Iskudhacyada Soomaaliya: Jiridda dhibaatada, Caqabadaha, iyo istiraatiijiyadda Nabad-dhiska

Iskudhacyada soomaaliya: Jiridda dhibaatada, Caqabadaha, iyo istiraatiijiyadda Nabad-dhiska

Waxaa soo koobay: Cabdullaahi Shariif Xuseen

Curis-qoraaleedkaan oo ay wada qoreen barfasoor Afyare Cabdi Cilmi iyo Dr Cabdullaahi Bariise, laguna daabacay Mac-hadka Daraasaynta Ammaanka(Institute for Security Studies), ayaa kamida qoraalada lagu lafaguray dibudhaca dowladeed iyo kan umadeed ee soomaalida ku dhacay, gaar ahaan qaran-jabkii kadib. Labadaa qoraa oo ay ka muuqato xeeldheeri iyo faham dowladeed ayaa curis-qoraalkaan ku soo bandhigay iskudhacyada ka jira soomaaliya, ubucda dhibaatada, caqabadaha ku horgudban dowlad-dhiska soomaaliya, iyo sidoo kale xuluusha maangaalka ah ee lagu dhalin karo nabad-waarta.
Horudhaca curis-qoraalka, wax ay qoraayadu kaga hadlayaan sida soomaalidu ay u tahay bulsho isir, luuqad, diin, iyo dhaqan wadaag ah; nasiib darro se ay dhexmartay dirir ahli ah (Dagaal beeleed) muddo kabadan labaatan sanno. Qarracanka kale ee jira, balse ah waaqac aan la iska indho tirikarin ayaa ah, in bulshada Soomaaliyeed aysan haysan nidaam dowladeed oo si wax ku ool ah u shaqaynaya tan iyo 1991-dii kadib. Qoraayadu waxa ay ku doodayaan, in seddex arrimood oo isbiirsaday ay yihiin jiridda dhibaatada Soomaaliya, waxa ayna kala yihiin:
1-Hardanka loogu jiro awoodaha iyo kheyraadka. 2-ku tagrifalkii awoodeed oo ay sameesay dowladdii kacaanka. 3-saameenta taban ee uu gumaystuhu kaga tagay ummadda Soomaaliyeed. Sidoo kale, waxa ay soo bandhigayaan caqabadaha ku gedaaman dowlad-dhiska oo ay ugu horreeyaan siyaasadda qarriban ee Itoobiya ee ku aaddan Soomaaliya iyo awoodaha caalamiga ah oo aan si dhab u daneyneyn dowladnimada Soomaaliya. Ugu danbeyn, waxa ay soo jeedinayaan tillaabooyin dhowr ah oo lagu heli karo nabad waarta, waxaana kamida: 1-Abuuridda deegaan nabadeed (peaceful environment). 2-Dhisidda hay’ado dowladeed oo macno leh. 3-Helidda caddaalad bulsho. 4-Horumarinta dhaqaalaha.

Horudhac
Xorriyaddii ka dib, bulshada soomaaliyeed waxa ay ku noolaayeen nolol liidata, gaar ahaan nidaamkii rayidka ahaa (1960-1969) iyo kan militarigaba (1969-1991). Intii lagu gudajiray nidaamkii rayidka ahaa, hay’adahihii dowladda waxa ay ku fashilmeen in ay rumeeyaan filashadii iyo hankii weynaa ee bulshada ku jiray. Faqriga ayaa gaaray heer aad u sarreeya. Qaraabo-kiilnimadka (Nepotism), musuqu, iyo kooxaysiga (Cronyism) ayaa hareeyay hay’adaha dowladda. Oktoobar 1969-kii, milatarigii ayaa la wareegay talada dalka, laakiin xaaladda uun buu sii xumeeyay. Dilka aan kala sooca lahayn iyo jirdilka ayaa ahaa aaladda qura ee uu isticmaalayay kacaanka.

Jiridda iskudhacyada soomaaliya
Hardanka loogu jiro awoodaha iyo kheyraadka:
Ugub maaha in la maqlo amaba la arko qabaa’il soomaaliyeed oo ku diriraya ceel-biyood, xoolo iyo daaqba. Se nasiib wanaag Dhammaan iskudhacyadaas waxaa geedka hoostiisa ku-xallin-jiray odayaal-dhaqameedyada, iyagoo adeegsanaya xeerarka soo jireenka ah. Si kastaba ha ahaatee, markii uu dalku xorriyada helay, dad badan oo Soomaaliyeed ayaa ka soo hayaamay baadiyaha, iyagoo imaanaya magaalada. Magaalowkii kadib, maadaama uusan is-beddelin hab-fekerkii miyiga, Hoggaanka siyaasadeed (political leaders), oo ka duulaaya oraahda tiraahda: “Geelu waa nimuu xero ugu jiro” ayaa garwaaqsaday, oo istusay in cid waliba ee dowladda maamushaa ay ayadu hananayso awoodaha iyo kheyraadka dalka. Tusaale ahaan, Maxamed Jaamac oo ah suxufi soomaaliyeed ayaa waxa uu indho-indheeyay hab maamulkii Booliska soomaaliya ee 1967-dii. Waxaa uu warbixin ku ogaaday in xilligaas uu boooliisku lahaa 71 saldhig. Se arrinta amakaaga ah ayaa wax ay tahay in 51 kamida taliyayaasha saldhigyadaas ay ku reer ahaayeen taliyihii guud ee ciidamada Booliiska! U dhawaanshaha kheyraadka dowladda, qoridda shaqaalaha dowladda, iyo maamulidda kaalmada dibadeed (foreign aid) ayaa beddelay is-qabsigii ka dhicijiray baadiyaha ee ku saleesnaa daaqa iyo waraabka (markaan waxaa lagu dirirayaa awoodaha iyo kheyraadka dowladda).

Sidoo kale, kacaanka oo uu hoggaaminayay janaraal Maxamed Siyaad Barre ayaa ku tagrifalay awoodihii dowladda, isagoo koox qaraabadiisa ah uga faa’ideeyay fursadihii iyo jagooyinkii dowladda! Arrinta kale ee ku tusaysa sida hardanka loogu jiro awoodaha iyo kheyraadka dowladda ay u tahay mid kamida asalka dhibaatada soomaaliya, ayaa waxay tahay dagaaladii sokeeye ee bilawday qaran-jabkii kadib iyo waxa ay salka ku hayeen. Tusaale ahaan, sida taariikhda lagu hayo, Abgaal iyo Habargidir oo kawada tirsan beesha Hawiye, gaar ahaanna Hiraab ayaan dhexmarin wax dagaal ah qaran-jabkii kahor. Hayeeshee markii ay Muqdishu qabsatay jabhaddii USC-iida, oo ay labada beelood ba kawada tirsanaayeen, ayaa waxaa mar qura dagaal ka dhex qarxay Cali Mahdi Maxamed iyo jenaraal Maxamed Faarax Ceydiid. Jabhaddii USC-iida ayaa ukala jabtay labo garab. Garabka koobaad oo uu hoggaaminayay Ceydiid iyo garabka labaad oo uu horkacayay Cali Mahdi. Khilaafka soo kala dhexgalay labada hoggaamiye ayaa salka ku hayay hardanka loogu jiro awoodda maamul ee dalka, gaar ahaan gacan kuhaynta magaala madaxda Muqdisho, taas oo keentay in labadii beelood ee ay ka kala soo jeedeen (Abgaal &Habargidir) ay foodda isdaraan; waxaana qarxay dagaal markii danbe loogu magacdaray {Dagaalii afar-biloodka}.
intii ay socotay howsha curis-qoraalka, dadkii la wareestay ayaa sidoo kale ku nuuxnuuxsaday dagaalkii ahliga ahaa ee dhexmaray beelaha Xawaadle iyo Habargidir. Waxa ay dadku sheegeen in dagaalkaas sababtiisa ay ahayd maamulidda dekedda magaalada Kismaayo (markii ay USC-iida la wareegtay magaalada).

Warkii oo kooban oo koonbo ku jira; Dib-u-milicsiga tagtada iyo fiiro u yeelashada taaganta wax ay inna baraysaa in reeraha, ganacsatada iyo siyaaysiyiintu ba ay dagaal iyo tartan ugu jiraan kheyraadka iyo awoodaha dowladda. Natiijada waxa ay noqotay in maamulidda magaalooyinka waaweyn (Muqdishu, Kismaayo amaba Baydhabo), dekedaha, garoommada, goobaha qaniga ku ah kheyraadka dabiiciga ah, iyo kaalmooyinka bini’aadannimo ba ay horseedaan dagaal dhexmara dhinacyadaas aan kor kusoo xusnay.

ku tagrifalkii awoodeed oo ay sameesay dowladdii kacaanka:

dowalddii kacaaanka, oo ahayd nidaamkii seddexaad ee dowladnimo oo Soomaalida soo mara, ayaa iyaduna loo tiiriyaa amaba loo sababeeyaa dhibaatada Soomaaliya maantaba ka jirta. Walow uu kacaanku sanadihii ugu horreeyay xaqiijiyay yoolal dhowr ah, haddana taasi ma aysin qarin dhagartii hoggaankii kacaanka. 1978-dii markii qeeb kamida saraakiishii ciidanka ay isku dayeen in ay afgambiyaan taliska Maxamed Siyaad, dowladda ayaa awood xad-dhaaf ah u adeegsatay reeraha ay ka kala soo jeedeen saraakiishaas hoggaaminaysay afgambigii dhicisoobay, gaar ahaan reerka Majeerteenka, taa oo keentay in la abuuro jabhaddii ugu horreesay ee ka dhan ah xukunka milatariga (SSDF). Seddex sanno kadib (1981), waxaa aabuurmay jabhad labaad oo ka dhan dowladda milatariga, taas oo looga dhawaaqay magaalada London ee caasimadda Ingiriiska. Dhaqdhaqaaqa qarannimada soomaaliya (SNM) ayaa ay la baxday jabhadda, waxaana badi hoggaanka u hayay siyaasiyiin Isaaq ah. Dhalashadii jabhaddaas kadib, kacaanku waxa uu uga falceliyay qaab bahalnimo ah, isagoo si ba’an u gumaaday shacabkii magaalooyinka Hargaysa iyo Burco. Sida ay qabaan Fearon iyo Laitin, “marwaliba oo uu bato khasaaraha guud, waa mar waliba oo hoggaanka jabhaduhu ay u fududaanayso in ay xubno cusub ku soo daraan jabhadda!” haddii aan jilcinno hadalka, mar waliba oo ay dowladdu shacabkeeda u adeegsato awood xad-dhaaf ah, waxaa sahlan in bulshada inteeda kale ay ku biiraan kooxaha iska caabinta dowladda (Jabhadaha).

Saameenta taban ee uu gumaystuhu kaga tagay ummadda Soomaaliyeed:

Gumeystihii ugu weenaa ee daboyaaqadii qarnigii labaatanaad (Ingiriis, Faransiis, Talyaani), ayaa si fudud u burburiyay rajadii ahayd in la helo ‘Soomaali weyn’. Gumaystaha isagoo ka shidaal qaadanaya qaacidada ah ‘qeybi oo xukun’, ayaa waxa uu Soomaali weyn u kala qeebiyay shan qeybood. Kaaga darane, Ingiriiska ayaa si aan ka leexleexasho lahayn 1948-dii Soomaali Galbeed (Ogaadeeniya) ugu wareejiyay boqorkii Itoobiya, ‘Menelik’. Abwaan Hadraawi oo ahaa gabyaa weyn oo Soomaaliyeed ayaa isagu waxa uu ku dooday, in gumeystuhu baabi’iyay hannaankii dhaqan-dhaqaalaha ee bulshada Soomaaliyeed.

Maxaa sii hurinaya dhibaatada (contribution factors)?

Hubkii dowladda oo gacanta u galay bulshada, lana heli karo xilli waliba; dhallinta baagamuudada ah oo aad u badan; iyo qeyb kamida dhaqanka oo dhiiragalinaya gacan ka hadalka ayaa xaaladda sii huriyay. Sidaas darteed, waxaa kuwani loo tixgalin karaa faraca dhibaatada, se maaha asalka.

caqabadaha ku horgudban dowlad-dhiska soomaaliya
Afar iyo toban shir nabadeed ayaa la qabtay. Shan kamida shirarkaas wax ay ahaayeen kuwo ay taageerayeen beesha caalamka (Djibouti 1991, Addis Ababa 1993, Qaahiro 1997, Carta 2000 iyo Eldoret/Mpegati 2002-2004). Downs iyo Stedman oo ah kuwo ku xeeldheer fildhigga nabadda ayaa xusay sababo dhowr ah oo saamayn kara fulinta heshiisyada nabadeed ee u dhexeeya umadaha dowladdoodu ay burburtay, wax ayna kala yihiin: 1-in ay jiraan dad qaswadayaal ah (presence of spoilers), oo aan shirka ka dhax arkayn danahooda gaarka ah. 2-daris la noqoshada waddan cadow ah (hostile neighboring state). 3- in qayb kamid sh dadka shiraya ay dalbadaan goosasho, oo ay rabaan in ay dhistaan nidaam dowladeed oo u gaar ah (demands for secession).
Si kooban, Faragalinta itoobiya ee arrimaha Soomaaliya, danayn la’aanta awoodaha caalamiga ah ee dowladnimada Soomaaliya, iyo helid la’aanta kharashaadka aasaasiga ah ee lagu socod siinayo shirarka nabadeed ayaa noqday caqabado ku horgudban dowlad-dhiska Soomaaliya.

Tillaabooyin dhowr ah oo lagu heli karo nabad-waarta

Abuuridda deegaan nabadeed (peaceful environment): labo qodob ayaa muhiim ah si loo helo deegaan nabdoon, waana heshiis siyaasadeed iyo mid bulsho.
Dhisidda hay’ado dowladeed oo macno leh: qoraayadu waxa ay ku doodayaan in Soomaalidu ayagu ka timaado rabitaanka dowladeed iyo nuuca nidaam dowladeed oo ay rabaan, isla markaana ku habboon. Waxa ay sidoo kale dhiiragalinayaan, in odoyaal dhaqameedyada iyo culimada ba la siiyo door muhiim ah ku aaddan maamulidda iyo nidaaminta bulshada.
Helidda caddaalad bulsho: si caddaalad bulsho loo helo, waa in laga jawaabaa su’aasha ah ‘sidee Soomaalidu ka yeelaysaa tagtada’? haddii waddanku ka soo baxo dagaalo sokeeye, waxaa muhiim ah in caddaalad loo raadiyo dadkii dhibaatada ay ka soo gaartay dagaaladaas sokeeye. Waddamadu waa ay ku kala duwan yihiin hannaanka caddaal u helidda bulshadii ay saameeyeen dagaalada sokeeye, waxaase ugu caansan labo hab: habka koowaad waa cafis guud, oo loo fidinayo dadkii dhibaatada geestay, se lala heshiisiinayo dadkii ay wax gaarsiiyeen. Si arrintaan u suuragasho, waxa ay dowladaha ka soo kabtay colaadaha sameeyaan ‘Guddiga wadahalada’. Habka labaad waa in la ciqaabo kuwii dhibka geestay. In danbiyo dagaal lagu soo eedeeyo, oo maxkamad loo istaajiyo iyo in la yareeyo xuquuqdooda siyaasadeed kuwii danbiga dagaal ku kacay, ayaa ay waddamada qeybtood sameeyaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *