Tani ma tilmaamaha Bariga Dhexe cusub ee Netanyahu uu doonayaa?
Waxa qoray: Faysal Qaasim, qoraa iyo saxafi Suuriyaan
Waxaa tarjumay: Ismaaciil Iimaan
Markii uu soo muuqday ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu 8-dii bishii oktoobar ee sanadkii hore, taas oo ah, hal maalin ka dib howlgalkii “Duufaanta Al-Aqsa“, oo uu ku hanjabay inuu baddali doono wejiga Bariga Dhexe. Isaga uma hadlayn moogenimo, balse wuu ka warqabay waxa uu sheegayo, waayo qorshuhu uma eka mid cusub.
Shaki kuma jiro in qaar ay la yaabi doonaan: Suurtagal ma tahay in Qaza ay baddasho wejiga gobolka? Dabcan, jawaabtu waa maya, Bariga Dhexe kuma koobna oo kaliya arrinta Qaza, balse cawaaqibka wixii ka dhacay Qaza ayaa si tartiib tartiib ah ugu fidi doono dalalka kale ee gobolka.
Hadda ba la yaab ma leh in Axmed Abuu-alqeyt, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta uu yiri: “Kacdoonnada hadda ka jira gobolka waa kordhinta fowdadii dhacday 2011.” Waxaan ognahay sida ay Israa’iil hawgalladeedii waaweynaa uga rartay Qaza una gudubtay Lubnaan sanad ka dib dagaalka. Waa tan maanta ku hanjabtay in ay u gudbi doonto Suuriya. Hogaamiyaha Dhaqdhaqaaqa Waddaniga ah ee Turkiga Devlet Bahceli ayaa weerar ku qaaday mashruuca Israa’iil, wuxuu na sheegay in doorka Lubnaan ka dib uu imaan doono Suuriya, hadafka Israa’iil na uu yahay in ay gaarto xuduudka Turkiga, taas oo khatar ku ah ammaanka qaranka Turkiga, halka madaxweynaha Turkiga qudhiisa uu ka digay dhowr maalmood ka hor khatarta duullaanka Israa’iil ee Suuriya, haa, Suuriya.
Waxaan mar hore bilownay in aan aragno duullaanka ay Israa’iil gudaha ugu gashay tuulooyinka Suuriya. Haddii uusan Erdogan haynin calaamado halis tilmaamaya, haba yaraatee, ma ka digeen. Marka la soo koobo, dhimbisha Qaza waxa ay ahayd kaliya bilawga mashruuca Bariga Dhexe oo leh dhadhan Israa’iili ah, sida qaar ay u arkaan. Mar haddii Qaza, Lubnaan, Suuriya, iyo xataa Ciraaq aanay midba midka kale ka soocnayn, iskaba daay ee, dhamaantood waxa ay ku xiran yihiin mashruuca Iiraan. Tani waxay ka dhigan tahay in isbaddalka uu Netanyahu ka hadlay in uu kulminayo inta badan dalalka gobolka, oo ay ku jirto Iiraan lafteeda, iyo laga yaabee Turkiga oo ka baqay in mashruuca Israa’iil ku xirmo xaaladda Kurdiyiinta ee bariga Suuriya iyo cawaaqibka khatarta ah ee mustaqbalka ee Turkiga laftiisa.
Ma ahan wax qof kasta ka qarsoon in mashruuca cusub ee Bariga Dhexe ee xoghayihii hore ee arrimaha dibadda ee Maraykanka Gondoleezza Rice ay mar ka hadashay uu ahaa mid lagu karinayay dab diirran.
Bal u fiirso, tusaale ahaan, sida ay ugu baddaleen kacdoonadii shacabka ee gobolka, qalalaase wax burburiya. Yaynan illoobin in Rice ay ku magacawday mashruuca isbaddalka Mareykanka ee gobolka “fowdo hal’abuur leh.”
Maanta, markaan fiirino qorshayaasha Netanyahu ee uu ku dhawaaqay kadib “Duufaanta Al-Aqsa,” waxaan si fiican oo cad u fahmi karnaa marxaladda waxa loogu yeero “Guga Carabta“. Maanta waxaan billownay in aan xaqiiqsanno in wixii ay ka sameeyeen wakiiladooda iyo adeegayaashooda gobolkan oo ay ka mid yihiin fowdada, barakaca, burburka, dagaallada, qalalaasaha, iyo isbaddalka bobuleyshanka dadka, sida Suuriya oo ay gacanta ugu jirto taliska, ma ahayn wax ciyaar ah, balse waxay horudhac u ahayd waxa ay rabaan in ay hadhow ka sameeyaan gobolka. Taas oo ah in la baddalo wejiga Bariga Dhexe, sida uu yiri Netanyahu, si la mid ah tusaale ahaan sidii aan ku soo aragnay Suuriya, iyaga oo taageero siinaya.
Yaanan illaabin in aan xusno macnaha guud in xitaa Daanta Galbeed ay bartilmaameed ahayd xitaa ka hor howlgalka “Duufaanta Al-Aqsa,” taas oo la macno ah in ay saarneed miiska oo ay quudan doonto Israa’iil ka hor dagaalkii Gaza. Todobaadyadii la soo dhaafay, ayaa la xaqiijiyay in Israa’iil ay wada xaajood la gashay dhinacyo Carbeed si loo dejiyo gudaha Ciraaq hal milyan oo Falastiiniyiin ah oo ka soo jeeda Daanta Galbeed. Sarkaal sare oo Ciraaqi ah oo ka qaybqaatay wada xaajoodyadaas ayaa la sheegay in uu ahaa sarkaal Sunni ah oo xiriir dhow la leh Iiraan.
Su’aasha meesha taal ayaa ah: Ma laga yaabaa in sarkaal Sunni ah oo xiriir la leh Tehraan uu ku lug yeesho howsha barakicinta dadka Daanta Galbeed iyo dejinta gobolka Anbaar ee galbeedka Ciraaq? Runtii waa arrin shaki leh. Waa maxay doorka Iiraan oo sheegata inay taageerto qadiyadda Falastiin, arrintan uga aaddan? Marka la soo koobo, wax walba waxa ay ku socdaan sidii qorshuhu ahaa, haddii uusan qorshuhu horay u jirin, Netanyahu ma uusan ka hadleen isla markiiba ka dib howlgalkii “Duufaanta Al-Aqsa”. Maadaama mashruuca, sida aan kor ku soo sheegnay, uu koobayo gobolka oo dhan, waxaa jira tilmaamo badan oo maanta nagu qaadaya gudaha Iiraan laftiisa. Waa maxay saamiga Tehraan ee isbaddalkan la qorsheeyay ee Bariga Dhexe?
Tusaalooyinka ugu horreeya ayaa laga yaabaa in ay ku bilowdeen soo rididdii diyaaradda madaxweynihii hore ee Iiraan Ibrahiim Ra’iisi iyo dhimashadiisii oo uu weheliyo wasiirkii arrimaha dibadda Huseen Amiir Cabdillahyaan. Ma waxay ahayd dhacdo shil ah, mise waa billawga dib-u-habaynta aqalka Iiraan, gaar ahaan mar haddii loollanka garabyada u dhexeeya uu noqday mid sokeeye iyo shisheeya ka qarsooneyn oo si weyn uga dhex muuqda hoggaanka Iiraan, haba sheegin doorka firfircoon ee Maraykanka iyo Israa’iil ee loollanka ay ku leeyihiin.
Yaa dilay Ismaaciil Haniyah, madaxa xafiiska siyaasadda ee Xamaas ee gudaha Tehraan? Ma jiraa qolo u fududaysay hawsha Israa’iil oo gudaha ka timid? Waa su’aal kaliya? Waxa ka khatarsan cidda gacan ka gaysatay dilka ku dhawaad dhammaan hoggaanka Xisbullah, oo uu ku jiro xoghayihii guud Xasan Nasrallah laftiisa? Yaa soo gaarsiiyay qalabka isgaarsiinta ee qarxay ee Xisbullah? Ma ahan wax sir ah in shirkad Iiran ah ay soo dejisay qalabkan oo ay keentay Lubnaan iyada oo aan la hubin ammaankooda. Qofna halkan kama tuhmeyno, laakiin waa sax in su’aalo la is waydiiyo, gaar ahaan maanta waxaan aragnaa isbaddal cad oo ku yimid hadalka Iiraan.
Ma maqasheen madaxweynaha cusub ee Iiraan Pezeshkian oo leh; annaga lama colleytameyno Ameerika, Maraykanku waa walaalaheen oo waan is jecel nahay, waraysiyada uu telefishanku siiyey isagoo ka qaybgalaya shirarka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee NewYork? Oo yeynan illoobin in madaxweynaha cusub uu maanta taageero ka haysto mid ka mid ah dadka aadka ugu xamaasadeysan in la soo afjaro khilaafka reer galbeedka, kaas oo ah Javad Zarif, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda oo loo magacaabay madaxweyne ku xigeenka Iiraan. Laakiin dadka qaar ayaa ku sifeeyey maanta inuu yahay midka sameeya boqorrada, sababtoo ah waxa ay u muuqataa inuu hoggaamin doono geeddi-socodka isbaddalka gudaha ee xiriirka cusub ee Bariga iyo Galbeedka labadaba. Yeynan illoobin Zarif in uu ahaa ninkii saxiixay heshiiska nukliyeerka ee reer galbeedka ka hor inta uusan burin madaxweynihii hore ee Mareykanka Trump.
Waxaa jira kuwa aaminsan in Zarif maanta loo tixgeliyo heerkulbeegga isbaddalka ee Iiraan. Taasi waa sababta ay khalad u tahay in loo arko waxa ku dhacaya garabyada Iiraan ee gobolka inay dib u dhac ku yihiin Tehraan. Maya, haba yaraatee, Iiraan wax dib u dhac ah kuma aha sida dadka qaarkiis u malaynayaan, waxay isku dayaysaa in ay iska dhaafto habkii hore, oo ay ka takhalusto dhammaan garbaheeda dibadda ah, oo ay diiradda saarto gudaha Iiraan. Sidoo kale yeynan illoobin dib uga soo muuqashada saaxada wiilka Shaaha Iiraan iyo baaqiisii ahaa in isbaddal lagu sameeyo dalka.
Marka la soo koobo, run ahaantii ma jiraa Bariga Dhexe cusub, sida Netanyahu sheegay. Waxa ay u muuqataa in billowgii ay la socotay Iran, iyo in Lubnaan, Ciraaq, Suuriya iyo Gaza ay yihiin kaliya faahfaahinta mashruuca weyn? Oo yaynan illoobin dabcan, howlaha ugu weyn ee caadiyeynta xiriirka Israa’iil, haddii ay dhacaan, kaliya ma baddali doonaan Bariga Dhexe, laakiin waxay xitaa u horseedi karaan dib u habeyn khariidadaha gobolka, si waddamo iyo nidaamyo dhan u baaba’aan, ma u socon doontaa dabeysha sida uu jecel yahay naaquudaha Isra-Maraykan?
