Soo koobidda buugga; الاسلام بين الشرق والغرب |Islam Between East and West
Waxaa buugga qoray: Cali Ciset Begovij
Tarjamada Carabiga: Maxamed Cadas
Bogagga: 417 bog.
Nooca buugga: Feker iyo Falsafad
Soo koobidda buugga: Cabdiraxmaan Caqiil
QORAAGA BUUGGA

Cali Ciset Begovij waa mufakir, taariikh-yaqaan iyo faylasuuf Muslim ah oo u dhashay dalka Boosniya. Cali waxa uu ka baxay kulliyada sharciga, waxa uu maqaallo ka qori jiray arrimaha khuseeysa islaamka iyo muslimiinta, dhiganayaashiisa sida weyn loo xiiseeyo waxaa kamid ah, Huruubii ilal xurriya, Al iclaan Al islaami, Al islaam Beyna sharqi wal-qarb.
MAGACA BUUGGA
Islaamka u dhaxeeya Bari iyo Galbeed waa magaca buugga, wuxuu magacan ka yimid aragtida qoraaga ee ah in nolosha aadanaha ay ka koobantahay qayb ruuxi ah iyo qayb maadi ah, ama jir iyo ruux. Inta ugu badan falsafadaha adduunku waxay ku wareegaan labadan aragtiyood, mid kastana tan kale ayay dayacdaa oo ma danayso.
Ruuxiga waa tan ay diimuhu ku baaqayaan ee ay xoojinayaan, iyagoo dayacaya jirka iyo xaqiisa, qaarkoodna waxay wanaag u arkaan dhibaataynta jirka. Tusaalaha ugu mudan ee Cali u soo qaatay ayaa ah diinta Masiixiyada oo aaminsan in wax walba ruuxi yihiin, maadiguna aanu wax macno ah ku lahayn nolosha, waxay aad u doorbidaan in jirkooda ay hagardaamo u geystaan, nafiska iyo raaxadana ay meel iska dhigeen. Diimaha ay masiixiyadu horkacayso waxay ku dheganyihiin in dhinaca ruuxiga uun xoogga la saaro, maadiguna la dayaco.

Aragtida kale waxay u janjeertaa dhinaca maadiga, waa falsafadda isku soo koobtay sayniska, waa ayna adagtahay in saynisku wax ka sheego ruuxda. Maadiyiintu waxay dafireen wixii aaminaad looga baahnaa iyagoo isku koobay sayniska iyo wixii uu sheegay, waxay dafireen diintii, malaa’igtii, wixii maqan(qaybka), iyo xitaa jiritaanka Allaah. Si kooban, wax walba oo aan maadi ahaan loo caddayn karin waa ay dafireen.
labadaas waaxood ee ruuxda iyo jirka waa laba falsafadood oo ilaa maanta isku haya caalamka, waxaana kala matalaya kiristanka oo ruuxiga calanka u sida, iyo Ilxaadka oo falsafadda maadiga calanka u sida.
Islaamku waa falsafad qirsan labada aragtiyood ee maadi iyo ruuxiba, waa falsafad mid walba xaqiisa siinaysa, waana falsafad isu dheelitiran.
Diimaha oo idil waa ruuxi oo maadiga ma daneeyaan, islaamkuse maadaama uu yahay diin kawnka oo dhan loogu talogalay, waxay sababtay inay noqoto diin nolosh oo idil isu dheelitiraysa ruuxigeeda iyo maadigeedaba aqbalaysa oo wada kaabaysa.
Halkaas ayuu ka yimid magaca islaamka u dhaxeeya bari iyo galbeed, ama islaamka u dhaxeeya loollanka bari iyo galbeed.
HORDHAC
Buuggan “Islaamka u dhaxeeya Bari iyo Galbeed” waxa uu u qaybsan yahay labo qaybood oo qayb kasta ay hoos yimaadaan cutubyo dhowr ah.
Qaybta koowaad oo u badan hordhacyo kuna saabsan diinta, wax ay ka koobantahay lix cutub oo cutub kasta xiiso gaar ah leeyahay. Qaybta labaad, waxa uu qoraagu u gaar yeelay islaamka, waxa ay qaybtan ka koobantahay shan cutub.
Qaybta koowaad: Diin
Cutubka koowaad: waxaa cutubkan xoogga lagu saaray abuurka khalqiga iyo aragtiyaha Ku dahaaran ee dunida lagaga aaminsanyahay.
Waxa uu qoraagu soo qaadanayaa aragtiyaha Darwin iyo Micheal Anglo ay ka qabaan insaanka.
Cali Ciset waxa uu ictimaaday su’aal aan lagama maarmayn oo uu qaddiyadiisa ku bineeyay, taas oo ah; si aynu u garanno sida uu qofku u noolyahay, waxaa lagama maarmaan ah in aynu ogaano halka uu asal ahaan ka yimid aadanaha innaga oo Ka eegayna waxa ay tilmaameen culimada sayniska, iyo waxa ay inoo tibaaxday diinta.
1. Qaar kamid ah culimada sayniska ayaa aaminsan in insaanku uu ka yimid dabeecadda oo uu kasoo tadawuray/ kobcay meel hoose, iyadoo aanay jirin wax Kala soocaya insaanka iyo xayawaanaadka, marka laga reebo tilmaamo maaddi ah, sida in istaagga lagu socdo, ama lagu wada xiriiro luuqad lagu dhawaaqo.
2. Diintu waxay inoo sheegaysaa in insaanku uusan ahayn hawl dabeecaddu samaysay, ee uu yahay ficil Eebbe sameeyay, sidoo kale uusan ahayn wax soo kobcay, balse uu yahay wax mar qura la sameeyay.
Su’aalaha ugu muhiimsan ee Cali is weydiinaya ayaa ah, insaanku ma wax dunida qayb ka ahbaa, mise walax ka duwan?
Qolyaha maadiyiinta, waxa ay qabaan in insaanka iyo xayawaanku aanu jirin farqi sidaa u weyn oo u dhaxeeya, waxay leeyihiin insaanku markasta waxa uu u hoggaansami jiray qawaaniinta dabeecadda, balse Cali Ciset si xooggan ayuu uga horyimid aragtidaasi.
Cali Ciset waxa uu qabaa in insaanku uu Ka duwanyahay xoolaha. Insaanku waa ficil ilaahey, ee ma aha wax dabeecaddu samaysay, xoolaha wax uu kala simanyahay waa ay jiraan, laakiin inta uu Kaga duwanyahay ayaa ka badan.
Nolosha xayawaanku way ka duwantahay tan bani’aadanka, waana nolol aan mas’uuliyad lahayn, akhlaaq lahayn, fan aan lahayn, xilkasnimana aan lahayn.
In isku miisaan la saaro insaanka iyo xayawaanku waxay ka dhigantahay in la degsado caddayn xadaaradeed oo aan insaanku mas’uuliyad saarayn, marka dambena laga soo qaado dagaallada basharka iyo musiibooyinka in wax caadi ah oo dhici kara markasta, taas waxa looga gol leeyahay in marmarsiiyo loo helo dhibaatooyin loo geystay qaar basharka kamid ah.
Waxa uu qoraagu duray aragtida ah in insaanku ka dhashay dabeecadda, waxa uu isweydiiyay, haddii uu insaanku ka dhashay dabeecadda siduu u diidi karaa amarkeeda? illayn xoolaha hooyadii dhashay amarkeeda ma diidaane!.
In uu qofku naftiisa u huro qaddiyad, ama rabitaankiisa uu xaqiijiyo, kama imaanayso caqliga, ee waxay ka timaada rumeynta iyo waxa uu qofku gudihiisa ku ictiqaadsanyahay, taasina xiriir lama laha aragtida Darwin ee tadawurka.
Muddo aan sii fogayn aragtida Darwin waxay ahayd aragtida ugu dambaysa ee fasiraysa asalka insaanka, balse aragtidaasi waxay ku guuldarraysatay oo ay ka gudbi weyday in fasir lagu qanci karo Ka bixiso sababta uu qofku u dareemi waayo kaaftoomid kolka ay noloshiisa kasii horumarto intii hore, sidoo kale sababta ay u bataan isdilka, xanuunada nafsiga, iyo kuwa caqliga ahba, iyadoo la la qabo in heerka nololeed uu meel fiican ka gaaray?
Falsafadda nololeed; “In la raadaceeyo helidda raaxo iyo ka cararidda xanuun” kalmaddaas waxaa mabda’a asaasiga ah ee nolosha ku fasiray laba nin oo kamid ahaa falaasifadii ugu waayeynayd ee maadiyiinta oo kala ah, Epicurus iyo Holbach. Ayagu taas u lama jeedaan nolosha insaanka oo kaliya, sidoo kale waxay qabaan in xayawaankuna lamid yahay.
CUTUBKA 2AAD: SAQAAFO IYO XADAARAD
Begovij waxa uu qabaa in dadku isku khaldaan aragtida saqaafada, iyo tan xadaaradeed.
Saqaafada waxa uu ku tilmaamay fanka uu qofku ku noqdo insaan jira, xadaaraduna waa fanka la tacaamulka, maareynta iyo samaynta waxyaabo badan.
Insaanku waa kan saqaafada xambaarsan, halka bulshadu ay xadaaradda xambaarsantahay. Saqaafadu waa awood qofeed oo la kasbado lana kobciyo, halka xadaaraddu tahay in la la falgalo dabeecadda iyadoo la marayo waddada aqoonta, fekerka, luuqadda iyo qoraalka.
Xadaaraddu waxay u baahantahay waxbarasho, saqaafaduna u fiirsasho. Waxbarasho kaliya ma kaafinayso qofka, aqoontu waxay insaanka ka dhigtaa mid awood badan, isku filnaansho badan, iyo in uu dadka anfaco, isla waqtigaa waxa uu qofku u adeegsan karaa dhinaca sharka.
Mar uu Cali Ciset ka warramay horumarka aqooneed ee basharku gaaray, iyo adeegsiga dhinaca sharka waxa uu tusaale u soo qaatay hadal uu yiri Julius Rober Oppenheimer oo ahaa ninkii ikhtiraacay bambada haydrojiin, waxa uu yiri: Jinsiga basharka waxa uu xaqiijiyay horumar aad u weyn oo xagga teknoolojiyadda iyo maadigaba ah, afartankii sanno ee la soo dhaafay, in ka badan intii uu xaqiijiyay afartankii qarni ee hore. Halkaas Cali waxa uu tusaaleeyay saamaynta taban, iyo mida togan ee ka dhashay horumarka. Kaddib wuxuu isweydiiyay:
Haddii horumarkan la gaaray ma waxay ka dhigantahay in aan ku noolaan doono nolol qani ah oo insaanku dareemayo farxad?
CUTUBKA 3AAD: FANKA IYO AQOONTA
Cutubkan waxa uu Cali kusoo bandhigayaa kaalinta fanka ee aqoonta, waxa uu qabaa in fanka uu yahay garashada insaanka, halka aqoontu tahay garashada dabeecadda. Halka aqoonta laga galo waa feker, falanqayn, fankana halka laga galo waa in la dhugto waxa ku qarsoon gudaha qofka.
Sawir-gacmeedka uu qofku samaynayo waxa uu ku cabbirayaa waxa gudihiisa ka guuxaya, ha noqoto waxa uu rumeysanyahay, jecelyahay, ama danaynaya.
CUTUBKA 4AAD: AKHLAAQDA
Waxa uu Cali cutubkan ku faaqidayaa akhlaaqda iyo sida ay tahay in ay bulsho u dhisto, waxa uu isbarbardhig ku samaynayaa waajib iyo maslaxad, isaga oo qaba in waajibku uu yahay eray aasaas u ah akhlaaqda, sidoo kale maslaxad ay tahay eray sees u ah siyaasadda.
Waajibka iyo maslaxadda waa laba awoodood oo si weyn u dhaqaajin kara insaanka. Waajibku markasta waa uu ka sarreeyaa maslaxadda, maslaxad iyo akhlaaqna meel ay iska soo galaan ayaaba iska yar.
Waxa uu Cali rumeysan yahay, haddii uu qofku aaminsanyahay jiritaanka Alle, kolkaa dhaqanka akhlaaqeed ee qofkaasi waxa uu noqon mid macno yeesha.
Akhlaaqda iyo diinta ayuu sidoo kale cutubkan kaga warramayaa, waxa uu leeyahay Cali Ciset;”suurtogal noqon mayso in akhlaaq la dhiso diin la’aan, akhlaaqdu waxay ku dhisantaa kaliya diin.
Horumarka sayniska meeshii la rabo hadduu gaaro, suuragal ma aha in la kala saaro diin iyo akhlaaq, sayniskuna ma tibaaxayo sida ay dadka u noolaan karaan, qiyamka, iyo heerarka nololeed lama fahmi karo diin la’aan, diintu waa duni kale oo ka sarraysa caalamka caqlaaniga ah ee maadiga, akhlaaqduna diinta ayay la socotaa.
Haddii uu qofku yaraantiisa barto ixtiraamka dadka waaweyn, run sheegga, amaannada, iwm, akhlaaqdaas qurxoon waxay kamid noqon doontaa tilmaamihiisa shakhsiyadeed marka loo eego waxa uu rumeysanyahay iyo falsafaddiisa nololeed.
Diintu waxay nagu boorinaysaa akhlaaqda iyo la dhaqanka suuban, iyo wanaajinta xiriirka bulshada dhexdeeda ah.
Maadiyiintu waxay isku dayeen in ay dhisaan nidaam akhlaaqeed oo la xiriira damiirka qofka, in uu keligii is canaanto, halkii uu Alle kaga baqi lahaa, laakiin damiirka iyo wacyiga qayb miyay ka ahaayeen caalamka maadiga?
CUTUBKA 5AAD: TAARIIKH IYO SAQAAFO
Si aynu dunidan faham dhab ah uga qaadanno, waxaa lagama maarmaan ah in aynu garanno ilaha xaqiiqiga ah ee afkaarta adduunka xukunta iyo micnahooda.
Saqaafadu waxay miiska soo dhigaysaa su’aal ah: Maxaynu u noolnahay? Xadaaradduna waxay keentaa su’aal ah: sidee baan u noolaan karnaa. Su’aasha koowaad waxay khuseysaa macnaha nolosha, tan labaadna sida loo noolaan karo.
Inta ugu badan mashaakilka akhlaaqeed ee maanta la yaqaano, waxay soo jireen ka hor labo kun oo sano.
Maclimiinta basharka wax bari jiray hadday ambiyo yihiin(sida: Muuse, Ciise, iyo Muxammad scw) ama dad wanaagsan(sida: konfoshiyos, Buda,iyo Arasto), dhammaantood waxay basharka bareen akhlaaqda. Xaqiiqada akhlaaqeed waa mid, dardaaranka akhlaaqeed marna isma beddelayo si kasta oo ay duruufta iyo goobta isu bedesho.
CUTUBKA 6AAD: DRAMA IYO TOBIA
Waxa uu cutubkan ubbo-fur uga dhigayaa su’aal ah: Sharku ma wuxuu ka yimaadaa gudaha nafteenna, mise dibedda ayuu nooga yimaadaa?
Cali Ciset isagoo su’aashaa ka jawaabaya, waxa uu basharka u qaybiyay labo koox oo kala ah: mu’miniin, iyo maaddiyiin. Mu’miniintu waxay rumaysanyihiin in kheyrka iyo sharkaba laga helo insaanka. Aragtida tilmaamaysa in sharka laga helo meel insaanka ka baxsan, insaankuna uu sharta dhexgalo iyadoo duruuftu saamaysay, waa aragti ay qabaan maaddiyiinta. Waxa uu qoraagu qodobo falsafadeed uu kaga doodayaa cutubkaan.
Waxa uu tooshka ku ifinayaa qoyska iyo ahmiyadda uu bulshada u leeyahay, waxa uuna qoraagu qabaa in mabda’a isku xira qoyska uu yahay gacaltooyo iyo caadifad, in uu qoysku sii jirana waxay maslaxad ugu jirtaa bulshada.
Diimaha guud ahaan waxay ka simanyihiin mudnaanta hooyada, iyo in hooyadu tahay macallinka koowaad ee bulshada kaas oo aan jirin wax lagu beddelo, laakiin xadaaradda galbeedka waxay marwaliba ku dooddaa waxbarashada mujtamaca iyo in la furo goobaha xanaanada, goobahaasi waxay ka simanyihiin in hooyo ay ka maqantahay goobta, caruurtana waxay la korayaan shaqaalaha xarunta, hooyada wax dhasha; waxay xil iska saartaa barbaarinta iyo tarbiyaynta ubadka, halka xarumaha xanaanada ay u diyaariyaan ubadka in uu bulshada iskala noolaadaan.
Qaybta 2aad
Cutubka koowaad, waxa uu kaga warramayaa diimaha samaawiga la isku yiraahdo isagoo tusaaleynaya mid kasta raadka ay ku reebtay nolosha.
Marka uu soo gaaro Islaamka waxa uu leeyahay: Nabi Muxammad SCW waxa uu ku cibaadaysan jiray godka Xiraa, markastana wuxuu u soo laaban jiray Makka si uu u guto risaalada, kolkii islaamku saldhigtay Madiina waxa uu Nabi Muxammad ahaa mid islaamka ugu yeero bulshooyinka kale, ayada oo islaamku markii dambe dowladnimada ka gaaray heer aad u sarreeya, taa oo ka dhigan in diinta iyo waaqica ay isla jaanqaadeen, waqti kastana islajaanqaadi karaan.
Masjidku waa goob ay ku kulmaan bulshada, hawlahooda iyo danahooda ay kaga hadlaan, kaniisaduse waa goob macbad ah oo aan hawlo kale loo oggolayn. Qur’aanka waxa uu inoo tilmaamay in aadanaha loo abuuray in uu sayid ka noqdo kawnkan, iyadoo loo sakhiray wixii dunida yaallo in uu kusoo dhacsado macrifo iyo in uu hawl qabto, taas waxaa kasoo horjeeda qaar kamid ah Bayballada maanta yaalla.
Cutubka labaad: Diinta islaamka
Salaadda ayuu aad uga warramay qoraaga markii uu cutubkan marayay, asiga oo tilmaamay in salaadda, sakada, soonka, shahaadataynka iyo in la faro wixii-san, wixii xuna la iska reebo in ay udub dhexaad u yihiin diinta.
Qur’aanka kariimka ah waxa uu kulansaday diin iyo cilmiba, waxa uu dunida u gudbinayaa aragti cilmiyeed aad u qurxoon oo aan diimaha kale laga helin, waxa uu Qur’aanka na faray cilmi iyo akhrisba inaynu deris la ahaanno.
Islaamka iyo nolosha ayaa kamid ah cinwaanada buugga ku xusan, waxa uu islaamku na faray in aynu u shaqaysano nolosha aakhiro, haddana nagama reebin adduun ee wuxuu na faray inaan isaguna raacdeyno oo aan raadinno. Islaamku waxa uu kulansaday dheelitirnaanta ruuxda iyo jirka, waxa uu doonayaa islaamku in uu soo saaro bani’aadan jira oo ka dhisan nolosha labada daarood.
Cutubka saddexaad: Qaanuunka Islaamiga ah
Waxaynu la soconaa in nidaamka qaanuuniga ah uu maslaxad u yahay aadanaha oo idil, haddana waxaan arkaynaa in nidaamka shuuciga ah uusan ku wacnayn qaanuun. Diin iyo masaalxda shakhsi(daneysi) meel ma wada galaan, shuuciyad iyo xuquuqna meel ma wada galaan. Nidaamka shuuciga ah marka la joogo insaanku fidra ahaan wuxuu leeyahay xuquuq aan xaddidnayn waase xuquuq ay dowladdu u oggolaanayso kaliya.
Qodobka kale ee cutubkani ka hadlaayo waa Ciqaabta iyo ilaalinta bulshada. Waxaa jirta laba aragtiyood oo ciqaabta ku kala qaybsan. Mid waxay qabtaa in ciqaabtu aanay muhiim ahayn ee loo baahanyahay ka hortag in la sameeyo, halka aragtida kale ay tibaaxayso in ciqaabtu ay ilaaliso bulshada. Cali Ciset waxa uu qabaa in ciqaabta looga gol leeyahay in ay soo celiso dheelitirnaanta akhlaaqeed ee bulshada.
Cutubka afaraad: Afkaaro hadda jira
Mowduucyada uu cutubkan kusoo qaadanayo waxaa kamid ah Nabi Ciise CS iyo sooyaaalkiisa, iyo sidii wax-ka-baddel(taxriif) loogu sameeyay Injiilka ee Nabi Ciise loo soo dhiibay. Waxa uu sidoo kale lafagurayaa aragtida maadiga ah ee Maarkis.
Dhanka kale guurka ayuu qayb kaga hadlay cutubkan, waana goob loollan badani ka jiro. Maadiyiintu waxay qabaan waxa ay ku magacaabeen xorriyad jinsi, guurka iyo gurigana waxay u arkaan gumeysi. Waxa uu soo bandhigayaa aragtida islaamku ka qabo guurka iyo in gurigu yahay qaybta ugu muhiimsan ee bulshada. Ugu danbeyn waxa uu kusoo gabagabaynayaa buuggiisa in qofku u hoggaansamo Alle weyne SW.
ORAAHYO KU JIRA BUUGGA
Walaxowga waxay sugtaa waxa ay wadaagaan xayawaanka iyo aadamuhu, diintuna waxa ay sugtaa oo muujisaa waxa ay Ku kala geddisanyihiin.
Hiigsiga akhlaaqda, hindisaha iyo diintu waa isla hal, waana soo saaritaanka dadnimo baraxtiran.
Fekerka islaamku waxa uu ku dhex dhibaatoonayaa fekrada bariga iyo galbeedka, sida uu dhulka islaamkuba bari iyo galbeed ugu dhaxeeyo.
Aqoonta waxa xambaara kaliya qof, ilbaxnimaduna waxaa xambaara bulsho weyn.
Soonka bisha ramadaan waxa uu muslimiinta uga dhiganyahay astaan muujineysa isku duubni iyo wada jir ummadeed. Soonkaasina waa mid kamid ah qaababka waxbarasheed ee ugu mudan, uguna awoodda badan ee uu aadane tijaabiyey ilaa maanta tani.
Haddii waayaha nololeed ay dadka kala geeyaan, masjidku waa uu kulmiyaa, waana dugsiga maalinlaha ah ee isa soo dhawaynta, is-jeclaanta, is-weheshiga, iyo gacaltooyada la isugu qaado.
Mowqofka islaamka ee ilbaxnimda waxaa loo daliishan karaa in uu tixgelin weyn siiyay akhriska iyo qoraalka, isagoo ku tiriyay dhaqaajiyaha ugu xooggan ee xadaaradda.

Mahadsanid
Mahadsanid
Mahadsanid, si wanaagsan ayaad u soo koobtay.
Mahadsanid si wanaagsan baa u soo koobtay dhiganahan qiimaha badan.
Mahadaanid . Wakhti badan baad galisay Si aad xogta quruxda badan buuga uuga so dhex saarto . Alle haka jasaai siiyo
Mahadsanid sida wacan oo aad inoogu soo koobtay.🙏
Mahadsanid sayiddii. waxa aan aad uga helay kalsooca uu buuggu samaynayo iyo sida kalafuran ee aad macnaha ugu yeeshay. jumladaha qaar ayaan duljoogsanaya si aan uga fekero, ugu dambeynna in aan buuggaa xiiso wayn u qaaday ayey noqotay. mahadsanid marar kale.
Mahadsanid walaal
Adiga iyo qoraaguba maskaxdannada wax badan baad ku soo kordhiseen