
Waa iska Xaal Adduun!
W.W. Bayle July/8/2022
༄
Waa gelin dambe oo shaqo ayaad ka soo rawaxday, gaadhi tagsi ayaad halhaleel jid-caddaha uga qabsatay, dabadeedna majilis aad waayaha nolosha kaga dhuumatid oo aad isbuucii mar ama laba booqatid ayaad nefisaad u aadday. Xawaaraha gaadhiga iyo midka niyaddaadu way kala horreeyaan oo maankaagu meesha aad u socotid ayuu ka sii shaxayaa: Layla-jeesto oo garbasaartii kariska ahayd ee ay markii kuugu dambaysay xirnayd ku labisan, ayaa ku hor laafyoonaysa way dhoollacadaynaysaa, marka aad wax u dirtana “hee walaal, iyo haye sharafoow” kuugu jawaabaysa.
Boholyowgeeda iyo waxay kugu laabqaadday toonna ma taqaannid oo xiisa gaar ah isumaydaan haynin waadna ogtahay; sida ay u labis badan tahay in aysan u astur badnayn, kas iyo kamma’ mid ay ka tahayna gaaddedeedu iyo indhaha raggu makala qadaan, kubkeeda faydan markasta, iyo qooraansiga ragguna sida danabka iyo hillaaciisa in aysan kala hadhin waad taqaan. Intaaba adiga oo og ayaad haddana u sii bogtay: ‘Alla wuxu qoodhisanaa, oo gaarisanaa, oo shaah macaanaa ma Xuural caynbaa?’ Ayaad hoos isugu tiri, adigoo isdiidsiinaya in dabcigeedu uu san dhab ahayn—ee isjajabinteeda iyo hadalkeeda miidda ahi ay u rahmanyihiin horrorada aad kamid ka tahay ee buulkeeda soo huluusha—sidoo kalena ka xilqarsanaya niyaddaada og inay xaaskaaga Samiira ee aad bilaha uun isqabtaan ay ka qurux badantahay ka Barraad macaantahay kana gaarisantahay shaahlayda aad caashaqday! Iin ay leedahay xaaskaagu markaad wayday ayaad ku eeratay: way qadaf badantahay, haa Samiira bal maxaa u diidday inay ii dhega nuglaato oo codsigayga tixgaliso, waxkasta oo aan ka dalbadana ay u odhan waydaa “Labbayka wa sacadayka” sida saxaabiyad baarriyad ah? Waa gartay inaan shaqada kaddib Layla Beegsado! Ayaad iskula faqday.
Hagaag, haddaba Sida ay kuugu taallo qayb kaa mid ah oo Layla jecel, qaadka quudata oo damac badan oo weligeed ciyaal aan korin ah, ayeykuugu taal qayb hayin ah oo markasta diiddan salfudaydka iyo cawaaqibxumada falalka aadan ka fiirsan, xaajo kasta oo kaa murugta iyo go’aankasta oo aad qaadashiisa laba boglaysona waxa dhaliya isdiiddada labadaadan qaybood iyo talooyinkooda aadan ka maarmin. Sidii qof wayn ayey naftaadu kuula talisay kuguna tidhi: Eelkaba waxa dhigay waa biilkan xunka ah; haddii aad xaaskaaga u gayn lahayd kuma dhasuugteen, Layla Jeestada aad moodday inay ku danaysana kuuma dhego nuglaateen oo waad ka xilla’aan lahayd haddii aadan furfurnaanta ay kuu muujiso lacag kaga iibsateen. Waa hadal run ah, ogoobeey runta baasi weligeed waa goorxun socod, in marmarka qaar sida shaydaanka qofku isaga naaro ayey ku wacantahay—’Haaheey, xusuus ayaa geela lagu xergeeyaa,’ ayaad naftaada muxubbaysan ugu garowday, oo murankii kaa dhex aloosnaa joojisay.
Tagsigii jidka wadnaha kaa soo qaaday sida ruuxdu jirka uga soo dhammaato ayuu magaaladii kaala soo dhammaaday oo meel sida cugfaha cidhif ku taalla kugu dejiyey, waa halkaad u socotay—miyaad soo habsaantay?—waa waydiin laga maarmo—oo sidoodaba goobaha noocan ah in lagu habsaamo mooye lagama habsaamo; waayo joogistooda ayaaba habsaan ah! Waad soo gashay bariido iyo kaftan kaddib, sidii aad filaysay weji furan ayaa lagugu qaabilay dalabkiina dhoollacadayn ayaa lagaaga qaaday, dabadeed meel gees ah ayaad salka la heshay; adigoo ka xun ragga badan ee aadan filayn ee ku weheliya iyo quruxda Layla-jeesto ee sida timir xabaal taal aadan ninna ka xigin! Niyaddii aad uga bogtay ayaad ku hiiftay; sida ay ugu qadday quruxdeeda iyo gaarinimadeeda ee ay meeshan daran ee ragga badan ee kulul, meel dhaanta u gayn wayday. In raggan aad muddada kooban istaqaannaan midkood guursan doono oo uu been ku soo xerogelin doono, baagamuuddana ku dhiqi doono ayaad ugu dardaar werisay. Falaasta Qalshinbirta ah iyo bakeeriga rugbuurka ah markay ku soo ag dhigtay ayuuse fekerkeedii kuddaayey. Adiga iyo naftaada xunta ah ee mudduci iyo muddaacalay-ga isku noqday ayaana garnaqsi halkii idiin ka bilaabmay.
Sidaadaba bulaanka dadka waad kohataa waana laguu tixgaliyaa middaas; waa sababta idin midaysay adiga iyo dhawrka nin ee aad dabcigaas wadaagtaan ee hareeraha kaa xiga. Fadhigu si walba waa uu u agaasimanyahay, oday baa wardiyaya oo salligii jimcaha iyo qasaa’id nebi amaan ah isku dhex wada, sida suufi dariiqadiisii ka tasoobay.
Cidi se lama yaabbana oo waa ged lagu yaqaaanno inuu sidan u digriyo. Wax walbaa waa ay isku toosan yihiin. Marka laga reebo dhalinyarada sii jeedkaaga fadhiya ee sheekaysanaya, maya ee afartooduba duryamaya ee dhagahaaga iyo fekerkaagiiba qafaashay, sheekaxumada Soomaalida ayaad hiiftay, adigoo la yaabban mawduuca aan ku khusayn ee haddana aad fahantay dadkii uu ku socday ka hor; waayo khalad ba ha kugu ahaatee, kaligaa ayaa doorka dhagaystaha qaatay—intii ay dhurmayeen.
Bannaanka ayaad u baxday oo salaad aadan hubin afar iyo saddex rakco mid ay ahayd ku tukatay qaddar le’eg xabbad sigaar ah in la cabbi karo. Adigoo indhahaaga u xakamayn kari la’ sida fekerkaaga seeto goyska noqday ayaad baalladaymootay hareeraaga; jawigu waa qaboono oo dabayl aan xoogganayn ayaa dhabanaysa, ciirada samada ku wadhan xagaa in ay galbinayso ayaad u malaysay adigoo himbiriirsanaya ili-kuwareertay; waxay ishaadu qabatay damallo waawayn iyo guryo teelteel ah oo ku sii beegan, dabadeed adigoo la riyaaqsan haasaawaha aamusan ee dabiicadda idin dhexmaray niyaddana ka leh “Galab wanaagsan, allay-lehe waa galab mudan in la isugu hambalyeeyo,” ayaad jawigii hore nafta ku soo dabbaashay.
Madashu hadda waa shib oo buuq ma jiro qof walbana sidii dhaawac uu la baaxaaddagayey ka bugsooday ama suuxiso lagu muday ayuu u xasilay, isaga iyo aashiina loo kala baxay. Run ahaan balwaddu waa suuxisada damiirka ee qof waliba iintiisa isku illawsiiyo; Haddii uu ku qeexay Shoobanhaawar aafada noloshuba inay tahay baaxaddeg u dhexeeya hodan caajis dilooday iyo sabool saxiir dilooday; balwadduna waa kaarjabinta waxtarka u wada ah ee ay iskula tacaalaan saboolkaas karkabada nolosha hayn waayey iyo hodankaas caajiskeeda ku daalay. Waayo waa xeelad guntu dareenka gobanimada ku raadiso, waa dhalanteed uu saboolku hoddannimo isku bido, bakhaylkuna deeqsi isku moodo, haa mirqaanku waa dareen baas oo qofka geyaysiiya xaaladdii Dostooyfeeski ka digayey ee qofku beentiisa ku rumaysanayey karaamadii naftiisa iyo midda dadkana ku seegayey. Adiga laftaada xisaabaadkii karka kugu hayey hadda ayaad illowday oo culayska kaa degay waxa uu caddaynayaa inaad gaadhay ujeedkaad meesha u timid! ‘Haddaan hooyaa ayaad’ tiri oo booskaagii salka dhigtay adigoo indha fayaansan marba meel ku taagaya.
Bacmadow oo ku-beeggaaga ka soo daldalan ayaad indhaha ku hakisay; faduul iyo xilkasnimo-darro mid ay kaa tahayba hubso ayaad istiri; oo bacdii iyo wixii ku shaqlanaa degdeg u kala muldhisay, waa rikoodh daalay oo habaas wayn, sida hillaaca ayaad cimrigaaga badhkii maankaaga dib u celisay adigoo xusuusta ugu fog ee rikoor kugu leeyahay raadinaya; waad qososhay, waxaadna gocatay badawnimo hore oo ku soo martay: waa maalintii kuugu horraysay ee miyiga lagaa keenay hadalkii maadda lahaa ee aad tiri: “waa qoloma ninka ka dhex hadlaya birtan?”
Inaad isbuuc dhan baadhaysay qofka hadlaya meesha uu kaga jiro rikoorka ayaa iyana badownimo kale ahayd.
Aqbalidda in aan qof ku dhex jirinna raadyuhuna waxay ahayd daahqaadid yaableh oo aad gudcurkii dheeraa ee miyiga iyo badownimada ku sagoontiday casrigan ilbaxnimada iyo magaalowgana ku soo gashay. Waxa uuna ahaa loollan adag oo gudahaaga ka dhex dhacay oo fikradii soojireenka ahayd ee lahayd: “Laba kala bariday kala war la,” waxaad kaga tanaasushay; eeddadaa Racwi codkii quraanka ee ay rikoorka ka dhagaysan jirtay oo wadaad carabaha jooga ayaa laguugu sheegay—waad na u qaadanwayday! Carruurteedu heesihii ay dhagaysan jireen iyagana hooballo Soomaaliyeed oo Waaberi, Iftin iyo magacyo kale leh ayaa laguugu sheegay—taasina maankaaga waa ay ka waynayd. Sidoo kale Weristii deriskiinna ahayd ee jinka qabtay quraankii lagula tacaali jiray inuu macallin Xasan ka dugsiga yahay, ayaa iyana yaabkeeda lahayd! Halkaa waxa aad ku baratay inuu jiro wax fan la dhaho sida uu quraanku u jiro, barkulanka labadooda oo ah rikoodh kana waxa aad u aqoonsatay fannaan iyo wadaad isku sidkan!
Gacan qaboow oo cududda kaa taabatay ayaad ku war heshay oo si naxdin leh u eegtay ninka kuu muusoonaya ee ku leh: “War haddee goorahanba waan kula hadlahayey ee illayn waad baxsanayd maandhe, haddee bahalkaan aad farafaraynaysid haddii uu shaqaynahayo hees nooga daar siddeetamaadkii baanba ku xasuustaye!” Fekerkii kula tagay ayaad ka soo noqotay oo eegtay shayga dayaca wayn ee ku hor qotoma, wax baalid ah oo aan waxba ku toorrayn buu kuula muuqday oo rejo wayn ba kama aadan qabin ilaa aad cajaladda ku taagan aragtay!
Dabadeed si baqdin iyo farxad ba leh ayaad badhanka cas u taabatay.
Kaban iyo boonge deggan ayaa si faseexa u dananay cod saafi ah ayaa xigay, waad garatay waa Khadra Daahir Cige oo leh:
“Labadii Is doortee,” iyo xertaadii oo siday u dhanyihiinba ka daba leh:
“Isku laab ahaadee.”
suuldhabaale ayaa xigay, kolkay dhamaatayna “ku celi” iyo qof ku magacdhebaya ayaad maqashay adna codsigiisii ayaad u yeeshay. Weligaa waad jeclayd Khadra Daahir heeseheeda oo adiga oo aan fanba aqoon ayaad ka baratay walaalkaa Khaliif afkiisa isaga oo foodhi iyo codba ku qaadaya: “naf go’day iyo roob galbeed,” Kolkii aad soo xerooteenna gaafkii ugu horreeyey ee aad tagtay ayaa laga qaaday: “Labadii isdoortee,” sidii ayaad taana ku baratay.
Balse markii koowaad ee Khadra codkeeda oo aan cidi idiin dhexayn dhagahaagu maqleen waxay ahayd markii eeddadaa laguu geeyey.
Jimcihii joowaad ee ay ilma-abtiyadaa dharka mayrayeen waa tii Buluugga dharka iyo baytariyaasha rikoorka dukaanka Isqolofadhiye lagaaga diray, shan daqiiqo kadibna waadigii heesihii aad dadka ka maqli jirtay iyo kuwa aadan weligaa maqalba ka haqab beelay. Sidii baad ku jeclaatay fanka iyo dhagaysigaba, inkasta oo haddana figrad kale oo rikoorka ka digaysa kugu soo biirtay beryahaa taas oo leh: ‘aaladdan casriga ah xukum gaar ah islaamku ma saarin balse rikoorku waa hub laba afleh oo sharkii iyo khayrkiiba ku dhanyihiin hadba dhanka aynu u adeegsanno ayaana lagu xukminayaa waxtarkiisa.’
Hub laba afleh cid sidata ma aadan arag oo suuraysigiisaaba kugu adkaa balse sidaas ayaa laguugu xadiisay. Middaas adiga oo ka duulaya waxaad maankaaga la kaashatay sitimaanka toddobadiisa maalmood, lix cisho oo kamid ah in guriga quraan lagu dhagaysto maalinta jimcaha ee dharmaydha la yahayna in heeso lagu dhagaysto waxay ka dhignayd? Fahan cusub ayaa qub ku yiri oo dhagaysiga heesaha gaar ahaan xilliyada hawlaha lagu qabanayo in uu san ahayn hal-abuur magaaleed iyo masalo shar iyo khayr ku lug leh ee uu yahay hidde soo jireen oo ka yimid hees-hawleeddii miyiga ayaad ku fekertay. Hase yeeshee farqiga u dhexeeya hees hawleedda shaqada lagu qabanayo iyo muusigga hawl iyo hawlla’aanba loo baahanyahay ee qofka suurinaya ayaad kala saari wayday? Waadigaa markale baxay ee albaab aad beri fog xirtay dib u furay.
Waayo-aragnimadaadii miyiga iyo tii magaalada ayaad isugu gaysay kala furdaaminta fan masraxeedka iyo foolkaloorka isaga kaa murgay.
‘Ogoobeey, reer guuraaga Soomaaliyeed curinta waxa ku kallifay cidlada ay markasta joogaan, si ay taas isu illawsiiyaan ayey u ebyeen maansada iyo heesaha kala duwan, kolkaa hees hawleeddu waa luuqad qofku kula sheekaysto xoolaha la raaciyo hadba meesiga uu markaas la joogo. Waa haasaawe kuraygu ku weheshado maqasha uu ku leeyahay: “Maqaleey warlaay ma laguu warramay” maqashu kolka ay cido isaga waa u jawaab! Muusigga laftiisu waa dareen rooxaaniyadeed oo dhegta aadamaha la da’ ah tan iyo intii sanqadh qaabaysan baxaysay wuu jiray isbadalbadalka qaabdhaciisa ayaana saamayntiisa sii siyaadinayey, balse goor dambe ayaa dhawaaqiisa lagu baraarugay uuna noqday astaan umadeed.’ Inaad meel ka akhriday iyo inaad sidaas u fekertay ayaad u kala saari wayday.
Goormay kulmeen curintii iyo tumistii oo heerkan ashqaraarka ah gaadheen? Ayaa isku kaa soo taagtay! Shaarubaha ayaad miiqday oo si guud iyo si gaar ah ba maankaaga uga raadisay wayndiintan. Waxa kuu soo baxday; hor iyo horraanba in aysan noloshu tii baadiyaha ahayn oo mar haddii fagaaggii kelinimada ee qofka reer guuraaga ah ku carin jiray inuu wax curiyo uu meesha ka baxay magaalowgana uu la galbaday, halkan ayey ka dhalatay in curintii noqoto shaqo dad gaar ah kooto ugu xiran, isla dadkaas Hal-abuurka iyo fannaaniinta la baxay ayaana ebyey fan muusig la yiraahdo oo sida uu ereygooda maanka qofku u fahmi karo, duunkiisa ula falgali kara. Waa birlab qofka soo jiidata ilaa sanqadhaa–miyuusigga–iyo saanqaadka qofku isla falgalayaan uuna sida ri’ muqlaysa isu ruxayo, ama sida suufi khushuuc u galayo.
Adigoo indhaha ku haya nin madaxa lulaya oo heesta baxaysa la haysta ayaad hoosta ka tiri, ‘Haaheey, halkan ayuu Soomaaligu ku noqday qof gudihiisa u war haya oo caadifi ah.’
Ladhkii maaddinimada ee tayada shayga u cuskan jiray inta uu sicirkiisu le’egyahay ayaa kugu soo kacay oo waxaad la yaabtay sida rikoodh qonosh ahi kuula badbatay niyaddaaduna u buunbuunisay, balse run ahaan nasiibkaaga ayaa kuu hiiliyey oo waayihii rikoodhada ee laga soo gudbay ayaad si shil ah ugu noqday, waxaad na heshay qayb adiga kaa mid ah oo ku duugan isla gudahaaga, waa waxa hilowga kuugu wacan: waa adigaa caawaba Khadra Daahir ka dhex goobaya cajaladda– Kollekshin ka ah ee heesaheeda ka xulanaya, oo ma hees ay qaadday oo aan xulad ahayn ayaaba jirta? Maya alleylehe!
Sidii markii hore oo kale kale ayaad dhammaantiin jiibta iyo jaanta isla hesheen oo codkii Khadra Dhool ka daba subciseen:
Iyada: “waa bixiso odayoow”
Idinka: Adoo bari guntii jira
Iyada: “Fad galbeed ka baahiyo”
Idinka: Aad boqoolka geeddiga
Iyada: “Buseelkeed ku qaadoo”
Idinka: Bane dayradhaafiyo
Iyada: “Meel baaxad soore ah” Idinka: Beesha u horseeddaa.
Sida aad jidh ahaan ugu wada joogtaan ayaad xis ahaan u kala fogaateen oo qof walba xusuus u gaar ah ayuu muquuray. Qisada heestan ayaad sidii aad kaligaa garanayso saaxiibkaa cod hoose ugu tebisay—cajaa’ibta fanku leeyahay ayey kamid tahay in deegaan walba si u gaar u weriyo qisooyinka heesaha—adiguna sidii walaalkaa beri fog kuugu tebiyey ayaad uga warrantay, meel aad ka bilowday ma ogide waxaad ku war heshay adigoo marinaya: “Aw-muuse ayaa loo qaaday heestan oo Khadra dumaashigeed ahaa, markii ay ka dhimatay walaasheed ayuu xigsiisin ahaan Khadra ugu soo gole fadhiistay. Iyaduna heestan bay doonistiisii jawaab uga dhigtay oo waa taa fad galbeed isku matashay. Odaygiina ugu dardaar-werisay, “Adeeroow da’daa bogo.”
Sow ma aad fahmin halkaa waxay ula jeeddo?” Cidi hadal kuguma soo celin, laguma se murmin–kaa gaysanna–markaa.
Waa fiid dhexaad goor dambe ayaa se la mooda oo waa gudcur, cagtu hadda ayey go’day, saarkii fanku iminka wuu idinka soo degay waxaa baxaysa; “Waa iska xaal adduun,” heestan qisadeeda ma haysid balse waad la khushuucdaa, markasta oo aad maqashona Sinaariyo cajiib ah ayaad istustaa: waa gaadhi xamuul ah oo dawga Sheekh ku qallibmay, rakaabkii saarnaana uusan qof nooli ka bixin, iyadoo xaalku sidaa yahayayuu gaadhi kale oo Yuudhii ahi soo dhinac istaagay ninkii watayna isagoon soo degin bireegga ku dhinac qabtay oo cabbaar eegay; gaadhiga boqolyorogan ee shidhkiisa dhiiggu ka soo burqaday iyo maydka hor gorofsan! Isagoo argagaxsan ayuu maqlay codkii Khadra oo gaadhiga gaddoomay ka dhex heesaya oo leh: “Waa iska xaal adduun.” Darawalkii inta uu ka daba yiri “Nacam yaa khadra, waa iska xaal adduun” ayuu ka xanfaray, oo qaylo dhaan tagay. Sheekadani waa middda aad heestan ku baratay, darawalkaas caloosha adag ee ay ku dhacday ayaana kaaga warramay.
Waad isla maqantahay weli, cajaladda oo aad boggii kale u rogtay ayaad wareegeeda indhaha la raacaysaa, maankaaguna shaanshaan ayuu liillalaway ka qaadayaa, hal mar ayuuse jawigii oo dhan tacluus isu baddalay xiisihii heestana war dhiillo leh loogu illaaway, “malla hubaa?” iyo “BBC-da ayaa hadda sheegtay!” Waydiintaa iyo warcelintaa la isugu hal celiyey ayey dhagahaagu maqleen, “maxaa dhacay?’ Haddii aad tirina, inaan lagu maqal ayaad moodday, dabadeed nin meel hul ah ku soo jira oo aadan ogayn goor uu yimid ayaa cod foolxun ku yidhi: “Khadra Daahir Cige ayaa dhimatay!” Juuqdii ayaa la gabay oo dhankaaga oo rikoorkii weli ka baxayo la soo dhawray.
Tamar aad rikoodhka ku damiso waad lahayde garashadeed ma aad lihid hadda. Waxaad si anfariir leh u waydiisay: “khadradee dhimatay? Ma tan inala joogta ee iminka aynu weheshanayno mise mid kale?!” Hore laguuguma jawaabin, sidii si le’eg ayuu haddana ninkii tacluusta siday goor dambe qosol macangagnimo ku idishahay ka dhawaajiyey oo ku yiri: “mid ay ahayd ba Khadra Daahir galbatay! Alla yaa arxama raaximiin, ee maytida heeseheeda inaga damiya!”
Kii kugulahaa ‘heesta ku celi’ ayaa ugu jiibiyey: ‘waa runtiiye maytida dambi ha u shaqaynina e u duceeya.’
Aamus dheer ayaad ciirsatay maankaaguse, feker culus ayuu la guuxayey oo waxa isu kaa qabanwaayey shaqada fanka ee farxadda ku bilaabata dafiraaddana ku dhammaata! Waxa aad garowsatay rabitaanka noloshu inta uu Aadamaha ku waynyahay labadeed in uu ka welwelo qofku in la illaawo, dhiillada ku taagan–ee ah ogaalka cimrigiisa gaaban–awgeedna uu doorbido qofku in uu sameeyo waxkasta oo dadka ka gaaryeeli kara, waxqabadkasta oo aadamuhu falkiyey; horrayso iyo dambaysana uu yahay iskuday uu ku muujinayo raadkiisa—laga bilaabo Soomaaligii kumanaanka sano ka hor buurta Laaskeel farshaxanka Saca ku xardhay ilaa Khadr Daahir ta caawa dhimatay; labaduba hibooyinkooda ayey jiraalkooda ku waariyeen. Sidaas awgeed waxqabadkasta ujeedkiisa falsafadeed waa inuu noqdo baadi sooc summad u ah cidda falkisay iyo dadkii la xilliga ahaa oo magan u ah hiboolahaas, waana buundo isku xiraysa qofkaas iyo jiilasha ka dambeeya!
Sida guulaamo roob ayuu maankaagu waydiimo la hooray: Maxaa qofka wixii lagu jeclaa ee dadkoo dhami ku majeeran jireen intii uu noolaa loogala qashaafaa marka uu dhinto—sida markasta dhacda? Dheeftii la qirsanaa in lagu qabay fannaanku maxay u noqotaa mararka qaar dhibaato uu isyeelay bulshadana u gaystay? Muddada dheer ee Qarniga ku dhaw ee fanka Soomaalidu jiray dareenka bulshada iyo fannaanka ka dhexeeya muxuu u saldhigi la’yahay oo uu ula baaxadageyey farxad iyo baqdin isku sidkan? Maxaa aayatiinka cidkasta oo fanka ku shuqlanayd sidan ka dhigay? Fanku ma illawshaha diintaa? Fannaanimaduse ma waxa ay ku dhammaataa halka ay islaamnimadu ka bilaabato? Waydiimahan iyo kuwa kale oo badan ayaad darandoorri isu waydiisay adigoo la yaabban dambiilenimada dadku dareemaan marka fanaanku dhinto, sida haddeerba dhacday ee ay heestii macaanayd dadka ula qadhaadhatay ee ninkii “dheeree,” lahaa uu “Demi” uga dambiisayey! Waxa aad is tiri; malaha taas waxa laba gooraaleba sax ka dhigaya—caqliga qofku inta uu noolyahay ku amaaana inuu aftahan yahay, marka uu dhintana ugu baroordiiqa inuu afgaaabnaa! Kolkaa deminta heestu sow kama dhigna afgaabnida Khadra? Alla afgaabnaydaa oo cod wacnaydaa! Ayaad si kaftan ah u tiri.
Hadal ayaad maagtay, waxaad ku jawaabto ayaad se garanwayday, “Waa iska xaal adduun” ayuu afkaagu soo qabtay, kaddib ayaad sida hal hal gelgelin ka toostay kor u boodday, oo meesha aad ka fadhiday foolxumadeeda hubisay in wax kaala socdaan, boodh aan meeshaba oollinna ka ta tumatay, oo guntiga macawista giigsatay, dabadeedna dhankii uu kaa xigay gurigaagu qummaati u beegsatay. wuu fogyahay ma se ogid—sida aadan u ogayn inaad moobilkaagii majliskii ku soo illowday, badalkiisiina aad cajaladdii soo qaadatay. waad is qabatay oo noqosho u hollatay, danse kama aadan geline socodkaagii ayaad iska sii wadatay. Adigoo sii leh, “Waa iska xaal adduun” ayaad mugdigii ku libidhay.
(Dhammaad)
