Dr. Cumar Raabe: Geeridii Halyaygii Dadkiisu Mooganaa

Dr. Cumar Raabe: Geeridii Halyaygii Dadkiisu Mooganaa

W/Q: Bashiir Sheekh Cumar Good

Turjumay: Samatar Abshir Mahamed

Xidhiidh: Samedeeq@yahoo.com

“Qofkii si dhab ah waddankiisa u jeceli, wuxuuu ka tagaa udugga magac wanaagsan oo jira boqolaal da’ood.”

–PEKIN GAZETTE, NOV. 13, 1814.

“Waligay dagaal kuma qaadin dadka Soomaalida, ha ahaado mid siyaasadeed, mid diimeed, mid qabiil, ama mid kale… Taasi lidkeeda, waxa aan mar walba raadinayay danta guud ee dadka Soomaalida; Waxa aan ku baaqayay ilaalinta danta dadka Soomaalida, dhulkooda iyo baddooda… Weligay uma shaqaynin dan gaar ah, magac ama lacag…laakiin mararka qaar waxa aan u huray arrimahayga gaarka ah danta guud awgeed. Hooy Soomaaliyeey, waligay been idiinma sheegin, laakiin taasi badalkeeda waxa aan mar walba isku dayayey inaan idiinka digo khataraha ku soo fool leh qaranimada ummadda Soomaalida.”

Marka aad eegtid ereyadaas sagootinta ah, Dr. Cumar Raabe waxa uu ka tagay adduunyadeenna isagoo si adag u aaminsan Soomaali Weyn, ahaana ma daale aan ololaha joojinayn ilaa uu gaadho yoolkiisa waddaniyadeed. Raabe waxa uu kaga tilmaanaa aqoonyahanka kale ee Soomaalida inuu ahaa qofka kaliya ee aan waligii oggolaan in ay dhimato riyadaasi iyo Ka kaliya ee aan waligii oggolaan inuu ku dhaco mugdiga boholaha qabyaalada. Waxa uu noolaa oo uu dhintay isaga oo Soomaali qab leh ah oo si weyn u aaminsan in ay iman doonto maalin isirka Soomaali ee ku dhaqan Geeska Afrika ay ku midoobi doonaan hal dawlad iyo hal calan; hal qaran oo beesha caalamka ku dhex leh kaalin lagu ixtiraamo.

Marka laga soo qaado maalintii uu bilaabay halgankiisii ​​madax-bannaanida Jabuuti ilaa uu ka geeriyooday 17kii Abriil 2013, Raabe waxa uu si joogto ah u raadinayay midnimada iyo sharafta dadka Soomaalida. Waxa uu arrinkaas u soo mutaystay dhibaatooyin aan laga sheekayn karin. Waxa uu maamulkii gumaystaha Faransiiska ee Jabuuti haystay ku xukumay dil. Mar kale waxa xidhay oo xabsi u taxaabay dhawr jeer maamulada Jabuuti iyo Soomaalida, laakiin ma ahayn nin lagu cabsi galiyo xabsi ama dhimasho. Waxa uu u dagaallamayay qadiyad uu u arkayay in ay tahay hadafka ugu weyn ee noloshiisa, waxana uu diyaar u ahaa in uu u dagaallamo ilaa iyo geerida.

Raabe waxa la barbar dhigi karaa, geesiyaasha Afrika ee loo aqoonsan yahay inay ahaayeen halyeyada gobanimodoonka sida Nakruma (Nkrumah), Lumumba, Jomo Kenyatta, Ben Bella iyo Mandela, haddiiba aanu isagu ka adkeysi iyo awoodba badneyn.

Waxa kaliya ee ay ku kala duwanyihiin ayaa ah in geesiyaashan Afrika ay yimaadeen xili taariikhi ah oo ah xili ay ummadahoodu u diyaarsanaayeen in ay hal hogaamiya ah ugu dabafaylaan danta guud iyo in ay ka xoreeyaan waddamadooda gumaystaha shisheeye. balse, Raabe waxa uu soo baxay xili ay laba qaybood oo ka mid ah ummada Soomaalida ahi ay iska tuureen heeryadii gumaysiga, dadkiisuna ay horey u arkeen riyadoodii dawladnimo uu furfuray cudurka soo jireenka ah ee qabyaalada.

Waxa uu noolaa xilliyo murugo leh oo uu arkay in riyadiisii uu hiigsanayey oo ay hiigayaan qabyaalad, dagaal sokeeye, iyo dadka Soomaalida ah oo ku dhibaataysan gacmaha siyaasiyiin aan karti lahayn, musuqmaasuqaystayaal danaystayaal ah oo aan waxba u arkayn in ay xaraashaan dhulka si ay uga taanjiraan. Laakiin si kasta oo ay tahay, waligii ma uu quusan, waxa uuna sii joogteeyay isku dayga ah inuu soo nooleeyo qaran siriray; qaran ku mashquulsan inuu isku baabi’iyo gacmihiisa oo aan diyaar u ahayn inuu dhagaysto dhawaqa caqliga, qaran geesiyaasha ku hubaysan milgaha sare, ka doorbidaya kuwa aan qiyamka lahayn ee jecel inay ku xaraashaan qimaha ugu liita. Xaqiiqdii, Raabe waxa uu geeriyooday isaga oo geesiya, balse isaga oo ah geesi bilaa qaran ah. Laakiin, taariikhdu waligeed ma illoobi doonto, shikina kuma jiro in uu Raabe ahaan doono dhaxal qoomiyadeed oo maanka isirka Soomaalida aan qarniyaal bixi doonin.

Maansadan soo socotaa waa baroordiiq xusaysa halgankii iyo waddaniyadii Dr. Raabe. Waxaan markii ugu horreysay maansada ka akhriyay xaflad ay bulshada Soomaalida ee ku dhaqan dalka Isku tagga Imaaraatka Carabta ay ku qabteen Dubai oo lagu xusayay Dr. Raabe.

SOMALI WAY TEBI

Raabiyow Tibaax iyo

Tubtii aad is taagtaba

Tabantaabadaadii

Taladaadii fiicnayd

*

Soomaali toolmoon

Oon kala takoorrayn

Tamarteedu weyn tahay

Oon cadaw tunkeediyo

Tagoogeeda jabin Karin

*

Tusmo raadinteediyo

Taahaaga beerkiyo

Markay tiifi gaadhaba

Uur tawaawacaagii

*

Tubtii noloshu waa tane

Waar tolow ka joogsada

Dabka ha isku tuurina

Qayladaadi taarkii

Erayadii taxliishii

Qofkii samuhu taabtiyo

Soomaali way tebi

***

Marka tiirka qarankiyo

Taladeenu liicdaba

Tuska soo onkodayiyo

Meel fog tiigsigaagii

Hiyi tiirintaadii

*

Tabaalaha adduunyada

Taariikh wixii jira

Iyo tabaha loo dego

*

Sida loo tamcaayee

Loo tu’in lahaa iyo

Boholaha la teedshee

Looga sii tallaabsaday

Intaanay ku wada tegin

Toosh ku qabashadaadii

*

Waar tolow ka joogsada

Jarka ha isku tuurina

Digniintaadii taagnayd

Qalbi tuujintaadii

Qofkii samuhu taabtiyo

Soomaali way tebi

***

Markuu xumo taraaree

Qabiil la isku toocsado

Sheekadu tollaayeey

Taran baan ku dheerahay

*

Awowgeey Tahliil baa

Awowgaa tamcayn jiray

Tiro geel lahaan jiray

Taladoodu qoys iyo

Tarridii hortoodiyo

Tulud dhaafi laada’ay

*

Iyadoo taftoodiyo

Tafeenada hayiigmiyo

Tun jilaycsigoogani

Shisheeyuhu tusmaystoo

In dalkooga laga tiro

Tooxsi loogu tala galay

*

Iyagoo is tuhmaayoo

Araggoodu taam yahay

La qaybtamo tubtoodii

Runtaad taabanaysiyo

Tilmaantaadi dheerayd

Waar tolow ka joogsada

Tumaatida dhexdiinaa

Intaydaan ku talax gabin

Tusbax daatay caynkii

Mid waliba tog dheer xulin

Oon cadaw tanaadoo

Tuuraha ku joogaa

Habqankiina taganada

Tabaaluhu ku qaadiyo

Ciiddaba ku kala tegin

*

Ka tabaabushayntii

Ummad toosintaadii

Qofkii samuhu taabtiyo

Soomaali wey tebi.

***

Raabiyow tollaahiye

Nin sidaada tawstiyo

Gobannimo tisqaadkeed

Taraag dheer u galayoo

Timo soohdinteediyo

Tidiceeda gabadhaa

Ilaa toban jirkiisiyo

Markay geeridu u timi

Toddobaatan uu galay

Ku tawxiidsanaayoo

*

Jacaylkeedu boqol tiro

Ku tibqayey jidhkiisoon

Wadkoo tuura mooyee

Toobin lagaga nuugayn

Taariikhdu way tebi.

Qoraalkii Asalka ahaa:

https://hanua.blogspot.com/2013/05/dr-omar-raabe-departure-of-hero-without.html?m=1

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *