Falsafadda falsafadaha: Waa maxay Falsafad? | Teodor Oizerman

Waxaa qoray: Teodor Oizerman

Waxaa tarjumay: Arsalaan Caamir[Af Carabi]

Waxaa tarjumay: Mudane Maxamed[Af Soomaali]

Falsafadda falsafadaha: Waa maxay Falsafad? | Teodor Oizerman

Waxaan rumeysanahay  in idinka oo dhami aad igu raaci doontaan in wax la’ iska weydiiyo qeexida falsafada  ay ula muuqandoonto qofka aan falsafada ku tababaran su’aal bilow ah,  taas oo laga soo dheegtay dhigaal shaacsan ama buug manhaj.

Qofka aan falsafada ka heysan wax khibrad ah madaxa ayuu luli’doonaa (isaga oo rumeysan la’) marka uu arko in fillasoofarada kuwa ugu caansan sida [Martin Heidegger] ay qoreen dhigaallo ay ugu magac dareen, [ Waa Maxay Falsafaddu? ماهي الفلسفة what is the philosophy?] Iyo marka uu arko Ortega Y Gasset oo baahinaya dhigaalkiisa [Waa Maxay Falsafaddu? ماهي الفلسفة what is the philosophy?] dabadeedna uu arko qolyahii ka dambeeyay cusbooneysiinta [postmodernists] sida [Gilles Deleuze] iyo [Felix Guattari] oo baahinaya dhigaallo leh magaca [Waa Maxay Falsafaddu?], waxaan tixi karaa tiro kamida qoraayaasha caanka ah ee fillasoofarada ah iyo kuwa ku caan baxay in ay wax ka qoraan weydiintan sidaas daraadeed waxaa jira madmadow ama sida uu yiri [Iriig Yoodeen إريك يودين] kaas oo kamid ahaa fillasoofarada hibada leh ee dhintay goor hore: “falsafadu waa madmadow gelinta sheygii lawada yaqaanay”, taas oo uu kala jeedo marka la shaki geliyo arimihii la isla yaqaanay, Friedrich Hegel asna waa kii lahaa “waxa la ogsoonyahay waxba ma taraan, marka la ogaado kagadaal”, Rene Descartes ayaa isaguna ogaaday inuusan sinnaba u awoodin caddaynta farqiga u dhexeeya soojeedka iyo hurdada, iyada oo ay xaqiiqadu tahay mid qoraxda ka cad, hadana Descartes, waxaa uu ahaa mid ubaahan caddeyn.

Dhanka kale, baragmaatiga[1] reer mareykan ee Ferdinand Schiller wuxuu qodobkan ka yiri oraah halxiraale ah  “hadii boqorku uu hurdayo 12 saacadood maalinkii, Islamarkaana uu riyada iskudhex arko isagoo dawarsade ah, midka dawarsadaha ahina uu hurdo 12 saacadood maalinkii, islamarkaana uu riyada iskudhex arko isagoo boqor ah, majiro wax farqi ah oo udhexeeyo labadooda.

Sidaas daraadeed weydiinta ah waa maxey falsafadu? Waa weydiin cadaabtay fillasoofarada, sida uu yiri Johann Fichte “Ma fududa in aad hesho dhowr qofood oo garanaya waa maxay falsafaddu”, aqoonyahanka xisaabtu waxaa uu kuugu jawaabi doonaa aniga waxa howsheyda ah ee aan ku takhasusay waa xisaabta, fillasoofarkuna waxaa uu kuugu jawaabi doonaa waxa howsheyda ah ee aan ku takhasusay waa falsafada,  balse fillasoofarada oo dhami xitaa kuwa in yar ka garanaya falsafsda waa ay kala kala sooci karaan weedhaha falsafadeed iyo weedhaha aan falsafada shaqada ku lahayn, wexey dhihi doonaan mar kasta in falsafada cilmiga xayawaanka ee uu aragtideeda leeyahay Jean Lamarck in aysan eheyn falsafad, iyada oo ay jirto in ay ka buuxaan qaar kamida afkaaraha ku haboon falsafadda, taasi waxaa ay ka dhigantahay in fillasoofaradu aysan isfahmeyn, islamarkaana eysan jirin aragti ay hal mowqif ka leeyihiin, hadana sidaas oo ay tahay waxaa ay isku raacsanyihiin hal arin oo ah in falsafadu ay mar kastaba laga sooci karo asaaggeed.

Maxay falsafadu u noqotay mushkilad? John Dewey oo u muuqda in uusan falsafada u daraaseynin ka falsafad ahaan, waxaa uu ku qiray muxaadarooyinkiisa jumladaan “waqtigan la joogo, weydiinta ugu muhiimsan ee falsafaddu waa “waa maxay falsafada qudheedu?” Muxuu yahay nuxurkeedu? Waa se maxay waxtarka dhigaallada falsafadeed? Balse siday la tahay mufakirkaan baragmaatiga su’aasha sidaan loo dhigay wexey dhalineysaa jahawareer ilaa xad.

Tan ugu muhiimsani waa in Aristotle uu soo bandhigay qeexitaankiisa gaarka ah ee falsafada, laakiinse qeexitaankaan marka nuxurkiisa la’ eego waa qeexidda falsafada Aristotle oo kaliya, Martin Heidegger isaguna markiisa waxaa uu soo bandhigay qeexidiisa gaarka ah ee falsafada, laakiin qeexitaankaasi ma dhaafsiisna falsafadiisa, Dabcan ma adka in falsafadiisa la qeexo haddii lala  barbar dhigo falsafadaha Thomas Schilling ama Jean Paul Sartre, balse su’aashu waxa ay tahay sidee bey suuragal ku tahay in la qeexo falsafada si guud iyada oo la tixgelinayo inta uu la egyahay ismaandhaafka udhexeeya fillasoofarada, tani ma waxaa ay ka dhigantahay in aan ubaahannahay in aan ka boodno wax kasta oo ina kala duwaya oo in aan iska jafjafno aragtiyaha Martin Heidegger ka duwaya Thomas Aquinas ama John Dewey ka duwaya  Jean Paul Sartre?

 Waa sababta keeneysa in weydiinta ku saabsan qeexida falsafada aysan ninka fillasoofarka ah ugu muuqan weydiin quseysa macnaha falsafada oo kaliya, ee waxayba ku saabsan tahay macnaha nolosha laf ahaanteeda, run ahaantiina qaabkani waa sida uu Heidegger uqeexay falsafada, asxaabteenana dabcan waxaa ay ku fakarayaan [xaqiiqada falsafada] ماهية الفلسفة, wuxuu qoray madaxa golaha akadheemiga ah ee Qesiinoof [غصينوف] maqaal uu ugu magac daray, (Ulajeedada Falsafada الغرض من الفلسفة), isagoo tilmaamay in sida wanaagsani ay tahay in laga hadlo yoolka falsafada, intii laga hadli lahaa xaqiiqadeeda iyo qeexideeda.

Qoraaga akaadhiimiga ah ee ستيوبين, dhigaalkiisa aqoon-aragtiyeedka (المعرفة النظريه), waxaa uu falsafada ka yiri sidatan: “sida la isla yaqaano – dhulkeena kaliya maahane sidoo kale dhulalka afka ingiriiska looga hadlo – waa in falsafadu ay tahay wacyiga u gaarka ah ee ku lamaanan dhaqamada umadaha”.

Waa qeexid muhiim ah laakiinse markaa waxaa iyaduna keceysa sida dabiiciga ah masalada kala duwanaanshaha dhaqamada, waliba heer ay baarayaashu qaarkood tira koobeen in dhaqamadu ay kala leeyihiin kudhawaad laba boqol oo qeexid ah, sow taasi kama dhigna suuragalnimada in ay jiraan tiro taa la mid ah falsafado kala duwan ah, dhanka kale waxaa jira falsafada dhaqanka oo kadhigan majaal si gaar ah loo baaro, tusaale ahaan waxaa suuragal ah in dhigaalka «Keydka cilmiyada falsafadda موسوعة العلوم الفلسفية»  Ee uu leeyahay Friedrich Hegel loo arko nooc kamid ah wacyiga u gaarka ah ee dhaqankiisa, halka uu leeyahay qoraa Ortega Y Gasset qodobka kaliya ee ay falsafadu diiradda saareyso waa kownka /uunka ma ahan kownka fiisikiska oo kaliya, ee sidoo kale kownka ruuxiga ah, oo uu ka wado wax ka shisheeya kownka fiisikiska iyo nolosha idilkeedaba’e, dabcan waxaa jira tiro kamida qeexitaanno kale, sida ay leeyihiin fillasoofarada maaddiyiinta  ah ee cusub “الوضعيون الجدد” iyo Ludwig Wittgenstein oo ah “falsafadu waa uun isku dayga cadeynta caqliga/garaadka ay asturayaan ereybixinnada cilmiga ah ama aqooneed” qeexitaankani waa doorashada koowaad balse doorashada labaad waa sidatan “falsafadu waa doonista xoreynta caqliga kaas oo ay daboolayaan, adeegsiga ereybixinnada wacyiga caadiga ah”.

Anigana markeyga maxaan kala bixi karaa warkooda? ii ogalaada in aan soo dheegto oraah, aan ku qoray dhigaalka «Falsafadda, sooyaal falsafadeed/ الفلسفة كتاريخ للفلسفة» oo ah sidan soo socota;

“Falsafadu si kaduwan cilmi kasta, si kasta oo uu ahaado heerkeeda horumarka ama isbadbadal ee sooyaalka, waa aragtiyo urursan oo aan xadidneyn kuwaasi oo ah madaahib falsafadeed oo aad isku maandhaafsan, oo midiba ay diideyso tan kale, isla goortaasna waxaa mid kastaa oo madaahibtaas kamida, ay dhameystireysaa tan kale, tani waa sida aasaasiga ah ee ay falsafadu u shaqayso, waana sida ay ahayd qarnigii koowaad ee jiraalkeeda taariikhiga ah, ilaa iyo hada oo sabankeenna ahna waxaa ay ku baaqi tahay sidaa, mana jirto sabab loo rumeeyo in falsafadu mustaqbaka ay lumin doonto kala duwanaansheheeda mar uun,  waana waxa gaar uga soocaya qaybaha kale ee aqoonta, sidaas daraadeed waxaa is moodsiis ah in larumeeyo in kaladuwaanshaha ay falsafadu leedahay uu sii jiri’doono oo kaliya inta uu ka dhameystirmaayo bilaabashada nidaamkaas xalin doono weydiimaha aan laga jawaabin, kala duwanaanshaani waa jiri’doonaa, maxaa yeelay falsafadu waa mid jirta, waxaana uu ahaandoonaa mid jira inta ay falsafadu jirto.

Qoraaga akaadiimiga ah ee Qesiinoof غصينوف, waxaa uu ku leeyahay maqaalkiisa, (Ulajeedada Falsafada الغرض من الفلسفة) “figrada ah kala duwanaanshaha aasaasiga ah ee ay falsafadu leedahay, figradaasi waxaa ay leedahay ahmiyad asaasi ah, anigana waxaan qirayaa, in aan gaaray figradaan oo ay maskaxdeyda ku dhalatay mudo hada laga joogo toban sano, balse dhowr iyo labaatan sano kahor, waxaan ku qoray qoraalo aan ku  baahiyay Switzerland, in kala duwanaanshaha iyo tira’badnida madaahibta falsafadeed, ay tahay uun shaacsane taariikhi ah oo ina soo maray oo gudbaya, waxaa laga yaabaa in waayahaasi aan ahaa mid ku qanacsan in maadiyada diyaaltiikiga ah [الماديه الديالتيكية] [Dialectical materialism] ay waajib tahay in ay dhameystirto, islamarkaana ay soo gunaanado sooyaalka falsafada, xitaa Friedrich Hegel mar waxaa uu yiri, sooyaalku malahan bilow oo kaliya, ee waxaa uu leeyahay sidoo kale gabagabo, laakiinse ilaahey mahadii waxaa iisuuragalay, hada in aan saxo gafkaan, aan ku dhacay waa hore”.

Waa maxay wanaagga ku jira kala duwanaanshaha iyo tira’badnida aragtiyaha falsafada? Maxay ku fiicantahay in lahelo falsafado ismaandhaafsan? Waxaa uu yiri [Baruch Spinoza سبينوزا] (falsafadeydu waxaa laga yaabaa in aysan noqon tan ugu wanaagsan balse iyadaa ugu saxsan) kani waxaa uu ahaa ismoodsiiska rumeysadka ah ee Spinoza, fillasoofar kasta oo dhisaya nidaamkiisa gaarka ah, isaguna sidoo kale kama marna ismoodsiiskan oo kale,

Waxaa la baabi’iyay ismoodsiisyadaan, taas oo ay ku keceen afkaaro kale oo danbe, sidaas ayey udhameystirantay hodantinimada badweynta fakarka falsafadeed, se halkaasi waxaa ka bilaabmaya oo ka dhalanaya mashaakil cusub iyo aragtiyo iyo fahanno cusub, qolyahii ka dambeeyay cusbooneysiinta [postmodernists] sida Jacques Derrida Iyo Jean Leotard, Iyo shaqsiyaadka had iyo goor u heellan dafiridda wax kasta ee ku socda qeyb ahaan, dariiqii Friedrich Nietzsche iyo Heidegger wexey dafiridoodu sababeysaa in uu sii fogaado fahanka falsafada, Dafirid kasta oo heerkeedu sarreeyo ee ku aadan falsafada, iyaduna sidoo kale waa falsafad, in badan howlgalka falsafadu  maaha oo kaliya dhaliil ku aadan falsafad kale, balse sidoo kale waxaa uu kadhiganyahay dafirid ku aadan falsafada si guud, soo xusuusta hadalkii  Ludwig Feuerbach  uu yiri falsafadeydu maaha falsafad فلسفتي ليست فلسفة, balse yaa dhihi kara Feuerbach fillasoofar ma ahayn?, Sidoo kale waxaa ay rumeysnaayeen Karl Marx iyo Friedrich Engels in falsafadoodu aysan aheyn falsafad.

Markaa, tira badnida tacliinta falsafadeed waa hodantinimada dhabta ah ee falsafada, mar kasta oo ay falsafadu noqoto mid tira badan oo kala duwan, waxaa ay noqotaa mid hodantinimo badan, sidaas darteed aanu noqonno kuwa kala duduwan.


[1] Pragmatism waa falsafad ku taagan mabda’a ah haddii fekradda ama soojeedintu leedahay nafci la hubo marka la hawlgaliyo sidaas ayay ku saxan tahay, haddii aan fekraddu lahayn waxtar haba yaraate waa khalad, miisaanka saxa iyo khaladku waa nafciga.

One thought on “Falsafadda falsafadaha: Waa maxay Falsafad? | Teodor Oizerman

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *