Isbaddelka ku dhacay Ibraahin Hawd

Isbaddelka ku dhacay Ibraahin Hawd

W/Q: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdullaahi (Okiyaale).

Ibraahin Yuusuf Hawd waa halabuure magacweyn qoreyna ruwaayadda aanadii Nageeye, tiro sheekooyin gaagaaban iyo qormooyin tiro beel eh, waxaana lagu tiriyaa hormuudka sheeko-faneedda Soomaaliga, labeeya Maxamed Daahir Afrax oo eh aabaha sheeka-faneedka Soomaaliga, qoreyna riwaayadda ugu caansan Soomaalida ‘Maanafaay’ iyo sheekooyin kale, sidoo kalana katagay tiro dhigaallo falanqeynaya suugaanta Soomaalida. Hase ahaatee, Hawd wuxuu dheeryahay Afrax iyo suugaanyahanno badan baraarujinta dhalinyarta dhanka maanfurnaanta iyo la dagaalidda quraafaadka iyo aragtiyaha xagjirka, isagoo u soomarinaya dhanka mareegyada iyo baraha-bulshada, wuxuuna tusaale (role-model) u noqday dhalinyaro badan oo xiiseeya akhriska.

Sanadaan danbe, ka dib doorashadii Muuse biixi 2017, Hawd wuxuu la soo baxay dhaqan lid ku eh qiyamkii uu ku hababin jiray dhalinyarta, wuxuuna u xuubsiibtay dhaqan geeljire oo sinaba u la jaanqaadi karin nolosha magaalowga, isbadalkaasi waxaa la fajacay indheergarad badan oo jaal la soo ahaa Hawd muddo dheer; ruuxii maalin ahaa ustaadka afkaarta maanshiilka wuxuu u dhalan rogtay odey nool casrigii Cali-dhuux iyo Qamaan Bulxan oo huriya colaadaha beelaha.

Isbadalka ku yimi Hawd waa mid ka gaddisan kan badi ku dhaca abwaanada iyo hobollada Soomaaliyeed ee xilliga ay da’da noqdaan ka dhiga kuwo u janjeera dhanka rooxaaniyaadka, sida ku dhacday Abwaan Hadraawi oo waayihiisii danbe u qaab ekaa wadaad dhaqanka ku dhagan sida laga dhadhamin karo suugaantii uu curiyay xilliyadaas sida maansooyinka Dabahuwan iyo Awaaltiris. Balse Hawd waxaa ku dhacay isbaddal kaas lidkiis eh, wuxuuba noqday colaad huriye aan ka sariigan inuu si qayaxan u maago beelaha. Halkuu ku koobnaan lahaa deedifeynta doodaha iyo aragtiyaha wuxuuba waayadaan caadeystey inuu adyadeeyo shakhsiyaad, iyo inuu abuuro ijaafooyin maalmo bulshadu isla-sii dhexmarto.

Hawd wuxuu ka mid yahay, dadka aad u dhaliila halgankii Sayidka kuna tilmaama inuu ahaa danbiile boobay geela beelaha, xasuuqayna maati isagoo shaar diimeed xeran, sidoo kalana wuxuu ka mid yahay dadka xagjirka ku eh qaddiyadda Soomaaliland, intaasna dhaliil u ma ahan, waa afkaar uu la qabo dadka deegaankiisa, hore ayaana loo yiri ‘ruuxa waxa dhala deegaankiisa.’ (الإنسان ابن بيئته).

Dhaliisha uu hawd leeyahay waa sootoosinta iyo hurinta colaadaha beelaha, isagoo qoraallada uu qoro ku daraya weero liidma muujinaya sida ‘Faqash’ ‘Qadaadweyn’ ‘Qoti’ ‘Qamuunyo’ mar kale soo qoraya boostiyo qadaf ku eh beelo kuna sheegayo inay yihiin gun, mar kale soo qofaya taariikhya duugoobay oo hurin kara colaado hor leh. Sidaa si la mid eh, Hawd wuxuu caaddeystey inuu tookhiyo beeshiisa sidoo kalana buunbuuniyo guulaheeda, isagoo isla jeerkaas naceyb ku abuuraya beelaha loolanka kala dhaxeeyo beeshiisa.

Ibraahin Hawd wuxuuba ka soo dagay maqaamkii indheergaradka iyo barbaariye ee lugu yiqiinay, wuxuuna noqday colaad huriye la maqaam eh qaaqlayaasha baraha bulshada ku faafiyay borobogaandada iyo wararka been abuurka iyo siyaasiinta xilraadiska eh ee ku awrkacsada beelaha!!

Dhaqamada gurracan uu Hawd ka wado baraha bulshada waxey abuureen jabaq iyo falcelino, marar badan waxaa la arkey Indheergarad badan oo sidiisii qashin faraha la galey oo moodey daw iney tahay; taasina waa arrin naxdintiisa leh, masuuliyiintii laga sugyey iney bulshadu ka baraarujiyaan qabyaaladda iyo dhaqanada dibusocodka, ka waran haddiiba iyagii dhaqanbiis noqdaan, waa su’aal da’ weynoo madaxa daalinayse hadii dabku dhaxamoodo maxaa lagu diiriyaa? haddiiba daawadii bukooto maxaa lugu dabiibaa?!

Ayaan darro, Hawd wuxuu ku waayay post-yada qabyaaladeysan ee bartiisa facebooka-ga ku faafiyo asxaab iyo arday badan oo waqti dheer jaal la soo ahaa, halka qaarkood si shakhsi eh isku qadfeen oo kala dhinteen, kuwa kalana is block-geen. Balse, asxaabta qaar ayaa wali rajo ka qabo oo nasiixo iyo toosin la dabataagan sida Cabdicasiis Guudcadde oo bishii Juulaay 11eeda bartiisa facebook-ga ku daabacay qoraal yar uu ugu caqlicelinaya Hawd, wuxuuna adeegsaday Guudcadde qoraal uu Hawd qudhiisu ka qorey Hadraawi sanaddii 2004, wuxuuna Guudcadde ku badalay [Hawd] booskii Hadraawi, waana kan qeyb ka mid eh qoraalka: “Halabuurka soomaalida waxaa ku badan jaahiliin iyo damiin aan meel dheer wax ka arki karin amaba si qaldan wax u arkaya. Laakin [Hawd] waa nin tacliin leh, isla markaa lagu xukumi karo nin maskax furan. Haddana wuxuu moodayaa in ay wanaagsantahay bulshada in lagu hayo dhaqan dhintay iyo hidde abaaday… [Hawd] halkii uu bulshada ku dhaliili lahaa hab-nololeedka gaboobay ayuuba ka sii dambeeyaa.”

Hawd waxaa waano ugu filan qoraaladiisii hore oo marar badan qabyaaladda ku maagay, qoraal kale uu qorey sanaddii 2015 uu cinwaankiisu ahaa ‘qabyaaladdee la dilayaa?’ wuxuuna ku dhaliilayay maamulka Soomaaliland ee goleyaasha ka sheega in lala dagaalamo qabyaaladda balse ku dhaqma qabyaaladda, waxaana ka mid ahaa hawraaro lid ku eh qabyaaladda sida “qabyaaladdu waa dulmi, dulmiguna waa shar…qabyaaladda in goor walba lala dagaalamaa waa waajib wadaniyadeed!”


Waxaa laga yaabaa dad badani iney isweydiiyaan sababaha dooriyo dhaqankii Hawd ee u ekeysiiye qabqable beeleed, dabacan sida noo muuqata aniga iyo indheergarad aan wareystay Hawd wuxuu ka gadooday dulmiga iyo hagardaamada ay beeshiisu kala kulantay siyaasadda Soomaaliland, hase ahaatee taasi u cudurdaari meyso, wuxuuna awooday isagoo qashimeysan inuu mucaarado taliska Muuse Biixi sida waxgarad badan yeeleen.

Ma rabo wacdi dheer inaan u qoro indheergaradka hase ahaatee waxaan rabaa inaan xasuusiyo iney mas’uuliyad ka saarantahay bulshada lagana rabo iney ka shaqeeyaan sidii bulshada uga talaali lahaayeen qabyaaladda, iskuna hawlaan sidey u tirtiri lahaayeen cuqdadda iyo naceybka ay qabyaaladdu abbuurto.
War iyo dhammaantii, waxaan kula talinayaa Hawd iyo wixii tubtiisa raaca ee indheergarad-sheegta iney u fakiraan qaab paragramatic eh oo u fakiraan habka ay ku kasban lahaayeen bulsho ballaaran oo ka ballaaran beeshooda, taasina waxey ku heli karaan markey ka fogaadaan qabyaaladda ay u ekaadaan dad-bulsho oo reer laheyn, taladaasina waxey quseysaa indheergaradkii raba inuu waxqabadkiisu raandhiis lahaado oo Soomaali oo idil gaaro.

Waxaan ku soo gunaanadayaa tuducyadii abwaan Timacadde ee qabyaaladda ka digayay:
Dugsi maleh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane,
Dul iyo hoosba waan ugu dhigay waa dixdhagaxeede,
Anuunbaa damqanayee dhaguhu uma daloolaane,
Dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane,
Bal inay dalfoof tahay caqliga dooni laga saaray,
Wixii hore usoo daashaday bay degashanaysaaye.


Fiiro: Aragtida waxa ay ka tarjumaysaa qoraaga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *