W iyo Y—asal iyo farac; sidee codad shibbanayaal ahi, shaqallo ku noqon karaan?
Tusmo.
1. Ciwaan.
2. Duluc.
3. Hordhac.
4. Falanqayn.
5. Gabagebo.
Maxamed Axmed Dirir.
Julay, 2024.
1. W iyo Y—asal iyo farac; sidee codad shibbanayaal ahi, shaqallo ku noqon karaan?
2. Duluc.
Muhiimad weyn bay qaybaha kala duwan ee afka u lee dahay in la ogaado kaladuwanaanshaha codadka W iyo Y marka ay shibbanaha yihiin iyo marka ay shaqalka noqdaan. Sidaa darteed, abbaarta baadhistani waa in la ogaado, sababaha ka danbeeya in cod shibbane ahi mararka qaarkood uu u dhaqmo sidii shaqalka. Iyada oo la adeegsanayo tijaabooyin la xidhiidha miisaanka maansada, u-kuurgelidda habdhaqanka ereyada iyo isbarbardhigga ereyada, baadhistu waxa ay soo saartay in aanay jirin W iyo Y shaqal noqda, balse ay jiraan codad W iyo Y u dhow oo codadka shaqallada kala duwani sameeyaan. Isudhowaanta codeed ee W iyo Y iyo codadka ay sameeyaan isasaamaynta shaqallo kala duwan oo deris ah, ayaa qayb weyn ka qaadatay in W iyo Y loo maleeyo in ay mararka qaarkood shaqal noqdaan. Baadhistu waxa ay ka warcelinaysaa jiritaanka W iyo Y shaqal ah, waxayna soo bandhigaysaa in ay jiraan codad farac ah oo aad ugu dhow, laguna khaldo codadka W iyo Y. Ugudanbayntii, waxa loo baahan yahay in arrintan baadhis danbe lagu sameeyo iyada oo lagu caddaynayo qalab codeed.
Ereyada mudan; cod, shaqal, shibbane, asal, farac, W iyo Y.
3. Hordhac.
Mararka qaar in codadka W iyo Y ay shaqal noqdaan, waa arrin caan ah marka la joogo suugaanta Soomaaliyeed, gaar ahaan maansada. Mawduucan waxa jiritaankiisa ka hadlay, abwaan Gaarriye iyo baresare Carraale, waxayna ku lammaanayd Miisaanka Maansada Soomaaliyeed (MMS) oo isla labada abwaan ay ibafureen 1970-meedyadii. Miisaamidda maansada waxa saldhig u ah tirinta shaqallada meerisyada, sidaa darteed, waxa halkaa ka soo baxday in codadka W iyo Y ay mararka qaar sida shaqallada u dhaqmaan. Sheegista iyo in ay mararka qaar maansooyin ku ba adeegsadeen marka laga tago, Carraale iyo Gaarriye ma caddayn mararka ay xarfahini sida shaqalka u dhaqmaan. Sannado yar ka dib, baresare Cabdalle Cumar mansuur ayaa shaqalnimada W iyo Y kaga hadlay buuggiisa Astaamaha Maansada Soomaaliyeed (Mansuur 1978). Maaddaama xilliga MMS la ibafuray iyo baadhista Cabdalle isu dhowaayeen, haddana Cabdalle waxa uu u arkay in ay tahay mawduuc ay khasab tahay in la fahmo, maaddaama miisaanka maansada ay shaqalladu garbo u yihiin, la’aantoodna aan waxba la qaban karin. Baadhista W iyo Y waxa ay u sii baahatay in la sii horumariyo. Waxa kale oo jirta baadhis aan anigu mar ku sameeyey oo soo baxday 2018 (Dirir: Badhshaqallaha Afsoomaaliga, 2018), ka dib markii baadhisyada hore u sii baahdeen horumarin.
In kasta oo baadhisyada sare ay soo saareen mararka ay W iyo Y shaqal noqdaan, haddana waxa af ahaan loogu baahnaa, baadhista sarena xallin lahayd in la helo sababta ay codadkani iyaga oo asal ahaan shibbane ah, mar kale shaqal u noqon karaan. Waxay weydiintani soo saartay fakad bannaan oo aan miisaanka maansada ku koobnayn ee saamaynaysa habdhaqanka codadka Afsoomaaliga iyo barashadooda. Fakaddaa bannaan iyada oo ka duulaysa, baadhistani waxa ay soo saaraysaa in ay W iyo Y yihiin shibbanayaal asal ah, sidoo kalena ay jiraan codad farac ah oo aad ugu dhow W iyo Y. Codadka faraca ah waxa sameeya isasaamaynta codadka ku timaadda marka shaqallo deris ahi israacaan. Baadhistu iyada oo isla adeegsanaysa codadka af iyo maansada, waxa ay xallinaysaa in ay jiraan W iyo Y farac ah. Sidoo kale waxa ay baadhistu soo saaraysaa in codadka W iyo Y ee asalka ah iyo kuwa faraca ahi ay kala duwan yihiin, waxana lagu ogaadey iyada oo la adeegsanayo isbarbardhigga qaabdhismeedka ereyada.
Ereyada mudan; shaqal, shibbane, asal, farac, W iyo Y.
4. Falanqayn.
Qof walba oo miisaanka maansada wax uga bilaaban yihiin, waxa uu ogsoon yahay in ay W iyo Y mararkood sida shaqalka u dhaqmaan. Iyada oo aynaan fududayn sida lagu kala saari karo W iyo Y-da shaqalka ah iyo kuwa shibbanaha ah, haddana cidda u sii fiirsataa way dareemi kartaa kaladuwanaatooda. Falanqaynta dooddeennan waxa aynu u adeegsan doonnaa: isbarbardhigga qaabdhismeedka ereyada ay ku jiraan W iyo Y-da shaqalka ah iyo kuwa sida shibbanaha u dhaqma iyo Islafalgalka codadka deriska ah.
B. Isbarbardhigga qaabdhismeedka ereyada.
Codadku marka ay keligood gaar ugu taagan yihiin (xarfo), codadka ay leeyihiin iyo marka codadku israacaan (erey ama ereyo) isku si uma dhaqmaan inta badan. Israacidda codadku waxa ay keentaa islafalgal. Islafalgalka waxa ka dhasha in codadka israacaa hadba si u dhaqmaan iyada oo ay ku xidhan tahay hadba bulshadaasi sida ay ka yeesho. Marmar bulshooyinku waxa ay soo koobaan ereyo badan, iyaga oo hal erey ka dhigaya. Tusaale ahaan, saddexda erey ee (gacanta ayaa ay) waxay Soomaalidu ku soo koobtaa “gacantay”. Haddii aynu niraahno “Gabadhu wiilka gacantay qabatay oo kaxaysay” iyo haddii aynu niraahdo “Gabadhu wiilka gacanta ayaa ay qabatay oo kaxaysay” waa labo weedhood oo isku mid ah macne ahaan, waxayse ku kala duwan yihiin ereyada loo kala adeegsadey. In sidaas oo kale ereyada la soo koobo, waxa ay u eg tahay in la tashiilo tamarta ereyada badan ku bixi lahayd. Waxa kale oo keenta suugaanta, gaar ahaan maansada sida tan Soomaalida (Dirir: 2018). Maansada waxa udubdhexaad u ah oo hadalka ka duwa, sidoo kalena iyada dhexdeeda ka duwa waa shaqallada. Haddaba, si maanso waliba shaqallo cayiman u hesho oo macnaha loo jeedo gudbinaya, waxa khasab ah in shaqallada ereyada ku jira qaar la tuuro oo ereyga la soo koobo. Arrintan ereyada oo dhan lagu ma samayn karo, waxa keliya lagu sameeyaa ereyada aan macne ahaan isbeddelayn sida kuwa islafalgeli kara ee aan kor ku soo aragnay.
Haddaba, islafalgalka codadku wuxuu ka bilowdaa isbeddelka hal cod. Si loo kala saaro isbeddelka codadka ku dhaca, waxa la adeegsadaa laanta codbarashada (phonology), gaar ahaan labada laanhoosaad ee asalcodeed iyo codfaraceed (phoneme and allophone), sida ay u kala horreeyaan. Asalcodeedku waa codadka asalka ah ee xarfaha loo sameeyo, sida (B, T, J, D…). Codka asalcodeedka ah, haddii cod kale oo asal ah lagu beddelo, waxa isla beddela macnaha ereyga. Tusaale ahaan, ereyga “dad” haddii aynu codka hore ee “D” ku beddelno, codka “B”, macnihii hore ee ereygu waa isbeddelayaa, waxana soo baxaya macne kale oo jira. Si ka duwan asalcodeedka, codfaraceedku waa cod farac ah oo ka samaysma islafalgalka codadka israacraaca. Codfaraceedku macnaha ereyga ma beddelo haddii codka uu ka yimi ee asalka ah lagu beddelo.
Sida aynu ereyada ka arki karno, waxa jira codad badan oo asal ah oo yeesha codad kale oo farac ah. Waxaynu soo qaadan karnaa codka “D” iyo codka “G”. Codadka “D” iyo “G” waxay leeyihiin min labo cod (allaphones) oo kala fudud. Marka codka “D” ama “G” uu mid walba eteygiisa xagga hore ka galo, wuxu yeeshaa cod culus, se marka isla codadkaasi kala dhex galaan labo shaqal, waxay yeeshaan codad ka fudfudud codadka hore. Tusaale ahaan, labada erey ee “dawo” iyo “hodon” labada cod ee “D”, ee ku kala jiraa waa ay kala duwan yihiin. Balse kaladuwanaantoodu ma keenayso in ay macnaha ereyga beddesho. Haddii aynu codka “D” ee culus gelinno ereyga “Hodon”, wax macne ahi isbeddeli maayaan. Codka “G”-na waa la mid.
Si la mid codadka sare ayaa codadka “W” iyo “Y”-na u leeyihiin codad asal ah iyo kuwo farac ah. Tusaale ahaan, codadka ereyada u horreeya ee “W” iyo “Y”, ee ku kala jira ereyada “waraabe” iyo “Yaman” la mid ma aha, codadka “W” iyo “Y” ee ku kala jira “gabay” iyo “galow”. Kuwa xagga hore ka galay ereyga ayaa ka culus kuwa ereyga xagga danbe ka galay. Iyada oo ay sidaa tahay, ayaa waxa jira marar ay codadka “W” iyo “Y” ee xagga danbe ama dhexe ereyga ka galaan, ay iyana min labo nooc sii kala noqdaan. “W” mar shaqal ayaa ay noqotaa, iyada oo ka yare duwan codkeedii fududaa. “Y”-na waa la mid. Labaduba in ay marmar shaqal noqdaan waa arrin qof walba arki karo, sidoo kale waxa isku raacsan xerta miisaanka maansada falanqeeya (Gaarriye, Carraale, Mansuur iyo Ileeye).
Haddaba, si aynu u caddaynno kaladuwanaanshaha codadka faraca ah ee “W” iyo “Y”, waxa aynu halbeegga isbarbardhigga u qaadanaynaa miisaanka gabayga. Si loo fahmo mararka “W” iyo “Y” ay shaqalka noqdaan iyo xeerka hojiska, waxa la akhrin karaa baadhista (Dirir: Badhshaqallaha Afsoomaaliga: 2018).
I. Codka W.
Ereyada “dhawr” iyo “dharoorow” labada “W” ee ku jirta waa shaqal, waana isku mid. Si aynu u caddayno, labada ereyba hal meeris oo gabay ah ayaynu gelinaynaa.
▪︎Waxaan dhawrsan¹ jirey ceeb miyaa, igu dharoorowdey². 19+W+W=21³ shaqal, 122⁴.
1/2/3/4. Eeg Badhshaqallaha Afsoomaaliga.
Si sidaa ka duwan, waxaynu helaynaa codka “W” oo dib ka galay ereyga oo aan markan shaqal ahayn. Labada erey ee “Boorow” iyo “Fiidow” labada “W” ee ugu danbaysa waa shibbanayaal. Si aynu u caddayno, labada ereyba hal meeris oo gabay ah baynu gelinaynaa:
▪︎Markuu Boorow sida Fiidow tegey, waa farxi lahayd¹e. 20+Y= 21² shaqal, 122³.
1/2/3. Eeg Badhshaqallada Afsoomaaliga.
In kasta oo codka “W” ee mar shaqalka ah, marna shibbaha ah, uu guud ahaan ku yar yahay dhammaadka erey Afsoomaaliga, oo isku qaabdhismeed ah, si la isu barbardhigo, haddana sida muuqata, waa ay kala duwan yihiin labada goor ee ay W” shaqalka ama shibbanaha tahay.
II. Codka Y.
Ereyada “sebigay” iyo “Eebbahay” labada “Y” ee ku kala jirtaa waa shaqal, waana isku mid. Si aynu u caddayno, labada ereyba waxa aynu gelinaynaa meerisyo gabay ah.
▪︎Sebigay¹ lahayd² iyo hadday³, gacantu sooyaanto 17+Y+Y+Y= 20⁴shaqal, 1121⁵.
1/2/3/4/5, eeg Badhshaqallaha Afsoomaaliga.
▪︎Inaan Eebbahay¹ idin qatalin, qariya laabtiinna. 20+Y= 21² shaqal, 122³.
1/2/3, eeg Badhshaqallaha Afsoomaaliga.
Sidaa si ka duwan labada erey ee “waxay” iyo “taxay” waa isku qaabdhismeed aad isu gu dhow. Sidaa oo ay tahay labada “Y” ee ku jira mid waa shaqal, midna waa shibbane. Ereyga hore tan ku jirtaa waa shaqal, halka tan ereyga danbe ku jirtaa shibbane tahay.
▪︎Goortuu maqnaa waxay¹ i tiri, guriga maad aaddo. 19+Y= 20 shaqal, 221.
▪︎Maxaan tegey maxaan taxay markii, turuqa lay¹ sheegtay. 20+Y= 21² shaqal, 1211³.
1/2/3, eeg, Badhshaqallaha Afsoomaaliga.
Mar kale aynu eegno labada erey ee “goortay” iyo “joogtey” oo isku qaabdhismeed ah, balse labada “Y” ee ugu danbeeya tan ereyga hore ku jirtaa ay shaqal tahay, tan ereyga danbe ku jirtaana ay shibbane tahay.
▪︎Ma googoosan goortay¹ gacmuhu, guban ahaayeene. 20+Y= 21² shaqal, 122³.
▪︎Wax la yiri waxay¹ joogtey waa, jaaha gurigooda. 19+Y= 20² shaqal, 11111³.
Sida aynu sheegnay codadka asalka ahi waa ay farcami karaan, balse codka farcamaha ah in la ogaado cod ahaan in uu ka duwan yahay codka asalka ah, wax aan ahayn oo saamayn ah kuma keeno ereyada marka laga yimaaddo “W” iyo “Y”. Haddaba, qaabdhismeedka ereyadu waxa uu inoo caddaynayaa in codadka “W” iyo “Y” ee shibbana ahi aanay la mid ahayn kuwa shaqalka ah. Sidaa waxa laga arki karaa marka labo erey oo qaabdhismeed ahaan isu dhigma la is barbardhigo. Sida caadiga ah waxay ahayd in aanay saamayn keenin, marka codka faraca ah iyo kan asalka ah la geliyo ereyo isku qaabdhismeed ah ama qaabdhismeedkoodu kala duwan yahay. Sidaa darteed codadka “W” iyo “Y” ee shaqalka ahi kama iman codadka W iyo Y ee asalka ah.
T. Islafalgalka codka deriska ah.
Sida caadiga ah, marka xarfaha ama codadka hadalka si kelikeli ah loo yiraahdo iyo marka ay ereyo raacaan waa ay kala duwanaadaan. Marka codadku israacaan, waxa guud ahaan dhaca falgal ay codadkii awel hal-halka ahaa ereyo ku noqdaan ama ay weedho ku noqdaan. Islafalgalka israacraacidda codadka deriska ah ku yimaaddaa, waa ay noocyo badan yihiin, waxan ka soo qaadan karnaa; codbeddel oo si gaar ah mawduuceenna u khuseeya iyo codmilan. Codmilanku waa islafalgalka dhaca marka labada cod ee deriska ahi isku milmaan oo hal cod isu gu tagaan. Tusaale ahaan, falka “galnaa” waxa laga dhigaa “gallaa” oo codkii “L” ayaa uu ku milmay codkii “N” ee asalka ahaa. Sidoo kale falka “gurnaa” wuxu noqdaa “gurraa” oo markanna codkii “N” wuxu ku milmay codka ka horreeya ee “R”.
Si ka duwan falgalka hore, codbeddelku waa falgal israacraacidda codadka deriska ah ku dhaca oo meesha laga saaro cod asal ahaan u jirey iyada oo uu imanayo cod kale. Codka meel uu asal ahaan ku jirey laga beddelo oo cod kale loo beddelo, codka beddelayaa wuxu noqdaa codka god ahaan ugu dhow, godadka codadku ka soo baxaan. Tusaale ahaan, codadka “D” iyo “T” meesha ay ka soo baxaan aad bay isu gu dhow dahay. Sidaa darteed waa isku bah isbeddeli kara. Sidoo kale ereyada Afsoomaaligu kuma dhammaadaan codadka “T” iyo “K”, sidoo kale labadan cod alammadu kuma dhammaadaan. Alammadu kuma dhammaadaan waxa laga wadaa, in aanu codkani geli karin meelaha labo shibbane isu gu yimaaddaan, isla ereyga dhexdiisa. Ma dhici karto in codka “T” ama codka “K” ay galaan meesha ereyga “hargab” uu kaga jiro codka “R”.
Haddaba waxa jira marar ay afafka qalaad inoo ka yimaaddaan ereyo ku dhammaada codadka “T” iyo “K” sida ereyada “internet” iyo “book”. Si ereyada codadkaa ku dhammaada u soomaaliyoobaan, cod walba waxa beddela codka u dhow. Codka “T” waxa beddela “D”, halka codka “K”-na uu codka “G” beddelo. Sidaa darteed ereyadaas sare waxay ku soomaaliyoobeen “intarned” iyo “buug”.
Haddaba, qodobka labaad ee aynu dooddeenna ku dhisaynaa waa codbeddelka yimaadda marka ay isla falgalaan labo cod oo deris ahi. Codadka “U” iyo “I” in kasta oo ay shaqal yihiin, waxay aad isu gu dhow yihiin codadka “W” iyo “Y”, sida ay u kala horreeyaan. Cod shaqal ahi shibbane ma noqon karo, balse godadka afka ee codadku waa ay isu dhowaan karaan iyada oo aan la tixgelinayn shaqal iyo shibbane kan uu yahay. Haddaba, sida aan tusmada hoose ugu tegi doonno, marka ay ay deris noqdaan codadka “A+I”, falgalkooda waxa ka soo baxa codka “Y” shaqal ah. Sidoo kale, marka ay deris noqdaan codadka “A+U” waxa falgalkooda ka soo baxa codka “W” shaqal ah. Islafalgalka shaqallada ee ay ka soo baxaan codadka “W” iyo “Y”-da shaqalka ahi waxa ay noqdaan toddobo qaab oo u sii kala qaybsan labo qaabhoosaad, waxa ayna kala noqdaan:
I. Falgal toos ah.
1. A+I= ay.
2. A+U= aw.
1. Codka “A” marka uu la deris noqdo codka”I ama II”, (A+I), waxa dhaca codbeddel, waxana codkii “I” uu noqdaa “Y”. Tusaale ahaan;
1B). Waa la i maagay.
1T). Waa lay maagay.
1J). Waa la ii yimi.
1X). Waa lay yimi.
2. Codka “A ama AA” marka uu la deris noqdo codka “U”, (A+U), waxa dhaca codbeddel, waxana codkii “U” uu noqdaa “W”.
Tusaale ahaan;
2B). Waa u imi.
2T). Waw imi.
2J). Ha u tegin.
2J). Haw tegin.
II. Falgal dadban.
3. AA= AI= ay
4. EE= A+I = ay.
5. OO = O+I= oy.
6. OO = O+U= ow.
7. UU= AU= aw
3. Codka “AA” marka uu ereyga ugu danbeeyo degaannada qaar wuxu isu beddelaa “A+I” ama Y.
Tusaale ahaan;
3B). Dhurwaa baa adhigii cunay.
3T). Dhurway baa adhigii cunay.
3J). Xilli xagaa ah baan reerka u imi.
3X). Xilli xagay ah baan reerka u imi.
4. Codka “EE” marka uu ereyga ugu danbeeyo ama mararka qaar ee uu ereyga dhexdiisa ku jiro, waxa uu isu beddelaa “A+I” ama Y.
Tusaale ahaan;
4B). Geela xero u samee.
4T). Geela xero u samay.
4J). Dadweynaha u bushaaree.
4X). Dadweynaha u bushaaray.
5. Codka “OO” marka uu ereyga u danbeeyo, wuxu isu beddelaa “OI” ama “Y”.
Tusaale ahaan;
5B). Hilibka googoo.
5T). Hilibka googoy.
6. Codka “OO” marka uu ereyga ugu danbeeyo ama mararka qaar ee uu ereyga dhexdiisa ku jiro, waxa uu isu beddelaa “O+U”, ama “W”.
Tusaale ahaan;
6B). Soo gaadhigii ma iman?
6T). Sow gaadhigii ma iman?
7. Codka “UU” marka uu ereyga ugu danbeeyo degaannada qaar wuxu isu beddelaa “A+U” ama W.
Tusaale ahaan;
7B). Xagguu wiilku ka yimi?
7T). Xaggaw wiilku ka yimi?
7J). Muxuu gaadhigu wadey?
7X). Maxaw gaadhigu wadey?
5. Gebagebo.
Marka la isla akhriyo—mararaka W iyo Y ay shaqal noqdaan iyo mararka codbeddelku yimaaddo—waxa soo baxaysa in Y iyo W shaqalka ahi ay ka samaysmeen islafalgal codeed oo ku yimi shaqallo kala duwan oo deris ah. Waxase jirta mararka qaar in aanay caddayn sababta keentay shaqalnimada “Y” iyo “W”, sida marka ay ereyga dhexdiisa (hayb, Eyl, hawd, cawsku…) ku jiraan. Se isla markan qudhdhiisa waxa la heli karaa ereyo “W” ama “Y” ku jirtaa ay islafalkal codeed ku dhalatay sida “lays= la is”, “hays= ha is”. Marka cod farac ahi ka dhanbalmo codad hore u jirey, waxa dhacda in codkaa dhashay isaga oo aanu falgalkii codeed ka muuqan, erey afka ka mid ah lagu dhiso. Tusaale ahaan, codka faraca ahi marka uu yimaaddo, waxa uu ka mid noqonayaa codadka jira ee afkaasi lee yahay. Iyada oo ay sidaas tahay ayaa codkaas beryaha danbe lagu dhisi karaa ereyo asal ah oo aan laga garan karin codkaasi in uu falgal codeed ku yimi. Sidaa darteed, mararka kooban ee aan la caddayn karin sida ay shaqalnimada “W” iyo “Y” ku yimaaddeen, waxa la fili karaa in uu ku yimi cod farac ah oo loo adeegsadey ereyo asal ah. Waxyaabaha caqabadda noqday intii baadhistan la wadey, waxa ay ahaayeen in aan si toos ah loo caddayn karin kaladuwanaanshaha codeed ee ka jira codadka “W iyo Y ” marka ay shibbanaha yihiin iyo marka ay shaqalka yihiin. Qodobbada kale ee baadhistu caddayn kari weydeyna waxa ka mid ah qodobka sheegaya: in aan la caddayn karin ereyada qaar sababta ay codadka “W iyo Y” ee ku jiraa u shaqaloobeen. Sidaa darteed, labadaa qodobba waxa loo baahan yahay in baadhis danbe lagu sameeyo.
Ugudanbayntii, waxa iska cad in dhawaaqyada ay ku kala duwan yihiin W iyo Y shaqal ah iyo W iyo Y shibbane ah. Mar kale waxa ay W iyo Y ku yimaaddaan islafalgalka shaqallada deriska ah, waxa ayna soo saaraan codad farac ah oo aan asal ahaan ku jirin codadka qoran ee Farsoomaaliga. Marka saddexaad iyo marka afraadna W iyo Y way ku kala duwan yihiin qaabdhismeedka ereyo isku mid ah, sidoo kale cod shibbane ahi marna shaqal ma noqdo, mid shaqal ahina shibbane ma noqdo. Dhawrkaa qodob oo aynu qaybtood tijaabo ku samaynay, waxa ay si cad inoo ku kala sheegayaan in ay kala duwan yihiin; W iyo Y shaqal ah iyo kuwa shibbanaha ahi.
6. Tixraacyo.
1. Guuleed (Carraale), C. D. ,(2014), Gibilxidh; Miisaanka Maansada Soomaaliyeed. Stockhlom: For fattares Boksmaskin.
2. Mansuur C. C. (1977). Astaamaha Guud ee Maansada Soomaaliyeed.
3. Cali Ileeye (2018), Xabagbarsheed; Miisaanka Maansada Soomaaliyeed; Midayn iyo midhiftir.
