dheellitiran, iyadoo la aqoonsanayo xaqiiqada danaha jira. Tusaale ahaan, Kenya, mar waa martigeliye geeddi-socod nabadeed, marna waa dal leh dano amni iyo dhaqaale oo gaar ah. Qoraagu ma diidayo xaqa dalalku u leeyihiin inay ilaashadaan danahooda, balse wuxuu dhaliilayaa marka danahaas lagu soo duubo oo la huwiyo magaca “Nabadda Soomaaliya”. Falanqayntani waxay akhristaha ku dhiirrigelinaysaa su’aalo muhiim ah oo ku saabsan dhexdhexaadnimada dhexdhexaadiyeyaasha caalamiga ah iyo xadka u dhexeeya nabad-raadinta iyo dano-ilaalinta.

Maxkamadihii Islaamiga ahaa

Qoraagu wuxuu si xeel dheer uga fogaadaa laba xagjirnimo oo inta badan lagu qiimeeyo Maxkamadaha Islaamiga ah: in lagu tilmaamo badbaadiyeyaasha kaliya ama in lagu sifeeyo cadow buuxa. Marka laga eego aragtida buugga, Maxkamaduhu waxay ka jawaabeen baahi amni oo dhab ah, gaar ahaan xilli dowlad la’aan baahsan jirtay. Si kastaba ha ahaatee, waxay ku fashilmeen inay isu beddelaan mashruuc qaran oo siyaasi ah oo la jaanqaadi kara duruufaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah. Fahamkayga, waxay muujinaysaa in fursado taariikhi ah ay mararka qaar ku hallaabaan akhrin khaldan ee goorta iyo goobta caalamiga ah.

Qoraaga, Meeqaamkiisa Diblumaasiyadeed iyo Qiimeynta Cilmiga iyo Taariikhda

Maadaama uu Danjiruhu si toos ah uga mid ahaa dhacdooyin badan oo buugga ku xusan, mararka qaar wuxuu u muuqdaa goobjooge, ka-qaybgale, iyo xitaa garsoore isku mar. Tani waxay buugga siinaysaa awood iyo dhabnimo, balse sidoo kale waxay u baahan tahay in akhristuhu yeesho akhris feejigan (critical reading). Si kastaba ha ahaatee, arrintani kama yareyneyso qiimaha xogta, maadaama ay ka imaaneyso qof si toos ah u dhex-joogay hanaanka diblumaasiyadeed ee uu ka warramayo.

Marka guud ahaan la eego, Baadigoobkii Nabadda Geeska Afrika waa dukumeenti taariikhi ah oo leh il xogeed gudaha ah (primary insider source), isla markaana xambaarsan casharro siyaasadeed oo qoto dheer. Dhaliilaha ugu waaweyn ee buugga lagu tilmaami karo waa tifaftir qoraaleed oo mararka qaar u baahan hagaajin, iyo aragtiyo aan had iyo jeer lala barbar dhigin doodaha ka soo horjeeda. Hase yeeshee, tani waa arrin caadi ka ah qoraallada xusuus-qorka siyaasadeed.

Gebogebo

Baadigoobkii Nabadda Geeska Afrika ma aha buug lagu koobi karo xusuus-qor ama diiwaan dhacdooyin hore, balse waa muraayad laga akhrisan karo taariikhda dhow ee Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, iyadoo si geesinimo leh daaha looga ka rogayo khaladaad ku noqnoqday hannaanka dowlad-dhis iyo nabad-raadis labadaba.

Farriinta ugu weyn ee uu buuggu gudbinayo waa in nabadda aan lagu dhisi karin waraaqo la saxiixo, shirar dibadda lagu qabto, ama dammaanad shisheeye, haddii aysan jirin hoggaan leh aragti qaran, masuuliyad taariikhi ah, iyo awood uu si dhab ah ugu akhriyo duruufaha waqtiga iyo kan caalamiga ah. Nabadda dhabta ahi waa natiijo ka dhalata heshiis bulsho oo sal adag ku taagan, kaas oo ka horreeya heshiiska siyaasadeed ee muuqda. Dhiganuhu wuxuu si gaar ah muhiim ugu yahay jiilalka cusub ee ku soo koraya jawi ay siyaasadda iyo diblumaasiyaddu noqdeen xirfado la barto balse aan mar walba lagu dhisin mabaadi’.  Sidoo kale wuxuu xusuusinayaa in hoggaamintu aysan ahayn xirfad farsamo oo keliya, balse ay tahay masuuliyad akhlaaqeed, mid taariikheed, iyo mid qaran.

Ugu dambayn, buuggan waxaan ku tilmaami karaa kayd aqooneed iyo digniin taariikhi ah: cashar u yaal kuwii hore u guuldarreystay, iyo khariidad feker oo ay ka faa’iideysan karaan kuwa mustaqbalka doonaya inay ka fogaadaan khaladaadkii la caadeystay. Sidaas awgeed, akhrintiisu ma aha doorasho, balse waa mid waajib ku ah cid kasta oo danaynaysa nabadda, dowladnimada, iyo masiirka Geeska Afrika.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *