Jeexayga

Jeexayga

WQ: Haruki Murakami

WT: Aw-Saahil


Arooryo baxsan oo bisha Abriil ah, waxaan laamiyare xaafadda Harajuku ku yaal ku soo hareer maray gabadhii boqolkiba boqol  jeexayga ahayd. 

Ma ahayn naag qurux gaar ah leh. Taasi kama dhigna inay sidoo kale maryo fiican xirnayd. Dhabarka, timaheeda ayaa weli muujinayay sidii ay ugu seexatay; da’adeeduna soddon gu’ ayay ku dhoweyd. Si kastaba, xitaa iyadoo konton mitir iga fog ayaan gartay: Iyadu waa gabadhii boqolkiba boqol la ii qoray. Isla durbadii ay indhahaygu bidhaanteeda qabteen, laabta ayaa i gariirtay; afkayguna wuxuu u engegay sida lamaddegaan oo kale.

Waxaa lagaa yaabaa inay jiraan nooc dumar ah oo dookhaaga ah. Tusaale ahaan, waxaad aaminsan tahay in dumarka kubabka fiiqfiiqan ay fiican yihiin; ama, si kooban, waa dumarka indhahoodu waaweyn yihiin; ama shaki la’aan waa haweenka farahoodu quruxda badan yihiin, ama, waxaad isleedahay weli si dhab ah uma aadan fahmin sababta, balse waxaa si gaar ah iisoo jiita dumarka cuntada marka ay cunayaan ku raaxaysta—iyo wixii la halmaalo.

Dabcan aniguna waxaan leeyahay dookh kaas la mid ah. Marar badan anigoo maqaayad jooga ayaan cuntadii hilmaamay markaan indhaha ku dhuftay qaabsamaysanka sanka haweeney miiska igu xiga fadhisay.

Laakiin ninna si buuxda uma tilmaami karo gabadha boqolkiba boqol ku habboon [ama jeexiisa ah].

Hubaal ma xusuusan karo qaabka sankeedu u muuqday–xitaa ma hubo inay san lahayd iyo in kale, waxaan kaliya ogahay inaysan qurux gaar ah lahayn. Layaab badanaa!

Qof ayaan ku iri: “Shalay waxaan waddada kusoo waydaartay gabadhii boqolkiba boqol jeexayga ahayd.”

“Eeeen,” ayuu ku jawaabay, “Miyay bilic lahayd?”

“Maya, sidaas ma aha.”

“Oo, ma waxay ahayd dookhaaga?”

“Taas ma xusuusto. Qaabka indhaheedu u samaysnaayeen ama in ay horaaddo waaweyn ama yaryar lahayd, haba yaraatee, wax intaas ku saabsan maanka kuma hayo.”

“Taasi waa cajiib, miyaysan ahayn?”

“Aad weliba”

“Haddaba” ayuu si diiqadaysan u yiri: “Wax isku day ah ma samaysay? Ma la hadashay? Ma raacday?”

“Waxba ma samayn.” Ayaan iri “Kaliya waan soo dacal maray.”

Waxay kasoo socotay bari, galbeed ayayna usii jeedday aniguna galbeed ayaan ka imid bari ayaana ku jeeday. Waxay ahayd maalin farxadeed iyo bisha Abriil. Wacnaan lahaydaa inaan la haasaawo, soddon daqiiqo ayaa nagu filnaan lahayd! Nolosheeda ayay iiga warrami lahayd; aniguna tayda ayaan uga warrami lahaa. Intaas oo dhan ka sokow, waxaan uga sheekayn lahaa xaqiiqada ku saabsan nasiibka noo horseeday inaan arooryo baxsan oo Abriil ah, sannadkuna 1981 yahay laamiyare xaafadda Harajuku ku yaal isaga soo hor baxnno. Shaki la’aan xoogaa sir dabacsan ayaa taas ku duugan, mid la mid ah tan ku duugan arwaaxda waxyaabaha hore ee qadiimiga ah.

Wadasheekaysigaas kaddib meel ayaan ka wada qadayn lahayn, filin isla soo wada daawan lahayn, huteellada nasiinada isla aadi lahayn si aan cibtaanno kala duwanna u cabnno ama wax la mid ah. Haddii wax walba isku dabadhacaan, taas dabadeed waxaa xitaa suuraggal noqon lahayd inaan habeenkaas iyada iyo anigu wada seexanno.

Fursad ayaa soo gargaraacaysa albaabka qalbigayga. Masaafada iyada iyo aniga noo dhexaysay ayaa durba ku soo siqaysa toban iyo shan mitir oo kaliya. Hadda, duull Allow sidee ayaan ula hadlaa?

Ma waxaan dhahaa: ”Fadlan marwo macquul ma tahay inaan soddon daqiiqo wada sheekaysanno?”

Taasi waa barkumataal. Waxay u egtahay qof caymis iibgeynaya.

Mase : Iga raalli noqo, aaggan ma ku yaallaa doobilaha dharka ee 24-ta saac furan?” Taasi iyana waa wax lagu qoslo. Ugu horrayn ma sito dambiisha dhar dhaqista, miyaan sitaa? Waxaa laga yaabaa inay fiican tahay inaan u deexdo.

“Subax wanaagsan. Runtii adigu waxaad tahay gabadhii boqolkiba boqol jeexayga ahayd.”

Waxay u badan tahay in aanay qiraalkaas rumaysan. Waxaa intaas dheer, xitaa haddii ay rumaysato, waxa dhici karto inaysan rabin inay ila sii hadasho. “Waan ka xumahay xitaa haddii aan anigu ahay gabadhii boqolkiba boqol jeexaaga ahayd, adigu wiilkii boqolkiba boqol jeexayga ahaa ma tihid” inay tiraa ayaa laga yaabaa. Haddii ay sidaas wax u dhacaanna, madmadow kuma jiro in madaxu i weynaan lahaa. Hadda waxaan jiraa soddon sano, markaad da’adaas soo gaarto, taasi waa waxay ka dhigan tahay in lasii gaboobayo.

Dukaan ubaxeed hortiis ayaan kusoo dhaafay. Layr khafiif ah oo diirran ayaa jirkayga salaaxaysay.  Seedka laamiga ee dadku ku socdaan wuu qoyanaa; urta ubaxa ayaa hawada ku faafsaneed. Naftaydu way ku dhici waysay inay juuq u tiraa. Waxay xirneed funaanadda dhaxancelinta oo madow ah, waxay gacanta midig ku wadday bashqad aan weli la tiimbarayn. Qof bay waraaq u qortay. Maadaama ay indho aad u hurdaysan leedahay, waxaa dhici karta inay habeenki oo dhan warqaddaas qoraysay. Waxaa laga yaabaa in bashqaddaasi dhammaan siraheeda xambaarsan tahay.

Kaddib dhawr tallaabo ayaan horay usii socday, markaan jeedaaliyayna bidhaanteedu goor hore ayay hirarka dadka ah ku dhex miriqday.

Dabcan, hadda si fiican ayaan u garanayaa sida ay ahayd inaan ula hadlo. Laakiin, si kastaba ha ahaatee, waa qiraal dheer oo aan ogahay in aanan awoodi lahayn inaan si wanaagsan u dhaho. Waxaan had iyo jeer ka fekeraa waxyaalo arrinkan la mid ah kuwaas oo aan suuraggal ahayn.

Alaa ya xaal, qiraalkaasi wuxuu ka billaabanayaa, “Maalin maalmaha ka mid ah.” Wuxuuna ku dhammaanayaa “Sow ma aha sheeko murugo leh?”

Maalin maalmaha ka mid ah, wiil iyo gabar yar ayaa goob cayiman wada joogay. Wiilka yari wuxuu ahaa siddeed iyo toban jir; gabadhuna lix iyo toban jir. Wiilku qurux gooni ah ma lahayn; gabadhuna sidoo kale qurux lagu majeerto ma lahayn. Waxay ahaayeen iyo wiil yar iyo gabar yar oo iska caadi ah si la mid ah sida dadka keli nool ee meel walba joogo.

Laakiin waxay si adag oo shaki la’aan ah u aaminsanaayeen, in meel adduunyadan ka mid ah uu ku nool yahay mataankoodii boqolkiba boqol jeexooda ahaa.

Maalin ayay dhacday in labadoodu si lama filaan waddada dhinaceeda ugu kulmaan. “Alla yaab! Waxaan ku raaraadinayay muddo dheer. Waxaa dhici karta inaadan arrinkan rumaysan, laakiin waxaad tahay gabadhii boqolkiba boqol la iigu talaggalay.” Ayuu wiilkii gabadhii ku yiri.

Gabadhii yarayd iyaduna waxay wiilkii yaraa ku tiri: “Adiga laftaadu waxaad tahay wiilkii boqolkiba boqol jeexayga ahaa. Doc kastoo la eegaba waxaad tahay qofkii aan ku sawiran jiray. Tani run ahaantii waaba ila riyo!”

Lammaanihii waxay wada fadhiisteen kuraasta beerta, sheeko aanay weligood ka daalayn ayayna isu jalbeebiyeen. Labaduba kalinimadii way ka xuubsiibteen. Saw wax qurux badan ma ah inaad hesho lammaane boqolkiba boqol jeexaaga ah adigana sidoo kale laguu arko?!

Si kastaba ha ahaatee, shaki yar—runtii aad u yar—ayaa si tartiib tartiib ah qalbiyadooda ugu soo biday; Ma wax dhici karaa  in riyadu u rumoobi karto si sahlan oo sidan u fudud?”

Markii wada sheekaysigii si kedis ah u hakaday, wiilkii yaraa ayaa sidan u warramay: Hagaag, Mar kale ma isku daynaa? Haddii aan dhab ahaan nahay jacayllo boqolkiba boqol la isugu talaggalay, hubaal, shaki la’aan, waxaan maalin ku kulmi karnaa meel uun. Markaan labaad ee aan kulanana haddii aan nahay kuwo boqolkiba boqol la isu qoray aan markiiba guri galno. Haye dheh?”

“Haye,” ayay gabadhii yarayd ugu jiibisay.

Markaasey labadoodii kala dhaqaaqeen.

Si kastaba ha noqotee, haddii runta la sheego muhiim ma ahayn inay mar kale isku day sameeyaan. Sabtuna waxay tahay inay ahaayeen jacayllo boqolkiba boqol la isugu talaggalay. Hadda waxaa dhacday sidii nolosha lagu yaqiin in nasiibku labadoodii ku kala tuuray hirar kala dheer.

Goor jiilaal qabow ah labadii waxaa ku dhacay hargab xun kaasoo sannadkaas magaalada ku jiray. Kaddib markay isbuucyo badan dillinka nolosha iyo dhimashada kala qaybiya kala dhex joogeen waxay ku dambeeyeen inay xusuusahoodii si buuxda u lumiyaan. Markay miyirsadeen maskaxdoodu waxay ahayd sidii sanduuq kayd ah oo maran sida kii D. H. Lawrence carruurnimadiisii lahaa.

Laakiin, maaddaama ay labadoodu garaad iyo samir lahaayeen, wiilkii yaraa iyo gabadhii yarayd dadaal ayay dadaal ku dareen, waxayna mar kale nafahoodii ku beereen aqoon iyo dareen cusub, waxayna awoodeen in inay bulshada si qurux badan ugusoo dhex laabtaan. Xaqiiqdii, waxay xitaa awood u yeesheen inay sameeyaan waxyaabo badan sida beddelashada khadadka tareenka ee dhulka hoostiisa mara ama diridda warqadaha degdegga ah ee xafiiska boostada laga diro. Waxaa kale oo ay awoodeen inay dib u helaan boqolkiba 85 ama boqolkiba 75 awooddoodii u suurragelinaysay in jacayl ku dhaco.

Sidaas ayuu wiilkii yaraa ku noqday soddon iyo labo jir, gabadhii yaraydna soddon.

Haddaba, arooryo baxsan oo bisha Abriil ah, si uu quraac qaxwe leh u helo ayuu ninkii galbeed ka yimid isagoo bari usii jeeda kuna socda laamiyare xaafadda Harajuku ku yaal,  naagtiina si ay usoo iibsato tiimbaraha boostada ee degdegga ah ayay isla laamiyaraha bari uga soo socotay oo galbeed kusii wahajneed. Waddada dhexbartankeeda ayay lammaanihii isku waydaarteen. Iftiin khafiif ah oo jilicsan oo xusuusahoodii hore ka mid ah ayaa mar qura wadnayaashooda ka ifay.

—Iyadu waa gabadhii boqolkiba boqol jeexayga ahayd.

—Isagu waa ninkii boqolkiba boqol jeexayga ahaa.

Si kastaba ha ahaatee, iftiinka xusuusahooda ayaa daciif ahaa, ereyaduna afkooda ugama soo bixin sidii ay afar iyo toban gu’ ka  hor uga soo baxeen. Lammaanihii iyagoo aan hadal isdhaafsan ayay is waydaarteen, waxayna sidaas ugu libdheen hirarkii dadka ahaa.

Miyaysan taasi ahayn sheeko murugo leh?

Taasi waa waxa aan isku dayi lahaa inaan u sheego.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *