Magac-Qoys (Surname)

Magac-Qoys (Surname)
Waxaa qoray: Ismaacil Iidle

Magac gaar, sidiisaba, waa astaan lagu aqoonsado qof, dal, iwm, oo looga sooco dadka iyo dalalka kale, sida magacyada gaar ah ee juquraafiyeed: Muqdisho, Hargeysa, Kenya, London, iwm. Sidaas oo ay tahay, waa ay dhici kartaa in tiro kooban oo magacyo gaar ah isku mid noqdaan ama isu dhawaadaan, laakiin magacyada Soomaaliyeed ee gaarka ah, intooda badani, aad ayay isugu eyg yihiin gudaha dalka. Tusaale ahaan, haddii aad cid weydiiso, “Yaa yaqaan Maxamed Cabdullahi?” Waxaa markiiba lagu weydiinaa “Maxamed Cabdullahigee?” oo la rabo in aad sheegto, si loo garto naaneystiisa ama cidda uu ka dhashay.

Adduunka waxaa ka jira qaab dhigaalo lagu garto cid walba iyo dal waliba, kuwaasi oo loo yaqaanno “Surname” ama “اسم العائلة.”

Cilladda magac qoys la’aanta waxaa dareemi karo, Soomaalida u hayaantay qurbaha, maadaama ay la falgaleen bulsho ka duwan. Haddaba, baahi maloo qabaa in la sameeyo magac qoyseed?

Waxay Soomaalidu tiraahdaa: “Nin aan naaneys laheen waa ri’ aan geeso laheen.” Haddaba, naaneysyada faraha badan ee ay Soomaalida leedahay, kuwaas oo qaarkood kakan yihiin, soo astaan uma ahan baahida loo qabo magaca qoyska? Naaneysyada Soomaalida waxay tilmaaman badanaa astaan jireed ama dabeecad uu qofka leeyahay, sida: Iley, Gacamey, Afqallooc, Madaxay, Laangare, Jinnoole, Shiino, iwm.

Intaasi oo jirta haddana suurtagal ma tahay in la sameeyo magac-qoys? Maadaama dhaqanka Soomaaliyeed uu leeyahay abtirsiimo qabaa’il ama magacyo reereed iyo naaneysyo aan qaarkood xumayn, maxaa inoo diiday in aan sameysanno “magac-qoyseed”?

Haddaba, si arrintaani u suurtagasho, wuxuu talo ahaan usoo jeediyay Barfsoor Cabdalla Cumar Mansuur:

  1. In magaca qoyska loo adeegsado magac reer ama magac ab [oo aan adeegsigiisa badnayn], sida dadka qaar ay caan ku noqdeen magac aabbaha ama awoowga oo ah magac aan aad loola bixin, sida: Maxmed Siyaad Barre (Siyaad), Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal (Cigaal), Cabdalla Cumar Mansuur (Mansuur).
  2. Si ubad iyo aabbihiis loogu maleeynin walaalo, waxaa habboon in la qaato seddex magac: qofka magaciisa + aabbihiis + magac qoyska.
  3. In aan la qorin magac sharafeedyada sida: Macallin, Sheekh, Xaaji, iwm.
  4. In magacyada lammanan sida: Maxamed-Deeq, Caasho-Kiin, iwm, in magaca rasmiga ah un la qaato markii dukumentiyada lagu qoraayo ama loo dhaxeysiiyo xarrijin, si aan loo qaldin magaca labaad ee aabbaha, sida: Maxamed-Nuur, Cali-Nuur, Sayyid-Cumar, iwm.

Waxaa jiro rag Soomaaliyeed oo caan ku ah naaneysyadooda oo si fudud loo aqoonsan karo taas oo waafaqsan afarta qaab ee loo sameeyo magac-qoyseedka ee uu soo jeediyay Barfsoor Cabdalla.

  1. Magaca isirka oo aan kusii kala qaadeyno laba qeybood:
    A. Magac abka sida: Yaasiin Cismaan Keennadiid (Yaasiin Cismaan Yuusuf Keennadiid)
    B. Magaca reerka: (Sh) Cabdullahi Yuusuf Qudubi [magac beeleed], (Sh) Cabdiraxman Cumar Celi (magac beeleed), (Sh) Xasan Barsane (magac beeleed), iwm.
  2. Magac deegaanka: Maxamed Cusmaan Jawaari (magaalo), Faarax Maxamed Gololey (magaalo).
  3. Magac sifada qofka: Aadan Cabdulle (Cadde), Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi – hadal badne).
  4. Magaca xirfadda: Cabdiraxmaan Nuur Garaash, Xasan Biyoole, Rootile, Barafle, Cabdi Fuundi, iwm.

Faa’iidada magac qoyseedka

  • Waxaa meesha ka baxaya ama yaraanaya magacyada isu ekaa.
  • Magacyadii afarnaa, iyo magacyadii hooyada.

Waxaa caadi noqoneyso adeegsiga magacyada isirka ama qabiilka, oo ay tahay inaan isku aqoonsanno sida uu Alle Qur’aanka ku sheegay “وجعلناكم شعوبا وقبائل لتعارفوا”

Haddaba, aqriste, maleedahay magac-qoyseed ku saleysan afarta arrin ee aan soo xusnay oo kala ah:

  1. Mid deegaan (Prof. Jawaari)
  2. Mid qabiil (Sheekh Cabdiraxmaan Celi)
  3. Mid sifo qofeed (Aadan Cadde)
  4. Iyo midda udambeysa ee xirfad (Cali Askari).

Tixraac: Habdhigaalka af-Soomaaliga guud ee Cabdalla Cumar Mansuur


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *