Horumarinta Waddooyinka Caasimadda
W/Q: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdullaahi (Ookiyaale)
Waddooyinka waa halbowlaha nolosha casriga eh, waxeyna door weyn ka qaataan horumarka dhaqaalaha ee bulshooyinka, waana mid ka mid halbeegyada lugu cabbiro horumarka dhaqaale uu dali leeyahay. Ayaandarro dalkeena Soomaaliya oo muddo dheer ku jiray colaado sokeeye ayaa gabi ahaanba lumiyay kaabayaashii dhaqaalah oo ugu horreeyaan waddooyinka.
Hase ahaatee dowladda federaalka iyo maamulka gobalka Banaadir waxey si joogta eh uga qaadaan bulshada caasimadda canshuuro kala duwan, ha ugu horreeyaan canshuurta gaadiidka noocyadiisa kala duwan xamuul, bas, bajaaj iyo baabuurta raaxadaba. Balse waxaa la moodaa adeegyadii gaadiidleydu filayeen ama bulshada reer muqdisho si guud in aysan wada helin, uguna horreyso waddooyin nidaamsan oo nadiif eh.
Sikastaba ha ahaatee, sanaddadii ugu danbeeyay waxaa lacag siyaab kala duwan dowladda ku soo galey, qaarkood yihiin deeqo dibadda ka yimi, kuwana yihiin canshuurtii oo lugu kabey lacago kale oo bulshada laga uruuriyay, dib loogu dhisay tobaneeyo laami oo ku yaala magaalada caasimadda oo horey u burbursanaa, dadka iyo gaadiidkuna rafaad iyo kaxar ku marijireen, balse iyagu laftirkoodu waxaa la moodaa intii la dayactiray filashooyinkii laga qabay inaan laga wada helin, walina jiraan cillado iyo daldaloolo in wax laga qabto tahay.
Sidaa awgeed qormadaan waxaan ku falanqeyn doonaa cilladaha haysta waddooyink caasimadda, sidoo kalana waxaan xusi doonaa dadaallada socda, ugu danbeyna waxaan ku soo afmeeri doonaa qormada talobixinno aan ugu gudbi karno cilladahaasi.
CILADAHA HAYSTA WADDOOYINKA CAASIMADDA
Ayaandarro, waxaa aad u hooseeyo wacyiga reer muqdisho ee dhanka waddooyinka sababtuna waxeyna heysan sawir hore oo la barbadhigaan kan hadda, waxeyna dareemaan baahida hagaajinta iyo dayactirka waddooyinka kaliya xilliyada roobabka oo waddooyin badan howlgab noqdaan, iyo maalmaha uu qulqulka gaadiidku badanyahay oo isgoysyadu jaam (traffic jam) noqdaan sida maalmaha khamiista iyo Sabtiga.
Balse, ceebta ugu weyn ee ka jirta laamiyada caasimadda waa la’aanshaha ilinada biyaha ay ka baxaan, taasina waxey sababtay in biyaha roobku siyaabo kala duwan u waxyeeleeyaan laamiyada, mar waxey burburiyaan oo dilaaciyaan laamiga, mararka qaarna waxey laamiyada ka dhigaan balliyo, waxaana tusaale uga soo qaadan karnaa Ceelqalow, Daallo iyo Isgoyska Fagax oo intuba isu-badala xilliyada roobka balliyo, gaadiidkuna rafaad u maro sidey uga wareegan lahaayeen.
Badi qurbajoogta ku soo laabta Xamar waxey la anfariiraan fiildarrada iyo nadaafadxumada ka muuqata waddooyinka, inkastoo dhamaan degmooyinka gobolka Banaadir ay leeyihiin shaqaalo malaamley eh oo loo xilsaaray xaaqidda waddooyinka haddana waa dhif in la arko waddooyin bilic qurxoon leh, waana yartahay in la arko shaqaalo si joogta eh u nadiifiya waddooyinka. Sidoo kale waxaa meesha ka baxay mas’uuliyaddii bulsho ee waddooyinka, badi ganacsatada waxey xil iskasaaraan ganacsiyadooda isla jeerkaasna waxey iska-indhatiraan waddooyinka ganacsiyadooda ku laalaan.
Waxaaba xamar caado ka noqotay in qashinka maqaayadahay (raashinka iyo lafaha) lugu tuuro waddooyinka gaar ahaan agagaarka dhismayaasha iyo boosaska cidlada eh, iyadoo loo soo dhiibayo gaari-dameerlayaal lacag yar ku qaada oo kolba si masuuliyad darro eh ugu tuura jawaan qashinkaas eh waddada ilaa uu ka gaaro dhul looma ooyaane uu ku rogo qashinkaasi intii ugu danbeysay; waxey badanaa ku daadiyaan Jidka-warshadaha gaar ahaan agagaarka Isbartiibada, mar dhexdaasi waxaa qashin badan la soo dhoobi jiray Isgoyska Warshadda Caanaha walow hadda sidii hore ahayn.
Waxaa kale oo xusid mudan, waxaa waddooyinka caasimadda ka jira ciriir aan innaba caadi aheyn, waxaana ka qeybqaata ciriirigaas la’aanshiyaha baarkinnada gaadiidka ee xarumaha bulshada adeegsato sida cusbitaalada, jaamacadaha, supermarket-yada iyo hotellada, waxaana dhacda gaadiidka hor-baakimada xarumaha qaar inuu abuuro jaam (traffic jam), sidoo kale gaadiidka dadweynaha (PL) ee ka hawlgala caasimadda malaha boosteejooyin ay istaagaan oo ay ka qaataan rakaabka, waxeyna si qaabdarro eh u isticmaalaan laamiga dadweynaha iyagoo marar badan hakad galiya isa-socodk gaadiidka, tusaalana waxaa u eh basaska hoomeyda ee ka rakaabsada Isgoyska Baar-Ubax iyo Isgoyska Bakaaro.
Waxaa kale oo la fududeysan karin oo caado ka noqotay caasimadda gaadiidka oo u hoggaansamin shuruucda waddooyinka oo waxaaba gabi ahaanba jirin ganaax ku dhaca gaadiidkii adeegsada seed (haad) aan kiisa ahayn; waxaaba dhacda in laamiyada si isku dhex-yaac eh loo adeegsado, taasina waxey abuurtaa jaam hor leh.
Waxa kale oo xusid mudan, amnidarrada iyo cabsiada qaraxyada ayaa qeyb ka eh ciriiriga ka jira waddooyinka caasimada oo waxaaba iska xeran waddooyinka qaar oo xaalado amni loo marin, sidoo kale check-points lagu baaro gaadiidka ee waayaadan danbe soo batay ayaa ciriirigii hore ujiray uga sii daray, walow askarta check-points jooga gaadiidka ku qasbaan iney raacaan seedadka saxda eh, haddana waxey hakad galiyaan isasocodka iyo qurlqulka gaadiidka.
Sidoo kale waxaa foolxumeeyay bilicda caasimadda xoolaha magaalada lugu dhaqdo oo marar qaarna shilal sababa sidoo kale abuura jaam gaar ahaan gaari-dameerku waa caqabad taagan oo marar badan la arko isagoo rar culsu sida oo aayar u luudaya oo gaadiid badanna ku daba faylanyihiin.
DADAALLADA SOCDA:
Waxaa jira dadaallo kala duwan oo dowladda Fadaraalku iyo tan Gobolka Banaadir wadaan oo si toos eh ama dadban u taabanaya hormarinta waddooyinka, waxaana ka xusi karnaa:
Xeridda Kaamirooyinka: waxaa hadda socdo dadaalo dowladda Federaalku ku xereyso goobaha ganacsiga iyo guryaha kaamerooyin loogu talogalay inay door weyn ka qaataan yareynta falalka amnidarrada eh ee ka dhaca gobolka Banaadir. Sidoo kale waxey kaamerooyinka si dadban ugu qeybqaadan karaan yareynta shilalka; waxaa awal adkayd in la ogaada sida dhabta eh ee shilalka u dhacaan haddase waxaa soo bixi doono xogo badan oo shilalka lugu yareyn karo.
Joojinta adeegsiga bacaha: waxey wasaaradda deegaanka iyo isbadalka cimilada joojisay inta lugu guda jiray sanadkaan (2024) adeegsiga bacaha, taasoo la rabo inay ka qeybqaadato bilicda waddooyinka iyo deegaanka si guud. Walow si buuxda u hirgalin ammarkaasi.
Xakameynta Bajaajta iyo gaadiidka Xamuulka: waxaa kale oo maamulka gobolka Banaadir bilaabay sanadkii hore 2023 siyaasad lugu joojinaayo Bajaaj cusub in dagadda laga soo dajiyo sidoo kale kuwa shaqeeyo lugu qaybinayo laba koox A iyo B oo danta laga lahaa ahayd in lugu yareeyo jaamka, hase ahaatee dad badani waxey rumeysanyihiin iney wax isbadal eh abuurin, walina bajaaj hor leh laga keeno gobollada kale. Sidoo kale wuxuu maamulka gobolka Banaadir iskudayay inuu ku koobo gaadiidka xamuulka inuu socdo habeenkii, hase ahaatee ma hirgalin.
Dhisidda raand-boodyo/ roundabouts: wuxuu maamulka caasimadda ka dhisay tiro isgoysyada caasimadda roundabouts, si lugu yareenayo jaamka, hase ahaatee jaamkii waa sidiisii hadduuna ka darinba.
Waxa kale uu maamulka Banaadir iskudayay inuu joojiyo dhaqashada xoolaha, kumana guuleysan. Halka gobolka Banaadir iyo dowladda Federaalku si wada jir eh ugu fashilmeen xal u helidda biyaha magaalada fariista oo dadaalkoodii ku soo idlaaday in booyada dhuuqa loo diro laamiyada balliyada noqda xilliyada roobka.
TALO SOOJEEDIN:
Hore ayaana loo yiri “Habar fadhidaa lagdin la fudud!” Xalka waddooyinka ma fudud farsamo iyo qarashba oo si waddooyinkeena u la mid noqdaan laamiyada waddamada horumarey waxey u baahantahay waqti, qarash iyo dowladda daacad u eh waxqabad.
Waan ognahay in maamulka caasimadda awoodin xilligaan inuu dhiso shabakad bullaacado eh oo badda ku dara ama buundooyin iyo laamiyo duula (laamiyo u dhisan sidii buundooyinkii) ama tareeno dhulka hoostood mara iwm. Hase ahaatee, maamulka gobolka Banaadir wuxuu fulin karaa waxqabadyo kumeelgaar eh sida haddii uu awoodin inuu dhiso shabakad bullaacado eh oo badda ku dara waa inuu ugu yaraan ka leexiyaa biyaha fariista waddooyinka una leexiyaa waraha hadda jiraa (warta Boondheere, warta Siigaale iyo kuwa kale); kana raro dadka degan agagaarka warahaas oo dib u dajiyaa dhulka tirade badan ee dowladdu leedahay ee maalin walba ganacsatada laga gado.
Waxaa kale uu maamulka Banaadir ku dhajin karaa isgoosyada nalalka-taraafikada (samaafaro) oo yareen kara jaamka ku abuurma kala sugid la’aanta. Sidoo kale waxaa dowladda soo rogi kartaa ganaaxyo ka dhan gaadiidka seedadka qaldan gala, ha ugu horreeyaan gaadiidka ciidanka ee qardajeexa ku socda. Ama waxaa laamiyada lugu dhajin karaa biro dalooliya baabuurta jihada qaldan ku socda.
Geesta kale, wuxuu maamulka gobolka ama degmooyinka shaqojoojin ku sameyn karaan ganacsiyada aan laheyn baarkinnada ee sida joogtada u adeegsada waddooyinka.
Waxa kale uu maamulka gobolka joojin karaa gabi-ahaanba dhaqidda xoolaha iyo adeegsiga dameerada oo qeyb ka eh waddo-xumada caasimadda ka jirtaa. Waxa kale dowladda federaalku awooddaa iney caasimadda u sameyso boosteejooyin ka baxsan laammiyada oo yareyn doona jaamaka.
Waxaa habboon in maamulka gobolka Banaadir uu ka shaqeeyo badqabka shacabka oo gabi ahaanba joojiya howlaha dhismo ee iska indhatira badqabka dadka hoos maraya dhismayaashaas, sidoo kale ganacsiyada halisaha watta sida kaalmaha shidaalka ee sida dayacan ugu dhisan laamiyada ee aan badqabka muhimad siin.
Waxaa kale oo aan soojeedinaaya, dhireynta waddooyinka iyo daryeelka deegaanka waa in lugu daraa miisaaniyadda wadooyinka. Iyo dhisidda qashinqubyo horumarsan oo ka baxsan magaalada. Sidoo kale maamulka gobolka Banaadir waxaa laga rabaa inuu dib u nashqadeeyo magaalada una xadeeyo bad fiican goobaha bulshada ku nastaan ee laga maarmanak u eh sida darjiimada, barxadaha iyo beeraha oo dhamaan hadda jirin.
War iyo dhamaantii, Kobaca bulshada Muqdisho waa mid muuqda oo hadday noqoto dadka deegaanada kale ka soo hayaamaya ee caasimadda deegaan u soo raadsanaya iyo haddayba noqoto tirade caruurta ee dhalanaysa, sidaa awgeed dowladda dhexe iyo maamulka Banaadir waxaa la gudboon iney dib u habeyn balaaran ku sameeyaan waddooyinka magaalada, haddii loo baahdana jeexaan waddooyin hor leh.
