Soomaaliya oo doonaysa inay ku wada dhaqanto Quraanka iyo Das Kapital

Soomaaliya oo doonaysa inay ku wada dhaqanto Quraanka iyo Das Kapital[1]

Waxaa qoray: John Darnton

Oktoobar. 11, 1977

W/T: M.M Jama

MUQDISHO, SOOMAALIYA—Laba gu’ ka hor, kolkii ay sidaa ugu ku dhawaaqday dawladda Soomaaliya olale lagu xoraynayo haweenka, waxa ka biyo diidday culimo asalraac ah oo xiganayey aayadaha Quraanka kana soo horjeedday sinaanshaha labada jinsi, taasi waa ay u cuntami wayday dawladda.

Si ay dhiillada mucaaradka u aamusiiso, waxa ay subax hore soo dhoobtay fagaaraha 11 wadaad, toogasho ayaana lagu fuliyey. Saddex saac muddo laga joogo dhacdadaa, laba diyaaradood oo Miig ah—oo uu Soofiyeed ku kudeeqay—oo kor heehaabaya Saraha cusub ee qaranka ayaa foodda is daray qiiqoodii ayaa hawada isku shareeray iyagoo holcaya ayeyna dhulka ku soo dhaceen.

“Ma jirin hal qof oo shil u arkayey arrintaa, balse dadka qaar ayaa lahaa: “Waa cuqubadii la galabsaday oo ilaahay cadhadiisa ayey calaamad u tahay.”

Hagaag, haddaba dhacdadani waxa ay diirka ka qaadday halka ay taagantahay Soomaaliya; qaran dadkiisuba 4 Malyan yahay, badankooduna reer-miyi yihiin. Isla jeerkaasna ku mitidaya inuu u tallaabo dunida horumartay isagoo ay ka wada babanayaan calanka Maarkisiyadda iyo kii Islaamkuba.

Ugu yaraan in lakala fogeeyo iyadoon midna laga tagayn [Islaamka iyo Maarkisiyadda], waa arrinta ugu xiisaha badan ee Maxammed Siyaad Barre xukuumaddiisu gaarka la tahay. Inqilaab aan dhiig ku daadan ayuu xukunka ku fuulay siddeed sano ka hor, waxa uuna talada dalka kala wareegay maamul rayid ah oo qaybsanaan iyo musuq isku darsaday, muddadaa uu joogayna dalka ammigiisa ayuu sugay.

Intii uu talada dalka haystay Soomaaliya waxa ay ku biirtay “Ururka Jaamacadda Carabta,” sidaas ayeyna ku noqotay dalkii koowaad ee aan Carabi lagaga hadal ee isbahaysiga carbeed ku biira. Isla jeerkaas ayey noqotay Soomaaliya dalkii koowaad ee Afrikada madow ku yaal ee heshiis saaxiibtinnimo iyo wadashaqayn la saxiixda Midowga Soofiyeed. Hadda oo ay dagaal kaga jiraan gobalka Ogaadeen ee bariga Itoobiya dhaca; oo ay Soomaaliya dhul ahaan ku doodayso, Soomaaliya waxa ay ka gaar noqotay afrika inteedii kale, waxa ayna si cad u deedayfaysay aqbalaadda xuduudihii gumaystaha, sidoo kale in ay ka go’antahay gaadhida xadka ay ka sheeganayso deriskeeda ayey caddaysay.

Himilada Saddexaad [marka laga soo tago, Shuuciyadda, iyo doonista Soomaali galbeed] ee dalkani leeyahay waa hanka qowmiga ah — midnimada qaran ee Soomaali wayn — taas oo ka dhigan dawlad ka dhexaysa  Soomaalida ku kala filiqsan saddexda dal ee geeska.

Kamid noqoshada 25-ka dal ee dunida ugu saboolsan

Madaxweyne Siyaad waxa uu marar badan ku adkaystay, in  Maxammad (scw) iyo Maarkis aysan isdiidayn, maya e, ayba is waafaqayaan, nuxurka guud ee suhdiga Islaamkana la waafajin karo hannaanka laylinta wadareed “Mass discipline” ee laga soo dheegtay Hanti wadaagga cilmiga ku dhisan. Taasoo  kaabaysa danaha qaranka, si looga samatabaxo kaalinta 25 ee saboolnimada dunida.

Sidan ayuu u dhigay hadalkisa:  “Islaamka iyo Shuuciyaddu waa ay is dhammaystirayaan, sababtoo ah labadooduba waxa ay u taaganyihiin horumarinta aadanaha, waxa ayna u qareemayaan—caddaaladda, karaamada, gobanimada, iyo sinaanta dadka.

Shir jaraa’id oo uu madaxwaynuhu dhawr bilood ka hor la yeeshay saxaafadda carbeed iyo kuwa reer galbeedka waxa uu ku yidhi sidan: “ma jiro jis quraanka kamid ah—xitaa hal ereyna ha ahaatee—oo ka hor imanaya Hantiwadaagga Cilmiga ku Dhisan. Ciddii haysa waxaanu leenahay na tusi isdiiddada? Waa dacaayad ay dad danley ahi falkiyeen ee ma jirto isdiiddo.

Hagaag haddaba dadka sida dhaw ula socda saaxadda siyaasaddeed ee geeska afrika toos ayey ugu muuqata halka ay sartu ka qudhunsantahay—isdiiddada.

Sucuudiga oo ah taageeraha ugu wayn ee maalgeliya waddamada carbeed ee asalraaca ah waxa uu ka soo horjeedaa saamaynta Soofiyeedka ee gobalka badda cas, sababtaas awgeed ayuu Sucuudigu Muqdisho ugu dirqiyayaa in ay xidhiidhka u goyso Moosko, iyadoo ka talinaysa midnimada isbahaysiga carbeed.

Dhanka kale Midowga Soofiyeedku waxa uu isku dayayaa inuu Soomaaliya ku qanciyo inay laasho Qawminnimadeeda iyadoo maamuusaysa midnimada guud ee Maarkisiyadda. Moosko haddii damaceedani u hirgalo waxa ay u aragtaa inay xal u helayso arrinta Itoobiya—(oo marka Soomaaliya loo eego) cadow guuna ah, Masiixiyiinna u badan balse hadda Maarkisiyaddu midayso. Sida ay filayaan Istaraatiijiyadda geeska afrika iyo iskudhafkeeda “federation” waxa lagu hirgelin karaa midnimada Aydhiyooliyadeed, si ka duwan kala duwanaanshaha dhaqan ama aaminaadeed.

Muqdisho muunado iyo sawirro tiro badan oo mid walba dareen gaar ah ka turjumayo ayaa ku faafsan. Badanaa waxa aad gidaarrada ku arkaysaa halkudhegyada ‘Xisbiga Kacaanka Hantiwadaagga Soomaaliyeed’ oo ah xisbi sannad jirsaday oo  meeqaam ahaan tabtii  Soofiyeetka u dhisan.

Waxaa ku xiga oo si fiican kuugu muuqanaya sawirro farshaxan ah oo si heersare ah loo aslay, kuwaasoo lagu dhiirrigelinayo guulaha jabhaddaha Ogaadeeniya iyo Jibuuti; oo ah waddan dhawaan madaxbannaanidiisa qaatay, ayna u badanyihiin duul Ciise la yidhaahdo oo ay Soomaalida isxigaan, laftooduna sheegtaba. Hagaag, boodhadhkaas tirada badan korkooda waxa ka dhex muuqanaya minnaaradda masaajid  si casri ah u dhisan oo 3 Milyan oo doollar ay gashay sucuudiguna kudeeqay.

Dadka u dhabbagalay ee booqday Muqdisho iyo Addis Ababa labadoodaba waxa ay isla qireen in in saddexdii sano ee uu jiray kacaanka Itoobiya—kaddib afgembigii Xayle-Salaase–uu ku tallaabsaday isbadallo la taaban karo oo danta guud ah, sidaas awgeedna uu ka saamayn badanyahay kacaanka siddeed jirsaday ee Soomaaliya ka curtay. Nidaamka Askareed ee Itoobiya waxa uu bilaabay mashruuc deeq dhuleed ah, waxa uu na la wareegay mulkiyadda warshadaha, isla jeerkaasna waxa uu xaddiday mulkiyadda wixii hal guri ka badan.

Soomaaliya maaddaama oo ay afar warshadood oo kaliya leedahay tan iyo lixdankii, Hantiwadaagga Cilmiga ku Dhisan waxa uu isku dayayaa inuu xididdada u aaso sidii uu ula falgelilaha bulsho aan casriga warshadaha la jaanqaadsanayn[2]

Taas oo ka dhigan in mashaariic wadareed la fuliyo iyadoo la iskaashanayo, sida mashruucii Shiinaha ee “Iskaa-wax u qabsada ahaa”.

Mashaariic ashqaraar ah!

Mashaariicdaas qaybo badan oo kamid ahi shaammareer ayey kugu ridayaan, sida, ururka fayadhawrka waddooyinka oo u horseeday in ay Muqdisho noqoto mid kamid ah magaalooyinka Afrika ugu bilicda wacan—nadaafad ahaan. Dhanka waqooyiga iyana waxa farta laga jaray tiyaatarka qaranka iyo golaha dhaqanka oo laga hirgeliyey magaalada Hargaysa.

Si kastaba ha ahaatee, boqolkiiba lixdan bulshada Soomaalidu waa reer miyi ama reer guuraa, waxayna ku jiraan hab nololeed kummanaan sano soo taxnaa oo biyaha iyo baadka—xooluhu—saldhig u yihiin, xukunka dawladeedna ma gaadhsiisna shaqana kuma leh, aslanna dhaqanka jujuubka ah ee kaligii-teliska  uma loodsanto hiddaha kalitooyada ee baadiyuhu.

Dhawr gu’ ka hor bay ahayd kolkii ay isku dayday dawladdu inay joojiso isticmaalka maandooriyaha qaadka oo ah eelka ragaadiyey Soomaali badanna mushaharkooda qaba,  dedaalkaasi ma aanu midhadhalin waayo nolol maalmeelka ayuu qaadku kamid noqotay. Dawladdu waxay qorshaysay inay xaddido goobaha laga iibsanayo iyo waqtiyada la isticmaalayo, kolkiise ay u maara wayday  xitaa waxa ay la timid mashruuc dawladeed oo qaadka beeris ah—[si ay uga kaaftoonto dhaqaalihii dibedda]—isuguna fillaato.

Hagaag, haddaba dibloomaasiyiinta Soofiyeedku waxa ay ku xantaan in shuuciyadda waddanku tahay waraabe-taag, Soomaaliduna ay ahmiyadda koowaad siiyaan diinta.

Dibloomaasi Bakistaani ah ayaa yidhi: “Soomaalidu ilaa xad waa ehlu-diin—kolka aad gashid masaajiddada inta badan waa ay camiranyihiin, marka ay dhallinyaradu tukanayaanna waxaad arkaysaa iyagoo khushuuc la ooyaya.

In kasta oo awaamiirta Quraanka qaarkood, sida xurmada hantida gaarka ah, la isku wacdiyo, haddana waxaa jira hadhaaga fikirro asalraaca ah oo taageeraya dhawrista caadooyinka ay kamidka yihiin gudniinka fircooniga ah—oo ah caado guun ah oo lagu sameeyo gaashantiyaha qaangaadhka ah iyadoo goynta kintirka iyo tolliin la isu raacinayo, taasoo loo cuskanayo inay dabar u tahay   dhawrsoonaanteeda.

Gudniinka fircooniga oo ah  dammaanadda ku xidhan bikronimada gabadha dadabgalka ah, waa nooc tacaddiyada kamid ah, kana soo horjeeda xeerka sinnaanta iyo xuquuqda haweenka.   Laakiin dawladdu waxay u muuqataa inay ka cagojiidayso inay si toos ah u cambaarayso. Sida aan tibaaxda ku haynno 90% gabdhaha Soomaalida ah ee da’da qaangaadhka ku jira qaabkan ayaa weli loo gudaa.

Dibloomaasi reer Galbeed ah ayaa laga hayaa inuu yidhi, Soomaali saddex M’ ayey u dhexaysaa: Maarkis, Maxammed iyo Mad Mullah—(oo uu ula jeedo Sayid Maxammed Cabdulle Xasan)— haddaba  adiga ayaan kuu dhaafayaa inaad go’aamiso M—da ugu awoodda wayn!”


[1] Das Kapital (1867) waa buugga mudanka u ah falsafadda dhaqaale ee K. Maarkis waxa uuna xambaarsanyahay naqdi ku saabsan hantigoosadka oo isku dayayo inuu ku bushiyo habka wax-isdaba-marinta ah ee uu wax soosaarka u maareeyo hantigoosigu. [T].

[2] Xis ahaan,weli ku jirtaa waayihii ka horreeyey warshadaha. [T].

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *