Loojig

                                          LOOJIG

W/Q: Maxamed Jaarlees

                     1 

Waxaa jira wax caqliga bani’aadamka gali kara iyo wax aan gali karin. Si caqliga bani’aadamka wax loo galiyo waxa uu u baahan yahay in loo sababeeyo. Sababtu waa waxa isku xiriiriya labo micne iyo ka badan. Marka uu qof kuu la yimaado dood, iskama aamini kartid ilaa uu kuu sababeeyo. Marka ay caqligaaga ka dhaadhacdo ayaad aamini kartaa dooddaas. 

Haddaba caqliga dhisan ayaa sidaas u xisaabtama. Qof kasta caqligiisu ma dhisna, taas u lama jeedo caqli xumo, balse waxaan ula jeedaa qofka aan loojiggiisu dhisnayn caqligiisu difaac maleh. Wixii la doono ayaa lagu shubi karaa oo laga dhaadhicin karaa. 

Loojiggu waa awoodda lagu kala saaro doodaha saxan iyo doodaha jaban. Loojiggu waa awood caqliyeed oo dabiici ah, balse si ku talagal ah loo hormarin karo. Loojiggu dan kama galo aftahamada, afmiishaarnimada, isbihin bihinta, iyo wax kasta oo doodda lagu xoojiyo; kaliya waxa uu awoodda saaraa saxnaanshaha doodda. 

Dad waxaa jira si ku talagal ah dooddooda ugu xoojiya xeelado ku dhisan shucuur, ama qiyamka guud ee bulshada, si ay dhagaystaha u dhego barjeeyaan oo ugu qanciyaan dooddooda. Haddii dhagaystuhu uusan ka dhisnayn loojigga waxa uu u sacab tumi doonaa dood kasta oo jaban. 

Waxaa jirta xirfad la yiraahdo feker naqdineed (critical thinking) oo macnaheedu yahay hab fekerka lagu kala saaro saxa iyo khaladka, adiga oo loojigga adeegsanaya. Loojigguna waa wixii caqligalka ahaa. Waxa caqligalka ah iyo waxa aan caqligalka ahayna waxaa kala saara sababaynta (reasoning). Haddaba waxaa jira saddex nooc oo sababayn ah oo loo adeegsado dhismaha doodda (argument). Waxay kala yihiin; sababaynta dhiraandhirinta ku dhisan (deductive reasoning); sababaynta guudaynta ku dhisan (inductive reasoning); iyo sababaynta qiyaasta ku dhisan (abductive reasoning). 

1. Sababaynta ku dhisan dhiraandhirinta (deductive reasoning) – waa nooca ugu adag uguna saxan ee wax loo sababeeyo. Haddii aan si fudud u sharraxno, waa in aad dooddaada u celiso xaqiiqo guud oo la isku wada raacsan yahay. 

Tusaale ahaan; aadanahu waa mid dhinta. Farmaajo waa aadane. Sidaas darteed Farmaajo wuu dhiman doonaa. 

Marka aad eegto tusaalahaan waa dood saxan oo loojig ahaan aan la loodin karin, sababtoo ah waxa ay ku dhisan tahay xaqiiqo la isku raacsan yahay oo ah in aadanuhu uu dhinto. Waa sababta loogu baxshay doodda ku dhisan dhiraandhirinta, waxaa wax laga soo dhiraandhirinayaa xaqiiqada wayn si loo caddeeyo doodda ah in Farmaajo uu dhiman doono. Sheekada kor ayaa laga soo bilaabayaa, deedna hoos ayaa la keenayaa. Doodaha noocaan oo kale ah mar kasta waa sax. 

Tusaale labaad; ninka aan waligiis guursan waxaa la yiraahdaa doob. Faarax waligiis ma guursan. Sidaas darteed Faarax waa doob. 

Waa tusaale labaad oo muujinaya dood ku dhisan sababaynta dhiraandhirinta. Waxaa la caddaynayaa in Faarax doob yahay, iyada oo loo cuskanayo xaqiiqada ah in ninka aan waligiis guursan loo yaqaan doob. 

2. Sababaynta ku dhisan guudaynta (inductive reasoning) – waa nooc sababayn ah oo bilcaksi ku ah noocii hore. Marakan sheekadu waxa ay ka soo bilaabanaysaa hoos, si loo dhiso xaqiiqo guud. Haddaba doodaha noocaan ah waxa ay noqon karaan sax, sidoo kalana khalad ayay noqon karaan. Ma ahan biyo kama dhibcaan sida tii hore oo kale. 

Tusaale ahaan; Falasatiiniyiintu waa dad la dhibaateeyay oo dhul boob lagu hayo, kuna garaadsada nolol u dhaxaysa dagaal iyo qax. Deedna Falasatiiniyiintu waxay noqdeen dad geesiyiin ah oo dhagax kula dirira Yuhuudda hubaysan. Sidaas darteed bulsho kasta oo la dhibaateeyo dhulkoodana la boobo waxa ay noqdaan geesiyaal. 

Tusaalahaan waxa uu soo bandhigay dood ku dhisan guudayn (inductive reasoning), si loo dhiso xaqiiqo cusub oo sheegaysa in bulsho kasta oo sida Falastiiniyiinta loo la dhaqmo ay geesiyaal noqonayaan. Sax iyo khaladba way noqon kartaa dooddaas, sababtoo ah Falasatiiniyiinta kaliya laguma caddayn karo in bulsho kasta oo la dhibaateeyo ay geesiyiin noqonayaan. 

Tusaale labaad; Axmed maalin kasta iskuulka waxa uu yimaadaa toddobada aroornimo. Axmed waa nin wakhtiga iskuulka aad u ilaaliya. Sidaas darteed Axmed birri waxa uu iskuulka imaan doonaa toddobada aroornimo. 

Waa tusaale kale oo ah sababaynta ku dhisan guudaynta, khasab ma ahan Axmed in uu birrina yeelo sidii looga bartay. Waxyaabo kale ayaa qabsan kara, sidaas darteed sax iyo khaladba way noqon kartaa dooddaan. 

3. Sababaynta ku dhisan qiyaasta (abductive reasoning) – waa nooc sababayn ah oo ah in aad wax aad horey u taqaanay, ama macluumaad aad hayso, aad u adeegsato caddayn, si aad u xoojiso malahaaga iyo qiyaastaada ku aaddan arrin kale oo markaa laga hadlayo. Marakan xaqiiqo guud wax laga soo dhiraandhirin mayo, sidoo kale xaqiiqo cusub lama dhisayo, kaliya waxaa la caddaynayaa in dhacdo hebel ay sababtay dhacdo hebel kale. 

Tusaale; marka roobku uu da’o waxaan aragnaa in uu biyo dhigo waddooyinka magaalada. Jaamac oo hurda ka soo kacay ayaa magaalada u soo baxay, wuxuuna arkay biyo waddada waran. Sidaas darteed Jaamac waxa uu ku dooday in roob da’ay. 

Doodda jaamac waa suurtagal in ay sax tahay, sidoo kale khalad ayay noqon kartaa sababtoo ah booyad ayaa biyuhu uga daadan karaan jidadka uu Jaamac arkay, ama tuubooyinka biyo galInta qayb kamid ah ayaa dillaaci kara. Sidaas darteed Jaamac waxa uu aaminay in roob da’ay isaga oo adeegsanaya aqoontii hore ee uu u lahaa in roobku jidadka biyo dhigo. 

Tusaale labaad; Cali iyo Guuleed ayaa xaafad wada daggan. Cali ayaa daaradda guriga ku arkay in casho ay wada cuni jireen la dhammaystay, oo xeeradii oo eber ah meel gorofsan tahay. Cali waxa uu aaminay oo ku dooday in Guuleed uu caawa cashadii ka dhammaystay, maadaama aysan jirin cid kale oo furaha guriga haysa marka laga reebo xaafadda cashada keenta. 

Doodda Cali waa suurtagal in ay sax tahay, haddana waxa macaquul ah in ay khalad tahay oo tuug guriga u soo dhacay, cashadiina uu cunay, Guuleedna uusan arag cashadaas. Haddaba doodda Cali waxa ay ku dhisan tahay sababaynta qiyaasta. 

                             ***

LAYLI

1. Dhis hal tusaale oo ah dood ku dhisan sababaynta dhiraandhirinta. 

2. Dhis hal tusaale oo ah dood ku dhisan sababaynta guudaynta. 

3. Dhis hal tusaale oo ah dood ku dhisan sababaynta qiyaasta.

                               ***

                                     2

Xeerarka aasaasiga ah ee loojigga

Qaybtii hore waxa aynu ku soo aragnay saddexda hab ee wax loo sababeeyo marka la adeegsanayo doodaha loojigga ah, ama caqligalka ah. Dabcan meel sare ayaan ka bilawnay mawduuca, waxaan dib ugu noqonaynaa casharro aasaasi ah oo aan ka soo boodnay. Qaybtaan waxaan is lahaa aad uga hadashid dhismaha doodda, balse waxa aynu ku hormari doonnaa waxa la yiraahdo; xeerarka loojigga (Laws of logic). Qaybta saddexaad baan dhismaha doodda uga hadli doonnaa.

xeerarka loojiggu waa xeerar aasaasi ah oo caqliga bani’aadam-ka u degsan, ma ahan xeerar ay cid gaar ah dajisay. Waa rabbaani. Waa saddex xeer oo aasaasi ah, waana kuwaan hoose; 

1. Xeerka aqoonsiga (law of identity): xeerkaan waxa uu sheegayaa in shay kasta uu yahay shaygiisa, ama wax kasta ay yihiin waxooda. Tusaale ahaan geedku waa geed, neefka geela ahi waa neef geel ah, qofku waa qof, ubaxu waa ubax, buuggu waa buug, iwm. Waxaa meesha ka baxaysa “waxaas baan ula jeeday, iwm”. Marka loojigga la joogo waa in hadalku cad yahay. Ma leh sarbeeb, iwm. Wax kasta waa in ay ahaadaan waxa ay yihiin. A = A, B = B, ikk. 

2. Xeerka isburinla’aanta (The law of non-contradiction): xeerkaan waxa uu sheegayaa in isburintu ay reebban tahay. Isburintu waxaa weeye in aad hal mar wada tiraahdo; waxaasi waa sidaas, iyo waxaasi sidaas ma ahan. Waa meesha ay Soomaalidu ka tiraahdo “Ilaahow hal mar haa iyo maya ha naga wada yeersiin !” Waxa ay ka ducaysanayaan waa isburinta. 

Tusaale ahaan: suurtagal ma ahan in aad Soomaali tahay haddana aadan ahayn; suurtagal ma ahan in Cali danbiile yahay haddana uusan ahayn; suurtagal ma ahan in Soomaaliya ay ku taallo Afrika haddana aysan ku oollin; iwm. Ogolaansho iyo diidmo hal mar isma raaci karaan iyadoo isku wax laga hadlayo (the same respect). 

3. Xeerka dhexdhexaad diididda (The law of the excluded middle): xeerkaan waxa uu sheegaya in aysan jirin wax u dhexeeya; waxaasi waa sidaas, iyo waxaasi sidaas ma ahan. Ma jiraan wax u dhexeeya shaygaasi waa sidaas iyo sidaas ma ahan. Si kale haddaan kuu fahansiiyo, xeerka labaad ee “isburinla’aantu” waxa uu sheegayay in aadan hal mar wada oran karin haa iyo maya; balse xeerkaani waxa uu sheegayaa in aad haa ama maya midkood oran karto oo kaliya, balse aysan jirin wax saddexaad oo aad oran karto oo u dhexeeya. 

Tusaale ahaan; Faarax waa tuug iyo tuug ma ahan wax u dhexeeya ma jiraan, la ma oran karo tuug xigeen, iwm. In wax la qiro iyo in wax la diido, wax kale oo u dhexeeya ma jiraan oo lala soo shir tagi karo, marka loojigga la joogo. 

Haddaba saddexdaas xeer ayaa aasaasi u ah loojigga, hadalkii ku dhisan saddexdaas xeer ayaa albaabka hore ka soo gali kara loojigga. Waxaa jira doodo loojig ahaan saxan oo xeerarkaan aasaasiga ah soo buuxiyay, balse cilladaysan ama jaban (fallacies), kuwaas casharro gaar ah ayaan ku bixin doonnaa qaybaha danbe ee taxanaha. Xeerarkaan saddexda ah waa albaabka hore ee laga galo loojigga. 

                                      ***

                                  3

                    Dhismaha doodda 

Qaybtii 2-aad waxaan ku soo aragnay xeerarka loojigga. Qaybtaan 3-aad waxaan ku baran doonnaa dhismaha doodda (argument). Dhismaha dooddu waa marka ay dooddu leedahay oraahyo xiriirsan oo leh natiijo gunaanad ah. Farsamo ahaan doodda dhismaheedu u dhammaystiran yahay waa in ay yeelato; hordhacyo (premises), iyo gunaanad (conclusion). Ugu yaraan hal hordhac iyo gunaanad waa in ay yeelato, balse waxaa ka sii fiican ugu yaraan labo hordhac iyo gunaanad, si dood xooggan ay u noqoto. 

Hordhac (premise) – waxaa la yiraahdaa oraah ama jumlad wax caddaynaysa, isla markaasna caddayn u ah gunaanadka doodda. Si kale haddaan u iraahdo, waa oraah sababayn u ah gunaanadka. 

Gunaanad (conclusion) – waa wixii la caddaynayay ee loo doodayay. Marka labada hordhac ay run noqdaan, gunaanadkuna run ayuu noqdaa.

Haddaba marka labo hordhac oo xiriirsan iyo hal gunaanad, ay israacaan ayaa la yiraahdaa dood dhisan (argument). Labo hordhac iyo gunaanad aan si loojig ah u xiriirsanayn noqon mayaan dood dhisan. Waa in caqli ahaan laga fahmi karo labada hordhac in ay xoojinayaan gunaanadka. 

Tusaale 1. 

Hordhac 1-aad (premise 1): 

Waa khalad in la dilo qof bani’aadam ah. 

Hordhac 2-aad (premise 2): 

Ilmo iska soo xaaqiddu waa dil qof bani’aadam ah. 

Gunaanad (conclusion): 

Sidaa darteed waa khalad ilmo iska soo xaaqiddu. 

Tusaalahaan waa dood dhisan oo ka kooban labo hordhac iyo gunaanad. Dooddaan waxa ay caddaynaysaa in ilmo iska soo xaaqiddu ay khalad tahay. Si loo caddeeyo khaladkaas waxaa hordhaca 1-aad loo adeegsaday xaqiiqo guud oo la isku raacsan yahay oo ah “waa khalad in la dilo qof bani’aadam ah”. Kaddib hordhaca 2-aad waxaa lagu caddeeyay “in ilmo iska soo xaaqiddu ay tahay nooc dilitaan qof bani’aadam ah”. Ugu danbayn gunaanadku wuxuu noqday dood adag oo leh “ilmo iska soo xaaqiddu waa khalad”. 

Haddaba dooddaas dhisan si kooban marka loo qoro waxa ay noqonaysaa sidatan hoose;

Waa khalad in la dilo qof bani’aadam ah. Ilmo iska soo xaaqiddu waa dil qof bani’aadam ah. Sidaas darteed waa khalad ilmo iska soo xaaqiddu. 

Tuducdaas kooban ayaa lagu gudbin karaa doodda, adiga oo aan kala hormayn ama qorin; hordhac 1-aad, hordhac 2-aad, iwm. Kala hormayntu waa iska farsamo la rabo in ardada lagu fahansiiyo dhismaha doodda, iyo sida ay iskugu xiriirsan yihiin labada hordhac iyo gunaanadku. 

Tusaale 2. 

Hordhac 1: qof kasta oo bani’aadam ah wuu dhiman doonaa. 

Hordhac 2: Deni waa qof bani’aadam ah. 

Gunaanad: sidaa darteed Deni wuu dhiman doonaa. 

Tusaale 3. 

Hordhac 1: wax kasta oo nidaam leh waa in ay jiraan cid nidaamisay. 

Hordhac 2: Uunku waa mid nidaamsan. 

Gunaanad: sidaas darteed waa in ay jirto cid nidaamisay uunka. 

Dhammaan tusaalayaasha aan adeegsaday waa hal nooc oo kamid ah hababka wax loo sababeeyo, habkaasna waxaa la yiraahdaa sababaynta dhiraandhirinta ku dhisan (deductive reasoning). Habab kale ayaa jira. Qaybta 1-aad ee taxanaha ayaan ku soo aragnay dhammaan hababka sababaynta, soo akhri haddii aadan wali arag. Qaybtaan waxa ay khuseysay dhismaha doodda oo kaliya.

Waxaa sidoo kale muhiim ah in aad doodda ka aqoonsato sheekooyinka iyo hadallada caadiga ah. 

                                    ***

LAYLI

1. Dhis hal dood oo leh labo hordhac iyo gunaanad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *