Himilada Soomaaliweyn: Riyo Ummadeed oo aan Weligeed Dhammaan

Qoraaga Darasadda: Zoppi Marco

Tarjumidda iyo Soo-koobidda: Suhayb Caydiid

Fiiro: Waxaa cilmi-baaristaan qoray Marco Zoppi, oo ah aqoonyahan iyo cilmi-baare ku takhasusay arrimaha qurbajoogta, siyaasadda Afrika, iyo xiriirka Euro-African. Maqaalkani waxa uu markii hore ku baxay luuqadda Ingiriisiga, waxaana lagu daabacay Journal of African History, Politics and Society, sannadkii 2015. Maqaalkaani oo diiradda saaraayo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed, waxaa af Soomaali kusoo koobay una soo tarjumay Suhayb Caydiid, si uu u noqdo mid si sahlan loo fahmi karo, loona adeegsan karo cilmi-baarisyo af-Soomaali ah. Ugu danbeyn Raadreeb oo u taagan faafinta aqoonta waxay, 2025, si rasmi ah u faafinaysaa maqaalkaan.

Arar

Fikradda “Soomaaliyweyn” waa mid qotodheer oo muddo dheer saldhig u ahayd halganka qaranimo ee dadka Soomaaliyeed. Himiladani waxay ka duulaysaa in la mideeyo dhammaan deegaannada dadka Soomaaliyeed ee Geeska Afrika. Hamiladaaan oo inta badan lagu tilmaamo “riyo aan dhammaan” waxay si qoto-dheer ugu timi dhibaatooyinka xuduudaha aan caddaaladda ku salaysnayn ee ay sameeyeen quwadihii gumeysiga ee reer Yurub. Xuduudahaasi waxay u adeegayeen danaha gumeystayaasha, balse si buuxda uma tixgelin rabitaanka dhabta ah ee bulshada Soomaaliyeed. Soomaaliya waxay noqotay dal si weyn ugu dhiidhiyey xuduudahaas gacan ku sameyska ah, taasoo keentay muranno joogto ah oo ka dhex aloosnaa dalalka dariska ah ilaa markii ay xornimada qaateen ilaa uu qarxay dagaalkii sokeeye. Halkaas ayey ka bilowdeen dadaallo siyaasadeed oo xoog leh oo loogu jiray sidii dib loogu habeyn lahaa xuduudahaas lagu muransanaa.

Aragtida Soomaaliweyn: Qaran La Kala Qeybiyey oo Isha ku haya Midnimo

Soomaaliweyn (Pan-Somalism), waxay ku dhisan tahay Soomalida ku dhaqan Geeska Afrika oo hal wadan lahaada, maadama ay yhiin dad wadaaga dhowr arimood sida: Taariikh, af, diin, iyo dhaqanba. Taasoo ka dhigan in Soomaalidu yihiin bulsho isku mid ah oo si aan caddaalad ahayn loo kala qeybiyay. Calanka Soomaaliya wuxuu xambaarsan yahay astaantaas midnimo xiddig shan gees leh oo muujinaysa shanta gobol ee Soomaaliyeed:

  1. Soomaaliyadii Talyaaniga (Italian Somaliland),
  2. Soomaliyadii Ingiriiska (British Somaliland) kuwaasoo midoobay 1960.
  3. Jabuuti (French Somaliland).
  4. Gobolka Soomaali Galbeed (Ogaadeen)) ee Itoobiya.
  5. Waqooyi Bari (NFD) ee Kenya.

Hogaamiyeyaasha Soomaaliyeed waxay si qoto dheer oo hadal furan leh u muujiyeen sheegashadooda midnimada Soomaaliyeed. Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke, tusaale ahaan, wuxuu si cad u iftiimiyay dareenkiisa qaranimo ee xooggan isagoo yiri: “Dadka dariskeennu waa walaalaheen Soomaaliyeed oo si khaldan loogu sameeyay jinsiyado qaranimo oo been abuur ah, kaddib marka la dejiyay xuduudo aan caddaalad ku salaysnayn.” Wuxuu carrabka ku adkeeyay in ay wadaagaan dhul, af, diin, dhaqan iyo hiddo; isagoo is weydiinaya sida dad walaalo ah loogu aqbali karo inay kala noqdaan “ajaaniib.” Hadalkan wuxuu ka tarjumayay aaminsanaanta qotoda dheer ee ahayd in rabitaanka shacabka Soomaaliyeed la ixtiraami waayay, taas oo ahayd dood si weyn ugu dhaceysay halgankii Pan-Africanism-ka ee lagula dirirayay gumaystihii reer Yurub iyo saamayntii ay ka tageen.

Dhaqanka Soomaaliyeed iyo Xuduudaha Reer Galbeedka: Iswaafajin La’aan Aasaasi ah

Soomaalidu waxay ku dhisantahay nidaam beeleed qadiimi ah, kaasoo qabiilka uu yahay saldhigga bulshada. Qaab-dhismeedkan bulsheed wuxuu leeyahay xididdo qoto dheer, iyadoo beelaha kala duwan ay u kala habboonaadeen hab nololeedyo ku saleysan deegaanka ay ku noolyihiin kuwaasoo keentay kala duwanaansho u dhexeeya reer-guuraaga waqooyiga (sida Daarood, Dir, iyo Isaaq) iyo beelaha ku nool koonfurta ee u dhexeeya xoolo-dhaqashada iyo beeralayda (sida Hawiye, Raxanweyn, iyo Daarood). Kala fogaanshaha ab ama asal (genealogy) ayaa ka muhiimsan masaafooyinka dhulka. Dadka Soomaaliyeed intooda badan waa reer guuraa, xuduudana ma aysan aqbali jirin; waxeyna u arkaan xuduudo in lagu kala faa’iideysto ama la iska gudbo. Waxaa la isku dayay in la fahmo isbarbardhigga u dhexeeya:

  1. “Is xukunka qaab beeleed”: oo ah nidaamka xeerka iyo shirarka beelaha.
  2. “Dowlidnimada casriga ah”: oo ah nidaamka dawladnimo ee reer Galbeedku keenay, sida ciidanka, canshuurta iyo maamulka dhulka.

Markii ay reer Galbeedku isku dayeen inay keenaan nidaam dawladeed, wuxuu gacanta u galay kooxo dano qabiil leh oo dano gaar ah u isticmaalaa xukunka.

Halgankii Taariikhiga ahaa: Rajo ilaa Quus

Xilligii Gumeystaha iyo Kaalintii Ingiriiska

1940-meeyadii, Boqortooyadii Midowday (UK) waxay door weyn oo kumeel gaar ah ka ciyaartay kicinta dareenka Soomaalinimo. Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska, Ernest Bevin, wuxuu si weyn u difaacay hindise ah in la dhiso “Maamul Soomaaliyeed oo Weyn” oo hoos yimaada ilaalinta Ingiriiska (British trusteeship). Bevin wuxuu ku sababeeyay arrintan bini’aadannimo ahaan si loo xaqiijiyo in reer guuraaga Soomaaliyeed ay si xor ah ugu gudbi karaan daaqsinka dhaqameed ee xuduudaha ka gudba.

In kasta oo soo jeedintaasi aysan helin taageero caalami ah oo rasmi ah, haddana waxay u dirtay fariin xooggan hoggaamiyeyaashii Soomaaliyeed ee waqtigaas bilowga ahaa, taasoo tusisay in xadka iyo xaaladda siyaasadeed ee gobolka aysan weli degganayn. Tani waxay horseedday in Somali Youth Club (SYC) loo beddelo Somali Youth League (SYL) sannadkii 1946-ka; urur ay saldhig u tahay ujeeddo ah “in la mideeyo dhammaan Soomaalida” iyo in la diido qabyaaladda. SYL waxay si degdeg ah ugu fidday dhulalka Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan dhulka Soomaali Galbeed taasoo aad uga welweshay Itoobiya. Si kastaba, danayntii Ingiriisku waa ay yaraatay, markii ay ka dhaceen mudaharaadyo rabshado watay magaalada Muqdisho sannadkii 1948-kii, taasoo keentay in dowladda Ingiriisku ay si buuxda uga laabato taageeradeedii mashruuca Soomaalinimo. Sidaas darteed, cutubkii muhiimka ahaa ee taageeradii Ingiriiska ee sheegashada Soomaaliya ayaa si rasmi ah u xirmay. Intaas kadibna, Qaramada Midoobay (UN) waxay u xilsaartay Talyaaniga inuu Soomaaliya hoos geeyo nidaam maxmiyadeed (Wisaayad) ilaa 1960.

Qadiyadda Soomaali Galbeed (Ogaadeen)

Gobolka Soomaali Galbeed iyo dhulka Hawd oo muhiim u ah daaqsinka waxay noqdeen xudunta xasaradda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Ogadeniyada cusub waxay ka timid heshiisyo madmadow oo ay gumaysigu la saxeexdeen Itoobiya, kuwaas oo qaarkood daraasaduhu u arkeen inaysan sharci ahayn. Hoggaamiyihii Talyaaniga, Mussolini, wuxuu muddo kooban sameeyay; Soomaaliya Weyn oo aan si rasmi ah loo aqoonsan (gumeysi ahaan), isagoo isku daray dhulka Ogaadeeniya iyo Soomaaliyadii Talyaaniga. Markii Talyaaniga laga adkaaday dagaalkii labaad ee dunida, Ingiriisku si kumeel gaar ah ayuu u maamulay Soomaali Galbeed laakiin ugu dambeyn wuxuu arrintaas aan xal loo helin u dhiibay maamulka Talyaaniga, inkastoo Qaramada Midoobay ay ku baaqday in si rasmi ah loo caddeeyo xuduudaha.

Mugdigaan hareeyay xaaladda sharci ee Soomaali Galbeed wuxuu noqday saldhig muhiim ah oo ay halganka midnimada Soomaaliyeed ku tiirsanaayeen. Dhanka kale, Itoobiya waxay si adag u difaacday sheegashadeeda taariikheed, iyadoo Boqor Haile Selassie uu si cad u sheegay in “dhammaan dadka Soomaaliyeed ay dhaqaale ahaan xiriir la leeyihiin Itoobiya.”

Xornimada Soomaaliya iyo Mowqifkii Ururka Midowga Afrika (OAU)

Markii Soomaaliya xornimada qaadatay 1960-kii, waxay dib u soo ifbaxday riyadii qar bartilmaameed siyaasadeed oo heer qaran ah. Dowladda cusub ee Soomaaliya waxay dadaal xooggan galisay howlo diblomaasiyadeed, gaar ahaan gudaha Ururka Midowga Afrika (OAU) oo la aasaasay sanadkii 1963. Madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya, mudane Aadan Cabdulle Cismaan, wuxuu khudbad taariikhi ah ka jeediyay shirkii OAU ee 1963 isagoo si dareen leh u sharxay xaaladda Soomaaliya, wuxuuna yiri: “Xuduudaha gumeysigu wuxuu kala jaray daaqsin dhaqameedka dadka reer guuraaga ah.” Wuxuu xoojinayay mabda’a is-maamulidda dadka, isagoo ku doodayay in rabitaanka dadka Soomaaliyeed ee ku nool Soomaali Galbeed (Itoobiya), Waqooyi Bari (Kenya) , iyo Jabuuti si joogto ah la iskaga indho tiray.

Haseyeeshee, xeerkii OAU ee sanadkii 1963 wuxuu si rasmi ah u taageeray xuduudaha uu gumeysigu dhigay. Go’aankaasi wuxuu ka dhashay cabsi ballaaran oo ay qabeen madaxda Afrikaanka ah, kuwaas oo rumeysnaa in haddii xuduudaha la baddalo ay noqon doonto tusbax go’ay taasoo keeni karto muranno dhul oo baahsan kana dhaca guud ahaan qaaradda. Sidaas darteed, himiladii Soomaaliweyn waxay ka soo laabatay goobtii diblomaasiyadda iyada oo “gacmo madhan.”

Dagaalkii Ogaadeen (1977–1978) iyo Cawaaqibtii ka-dhalatay

Ujeedkii Soomaaliweyn wuxuu mar kale xoog yeeshay xilligii uu talada la wareegay madaxweyna Maxamed Siyaad Barre sannadkii 1969kii. Ka hor intii uusan Siyaad Barre ku dhaqaaqin dagaal, Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke wuxuu soo bandhigay siyaasado degan oo ku wajahan dariska, taasoo aan si fiican loo taageerin gudaha Soomaaliya, waxaana suurtagal ah in arinkaas sabab u ahayd dilkiisa. Siyaad Barre wuxuu si xeeladeysan u adeegsaday dareenka midnimo Soomaaliyeed si uu u sharciyeeyo xukunkiisa. Markii fowdo siyaasadeed ay ka dhacday Itoobiya, Siyaad Barre wuxuu bilaabay duullaan militari oo ku wajahan Soomaali Galbeed sanadkii 1977kii. Tallaabadan waxay si weyn u taageereen shacabka Soomaaliyeed, iyadoo ay garab socotay riyada muddada dheer ee midnimada. Laakiin dagaalku wuxuu ku dhammaaday guuldarro ba’an oo ay Soomaaliya la kulantay. Itoobiya waxay si degdeg ah u heshay taageero millateri oo ballaaran oo ka timid Midowgii Soofiyeeti, Kuuba, iyo Yemen-ta Koonfureed. Guuldarradaas qalbi-jabka ah waxay sababtay niyad jab guud oo shacabka ku dhacay, iyadoo la arkay dib u soo noqoshada qabyaaladda, kadib markii dadka Soomaaliyeed waxay bilaabeen inay is eedeeyaan oo ay raadiyaan cid ay ceebta saaraan.

Taageeradii Siyaad Barre si degdeg ah ayay hoos ugu dhacday. Wuxuu wajahay mucaaradad xoog leh, gaar ahaan Gobollada Waqooyi, oo ay dowladdu si gaar ah u beegsatay. Afgambigii dhicisoobay ee sanadkii 1978, oo ay horseedeen saraakiil kasoo jeeday beesha Majeerteen, iyo tallaabadoodii ay ugu baxsadeen Itoobiya si ay halganka uga sii wadaan, inkasta oo Itoobiya ahayd cadawgii taariikhiga ahaa ee Soomaaliya, wuxuu ahaa tusaale muujinaayo burburka midnimadii Soomaaliyeed. Markii la gaaray dabayaaqadii 1980-meeyadii, riyadii Soomaaliweyn waxay noqotay mid dhab ahaan god-gashay. Qarankii Soomaaliya qudhiisii wuxuu ku sigtay inuu kala daato, taasoo ugu dambayn keentay inay Somaliland si iskeed ah madax-bannaani ugu dhawaaqdo 1991, iyo Puntland oo sheegatay dhisidda maamul gaar ah sanadkii 1998kii.

Sababaha keenay fashilka riyadii Soomaaliweyn

Fashilka in la hirgeliyo riyada Soomaaliweyn waxaa sababay is biirsiga arrimo gudaha iyo kuwo dibadeed, kuwaasoo dhaafaya sheekada kooban ee ku kooban xuduudihii gumeysiga:

1. Taageero caalami la’aanteed: Soomaaliya waxay si joogto ah u weysay taageero dhab ah oo ka timaada quwado waaweyn. Danihii Ingiriiska waxay ahaayeen mid kooban oo xilliyo gaar ah ku salaysan, kuna dhammaatay markii rajadoodii ka dhanka ahayd Itoobiya ay burburtay. Midowgii Soofiyeeti wuxuu taageeray Soomaaliya waqti kooban, balse markii danihiisa istaraatijiyadeed ee Badda Cas ay isku beddeleen, wuxuu u wareegay Itoobiya. Tani waxay Soomaaliya ku reebtay xaalad go’doon ah, iyadoo aysan jirin cid si joogto ah u garab taagan.

2. Xilli taariikhi ah oo aan fursad badnayn: Xornimada Soomaaliya ee 1960 waxay qaadatay xilli ay Afrika u jeesatay dhinaca xasilloonida, iyadoo loo marayo in la dhowro xuduudaha gumeystuhu dhigay. Aasaaskii Ururka Midowga Afrika (OAU) sanadkii 1963 ayaa muujiyay in madaxda Afrika aysan dooneynin in la furo albaabka wax ka beddelka xuduudaha, maadaama ay ka baqayeen burbur guud oo ka dhasha dalal badan oo bilaaba sheegashooyin dhul.

3. Xiriir xumo dariseed: Dadaallada joogtada ah ee Soomaaliya u gashay sidii ay u hirgelin lahayd aragtida Soomaaliweyn waxay si weyn u dhaawacday xiriirkii ay la lahayd dariska. Wadamada deriska sida Itoobiya iyo Kenya waxay u arkeen Soomaaliya inay tahay halis, taasoo keentay in ay wada galaan heshiisyo difaac sida midkii 1964 (kadibna la cusbooneysiiyey 1980 iyo 1987kii) si ay isaga difaacaan Soomaaliya. Arrintani waxay meesha ka saartay fursad kasta oo heshiis nabadeed lagu gaari karo.

4. Khilaafyada gudaha iyo qabyaalad siyaasadaysan:

  • Kala duwanaansho dhaqan iyo dhaqaale: Waxaa jiray farqi u dhexeeyay gobollada Waqooyi iyo kuwa Koonfureed ee Soomaaliya. Waqooyiga oo ku tiirsanaa xoolo dhaqashada iyo dhaqamo u dhow Carabta, halka koonfurna ay lahayd dhaqan beeraley ah oo ku tiirsanaa dooxooyinka Shabeelle iyo Jubba. Intaa waxaa dheer kala duwanaanta maamul ee gumeysigii hore (Ingiriis vs. Talyaani) oo saameyn ku yeeshay aqoonsiga siyaasadeed iyo horumarka.
  • Qabyaalad ku salaysan Qarannimada: Ururkii SYL oo ahaa astaan mideyneysay ayaa markii dambe loo arkay inuu noqday afhayeen u ah qabiilo gaar ah, gaar ahaan waqooyiga. Taageerada Ingiriiska ee xubnaha SYL ee waqooyiga waxay sii xoojisay dareenkaas. Tani waxay sababtay in qaranimada loo arko hub siyaasadeed oo loogu adeego qabiil, halkii laga rabay inay noqoto dariiq mideynaya shacabka.
  • Niyad jab ku dhacay dadka ku dhaqan Gobollada maqan: Dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka NFD (Kenya) iyo Soomaali Galbeed waxay si tartiib tartiib ah ugu milmeen nidaamka dawladaha ay ku hoos nool yihiin. Colaadaha joogtada ah iyo burburka gudaha Soomaaliya wuxuu dadkaas u muujiyay in waddamada ay ku hoos nool yihiin ay ka nabad iyo horumar badan yihiin. Kenya, tusaale ahaan, waxay horumarisay adeegyada bulshada ee NFD taasoo yareysay rabitaankii midnimo. Dhanka Itoobiya, xiisadda Ogaadeen waxay isu beddeshay mid u badan dano gaar ah oo beeleed, iyadoo laga baxay aragtidii qarannimo.

5. Caqabadaha ku gadaaman Dowlad-dhiska: Qaab-dhismeedka reer guuraaga Soomaaliyeed iyo qabyaalada baahsan ee jirta waxay adkeynayeen in la dhiso dawlad dhexe oo awood leh. Xeerka dhaqanka (xeer) iyo nidaamka shirarka odayaasha ayaa weli ahaa kuwa bulshada xukumayay. Sidaas darteed, isku day kasta oo lagu hirgelinayo dowlad dhexe oo casri ah wuxuu la kulmay caqabado, iyadoo la waayay qaab ay dowladdu si wax ku ool ah ugu dhex milanto hab-nololeedka dhaqameed.

6. Xaqiiqooyinka ka dhashay Dagaalkii Sokeeye: Go’aankii Somaliland ay madax-bannaanida ugu dhawaaqday 1991-kii iyo sheegashada maamul gaar ah ee Puntland 1998 ayaa si toos ah u burburiyay fikraddii midnimo Soomaaliyeed. Qodobadani waxay si cad u muujinayaan in qaran Soomaaliyeed oo la isku raacsan yahay uu aad uga fog yahay xaqiiqda dhabta ah. Dastuurka Federaalka ee Soomaaliya ee 2012 oo loogu talogalay isku soo dhawaansho gudaha ah, wuxuu sidoo kale u muuqdaa mid si weyn uga fogaaday riyadii Soomaaliyaweyn, iyadoo la aqoonsaday maamullo goboleedyo leh awood siyaasadeed oo ballaaran.

Gunaanad

Xuduudaha Soomaaliya waxaa loo adeegsaday khariidadaha, balse weli kuma sugnayn maskaxda iyo nolosha dadka. Deegaannada xuduudaha waxay noqdeen marin u furan dhaqdhaqaaqyo sharci darro ah, tahriib iyo hub.Fikradda Soomaaliweyn waxay ahayd halgankii ugu weynaa ee Afrika kaga soo horjeeday xuduudaha gumeysiga. Laakiin riyadii midnimadu waxay ku burburtay cadaadisyo gudaha ah, qabyaalad, iyo hirgelin la’aanta nidaam dawladeed casri ah oo la jaanqaadi karo dhaqanka Soomaaliyeed.Inkastoo riyadu rumoobi weyday, haddana waxay tusaale u tahay, sida ay dad Afrikaan ah ugu han weynaan karaan midnimo ka baxsan xuduudaha gumeysigu dhigay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *