Maalmo xasilloon | Faallo filin

Waxaa qoray: Sadam Aweis

Maalmo xasilloon | Faallo filin

Waxaa dhacda in aad fanka ku raaxaysato adigoon xiriir qoto leh la samaynin waxqabad gaar ah ilaa aad muddo dheer kaddib hesho gabay, sheeko ama filin boos gaar ah ku yeesha qalbigaaga, waana tijaabo gaar ah oo qof iyo dareenkiis ah, anigoo tebaya xiriir noocaas ah ayaan daawaday filinka “Perfect Days/Maalmo Xasilloon” oo run ahaan buuxiyay booskaas muddada marnaa, filinku waa laba saacadood, wax badan ma dhacayaan, ma leh wada sheekaysiyo badan, waa xasillooni iyo degganaan, caadifad iyo muusig kalaasig ah.

Sheekadu aad bay u fududahay, waa nin da’ ah oo ka shaqeeya nadaafadda musqulaha dadweynaha ee ku yaal beeraha nasiinada magaalada Tokyo, filinku wuxuu soo gudbinayaa maalmihiisa caadiga ah, waxay u muuqdaan maalmo isu eg oo aan lahayn muuqaal curad ah, balse indhihiisa marka lagu eego waagii beryaba waa u nolol cusub, intaas markaad guntato su’aalo baad isweydiin kartaa, waxaad u baahan tahay xog ku saabsan tagtadiisii iyo masiirkiisa, go’aanno noocee ah ayaa keenay halkaan iyo duruuftaan uu ku sugan yahay haatan? Waa maxay riyooyinkiisu? Muxuu ka qoomameeyaa? Balse filinku kama jawaabayo su’aalahaan, ee waxuu diiradda saarayaa maalinlihiisa joogtada ah.

Kaaha waaberiga ayaa soo muuqanaya, dhaqaaq ma jiro, marka laga reebo islaan dariskiisa ah oo xaaqaysa caleemaha daatay, shanqarta xaaqinka ayaa soo gaaraysa qolkiisa oo ku yaal dabaqa labaad ee dhisme qadiimi ah, subax kasta wuxuu ku kacaa shanqarta xaaqinka, wuxuu isku diyaariyaa maalinta dheer ee sugaysa, ma illaawo inuu waraabiyo dhirtiisa.

Markuu illinka ka baxo ee ay dhabanka ku dhufato neecawda arooryo waa uu dhoolacaddeeyaa isagoo macaansanaya shanqarta shimbiraha hareerahiisa ku heesaya luuqda macaan, mashiin dhismaha horyaal ayuu qaxwe ka iibsadaa, kadibna gaarigiisa shaqada ayuu kiciyaa, canjal kalaasig ah ayuu xushaa, si gaar ah muusiga rock-ga ee todobaatannadii iyo siddeetameeyadii qarnigii tagay… waxaa xulkiisa u badan heeso American iyo British ah, iyo qaar Japanese ah, mid ka mid ah waa heesta filinkuba magaca ka soo qaatay [Perfect Day/Maalin xasilloon: Lou Reed], intuu jidka ku sii jiro ma moodid nin si maalinle ah u mara halkaan, wuxuu u fiirsadaa faahfaahin kasta oo uu haleelo, dhismeyaasha, gaadiidka, dadka, cimillada iyo dhaqaaq walba, waxaad mooddaa nin dalxiisaya siduu u dhandhansanayo ruutiinkiisa maalinlaha.

Wakhti ma lumiyo, toos ayuu u shaqo galaa, waa nin dishibiliinka shaqadu ku weyn yahay, aad bay u yar yihiin ereyada afkiisa soo dhaafa, hayeeshee waxaad arkaysaa isagoo u fiirsanaya faahfaahin cusub oo soo korortay, agtaada waxba kama aha balse isaga dareenkiisa ayay sii bishaa, waxuu u fiirsadaa geedka muuqa weyn ee sida xaragada leh dabaysha ula cayaaraya, waxuu aad u dhugtaa ilayska qorraxda ee ka soo dhexgudbaya laamaha geedka, marna waxuu aayar majeertaa hooska geedku ku sawiray dhulka, kaamiraddiisa yar ayuu la soo baxaa si uu u qabto libiqsiyada quruxda badan ee madhaafaanka ah, filinka tayooyinkiisa tirabeelka ah waxaa mid ah muuqaallada subjective-ka ah ee aad indhaha jilaaga ku arkayso ifka hareeraysan.

Waxa quruxda badani maaha abuurta oo kaliya, dadkuba waxay xambaarsan yihiin qurux dhalan ah, naag si dabacsan u salaaxaysa dhogorta bisaddeeda, hooyo sasabaysa ilmaheeda ooyaya, ninka waalan ee beerta dhexdeeda la dheela dabiicadda, shaqaalaha magtabadda uu macaamilka ka yahay oo jecel inay faallo yar ka dhiibato buug kasta oo uu ka iibsado…

Maalin dheer kaddib waxaa uu u casho tagaa maqaayadaha u dhaw isagoo baaskiilkiisa adeegsanaya, ugu dambayn waa uu hoyaad tagaa, markuu sii seexanayo waxaa caado u ah inuu akhriyo buug,kadibna waa uu seexdaa, inta uu hurdayo waxaa uu ku riyoodaa laba midab kaliya; madoow iyo caddaan (black and white), waxaan u badiyay in ujeedku yahay in nala dareensiiyo in sheekada ninkaan da’da ah ay leedahay lakab kale oo aan nala tusin doonin.

Sidaa ayuu haddana waagu markuu baryo ku soo celiyaa intii oo kale, kala duwanaanshaha maalmihiisa waxaad dareemi kara kaliya qofka isku daya inuu indhihiisa wax ku arko. Marka jilaaga koowaad ee filinka loo yimaado, run ahaantii ma fududa in qof aroor hore albaabka furo, cirka eego ee intaa yar macne ka soo saaro, waxaa lamahuraan ah in qofkaasi leeyahay abuur ka dheeri ah xirfaddiisa jilaannimo si uu fal yar oo sidaa u fudud macne weyn ugu sameeyo, Kōji Yakusho ma uusan metelin shakhsiyadda filinka ee waa uu ku noolaaday.

Filinsameeye Wim Wenders mar wax laga weydiiyay waxsoosaarkiisaan waxuu carrabka ku adkeeyay madaxbannaanida uu haystay intii uu abuurayay quruxdaan dhammeyska ah, ma jirin shirkado iyo cid kaloo ka talinaysay waxqabadkaan, waxaan helay – buu yiri – madaxbannaani buuxda, oo ah tan u ogolaatay soosaarista quruxdaan marla’aragga ah

Ugu dambayn waxaan aaminsan ahay in quruxda ugu weyn ee filinkani tahay shibanida iyo xasiloonida, waxaan joognaa adduun noloshu buuxdhaaf tahay oo dhacdooyinku isdabajoog yihiin, ayna adag tahay in si habsami iyo kaadsiimo leh qofku u haleelo sawaxanka nolosha casriga ah, waxaa lama huraan ah in qofku helo waqti aamus ah oo aysan waxba dhacayn si uu u miyirsado, waxay fekradani i xusuusinaysaa wareysi qotodheer oo Roger Ebert la yeeshay Hiyao Miyazaki, kaasoo uu wax uga weydiiyay waqtiga dheer ee daawadaha uga baxa filimadiisa xilli aysan waxba dhaceen; kaliya webi durduraya, jaleeco dheer, ama waxuun ka dheeri ah sheekada, waxuu yiri Miyazaki: “erey baa jira afka Jabbaan-ka, waxaa taa loogu yeeraa ‘ma’ oo macnaheedu yahay MARNAAN, waa wax kutalogal ah” waxuu tusaale u soo qaatay sacabka, afar jeer ayuu sacbiyay, waxuu yiri “waqtiga u dhexeeya sacabka waa ‘ma.’ Haddii fal joogta ah dhacayo neefsad la’aan waa buuxdhaaf” taas oo dulucdeedu tahay in qofku helo shibbani uu ku haleelo kuna faalleeyo quruxda halkaan iyo haatan la joogo.Filinku waxaa uu ku dhammaanayaa hees soo koobaysa nuxurkiisa, oo la yiraahdo Farxad baan ku suganahay/Feeling Good, oo ay ku luuqaysay hoobaladdii la oran jiiray Nina Simone:

Shimbirahoo sanqarayoo

Leexaysan samadoo

Saf saf ii dulmarayaan

Saakay daawanayaa

Waadna aad la socotaa

Sidaan ugu riyaaqee

Uga helo sacaadada.

Qorax soo baxaysiyo

Cirkoon saxar lahayn iyo

Saxansaxo udgoon baan

Sambabada ka buuxsaday

Waadna aad la socotaa

Sidaan ugu riyaaqee

Uga helo sacaadada.

Waaberi sareeda leh

Iyo subax kalaa timid

Nolol ii samaatiyo

Gugaan sugayay ii curay

Farxad baan ku suganahay.

“Birds flying high, you know how I feel

Sun in the sky, you know how I feel

Breeze drifting’ on by, you know how I feel

It’s a new dawn

It’s a new day

It’s a new life for me, ooh

And I’m feeling good…”


Qoraallo la mid ah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *