Koodhka Dhalanteednimada (Albeert Kamuu)

Koodhka Dhalanteednimada (Albeert Kamuu)

W/Q : Jaalle Looshane

HORDHAC

Dhallanteednimaduu waa xaallad dabin ah, mooggannaan iyo iswaayitaan ah oo uu qofku isku waayo dhabnimada jirta ee harreertiisa ka aloosan. Inkastoo macnaha iyo jaadadka guud ee ereygan meello badan laga eegi karro— haddanna waxaannay laba cali ku murmaynin dhab ahaan ereygan “ Dhallanteed “ halku uu abbaarayo ee ay tahay in lagu cabbiro ee lagu nego.

Dhallanteednimadu, mar waa habaw iyo luggooyo aaminnaad oo aynnu ku cunnaqabatenno xaqiiqada aan ka dheehanno jiraalka sugan, waa dhinnaansho aynnu ka arkoonno nuxurka noloshu noogu fadhido, mar waa quusashada iyo dhallanrogmidda aynnu ka dhaxalno nolosha, mar kalle waa baaxaddegga iyo cago-jidedka ay duruufuhu nagu jilbeeyaan..

Maaddaama dhallanteedku yahay ismoodsiiska aynnu sawiranno marka ay xaqiiqadu gondaheenna soo gasho, meel loo firdhadaana aannay jirrin, kolkaas waxaa lagama kacaan ah in aynnu gebi ahaanba mintidno oo aynu gefernno dhabnimada aynnu mooggannahay—isla jeerkaasna waa in aynnu uu leexinna maangelnimo aynnu xaqiiqadaas ka taransanno iyo ujeeddo macno ballaadhan oo aynnu ka dhallino “ dhallanteedka jiraalleed ee aannu la kaca kufayno.

Haddaba Albeert Kamuu oo arrinkaas dhallanteednimada jiraalka ku barraarugsan ayaa qarnigii tagay shaqooyiinkiisa ugu badan wuxuu ku soo qaatay aragti iyo curisyo falsafadeed oo u damqasho iyo u gaarraabid ugu muujinneyey giiryaalenimada aadanaha iyo geyeysiinimada laga dhaxlay dhallanteednimada nolosha iyo sida uu aadanuhu u qawadsanyahay nolosha iyo macno- la’aanta u la jirsaday ee u la bukoonnayo.

ALBEERT KAMUU IYO DHALLANTEEDNIMADA ( ALBERT CAMUS ON REBELLING AGAINST ABSURDITY)

Aadanuhu waa noolle fowliil badan oo aan joogteeyn iyo negaansho lahayn. Hal goor waxa laga yaaba in uu dhexdaarmayo dareen ka tan batey oo dhab ahaansho, macne iyo hillin foonasho ku yididdiillanyahay, marka see xigta waxaa laga yaaba in uu la goto oo u la fooltuubyoodo fulul, mooggannan iyo madhnaan uu ka qabo fiigocararka nolosha iyo sida ay uu tahay fiiqtukaalle iyo farkuddoon aan sii ridnayn. Mufakirkii reer faransa ee Albeert Kamuu oo noollaa intii uu dhaxeysay 1U13kii illaa 1U60kii, ayaa isaga oo arrinkanni ku taaganyahay oo fededin ka qaba, waxaa uu u kuurgellay sidii u wax uga taaban laha iswaayitaankan uu dhallanteedku ku suuxiyey dadkan kadeedan ee marka horreba nidaamyadu diirteen. Buuggiisii “ The Myth of Sisyphus “ ee soo baxay gugii 1U42kii ayaa uu ku sharraxay dhab ahaan waxa ay uu taagantahay falsafaddan

“ Absurdism “ iyo kaallintiisa indheergaradnimo ee ay tahay in uu ku carriyo nafahaas xaalladda quudhgooyada ah ku sugan. Isagoo tibaaxayanna waxaa uu leeyahay sidatan : “ Waxaa jira dhab ahaan, hal dhibaato oo laga sugan karo falsafadda, waanna isquudhqoyn. In aannu nolosha ku xukunno weyddiinta ah in ay u qallanto nolol iyo inkalle ?, waxa ay bud-dhig uu tahay aallaaba weyddiimaha falsafadda. “

“ Noloshu ma wax qallantaa? “ Si loo kuurgallo ka gungaadhista weyddiintan, kamuu wuxuu si cajiib leh uu kicinaya ama u afsaarraya sida waxbayahayda ah ee daroogaysan ee nololmalmeedka aadanuhu uu agaasimanyahay. Waxaanna uu ina leeyahay : “ kolkaa uu waabberigu ahaado ee indhaha la furto, waxaa aad ku qasbantahay in aad gaadiidkaaga ku meel tagto, afar saacadoodna aad hawshaada agaasintid, markalle gaadiidkaagii gacansaar la yeelatid, afar saacadood oo kalenna qabyadii hawshaada ku jeeqaaqid, kol kalenna jeelbax u dhaqaaqdo, maalmaha toddobaadkanna—uluf, astub, alwan, tarako, warki, takaar illaa iyo tumbud-na meertadaada ahaato oo ay tixraacan ku noqdaan. Jeerkaas, kol waxaa iman doonta aad godlon doonto oo ay weyddiintu ku noqon doonto qiijiyaha kaliye ee aad qarafka saarrato, maaddaama oo ay amakaag iyo nuxur raadis aan laga waaqsan karinii u kula soo darsay. “

Kamuu isaga oo isbarbardhig sameynnayanna, waxaa uu xaalladddeenna ku lammaaneynaya “ SISYPHUS “, baddalkii iyo halyeeygii nasiibka darnaa (The unlucky protagonist) ee khuraafaadkii horre ee girriigga, kaas oo liddiyey ilaahyadii girriigga, kolkaasay boqortooyadii ilaahyada u wakiilneyd tuurta u saartay dhagax dhummuc weyn oo uu buurta ka saarro,

maaadaammo u liddiyey ilaahyadoodii. Jafjaf badan iyo u taag La´aan, keliya waxaa uu ka dhaxlay uun jiitamid iyo jiidhggo´.Sidaas oo ay tahayna “ SISYPHUS “, marka kastaba waa uu jirrabnnaa, jirroorsasho iyo jitaabinba waa uu calmannayey, jeer ay naftuba qabatay. Sidaas uun bu ku waday, see guulli way ka dheereyd. Shambad jiskaddarnimo iyo jaguugnimanna way uu dheereyd. Kamuu oo hadalkiisa sii watanna waxaa uu afka ku dhuftay “ Xoogsatada maantii waxa ay maallin walba joogteeyaan uun isla hawl qudha, qaddarkannina kama dhallanteed yarra isla kii (Sisyphus) ee aannu horrey uu soo xusnay. “

Marka loo eego fahanbixinta Albeert, kama wadin uun keliya isbarbardhigga uu ku sammeeyey sheekada Sisyphus iyo meertadeenna nololeed ee inna dhaxalsiinnaysa dhallanteednimada iyo jirrabnaanta, see way ka umuc iyo qotodheertahay inta uu xusay ee uu afkiisu soo qabtay. Albeert Kamuu wax u qaba in sheekada “ Sisyphus “ ay aad ugu dabaqmeyso oo ay koobsannayso dhammaan awaalka iyo garashada aadamaha iyo cariskiisa falsafadeed. Inkasta oo aannu u hanqal taagaynno xaqiijinta iyo ka gungaadhista macnaha kama dambeysta ah ee ku gedaaman jiirraalka, Kamuu isaguu meel kalle ayuu ka eegaya macnahaas oo waxaa uu inna leeyahay haddii ay wax jirraan, waa uun gungaaadh fahankeenna iyo aragtideenna ka baxsan.

Isaga oo arrintaas ka hadlayanna waxa uu leeyahay : “ Ma garankarro manna tilmaami karro haddii uu caalamkanni iyo uunkannii ay sidooda uu leeyihiin macne iyo nuxur gudo balaadhan oo

iskood uu taagan. Balsee qudhaydu waan ogahay in aannan keeni karrin oo aan garrannayn nuxurkaas, manna dhici karto (waa habeenkii xallay tagay) in aan garto haddeer. ! Muxuu nuxur dhaafsiisan ama ka baxsan ahaanshahayga iyo garashadaydu uu illa muuqan karaa.? Sidaas oo ay tahay, waxaa ku fahanbixi karaa ama nuxur helli karaa oo kaliya marka laga fiiriyo xagasha iyo fikirqabka aadanaha. Fartaan qaadayo (what i touch), iyo waxaa i gooddinnaya ee aan cadaadiska kala kulmayo (what resist me), waa inta aan maanneyn karro ee baraadkaygu qaban karro.

Labadan xaqiiqo ee hubaasha ihii, waxa ay i tamarin doonnan xaqiiqsashada (buurta ka weyn), in aannay suurtogel ahayn in uunkan lagu koobo maba’ddiida maangelnimada iyo sababeynta. —- Waxaan kaloon ogahay in aannan iyaga is oggollaansho iyo heshiis ka dhexeysiin karin—وانا اعلم أيضا انني لا استطيع التوفيق بينها

Waxa aynnu uu fahmi karna ama aan uu qaadan karnaa waxaa uu Albeert Kamuu ku sheegay— Dhallanteed!, keliya dhextaal uu dhexeeya doonisteyada gudeed ee aynnu ugu hammuun qabno dhexmuquursashada weyddiimaha godloon iyo awood la’aanta inaga heysata in aannu keeno maxsuul iyo warcelin lagu qanco oo aan silbasho lahayn.

Isaga oo markalle tiraabayanna waxaa uu leeyahay : “ Aadamuhu waxa uu si fool ka fool ah ula jiraa maangelnimo tiranka (irrationality), isla jeerkaasna waa uu iska dhex arkaa sidii dhallo bikaaceysan oo hummaaggisa soo rideysa ama dib uu celinaysa. Sidaas darteed—Waxaa u ku dareema is ahaanshihiisa , rabitaankiisa iyo sababta uu u jiro. Baraad-tirankunna (Maangel- la’aantu) waxa uu ka dhashay iska horyimaadkan u dhexeeya baahida aadanaha ee joogtada ah iyo liddinimada, aamusnaanta sabab la’aanta uu jirsatay ee jiraalka sugan laga dhaxlay. “

Sidaas darteed — sida aynnu ka dhex arki karnaba sheekada Sisyphus : Waxa aynnu dhisnaa qaab-dhismeedyo iyo mashaariic macne noogu fadhiya oo lama huraan ah, balse nasiib darro, dib bay uu dhacaan ( uu burburaan), jeerkaasna si qasab leh ayaanu mar kale u kacnaa, hawshanna dib uu soo bilaawna sida laga dheehan karaba halyeeygii “ SISYPHUS “.

Si aannu ugu hawshoonno sidii aynnu uu noollaan lahayn, waxaa dhici karta in aannu cuganno maba’ddiidii Arishtootal⸺laga yaaba in ay innoo adeegaan xoogaa. Jeer kale waxaa dhici karta in aannu u baydhno xaggaas iyo buudhiyadda (Buddhism), mar xigtanna laga yaabe in aannu dhiirigellin ka helno aragtidii Niitshe ee “ Übermensch “ (Insaanka xooggan), oo dib uu qaadno dhabbada nolosha teeda san ee waxtarka leh.

Albeert Kamuu waxaa ka go’an in aannu xaqiiqsanno, marka loo eego garasho la’aanta inaga haysata nuxurka kownka ⸺ ayuu leeyahay waa mid laga arka uun “ Aamusnaan iyo gungaadh la’aan bilaa sabab ah “ marka laga tixraaco ujeeddada weyddiinteennu daarneyd, sidaas darteed doorasho walba oo aynu sammeyno iyo qaabdhismeed walba oo qiime innoo lahaa “ Value “ oo kasta oo aynu dabaqno waa mid garqaad leh (Arbitrary) oo surre tahay in aynnu isla xisaabtan la galno.

Haddii aynnu go’aansanno in aannu la tacajabno aragti gaar ah, oo aynnu si buuxda u qaadanno mab’aaddii gaar ah, haddii aynnu nafaheenna dhallanteed ku furno oo aynnu iska dhaadhicinno in fahanbixinnaha aynu heysanna runyihiin—laga yaabe kolka horre in aynnu dareenno jeelbax iyo nafis—balse ugu dambeyntii waxa aynnu isku ridney waa isquudhgoyn iyo jirrab ka dhan ah ahaanshaha jiritaanka (Metaphysical kind of suicide).

U dulqaadan karri mayno xasillooni darrada ay hubanti la’aantu inna dhaxalsiinnayso , jeerkaasna nafeheennana ka gadno baalasha male-awaalka iyo doogmada (Dogma). Sidaas darteed — raadgurka nolol dhab ihii, waxa ay fadqallaleynaysa ahaanshiyaha jiraalkeenna (Metaphysical Being), waxaannay na dhaxalsiisay dhab la’aan iyo basanbaas.

KA FALLAAGOWGA AHAANSHAHA JIRAALKA : DIIDMADA AYNU KALA HORTAGNO JIRRABKA, QUUSTA IYO DHALLANTEEDKA

Kamuu waxaa uu qaba in aynnu nolosheenna maalli karno oo aynnu dhab ahaanshaha nagu weegaarran la jirsan karno, inaga oo diideyn xaqiiqada qadhaadh ee ina hortaalla ee ay ina shalwisay dhalanteednimada noloshu (Life’s Absurdity). Sidaas oo ay tahaynna waa lama huraan in aynnu ka falcellino haadantaas ay inalla maagantahay xaqiiqadu, inaga oo asteynayna qaabka aynnu uu noollaan karaynno, maaddaamma ay biyo kama dhibcaanka tahay in aynnu nolosha uu agaasinno qaabka ugu mudan ee qaayosoor iyo qiimeba leh. Kamuu oo arrinkaas ka hadlayaanna waxaa uu leeyahay :

“ In aynnu ku baraarugno xaqiiqada banka taal ee ina odhanaysa ; Noloshu waa dhallanteed, marnaba ma noqonnayso dhammaadka ahaansheheenna, balse waa barbilowga ahaansheheenna oo idil. Tanni waa xaqiiqada ay dhammaan indheergaradka iyo dadka caqliga uu saaxiibka ihii ka dhigteen sahaydooda iyo dhab ahaan kacdoonkooda. Waxaa labteenna cugannaya ee yididdiilada uu yeellaya ma ahaa dahaadh ka ridista iyo xaqiiqsashada arrinkan, balse taa liddigeed waa maxsuulka, xeerarka hawleed, tusmooyinka iyo tusaallayaasha laga soo qaatay ee laga dheegtay baraarrugan. “

Adeegsigan “ Xeerrarkan hawleed “ ee uu Kamuu soo dhuftay waxaa uu uga socday “Fallaagowga Ahaansheed —Metaphysical Rebellion “ : oo ah diidmada lagala hortago isku dhiibidda dhallanteedka ee ay suurraha noqon lahayd in ay kugu abqaallan jirrab, quus iyo wahamba, jeerkaasna ku dhaxalsiinaysa isquudhoyn ahaansheed oo waarra, maaddaama aynnu isku xoqayno wax aan sii ridneyn oo laabaheenna karkarinaya, maxaa yeellay—garawshiyuhu waa uu ka raad iyo goyn badanyahay dhallanteedka aynnu moogganaanteenna darteed wehesheno.

Buuggiisa “ Myth of Sisyphus “ Kamuu waxaa uu ku xusaya dhab ahaan waxaa uu ka wado “Fallaagowga / Rebellion “, ee uu aabbaarkiisuna daaranyahay;, isaga oo mawdduucaas carabka ku dhufannaya waxaa uu leeyahay : “ Loollankan joogtada ah ee uu dhexeeya insaanka iyo filashoqabkiisa (obscurity)….waxa ay ku dhallinayaan laablakac hor leh oo uu nolosha dib ugu aqoonsi raadsado, maaddaamma uu dafiraad iyo diidmo ka dareemayo ahaanshihiisa iyo nuxurka uu u unkanyahay. Maaddaama Eedaadku iyo khataruhu insaanka ku qalabeeyaan fejignaan iyo maan ka taxaddar uu nolosha dib ugu saanqaado amase ugu socdaallo, ayay sidaas oo kalle— kacdoonka ahaanshuhu (metaphysical revolt) uu unka maanka taxaddar aynnu ku shaandheyno waayo-aragnimada aynu ka dhaxalnay safarka dhallanteednimadeenna ee aynu inbadan ku tinbannay. “ Waxaanna uu ku sii daray : “ Diidmada qayaxan ee aynnu kala hortagno aqballaadda iyo u gaaraabidda dhalanteedkan sii deysan, waxaa aynnu nafaheenna si buuxda ugu abqaalnay buugga nolosha ee sii deysan, balsee aakhirkii waa nuxur dedefayn giiryaallenimo ahaansheed kugu rideysa . – in aan ku noollaanno goobtan iyo goortan waa wax dhacay oo ka soo noqosho lahayn. Sidaaso ay tahayna “Ma jirto qorrax aan hadh lahayn oo gebelkeeduna dhicin,” Camus ayaa ku si daray, “waana lama huraan in la ogaado aasaas ahaan waxa uu yahay habeenku (dhallanteedku) .

MAXA AYNU KA BARAN KARNA SHEEKADA “ SISYPHUS “

Faylaasuufkeennan Albeert Kamuu wuxuu baaq furan u dirayaa dabaqadda bulshooyinka oo idil ee haysato iyo wax ma haysataba isugu jirra, maaddaamma mawduuccan dhallanteedku aannu ku eekayn qolyo gaar ah ahaanshahooda, balsee uu yahay wax dadka ama aadanaha kulmiyey oo laabahooda ku inkaarran. Isaga oo mawdduuca guntiisa taabannayana— waxa uu ku soo hadalqabsaday Sheekada Sisyphus oo uu inagu barraarujinayo in aynnaan uu aqoonsan dhib- mute (victim), balse uu aqoonsanno halyeey aynnu majeerrano, maaddaamma u mutay eedaadka noloshu ku qoonsatay ( ehe ma dhahaynno way qoonsatee, way qudhunsatay).

Iyadoo ay taasi jirto, Kamuu wuxuu noo yeedhinaya, in sida laga arki karaba Sisyphus uu joogteynayo halgankiisa buur korka ah ; wuxuunna inoo muujinaya xaqiiqada ah in aynu noollaan karayno, inaga oo jirraban oo quus iyo qoonsasho ku dihaalmay.

Waa aynu la qabsan karayna inaga oo ogsoon masiirka daran ee ay biyo kama dhibcaanka tahay in ay ina mutaan, isla jeerkaasna ay tahay in aynaan isdhiibin.

  • Sida laga arki karaba sheekada Sisyphus ; kolka dhagaxu hoos u soo dhaco, maaddaamma uu saarna figta sarre ee buurta, mashruucisa isbadbaadineedna uu ku dhawaa in uu guuleysto – Sisyphus waxaa uu ku qasbannaanaya in hoos u dego oo uu dib u yagleello kor uu soo ruqaansashada.
  • Xaalladdan ayuu Albeert ku qeexay, inay tahay amminta Sisyphus qaddarkiisa

dhallanteedka ihii uu si buuxda u godladay, isla ammintaasna uu ku indhaqaadmay miyir- beel naxdin leh. Jeerkaasna wuxuu gartay baaxadda ay le’gtahay xaalladiisa liidata, haddana….sidaas oo ay tahay idil ahaan qammaamurnimadiisa, dhiirrigeshigiisa iyo dhoollecaddayntiisa dahsoonii ee uu qarsannayo isaga uun bay u ahaatay oo cid uu daba fadhiisan maayo. Ahaanshihiisu iyo masiirkiisu isaga ayay gacanmihiisa ku bandhiganyihiin.

Sidaas darteed Albeert Kamuu wuxuu dib noo soo xasuusinayaa xaalladdii Sisyphus oo u ku tilmaamayo in aannay ahayn ciqaab xun (boqorada ciqaabtooda) oo la marinayo, balse ay tahay jaanis uu dib iskugu aqoonsannayo—ahaanshihiisanna kaga dhabeeynayo , yoolkiisa badbaadineedna u ku bud-dhigayo. Sidaas darteed, garashadan (Waa sheekada Sisyphus-‘e’), waxa aynnu ka taransan karna tusmooyin iyo tusaalleyaal wax ku ool oo aan kaga dayan karno ‘Jaalle Sisyphus ‘. Jirrab iyo dhibaato kasta oo macne leh oo nala soo darsay iyo yaglleel kasta oo aynu dhammaystirnay: keliya waxa aynu iska soo qaadi karna sida Sisyphus oo kale oo markastaba jiirada hoose ku soo dhacayay. Tani waxa ay ka turjummaysa masiirkeenna dahsoon ee dhallanteedka ah ee aan la kasi karin ee meelna lagu sheegi karin.

Innagoo nolosha ugu hanqaltaagayna miyir fiiqnaan, kasmo qab, firfircooni iyo xooggannan waxa ay dhab ahaantii na dhaxalsiinayaan fallaagoobid iyo riddooyin aan kaga go’no masiirkan na daashaday ee dhallanteedka ah. Wadiiqaddanii waa qaabka aynu ku deddefayn karno iswaayitaanka sii deysan (Nihilism), dibna ugu kuurgeli kadhno nuxurka iyo macnaha ku gedaamman ahaanshiyaheenna iyo guud ahaan nolosha.

Waxaa laga yaaba in aynnaan had iyo jeer nuxur buuxa iyo dhammaystirnaan ka keennin mashaaricdeenna iyo yoolasheenna, Waxaa laga yaabaa in aynnaan had iyo jeer isa siin qaabdhismeedyada iyo xeerrarka aynnu uu aragno in ay qiime inoo leeyihiin ee aynnu aallaababa qaadano, laga yaabe in aynnaan waligeen ka takhalusin asalkaas oo aynnaanba ka fekerinba,; laga yaaba in ay inna dhaxalsiiyeen dareen murugo leh oo macno la’aan inoogu fadhiye, balse/ laakiin inta ay saanqaadnimada iyo horre uu socoshadu inagu lammaantahay, ee aynnu madaxa kor u qaadayno laga yaabee in aynnu reynreyn iyo yididdiillo ka heli karno—- wellina ah nooc yidiiddiillo oo ay ku dhex beerrantahay inninyo fallagoobid dhab ihii — keliya ay innaga xigto dadaal iyo nafhur aan ka soo noqod lahayn. Albeer Kamuu wuxuu hadalkiisa ku soo gebagabeynayaa “ Ma jirro qaddar iyo masiir, lagaga gudbi karro quudhsi iyo sarbeebnaan. “

DHAMMMAAD

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *