Waxa qoray:Faysal Qaasim, wariyaha caanka ah ee Aljazeera
Waxaa tarjumay: Ismaaciil Iimaan
Email: info@raad-reeb.com
Markii ay bilaabeen inay ka fikiraan furitaanka qaar ka mid ah baraha bulshada caalamka, waxay taasi ku sababeeyeen in guud ahaan dunida, gaar ahaan galbeedka uu xiriirka dadka ka dhexeeyo si weyn u xumaaday, isla markaana is-dhexgalka dadka uu sidii hore ahayn. Sidaas darteed, baraha bulshada ayaa loo arkay inay buuxin karaan booskaas bannaan ee halista ah, isla markaana ay dib u soo celinayaan xiriirka kala go’ay ee dadka ka dhexeeyay. Taasi awgeed, waxay ugu magac dareen “Baraha Bulshada-Social Media” si ay u noqdaan shabakado dijitaal ah oo lagu buuxinayo baahida weyn ee loo qabo is-dhexgalka bulshada. Laakiin run ahaantii taasi xaqiiqo ma tahay?
Baraha bulshada ma waxay u yimaadeen in ay xoojiyaan is-dhexgalka aadanaha, mise waxaa loo sameeyay ujeeddooyin kale oo siyaasadeed, dhaqan iyo dhaqaale leh oo sheydaani ah? Anigu waxaan aaminsannahay in jawaabta su’aashan laga heli karo mid ka mid ah doodihii lagu qabtay shirkii amniga ee Muniq (Munich) ee ugu dambeeyay kaas oo ka dhacay dalka Jarmalka, halkaas oo ka qaybgalayaashu ay si qoto dheer uga wada hadleen doorka ay baraha bulshada ku leeyihiin kicinta iyo hurinta colaadaha.
Waxa arrintaas ka sii yaab badan ayaa ah in dadkii ka hadlayay khatarta weyn ee baraha bulshada ay ahaayeen saraakiisha ugu sarreysa ee amniga dalalka reer galbeedka iyo guud ahaan dunida. Si kale haddii loo dhigo, kaalinta halista badan ee ay baraha bulshada hadda ciyaarayaan ayaa si isa soo taraysa u caddaanaya, ilaa uu gaaray heer uu khatar weyn ku noqdo aadanaha. Barahaani waxay kaalin weyn ka qaataan kicin colaado, abuurid fawdo bulsho iyo mid siyaasadeed. Arrinta ugu halista badan ayaa ah in kuwa sameeya barnaamijyada khawaarismiyaadka (Algorithms), ay si sahlan ugu leexin karaan ra’yiga dadweynaha jihada ay doonaan, taasoo inta badan la jaanqaadaysa danaha iyo ujeeddooyinka sheydaani ah ee kooxaha awoodda doonaya ee dunida ka taliya.
Sidoo kale waa in aanan hilmaamin in qaar ka mid ah dowladaha waaweyn, gaar ahaan kuwa reer galbeedka, ay bilaabeen inay si dhow ula socdaan Khawaarismiyaadka (Algorithms) ee baraha bulshada xilliyada doorashooyinka. Mareykanka laftiisa wuxuu dhowr sano ka hor ku eedeeyay Ruushka inuu faragelin ku sameeyay natiijooyinkii doorashooyinka Mareykanka isaga oo adeegsanaya baraha bulshada. Waxa xusid mudan in madaxweynaha Mareykanka ee hadda xilka haya uu si weyn uga faa’iideystay Khawaarismiyaadka iyo baraha bulshada uu leeyahay saaxiibkiis Elon Musk, si uu ugu guuleysto doorashada.
Si kale haddii loo dhigo, xitaa waddamada horumaray ee leh dimuqraadiyad adag oo soo jireen ah, ma aha kuwo si weyn uga fiican xaalada aan ku sugan nahay. Xeerarkii ciyaarta gabi ahaanba waa ay is beddeleen. Sida uu sheegay qoraaga reer Lubnaan ee Iyaad Abuu Shakra:“Annaga keligeen ma nihin kuwa maalin kasta la kulma weerarro ka imanaya ‘Cayayaanka Elektarooniga’ kuwaasoo qalloociya xaqiiqada, beddela macnaha arrimaha, dabna ku sii shuba nacaybka, takoorka iyo cunsuriyadda, isla markaana burburiya wada noolaanshihii bulshada, iyaga oo adeegsanaya akoonno been ah, afhayeenno qarsoon, iyo qalabyo sirdoon oo halis ah.”
Waddamada sida Mareykanka, UK, Holland iyo Jarmalka, iyo kuwo kale oo badan, waxaa si cad loo xaqiijiyay tobankii sano ee la soo dhaafay in baraha bulshada ay door weyn ka ciyaareen faafinta beenta, khiyaaliga, kicinta nacaybka iyo dilka sumcadda dadka — waa arrimo si toos ah u taageeray koritaanka xisbiyada xagjirka iyo kuwa cunsuriga ah. Halkaas marka laga eego, in badan oo ka mid ah dalalkeena Carbeed, “baraha bulshada” ee aan la hayn sharciyo xakameeya, waxay noqdeen aalado loo adeegsado; fidno abuur iyo dagaallo sokeeye.
Si kooban haddaan u dhigno, khawaarismiyaadka ayaa maanta isu beddelay hub halis ah oo lagu hago maskaxda ummadaha laguna borogaraamiyo. Mareegahaani marna ma noqon meel is-dhexgalka iyo xiriirka bulshada lagu xoojinayo sida ay sheegtaan, balse waxay noqdeen aalado kala fogeyn, kala firdhin, kacsanaan siyaasadeed iyo mid bulsho oo aad u khatar badan abuuraya. Arrinta Suuriya ayaa tusaale cad inoogu filan.
Ma laga yaabaa in ololayaasha naceybka, kicinta, dacaayadaha, fitnada, iyo dhagarta abaabulan ee si xawli ah ugu faafaya baraha bulshada ee ay la kulmeyso Suuriya iyo shacabkeeda, kuwaasoo baraha bulshada ugu faafaya sida dab qabsaday caws qalalan, cidna aan loo ciqaabeyn, balse barahani laftooda si toos ah uga qayb qaadanaya faafinta iyo fidinta ololayaashaasi, iyaga oo ka dhigaya kuwo si baahsan u gaara dad badan oo kala duwan, Ma yihiin wax iska dhacaya oo ah muranno yar-yar oo dhex mara dadka reer Suuriya, mise waa ololeyaal si xeel dheer loo diyaariyay, loo qorsheeyay, loona maamulo iyadoo si toos ah indhaha uga hayaan (algorithms), xitaa ay iyagu garab iyo taageero siinayaan?
Miyaynan xasuusan in BBC-da British-ka ahi ay hore u fashilisay qorshe naxdin leh oo loogu talagalay in lagu kiciyo fowdo, lagu faafiyo fitno, laguna dhaawaco xasilloonida iyo midnimada gudaha ee dalka Suuriya?
Warbixin baaritaan oo ay sameysay telefishinka BBC-da British-ka ayaa daaha ka rogtay in ay jiraan shabakad ballaaran oo akoonno dibadda laga maamulo kuwaasoo si firfircoon uga hawlgala baraha bulshada kala duwan. Akoonadan ayaa si toos ah uga shaqeeya hurinta nacaybka ku saleysan qabiilka iyo mad-habta, faafinta hadallada naceybka, iyo sidoo kale fidinta warar marin habaabin ah oo ku saabsan xaaladda dhabta ah ee ka jirta Suuriya.
Baaritaanku wuxuu sidoo kale muujiyay in shabakadahaas si nidaamsan oo qorsheysan loo maamulo, iyaga oo qayb ka ah ololeyaal elektaroonik ah oo si gaar ah loogu beegsaday dowladda Suuriya iyo qaar ka mid ah kooxaha laga tirada badan yahay, iyada oo ay socdaan isbeddello siyaasadeed oo muhiim ah oo dalka ka jira.
Kooxda xaqiiqo-raadiyayasha ee BBC-da ayaa ku guuleystay inay la socdaan dhaqdhaqaaqa akoonnadan iyaga oo baaray in ka badan laba milyan oo qoraal oo la xiriira dhacdooyinka Suuriya tan iyo markii uu dhacay nidaamkii Bashaar Al-Asad. Qoraalladaas waxa ay la xiriireen ololeyaal marin habaabin ah iyo hadallo naceyb ah oo baahsan oo ay wadeen mucaaradka maamulka cusub ee Suuriya. Nasiibdarro waxa ay si sahal ah u dhagri kartaa malaayiin dad ah oo aan wax badan fahamsaneyn.
Ha u malaynina in mareegaha furan ee aad malaayiin jeer booqataan ay yihiin kuwo loogu talagalay isbarasho, ama in qof walba uu si xor ah ugu faafin karo wax kasta oo uu doono hawada elektarooniga ah ee furan. Maya waligeed sidaa ma noqon! Runta qaraar waxay tahay in mareegahani si shaydaani ah loo hago loona xakameeyo, iyada oo dunida dhan si dhow loo kormeero eray kasta oo dadka ku qoraan akoonnadooda. Waxaa jira waxyaabo badan oo la mamnuucay iyo xitaa erayo badan oo aan la oggolayn in lagu xuso qoraal kasta. Taa waxa sii dheer in ciqaabo adag la isu marsiiyo kaliya ka hadalka mowduucyo gaar ah. Waxay ilaaliyaan eray kasta iyo sawir kasta oo aad soo dhigto akoonkaaga, marar badanna waa naloo ciqaabay eray gaar ah ama xitaa hal kalmad oo aysan algorithms-koodu jeclaysan.
Mareegaha bulshada marar badan waxay la mid yihiin hay’adaha sirdoonka ee waddamada kali-taliska ah, qof walbana waxa uu leeyahay fayl gaar ah oo ay ku qoran yihiin dhammaan eedeymaha loo haysto. Eedahaasna ma baaba’aan xitaa haddii ay sannado badan ka soo wareegaan, waana lagu ciqaabi karaa mar kasta, gaar ahaan haddii uu qofku safar dibadda ah galay kadibna ku soo laabtay dalkii. Sirdoonka Suuriya waxay marar badan xireen dad sanado badan ka maqnaa Suuriya, balse markii ay yimaadeen garoonka diyaaradaha, waxaa si toos ah loogu qaaday xarumaha amniga, kadibna waa la waayay, iyaga oo loo ciqaabayo fal, hadal ama war ay ka sheegeen dibadda sanado ka hor.
Sidoo kale, mareegaha bulshada ma illoobaan wax aad ku qortay. Mararka qaarkood waxaa laguu soo dirayaa ciqaab ku saabsan qoraal aad daabacday in ka badan toban sano ka hor, ama waxaa laguula yimaadaa digniin sheegaysa in sawir aad hore u dhigtay sanado kahor uusan habboonayn, lana rabo in la tirtiro, sidaa darteedna laguu ciqaabayo.
Waa sidaas, annaga iyo ummadaha kale ee la midka ah waxaan si weyn ugu baahannahay koorsooyin dhammaystiran oo naga caawiya fahamka dunidan warbaahineed ee shaydaaniga ah, si aynaan ugu dambayn u noqon qalab iyo shidaal ay ku shaqeeyaan mishiinnadeeda. Ilaahay ha naga badbaadiyo xilligan khawaarismiyaadkan shaydaaniga ah, kuwaasoo u muuqda inay kaliya hordhac u yihiin hordhac musiibooyinka weyn ee ka imaan kara caqliga macmalka ah ee soo socda.
- Fahamka Aydooloojiyada PancasilaW/Q: Siciid Maxamed Axmed (Carafaat) Hordhac Annigoo akhrinaya buugga uu qoray Xuseen Sheekh Cali ee Aragtida Dawladnimada (The Idea Of The State), gaar…
- Daqiiqadihii MugdigaWaxaa qoray: Maxamed-Looto Saaxiibbayaal, i dhagaysta, kollay waa laga yaabaa in qaarkiin dareenkayga fahmo, waayo qaar badan oo aadane nool ah baa idinku…
- Maalinta Deegaanka DunidaW/Q: Kassim Hussein. Hordhac. Wixii ka horreeyay labadii qarni ee ugu danbaysay deegaanku waxa uu ahaa goob xasilloon, oo daggan, oo nooluhu xorriyad…
- Talooyin wax-ku-ool ah oo ku saabsan barashada QuraankaWaxaa qoray: Cabdiwali Ciid Maqaalkani waa soo koobidda muxaadaro uu jeediyay Sh Xuseen Cabdirasaaq oo xambarsaan talooyin waxgal ah oo quseeya barashada Quraanka…
- Ninka Cad Ma Dhintaa?: Xamaas na Ma Israa’iil Bay U Shaqaysaa?Waxaa qoray: Cabdullaahi Raage (Sayyidka) Waxa aan akhriyay qoraal kooban oo ka warramay sida Qasa loo dumiyay, dadkeeda loo qixiyay, ee Israa’iil u…
- Falsafadda Garashada ee Plato: Tusaalaha Godka iyo Xuduudaha Aqoonta AadanahaTusaalaha Godka ee Plato ” Allegory of the Cave “ Waxaa qoray: Abdullahi Mohamed Duale Qoraallada Plato waa kuwo leh aragtiyo falsafadeed oo…
- Isbeddelka Dhaqaalaha Itoobiya: Loollanka Nidaamka Dawladdu Hagto iyo Furfuritaanka Suuqyada Xorta ahWaxaa qoray: Cabdicasiis Cali Maxamuud Nidaamkii Dhaqaale ee Dawladdu Hagaysay (The Developmental State) Nidaamka “Dawladdu Hagto Dhaqaalaha” (Developmental State) waa hannaan maamul oo…
- Diego Garcia: Jasiiradda uu Maraykanka uga duullo Bariga DhexeW/Q: Miirfit Cowf W/T: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdullaahi “Okiyaale” Bishii Febraayo 2026, doon yar oo alwaax ah ayaa ku soo xiratay xeebta jasiiradda Île…
- Xidhiidhka Sharciga Caalamiga ah iyo Kan Maxalliga ah: Falanqayn Ku Saabsan Hannaanka Labanimada (Dualism) ee SoomaaliyaWaxaa Qoray: Siciid Maxamed Axmed Hordhac Doodda ku saabsan xidhiidhka ka dhexeeya sharciga caalamiga ah iyo sharciga maxaliga ahi waxay xudun u tahay…
- Taariikhda Dastuur sameynta Soomaaliya: bidhaamin iyo falanqeynW.Q: Cabdinasir Cabdullahi Yuusuf Hordhac Dastuurku waa tiirka ugu muhiimsan nidaamka dowladnimada, waana tiirka koowad ee Dowladnimo lagu dhiso; maadaama uu qeexayo qaab-dhismeedka…
