Iftin: Kooxdii Bishay Berisamaadkii Soomaliya

Iftin: Kooxdii Bishay Berisamaadkii Soomaliya

Bahda Middle East Eye

W/T: M.M.J

Kooxda Iftin waxa ay ku soo beegmeen waayihii tognaa ee xorriyadda ka dambeeyey oo ay kaalin mugleh ka qaateen, iyagoo gudbinaya farriimo ku saabsan fayodhawrka guud, sidoo kalena dhiirrigelinaya waxbarashada.

Muddo aad u dheer ilaa qarnigii 20-aad Muqdisho waxa ay ku magacdheerayd “Jawharada Badwaynta Hindiya” magacaas oo ugu baxay xeebaheeda saxarkala’, iyo rugta ay ku taallo ee dunida oo dhan u furan. 

Ammaantan waxa ay ku kasbatay sooyaalkeeda iyo halka ay dhacdo juquraafi ahaan oo ay ku kala baydhaan jidadka Afrika, Aasiya iyo Yurub. Magaaladu waxa ay ahayd xarun ganacsiyeed muddo qarniyo ah. Intii u dhexaysay 1960neeyadii ilaa 1980neeyadii magaaladu waxa ay noqotay goob dalxiiska caanku ah, kooxaha soo booqdaana ay ku majeertaan biyaheeda saafiga ah iyo sidoo kale dhismayaasheeda ashqaraarka ah ee isugu dhafan naqshadaha Talyaaniga, Beershiyaanka iyo raadadka Islaamiga ah.

“Gebi ahaanba Muqdisho tii hore, ma aha waa ayna is badashay. Waxaa jiray mar ay Muqdisho bilic lahayd hilaaddii lixdaneeyadii ilaa toddobaataneeyadii.” waxaa sidaa yidhi cilmi-baadhaha soomaaliyeed ee Cabdiraxmaan Ciise oo ay saaxiibbo dhaw yihiin qoraaga caanka ah ee Xasan Abuukar—qoraaga buugga Xasuusqorkii muqdisho.

Isbadalka ku dhacay magaaladu waxa uu u aaneeyey dagaalkii sokeeyey sida uu Cabdiraxmaan u sheegay Middle East Eye.

Muusig xadxanto leh iyo dhaabad faneed

Muusiggu waxa uu ahaa Udubdhexaadka sannadihii berisamaadka ee muqdisho, marka loo eego cawaysyadeeda diirran, iyo ku dhaadashada faneed ee magaalada.

Kooxaha ka hanaqaaday xilligaa waxa kamid ahaa; Waaberi, Bakaaka iyo Durdur.

Hase yeeshee, laxanka iyo ridmada ay reer muqdisho sida dhabta ah ugu dhaadan jireen waxa ay ahayd midda ay falkiyaan IFTIN. Kooxdani raad aan tirmayn ayey kaga tageen xusuusta muusiggeed ee xilligaas.

“Kolka aan maqlo Kooxda Iftin tumisteeda; waxa ii soo baxa tumis kala duwan oo mushakal ah aadna isugu dhafan—sidoo kale waxa ay la gaaryihiin qaabab muusig  oo kala duwan aad na u tirobadan” waxaa sida yidhi Vik Sohonie, oo ah muusig-soosaaraha ebyey madasha Ostinto Records.[1]

Waxa uu ku daray intaa “Sidaas si lamid ah Kooxda Iftin waxa ay meel wayn kaga taallaa haloosiga [umadeed] ee Soomaalida haddii kooxa-faneedka kale oo dhami ay jaadgooni yihiin, Iftin waxa ay noqonaysaa boqortooyada; mudanka ugu mudan fanka.”  sidaas ayuu u sheegay MEE.

Dedaallada dabaqashada ah ee loogu dhabbagalayey dhaxalkooda istuudiyaha madaxabannaan ee Newyork ku yaal (Ostinto Records) waxa ay baahiyeen alban kollekshin ah, oo noqday kii ugu horreeyey ee rasmi ah oo Iftin leedahay. Waxa uu ka koobanyahay 14 heesood oo loogu magacdaray foolaadka muqdisho “Muqdisho’s Finest”, ayna kamid yihiin heesihii ugu wacnaa looguna jeclaa.

Albankan kollekshinka ahi waxa uu ku faafay markii hore Cajaladihii Soomaaliyeed ee Lumay ee ka yimid Geeeka Afrika, (Lost Somali Tapes from the Horn of Africa) Waxa ayna dib ugu faafiyeen (Sweet As Broken Dates); sannaddii 2017, xilligaas oo loo cugtay tartanka abaalmarinta Graamy (Grammy Awards).

Muusiggii Waayihii Gumeystaha-kaddib

Aasaaska kooxfaneedda Iftin waxa ay soo bilaabatay bartamihii 1970-neeyadii, xiligaasi oo wasaaradda waxbarashada Soomaaliya—oo 15 sano ka hor xornimada qaadatay—ay sameysay koox la magac baxday (Iftin A), sida ku cad buug yare la socday albannada cusub.

Si kaduwan kooxofaneedka kale ee ay maalgalinayeen dawladaha Afrikaanka ah, kolkii ay bilaabeen inay iska tuuraan heeryadii gumaysiga—Iftin-A waxay kaalin mugleh ka qaadatay waxbarashada, dhaqanka iyo  doorka-siyaasadeed intaba.  “Waxa ay tababbareen dhalinyaro muusishanno ah, koox ahaanna u taagan wacyigelinta guud ee bulshada, si ay u tagaan farriimahoodana ugu gudbiyaan carigoo dhan, isla jeerkaasna ay bandhigyo ugu qabsadaan dalka idil ahaantiis,” Sohonie ayaa sidan yidhi, kuna sii daray:

“Sheekada Iftin waxa ay si aad ah  ula xidhiidhaa sooyaalka gumaystaha-kaddambeeyey “Post-colonial History” iyo horumarkii Soomaaliya—gaar ahaan Mudisho  ka socday.”

Dhammaadka qarnigii 19naad Soomaaliya waxa ku soo duulay quwadaha reer Yurub, Ingiriis iyo Talyaanigu labaduba waxa ay isticmaarsadeen sohdimaha Soomaaliya, oo gadaashii ay ula bexeen Soomaalilaan.

Dhulkan oo markii dambe isugu biyoshubtay dawladdii la odhan jiray “Jamhuuriyadda Soomaaliyada”—keddib xornimadii 1960kii oo uu madaxweyne ka noqday Aadan Cabdulle Cismaan Daar—waxa uu talada dalkan ugub hayey madaxweyne Daar 7 sano, jeerkaas oo uu raysalwasaarihiisii Cabdirashiid C. Sharma’arke uu doorashadii kaga guulaystay kuna wareegay xukunka ilaa la dilay sannadii 1969.

Isla maalintii duugtiisa ayuu janankii guud Maxammed Siyaad Barre xukunka ku qabsaday afgembi aan dhiig ku daadan, majarihii dalkana waxa uu qabadsiiyey  tubtii Midawga Soofiyeedka. Hase yeeshee rajiimkiisu waxa uu durbadiiba ku sifoobay arxandarro—dhanka xuquuqda aadana ah marka laga fiiriyo. Si kastaba ha ahaatee MSBarre—oo aad ugu dhuundaloolay awoodda muusigga; in loo adeegsankaro uuna noqon karo qalab Barabagaandada faafiya—xilligiisii ayuu [figta sare gaadhay fanku] waayahaas ayey soo shaacbaxeen kooxo badan oo ay kooxda Iftin kamid tahay, oo ujeeddadoodu ahayd inay fankooda u adeegsadaan arrimaha bulshada ee ay kamidka yihiin, fayodhawrka guud iyo ololaha waxbarashada.

Waddadii Foolaadnimada

Waxa ay ahayd billawgii 1980-neeyada kolkii Kooxda Iftin oo markan la baxday (Iftin B) ay go’aansatay inay ka madaxbannaanaato wasaaraddii waxbarashada, ayna iskeed kooxdu ugu saqaafto hilinka foolaadnimda.

Sida uu V. Sohonie sheegay: “Waxa ay soo urursadeen dhallinyaradii muusigyahannada ahayd ee ugu fiicnaa ee iskaga tagay shaqada dawladda, halkii bayna ku yagleeleen kooxdan faneed. Dabadeed waxa ay noqdeen riyada miyuusigayahannada; marba haddii aad hibo muusig leedahay Iftin lama huraan bay ahayd.”[2]

Faro aan dufanlahayni waxba ma duugaane—taageeradii dawladeed kolkii ay waaayeen kooxda waxa soo foodsaaray culaysyo dhaqaale, kamana aysan soo waaqsateen haddii uusan gacan-ufidin Axmed Shariif oo Albanka cusub waxka soosaaray; dhaqaale ahaanna kooxdu ku tiirsanayd. Sidaas si lamid ah kooxdu waxa ay xidhiidh-wadashaqayneed la yeelatay midkamid ah Huteelladii Muqdisho ugu magacawaynaa; waa Al-Curubba e, oo dhismihiisu ahaa badhtihii 1970-neeyadii.

Hadii aad rabtid inaad fahantid Muqdisho waxa ka dhacaya siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan iyo bulsho ahaan; intaba waxaad ka ogaankartaa fanka kooxda Iftin.

– Vik Sohonie

“Dheesha ugu xeeshadheer ayey dheeli jireen, bandhigyadaasna waxa la odhan jiray cawaysyada Curubba, waayo waxa ay ahayd bandhigyo-heeseed oo u gaar ah Hoteel Al-Curubba.” Sohanie ayaa yidhi.

Tiyaatarka Qaranka—oo la furay 1967kii—ayaa u kala xidhnaa Iftin-B martiqaad joogto ah ayeyna ka heli jireen.

Sohanie sida uu sheegay “Kooxda Iftin Waxa ay ahaayeen muunad u taagan waxkasta oo muqdisho waayahaas ka socday; haddii aad rabtid inaad fahantid waxa Muqdisho ka dhacaya siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan iyo bulsho ahaan; intaba waxa aad ka ogaan karaysay fanka kooxda Iftin.”

“Hankooda ah casriyeynta fanka iyaga oo aan soojireenkana ka tagayn ayaa looga riyaaqay meelo badan oo dalka ah; sida oo kale siyaasiyiinta uu aabbahay kamidka yahay iyo kooxdan [Iftin] waxa ay ka sinnaayeen: Dhallinyaronimada iyo Isbadaldoonnimada,” ayey tiri Kaaha Aadan, oo uu dhalay Maxammed Aadan Sheekh—siyaasi horusocod ah oo 1970neeyadii dhawr jeer wasiir ka soo noqday Soomaaliya; waa ka hor intii aan la shuufin, taliskii Siyaad Barrena xidhin.

Hoobashadii

Sida uu horukaca Iftin-B xidhiidh hoose ula lahaa waayihii rajada la qabay, hoos-udhacooduna waxa uu si lama filaan ah ugu soo aaday burburkii dhaqaale ee Soomaaliya 1980neeyadii ku habsaday. Qalaalasihii siyasadeed iyo hoosudhacii dhaqaale oo isu raacay awgood xubnaha kooxdu waxa ay ku khasbanaadeen in ay raadsadaan shaqooyinkale oo ay noloshooda ku maareeyaan. Intaa keddib si isdaba joog ah ayey hal-hal dalka uga dhoofeen qaxoonti ahaanna isugu dhiibeen.

Dhanka kale, Madaxweyne Barre oo waagaas hore ahaa kaligii-taliye naxariis daran ayaa go’aansaday inuu xukunka sii hayo, tani waxay sii hurisay xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya, qalalaasaha dalkuna wuxuu noqday mid sii kordhaya, Ilaa 1991-kii xukunka laga tuuray, dabadeedna dibadmeer baa laga dhigay, dalkiina waxa ku dabadheeraaday dagaaladii sokeeye oo ilaa maanta riiqdoodu aysan joogsan, halka Somaliland—waqooyi-galbeed ay gaarkeeda u istaagtay.

In muddo ah Hotel Al-Curuba waxa uu ahaa muunad u taagan kana marag kacaysa waayihii fogaa ee berisamaadkii la soo maray, balse muddo ka dib waxaa wiiqay dagaalladii,  ugu dambaynna 2016-kii ayaa dhulka lala simay.

Kalahaadkii  ku dhacay malaayiinta Soomaalida ah ee ka dhashay colaaddu—waxa uu fanka baday—in cajalado badan oo ay kamidyihiin kuwii Iftin laga duubay ay ku kala firdhaan daafaha caalamka.

Dib-uyagleelidii Kooxda

Kooxda Ostinato Records, in uu hirgalo mashruucoodani waxa ay ku qaadatay safar todoba sano ah si ay u soo ururiyaan, dhijitaalna uga dhigaan cajaladaha ugu fiican ee ay ka heli karaan meelo kala duwan sida; Djibouti, Dubai, London, Muqdisho, iyo Nairobi; si ay isugaynta alban dhammaytiran uga soosaaraan. “Soomaaliya waxay leedahay qurba-joogta Afrika ugu weyn, [dadkeeduna] waxay ku baahsan yihiin adduunka oo dhan, marka laga reebo Koonfurta Ameerika,” Sohonie ayaa sida yiri, waxa uu ku daray: “Socdaalkani waxa uu bilaabmay intii aannu ku gudajirnay mashruucayagii [hore]. Albankan—[aan dib u baahinnayna]—waxa aannu intiisa badan ka soo ururinay kayd ku yaala Somaliland (Redsea). Laakiin hawshaas ebyiddeeda waxa aannu u dhisnay shabakad dad ah oo aad u badan caalamkana kala jooga; intaa keddib waxa aannu xidhiidh la samaynay dad kala jooga Toronto, London, Nairobi, Dubai, Abu Dhabi, Shaariqa iyo Djibouti, meelahan ayaa noqday meelaha ugu badan ee laga soo helay duubitaannada albankan, gaar ahaan xaafadaha soomaalida.” Ayuu yidhi.

Waxa uu ku daray intaa:

“Waa amakaag, marka ay dadku ku hiyifaalloodaan: halkee buu tolow maanta sooyaalkii faneed ee Soomaalidu ka sii bidhiiqayaa? Waxa ay u badantahay in qofku hilaadiyo London ama meelkale—balse hoyga fanka Soomaalida ee maantu waa Imaaraadka gaar ahaan Dubai.”

Barnaamijkooda faneed—waa Ostinato e—waxa qayb lixaadleh kulahaa sidoo kalena uu ku taxalluqay xidhiidhinta, iyo codsashada ogolaanshiiyaha fanaaniinta qaadday heesaha ay qabtaan idilkood.

Sidaas si lamid ah kooxda Ostinato ma aysan doorin nuqulkii asalka ahaa balse waxa ay doorbideen inay badiyaan koobiyada ayna dhijitaal ka dhigaan si ay ugu daayaan baadisoocda iyo meesha ay ka soo heleen. “Mashruucani waa mid kawni ah ah run ahaantiina ku bannaan doorkaas”, Ayuu ku soo khatimay hadalkiisa V. Sohonie.


[1] Vik Sohonie, oo dhalasho ahaan Hindi ah waa saxafi fanka ku taxalluqa, waxa uu aas aasay Ostinato Records oo ah madal ka dhalatay ururinta waxqabadyo faneed oo la illaaway qaarkoodna ku baylahay qalalaasaha ka taagan waddamadooda oo ay kamid yihiin Soomaaliya, Jabbuuti, Suudaan, Jasiiradaha Cape Verde, iyo Hayti. Tixraacyo dheeraad ah oo baadhistiisa iy mashruucyadiisa faneed oo aragti u taagan; waxa ka heli kartaa maqaalkiisa: “Uncovering Somalia’s Forgotten Music”, 2017. Iyo sidoo kale, waraysiga uu siiyey PAM: “Ostinato Records: musical storytelling to rebuild ruined countries, 2018. https://pan-african-music.com/en/ostinato-records-musical-storytelling-to-rebuild-ruined-countries/

[2] Muusigyahannada kooxdii iftiin ee caweysyada Jubba iyo Curuuba ka tumi iiray, waxaa ka mid ahaa:

1. Shankar.

2. Sharkanoole.

3. Sheekh Cabdi.

4. Sugulle.

5. Zulfa. ☆

6. Saalax xiriiri

7. Saalax Boonge

8. Xasan A. shariif.

9. Abuukar shoolli

10.Axmed Cadde iikar.

11. Maxammuud Cabdalla Jerry. ☆

 [T].

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *