Waxaa qoray: Cabdishakuur Qodax
Biyadhaca qoraal suugaaneed oo maanso ahaan u qoran, waxa la dhahaa “Baytul Qasiida- بيتُ القَصيدة” oo ah eray Carbeed kana dhigan; ‘Nuxurka Tuduca’. Waa ujeedada laga leeyahay gabayga ama qaybtaas la soo akhriyey ee dheer ama gaaban. Haddii aan suugaantaas lagu dhex arag, nuxur ahaan, wax aad u badan ayaa ka dhiman oo waa ay jaban tahay. Waxba kama duwana adiga oo maanta dhan hadlay, haddana, hadalkaaga aan laga dhex arkeyn qodobka aad u socoto, ama halka nuxurka hadalkaagu ku aroorayo, waayo, ‘baytalqasiidku’, waa inta ugu nuxurka badan suugaanta, ama si kale, waa ‘laanboqorka’ suugaanta.
Nuxurkaasi waxa uu gali karaa dhinacyo farabadan, sida tuduc ama tuducyo dhexdood, ama waxa uu gali karaa, dhammaadka maanso dhameystiran. Waxa uu gali karaa dhammaan noocyada maansada, sida tan diradiraalaha ah, tan xifaalada ah, midda waanada iyo waxsheegga ah, tan cayda ah, ama tan kaftanka ah, kuwa baroordiiqda ah iyo jaadad kale. Baytalqasiidka oo galaya laba meel, oo halmaanso ah, waxa aan u soo qaadan karnaa, tusaale, gabaygii caanka ahaa ee “Sida Koorta Yucub”, oo gabyagii Raage Ugaas tiriyey, ahna kuwa ugu caansan, uguna quruxda badan suugaanta baroordiiqda ah.
Waxa la yiri, Raage Ugaas ayaa doonay gabadh la yiraahdo Cabban, si milgo leh ayaa loogu sharfay, oo waxa loo ballanqaaday in la siinayo; waana la isku afgartay. Haddii in door ah la joogay waxa warkii ku faafay arliga, oo cid walba warkii waa maqashay. Ina Wiilwaal ayaa warkii gaaray oo Ilaahay ku manneystay xoolo jaad walba leh, magteediina xoolo dhanna waxa uu yarad ahaan u siiyey aabaheed. Odaygiina, wax ugu wacnaaba, waxa uu ku wacad furay Raage, isaga oo malahayga ka dhiganaya qiil maahmaahdii caanka ahayd ee; “Ragna ways gediyaa, geelna waa galgashaa.”, sidaasna Cabban, ku siiyey ina Wiilwaal. Raage ayaa maalin u soo martiyey reerkii uu, sida ay la ahayd, xididka noqdeen. Warkii naxdinta lahaa ayaa loo sheegay, waxaana lagu maslaxay Cabban da’dii ka yarayd, oo Faaduma la oran jirey, sidaas ayaana Rabbi ku dhex dhigay jacayl kashooda buuxiya, uumiyahana ka yaabiya!
In muddo ah markii ay wada joogeen ayaa Faadumo, waxa ay u dhibaad doonatay qoyskoodii. Waxa la soo siiyey xoolo dhibaadsiin ah, dabadeedba iyada iyo xoolihii la soo siiyeyba waxa lagu soo daray rag si ay badqab ugu gaarto gurigeedii iyo gacalkeedii. Sida caadadu ahayd, waxa ay raggii ku taliyeen in gabadhu ku barido meel qoyska u dhow, subaxdiina waagu marka uu baryo awrta lagu furo reerka ardaagiisa, asii Faadumo waa ay ka madax adaygtay, waxa ayna, ku adkeysatay in aysan Raage oo maqlaya aysan kobtaas cidladda ah weheshan. Si ay ku dhacdayba, raggii waxa ay ku qanceen ama ay ku qancisay in aysan cidna raacin, subaxdiina ay guriga keenaan xoolaha, iyana, ay Raage agtiisa barido, sidii baana la yeelay. Waa wax malageed galay e, dhexda ayaa Aar ku kala goostay. Subaxdii marka la is waydiiyey gabadhiina, waxa lagu war helay waxa naxdin ku noqday ciddii aragtay; Faadumo oo mayd ah, hilbaheediina haaddu feenatay, kadibna waxa Raage tiriyey gabaygaas laba qayb kala ah ee uu kala leh labada baytalqasiid. Waa gabay laba qaybood kala ah, oo uu qaybta hore kaga sheekaynayo waxa habeenkaas qabsaday; iyo, qaybta kale oo uu kaga warramayo qiimaha iyo qaayahay ay u lahayd Faadumo, sida ay dhacdadii waayitaanka Cabban uga dawaysay wadnihiisa, wuxuu yiri:
Sida koorta Yucub oo la sudhay, korromo buubaal ah
Shinni kaaluf galay ama siddii, koronkoroo oomi
Ama koox arda ahoo quraan kaadibka u toostay
Ama beelo kaynaan ahoo kor u hayaamaaya
Ama geel ka reeb ah oo nirgaha, laga ka xaynaayo
Ama ceel karkaarrada jebshiyo, webi karaar dhaafay
Ama habar kurkii iyo kali ahaa lagaga kaw siiyay
Ama kaal danley qaybsatiyo, kur iyo dhaal yaabis;
Xalay kololo’aygii ma ladin, kaamil reeruhuye
Kanbalkiyo ardaagii miyaa, laygu kaliyeeyay?
Kunbiskii miyaa layga qubay, kolayo ii buuxay?
Wixii rag iga kuuniyay miyaa, igu karaamoobay?
Kob abaar ah meel dhexe miyaa, koore ila meeray?
Kub miyaan ka jabay biixiyaan, kabayo loo haynin?
Kub miyaan ka jabay biixiyaan, kabayo loo haynin?
Maantana kataankii miyaa, layga kala tuuray?
Kun iyo kow kurtood dumar hadii laysu wada keeno
Kolna waxaana heli hayn haween Faadumoo kala e.
Aynu mid kale oo waano iyo waxsheeg ah soo qaadanno. Ismaaciil Mire, oo ka mid ahaa raggii ugu aftahansanaa ciidamadii Sayidka ee Daraawiisheed, ayaa waxa uu filashadiisii ka waayey wiil uu dhalay, markaas ayuu gabay warkii ugu koobay la yiraahdo “Xoogsi”. Waa gabay tan iyo maanta noqon kara tusaale nool oo dhalinyarada loogu caqlicelin karo. Gabayga oo dheeraa, asii ujeedku ahaa in abwaanku ugu sheego wiilkiisa in uu guntiga dhiisha iskaga dhigo oo muruqiisa maalo. Nuxurkii gabayga waxa uu ka dhigay abwaanku; “Xag uun labada daarood ku daran, hays xakabin meel e.”
Inta badan, baytalqasiidkaasi wuxuu noqdaa mid halhays reeba, ama bulshadu ay aad u xifdisnaato, oo la xasuusnaado. Si aynu taas u fahamno, aynu tusaale kale soo qaadanno. Wadaadkii Darwiishka ahaa ee Sayid Maxamed ayaa gabay dheer oo caan ah u tiriyey nin la oran jirey Cali Jaamac Haabiil, oo ka mid ahaa abwaannadii diidanaa dhaqdhaqaaqii Daraawiisheed. Sayyidku waxa uu gabaygaas oo dhan ugu dan lahaa in uu ku caayo ama ku ammaano reera iyo shakhsiyaad badan, laakiin, Baytalqasiidka ku jira ee uu uga dan lahaa waxa ay ahayd in uu yiraahdo: “Huurale Cali Jamaac iyo, huluq dameer baa leh.”
Haddaba, Hadraawi oo ahaa abwaan Soomaalida dhexdeeda ka caan baxay, suugaan magiciisa milgeysayna sameeyey ayaa wax yar kadib dhicitaankii dawladdii Kacaanka waxa uu tiriyey maanso ku jirta kuwa loogu jecel yahay Soomaalida. Waa maansada dheer ee la yiraahdo: “Dabahuwan” ee soo baxday sannadkii 1995. Dabahuwan ma aynu falanqayn karno, waayo, in sideed boqol oo bayd la tiriyo ayaa hawl ah, in la falanqeeyana waa hawl ka sii adag akhrinteeda. Laakiin, ujeedka aynu ka leennahay maansadan ayaa ah in, sida aan bilowgii sheegnayba, ay leedahay baytalqasiid badan, oo waxa dhaci karta, in toban tuduc yeeshaan baytalqasiid, halka labaatan kalena ay sidooda u yeelan karaan mid kale, sida aan horayba u soo sheegnay.
Dad badan ayaa waxa ay ku doodaan in maansadan Dabahuwan ay ka mid ahayd kuwa ugu qiimaha sarreeya ee uu leeyahay abwaanku, waxa ayna ila tahay, waxa ay sidaas ugu doodayaan in maansadan ay leedahay waxyaabo badan oo ay dareemi karaan, ama ay toos ugu arki karaan nolosha si maalinle ah, taas oo badi dadku maraan ama la kulmaan. Maansadan waxa ay leedahay waxyaabo badan oo dadka qaarkiis ku nacaan ama ku diidaan, sida marka uu diidayo aragtiyocilmiyeedyo sida tan “Tadawurka” ee Darwin uu ku dooday. Dadka qaar lama dhacsana maansadan, si la mid ah sida aan dadku u jeclayn markii uu lahaa, “Nabi dooran baan ahay!” Iyo, markii jacaylku gaarsiiyey in uu umad hawsheeda wadata uu ku canaanto in ay gabar uu jeclaaday caabudaan, laakiin, uu iskaga daayey in lagu cadaabayo amarkaas ah in uu Ilaahnimo gaarsiiyey noole aan aadmiga waxba dheerayn marka lagu eego indho aan kuwiisa ahayn.
Laakiin, Hadraawi, si guud waxa uu safka hore kaga jiraa dadka Soomaalida ah ee qaadan kara, aniga ahaan, hal-abuur sax ah ku gaaray darajada abwaannimo, kaas oo suugaantiisu kali ah aysan ahayn madadaalo ee ay tahay mid lafagureysa badi dhinacyada nolosha. Waxa uu tiriyay, suugaan lafaguraysa dhaqaalaha, la dhinac ah saboolka ama, cod u ah danyarta. Waa suugaan daab u ah keenaddiidnimada ama kacaannimada, bannaanka keenaysa su’aalo taabanaya falsafadda, caddaaladda iyo kuwa kaleba leh. Hadraawi waxa uu ahaa nin dhiirran oo miiska soo saaraya doodo macquul ah, mar walbana la jira dhinacada runta iyo xaqa.
Haddaba, ‘Dabahuwan’ waxa uu Hadraawi kaga hadlay mushkilado badan, iyo, sida uu u arkayey in xalku yahay. Bilowga illaa dhamaadka, dhammaan waxa uu taxaya erayo miid ah, kuwaas oo haba badnaadaan tiro ahaane, micnahoodu uu yahay kuwa xooggan. Ugu horreyn, waxa uu si qaayo leh u sharxayaa hayaankii adkaa ee uu u galay in uu ogaado ‘runta’ iyo ‘xaqiiqada’ ee uu u akhriyey, u fahmay, dib u akhriyey, dib u qubay, buugaag ciiddaa ka badan kuwaas oo uu barri iyo badba u jibaaxay, mar walba oo uu is yiraahdo, waxa aad ogaatay runtii aad raadineysana wareer hor leh ula soo darso. Waa kan isaga oo leh, “Markaan gudin daab u helo, ayuu dumayaa habeen!”.
Waxa uu maansada ku sharxayaa si faahfaahsan, waxyaabo badan oo ciladdo dhaqandhaqaale iyo degaan u badan kuwaas oo na dhaxalsiiyey marxaladdan argagaxa leh. Ugu danbeynna, waxa uu sheegaya waxa ay la tahay ‘xalka’ waxaas oo dhan. Maansadu aad ayaa ay u dheer tahay sida aan horey u sheegayba. Waxyaabaha uu aadka u naqdinayo waxaa ka mid ah ah, gumaysiga cusub, iyo sida waxbarashadii uu helay ay dayowga ugu riday, ee ay marwalba uga soo horjeeddo ujeedkiisa. Erayada uu kaga hadalayo waxbarashadaasi, qof ahaan, waa erayadii ugu qaayaha badnaa ee qof isticmaalo, ee uu ku naqdiyo galbeedka. “Cilmi caqligu ka daboolan yahay” waa qeexitaanka kali ah ee lagu koobi karo aqoontan galbeedka, waayo, ma jiro wax garasho ah oo ka danbeysa, marar badanna waxa dadka lagu marin habaabiyaa erayo sida, ’xorriyad’, “Maan-furnaan’ iyo kuwa la mid ah. Waxa uu aad u naqdinaya sida ba’an ee galbeedku u dhimanayo ee loo dhalanrogayo fidrada aadmiga.
“[…] Intuu dumarkii is baday.
Raggii ‘dumar’ qaar ka dhigay.” Wax yaabka leh ayaa ah in aysan badi dadkaasi qeexi karin waxa uu yahay, erayga dumar, caddeynna waxa u ah, Dukumentarigii Matt Walsh ee “What is a woman?” ee dooddan ay horboodayaan reer Galbeedku, ee aan caqliga ku dhisneyn uu kaga faahfaahineyo.
Guud ahaan, Hadraawi maansadiisan ‘Dabahuwan’ waa maanso xoog leh oo naqdineysa mushkiladda Soomaalida haysata, kuwaas oo ka saameyey dhinacyo badan oo maan iyo muuqaalba leh. Waxay si fiican u faaqideysa sida xoogsiga iyo aqoonta micnaha leh dhulka Soomaalida dhexdeeda looga guuray, dadkuna marwalba sugayaan in ay gacmaha u hoorsadaan cid kale, si ay mushkiladaha dhexdooda yaalla iyo nabarada ay qabaan ula tacaalaan, una xalliyaan. Waxa ay si fiican u sawireysa sida tabcashadii loogu arkay wax dib-u-socod ah, iyo, sida siyaasiyiinta iyo ganacsatadu ay u sameynayaan in si ay calooshooda u buuxiyaan. Waxa ay maansadu ku doodaysa in sida kali ah ee lagu badbaadaya, nolol micne lehna lagu helaya inay tahay, in dawga wanaagsani yahay in la raaco dhabbaha qumman ee diinta iyo fasirka wanaagsan ee Eebbe laga bixiyo.
‘Dabahuwan’ wuxuu Hadraawi ku sifeeyey inay tahay maanso qaawineysa dhammaan dhaqamada galbeedka, iyada oo aan weerareyn shacabka ee kaliya nidaamyada si toos u abbaareysa. Waxa uu maansada u adeegsaday aalad uu kula dagaalamo, ku daaweeyo, ugu duceeyo dadkiisa wixii same, kaga ducaysto wixii xume ah, kuna tilmaamo halka doogtu tahay ee duugteennu taallo.
Haddii aan iskudayno furfurka maansada waxa ay qaadaneysa wakhti iyo tamar ka badan wax lagu qori karo bogag, haddaba, waxa aan ku dooran doona hal tuduc, oo ku jira maansada, kaas oo yiraahda: “Wixii dumay bay lahayd!”.
Baydkaasi waxa uu sawir buuxa ka bixinayaa bulsho isku dhan, oo wax kasta oo ay lahaayeen iyaga oo arkaya hortooda ku ‘dumeen’. Waa mucda ay ku soo hoobanayaan waxyaabo tirobadan oo aan falanqayn doonno. Waxaasi kuma koobna wax muuqda, sida dhaxalka dhaqameed, ama dhaqanka ummadeed ee lumaya, ee ay Soomaalidu lahayd, ee waa wax dhinacyada nolosha oo dhan taabanaya.
Waxa Hadraawi si faahfaahsan tuducyada baydkaasi u yahay baytalqasiidka, mushkilado Soomaalidu ku habsadey, oo badi hadda ay ku yihiin taariikh la soo maray. Waa tuducyo noqon karo kaligood darsi nololeed oo nolosha Soomaalida laga akhrin karo iyo sida aan u hoognay.
“Dal iyo magac bay lahayd
Dad iyo mudan bay lahayd
Duunyiyo mahad bay lahayd
Diin iyo dhaqan bay lahayd
Duug iyo dhaxal bay lahayd
Dan iyo tacab lahayd
Dedaal xejiyey lahayd
Xadhkiyo dabar bay lahayd
Aqoon durugtay lahayd
Xil daacada bay lahayd
Duleed jiratay lahayd
Duggaal hanatay lahayd
Daw iyo marin bay lahayd
Dareer taxan bay lahayd
Dardaaran cad bay lahayd
Dabool adag bay lahayd
Digtooni horey lahayd
Dabaylo hadday ruxaan
Durbaan weriyey lahayd
Awaal deyis bay lahayd
Dawiyo kabashay lahayd
Xidhiidh degsan bay lahayd
Dagaag sharafay lahayd
Duciyo nabad bay lahayd
Caqiibo danbay lahayd
Han iyo dugsashay lahayd
Deeq iyo hirashay lahayd
Duddiyo gacal bay lahayd
Dareen xidid bay lahayd
Xormiyo deris bay lahayd
Dul iyo magan bay lahayd
Xishood dedan bay lahayd
Dux iyo soddoh bay lahayd
Dumaashi dhan bay lahayd
Dad kala guran bay lahayd
Rag iyo dumar bay lahayd
Nin door taliyey lahayd
Marwiyo degel bay lahayd
Duq iyo garashay lahayd
Haween darbban bay lahayd
Barbaar diran bay lahayd
Habliyo dardaray lahayd
Halyey diriray lahayd
Darmaan boqran bay lahayd
Duud iyo oday bay lahayd
Da’ weyn iyo da’ dhexay lahayd
Da’aad yaryar bay lahayd
Is daadihin bay lahayd
Deryaale cad bay lahayd
Dalaandaliyey lahayd
Horweyn dalmaray lahayd
Irmaan dararey lahayd
Hal iyo dalawey lahayd
Wan dool culus bay lahayd
Sal iyo daab bay lahayd
Dallaayad saray lahayd
Shishiiyo duluc bay lahayd
Wixii dumay bay lahayd!
Haddaba, “Wixii dumay bay lahayd” waxa ay si fiican u soo koobaysaa mushkiladaha aan dhammaadka lahayn, ama, sida ay ila tahay abwaanku uusan xusin ee mushkiladaha Soomaalida ka mid ah. Waa baydka dhammeystiraya wax kaste oo uu abwaanku ka tagay, ama iloobay ee mushkilad ah.
