Talada mise waaya-aragnimada?

Talada mise waaya-aragnimada?

W/Q: Ascad Taha

Turjumid: Cabdiraxmaan Caqiil

(1)

Bal ka warran haddii uu qof kaaga hormaro meel aad niyadda ku sii haysay in aad tagto, kaddibna uu goobtii ka soo laabto isagoo sida aqoon iyo khibrad ballaaran?

Miyaysan ahayn inaad ka codsato in uu wax uun kaa siiyo kaydka uu sido, oo waxbadan oo juhdi iyo dadaal kaa gali lahaa si wadada uu kugu soo gaabiyo? Taa aad arkayso waa talada laguu sheegayo iyo hawsheeda.

Sidee buu caqli ku sheegan karaa qof hortiisa ay taallo khariiddadii uu ku hawlgali lahaa dabadeedna uu iska indhatiro?!

Waa sida qof go’aan ku gaaray in uu dhexjibaaxo kayn, meelna iska dhigay in uu akhriyo maabka waddada iyo khataraheeda ka warramaya, isagoo ku adkaystay in uu si iskiisa ah u ogaado waddada, midkaa waa labo uun: in uu dhibta ka badbaado iyo in ay wax haleelaan. Dhab ahaan mushkiladdu ma aha in uu dhib ku haleelo; nolosha ayaaba ku dhisan mashaakilka, balse in uu qofku u bareero khatar laga baaqsan karay baa mushkilad ah.

Dhab ahaan mushkiladdu ma aha in uu dhib ku haleelo; nolosha ayaaba ku dhisan mashaakilka, balse in uu qofku u bareero khatar laga baaqsan karay baa mushkilad ah.

(2)

Dhanka kale waxaa jira macaansi aan ka dambayn macaan kale, kaa oo ah in aad adigu tijaabooyin cusub la timaado, adigoo raacaya hannaankaaga iyo dookhaaga kuu gaarka ah; si aad u hesho waxaad raadinayso,sidii shay gacan lagu sameeyay oo aan ahayn wax saxan isaga diyaarsanaa oo cid kale ay samaysay oo kale.

Waxaa la yiri: Macaansiga safarka waxaa lagu dareemaa waddada ee goobta la socdaa maaha.

Macaansiga waxa uu kaa xejiyaa kufitaan iyo sinbiririxo wixii aad waddada ku soo martay, waxa uu ku barayaa meelaha aad u xooggantahay iyo meelaha godoloolada ee aad leedahay, waxa aad wax ka barataa wixii aad goobjoog u tahay, dadka aad qaabisho oo qisooyinkooda kaaga warrama, iyo dareemiddaada in kawnkan uu ka ballaaranyahay gurigaaga, xaafaddaada, iyo waddada aad marto, kolkaas ayaad garan kartaa in bani aadannimadu ay tahay waxa kulmiya dadka.

Waxaad mooddaa in ku safridda waddada dhulka ay ka wacantahay inaad diyaarad raacdo, kursi fudud intaad ku fariisato baad seexan ilaa ay kaga degato halkii aad u socotay.

Marka  aad waddada kula kulanto daal, rafaad iyo diif daran baa dhab noqonaysa guulahaaga in aadan si fudud u ilaawin, waaya-aragnimada aad halkaa ka baratay waxa ay dhisaysaa tamarta aad markale kaga safri lahayd.

Waana tii la yiri “Aadanahuhu waa khibrado isu tegay oo uruuray, waxa ayna ku kala duwanyihiin khibradahooda, ninba khibrad gaar ah ayuu leeyahay, meel gaar ahina wuu ku fiicanyahay”.

(3)

Miyuu jiraa xal dhexdhexaadiya labadan shay ee isburinaya? Ma talooyinka ayaynu dhegeysanaa mise tijaabo iyo waaya-aragnimo inoo gaar ah baynu raadinaa? Jawaab tusaale ku laran baan ku siinayaa.

Kolka aad doonayso in aad dhexmaquurato caalamka wax qoridda, waxaad baadigoob u galaysaa buugta iyo qoraallada ay ka tageen rag waaweyn oo magac iyo maamuusba ku lahaa wax qoridda iyo allifaadda.

Waxa ay kuu bidhaamin doonaan halkii aad wax ka bilaabi lahayd, dhabbihii aad marsiin lahayd iyo barta aad ku gabogabayn lahayd, balse kolka u dambaysa waxaad qoraysaa sheekadaada adigoo adeegsanayaa hannaan iyo usluub kuu gaar ah.

Tani waa fikradda ku tababarashada, marka aad dhegaysanayso talada qof kaaga horreeyay hawsha, farshaxan, ama ganacsi tusaale ahaan, waxaad ka qaadanaysaa inta aad muhiimka u aragto, ugu dambayn se adiga ayay tahay in aad saamayso tijaabadaada kuu gaarka ah. Arrintani kama horimanayso talo isa siinta, waxayse qabtaa in aad si wacan u dhugato, oo aad u dheg raaricido, midse ogow waaya-aragnimada uu qofkaa kula talinya soo maraya ma aha xeer degsan iyo xaqiiqo cilmi oo laga salgaaray, waa uun khibrad ugaar ah qof shay kaaga horreeyay oo sax iyo khaladba noqon karta, haddaba ka qaado inta aad mudnaanta u aragto, tijaabadaadana horay u gal.

(4)

Marar badan ayay arrintani kugu soo laaban kartaa, waxaad ka baxaysaa tijaabo, waaba tan tijaabo kale kaabiga kugu soo haysa, tijaabooyinka qaar baa adiga doorashadeeda iska leh, halka qaar kalena ay sandulle iyo khasab aad ku galayso, marar baad guuleysan ammin kalena waad ku dhici, waana sida uu yahay insaanka Caadiga ah ee dunida guudkeeda saaran. Sannado kolka ay ka soo wareegato ayaad is arkaysaa in aad yeelatay waaya-aragnimo iyo khibrado aan yarayn, kolkaas waxaad kasii jeclaan lahayd in da’dii dhalaannimo aad dib ugu laabato dabadeedna aad kaga faa’idaysato.

Waxaad kolkaa ogaanaysaa in aad ku socotay dhabbihii la doonayay cagsigeeda jeer aad dhibsanaysay talada iyo waxsheegga dadka kale, waxaana amakaag kugu noqotay jiilka maanta jooga oo aanu taladaada maqal, dan na aan ka galin waaya-aragnimaada nololeed ee aad u soo koobtay.

Waxaad go’aansanaysaa in aad dhimato adigoon cuslayn, oo aanad la god galin kaydkaaga aqooneed, waxaad dadaal galinaysaa inaad waaya-aragnimadaada u qaybiso dadka kale ee aan wali galin tijaabooyinka nololeed ee kala duwan, waxaadna da’yarta ugu yeeraysaa in ay wax ka qaataan ama wada qaataan waaya-aragnimadaada ama sideeda ay kaga tagaan. Go’aankaa aad ku adkaysanayso waxa uu ka dhiganyahay inaad ka mahadnaqayso galladda uu eebbe ku siiyay ee khibradahaa adduunka kugu galladaystay, waana arrin ay tahay in la ogaado, “Sakada aqooneed” ayaa lagu magacaabaa inaad wax ka bixiso wixii uu Eebbe kugu mannaystay ee aqoon iyo waaya-aragnimo ah, taas oo aan dad badan la siin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *