Soo koobidda buugga: How Much Land Does a Man Need |Leo Tolstoy

W/Q: Cali m. Diini

Dhul Intee Le’eg Baa Qofka Deeqa? “How Much Land Does a Man Need?”

Sheekadani waxaa lagu tilmaamaa in ay tahay mid ka mid ah sheekooyinka gaaban ee ugu tayo sarreeya ee abid bini’aadanku qoro. Waxaa sannadkii 1886 qoray qoraagii waynaa ee Ruushka ahaa, Leo Tolstoy. Waxa kale oo loo aqoonsaday in ay tahay sheeko kalaasik “antimaterialism” ah.

Sheekadu waxa ay toosh wayn ku ifinaysaa damaca, cirwaynida iyo doonista waallida ah ee bini’aadanka iyo noloshiisa gaaban ee qofku aakhiro u carraabayo asaga oo weli dabaguclaynaya uruursiga hanti adduunyo. Waxa ayna sheekadu ku dhammaanaysa sillan-suganta (irony) la yaabka leh ee labadaa arrimood (damaca waalan iyo nolosha gaaban). Sheekadu waxa ay ka warramaysaa nin sabool beeraley Ruush ah oo ku mamaya meegaarashada goofaf badan, ninkaas oo iska dhaadhicinaya haddii uu yeesho dhulal iyo beero aad u farabadan in ayan jirin doonin wax dambe oo uu ka cabsan doono ama ka welweli doono, xataa Ibliiska.

Sheekadu waxa ay ku bilaabanaysaa Pakhom (ninka saboolka ah) oo dhagaysanaya sheeko dhexmaraysa xaaskiisa iyo walaasheed oo ayadu reer magaal ah walaasheedna ugu faanaysa nolosha magaalada oo ka qurux iyo qiimo badan tan beeraleyda. Laakiin xaaska Pakhom waxa ay ku doodaysaa in nolol magaalo aysan waxba kala maqnayn ayna ku qanacsan tahay nolosha ay ku nooshahay.

Pakhom marka uu maqlo doodda xaaskiisa iyo dumaashidii buu iska dhaadhicinayaa in haddii uu milkiyo dhul aad wayn uusan dib dambe u arkin doonin welwel iyo walaac, xataa tu Shaydaanka uga timaadda. Ha yeeshee, Pakhom waxa uu ka war la’ yahay in Shaydaankii waynaa jabadka u taagan yahay oo warkiisa dhagaysanayo. Dabadeed, Shaydaankii ayaa go’aansanaya in uu aqbalo jaalanjiga(challenge) Pakhom(ka cabsasho la’aanta sharta Shaydaanka) uu na Pakhom siiyo wax walba oo rabo, dabadeedna uu dib uga ceshado.

Maalmo ka dib haweeney deris la ah Pakhom oo dhul badan lahayd baa go’aansatay in ay dhulkeeda iibiso. Pakhom waxa uu isku duwanayaa dhammaan waxii shilimaad ahaa ee uu heli karayay oo lagu daray xoogaa amaah ah oo uu saaxiibbadii ka helay. Dagaal iyo isgarbin dheer ka dib, Pakhom waxa uu ku guulaysanayaa milkinta dhulkii haweeneyda, weliba qiimo jaban. Pakhom dhulkii cusbaa ayuu dalagyo kala duwan ku beertay hanti fiicanna ka sameeyay. Pakhom waa nin damac adduunyo afduubaye hantidii uu sameeyay waxa ay ku sii shidaalisay damaciisi waalnaa taasina waxa ay Pakhom ka dhigtay nin dabci qallafsan oo deriskiisi beeraleyda ahaa la heshiin waayay.

Waxa uu noqday nin la nacay, weerarro badan iyo hanjabaado culusna waa uu la kulmay. Dabadeed, Pakhom waxa uu go’aansaday in uu degaankaas ka guuro oo mid kale u wareego. Pakhom inta uu dhulkiisi waynaa iibiyay buu degaan kale dhul ballaaran ka gatay mid kale na ka kiraystay. Sidii caadada u ahayd Pakhom dalagyo badan oo uu hanti badan ka tabcay buu dhulkii cusbaa ka sameeyay.

Laakiin gu’yaal dhawr ah ka dib Pakhom waxa uu dhibsaday ama u cuntami waayay kirada badan ee uu siinayo dadka uu dhulka ka kiraystay. Dabadeed, Pakhom oo kirada uu dhiibayo ka walaacsan baa loo sheegayaa in ay jiraan qolo masaakiin ah oo reer Bashkir la dhaho, kuwaas oo haysta dhulal aad u farabadan kaas oo ay salaaso baysteyn ku iibinayaan. Pakhom mar kale ayuu hantidiisi iibiyay, dabadeedna waxa uu socdaal u galayaa dhulkii reer Bashkir.

Pakhom inta uusan xagga reer Bashkir u socdaalin waxaa loo sheegayaa in reer Bashkir qofkii haddiyado u geeya ay siiyaan intii uu doono oo dhul ah. Pakhom oo taas maanka ku haya waxa uu horay u sii qaaday haddiyado qaali ah. Pakhom markii uu reer Bashkir u tagey si wacan bay u soo dhaweeyeen, waxa uu na la kulmay Ugaaskoodi.

Pakhom markii uu ujeeddadii socdaalkiisi sheegayna reer Bashkir iyo Ugaaskoodiba waxa ay Pakhom u sheegeen in ay siinayaan wax walba oo uu rabo intii uu doono oo dhul ahna ka iibinayaan laakiin ay ka rabaan fulinta hal shuruud, taas oo ah: “Waxa aad calaamadsanaysaa inta aad doonto oo dhul ah, si aad taas u samaysidna subaxdii marka waagu beryo ayaad goob cayiman oo aad calaamaysay socodka ka bilaabaysaa, bartaas aad calaamaysay waa in aad ku soo noqotid inta aysan qorraxdu godka gelin (qorrax dhaca), dhammaan dhulka aad maalintaas oo dhan ku soo wareegtayna adiga ayaa iska leh, keliya waxa aad bixinaysaa kun Ruubal (1000 Rubles). Laakiin haddii barta aad sodka ka bilowday aad ku soo noqon waydo qorrax dhaca kunka Ruubal waa kaa gubanaysaa.”

Pakhom aad buu u farxay, waxa uu is tusay in socdaalkaas uu ku milkin doono dhul baaxaddiisu dhan tahay 30 mayl oo isku wareeg ah. Reer Bashkir iyo Pakhom waxa ay ku ballameen in ay aroortii isugu yimaadeen barta Pakhom socdaalka ka bilaabayo. Pakhom habeenkii markii uu qolkiisi hurdada tagey oo uu gama’ay baa waxaa la tusayaa riyo foolxun oo aad u naxdin badan. Waxaa la tusay asaga oo mayd ah oo dhulka yaalla maydkiisa Shaydaankii waynaa ka dul qoslayo.

Pakhom oo aan hurdo naf leh ku ladin baa subaxdii socdaal ka bilaabay bartii ballanku ahaa. Pakhom markii uu ilaa dhawr mayl toos u socday buu dhinac bidixda u leexday oo haddana dhawr mayl oo kale socday. Sidaas buu maalintii oo dhan hadba dhjnac ugu bayrayay asaga oo doonaya in uu meegaarto dhul aad u ballaaran. Wax uu hadba meel calanka ku mutaba, Pakhom casirkii ayuu ku baraarugay qorraxdii oo galbeed u sii hoobanaysa halkii uu saaka socdaalka ka soo bilaabayna weli aad u fog tahay, markaas buu bilaabay in uu socodka boobsiiyo. Haddana waxaa u muuqatay in uusan qorrax dhac ka hor gaari karin bartii socodku ka soo bilowday.

Welwel iyo walaac, iyo daal iyo diihaal baa Pakhom ku soo ururay, lugihiina awood waa gabeen, wadnihiina afka agtiisa ayuu soo istaagay. Waxaa u sawirmay asaga oo dhul uu milkiyo iskadhaafe kunkii Ruubal ka gubtay. Pakhom inkasta oo uu oon iyo daal tabcaan la yahay haddana weli isma uusan dhiibin ee orod buu bilaabay si uu qorraxda degdegaysa uga guulaysto.

Goor uu isdhiibi rabo ayuu waxa uu meel fog ka arkay reer Bashkir oo or iyo qaylo iyo sacab isku daraya, markaas buu orodkii sii kordhiyay ilaa uu u soo dhowaado halkii reer Bashkir ku sugayeen. Waxa uu arkay qorraxdii oo baalka godka gelisay. Argagax baa Pakhom ku kediyay, waxa uu xusuustay riyadii xumayd ee xalay. Waxaa u muuqday Ugaaskii reer Bashkir oo dacal fadhiya kobtii uu saaka Pakhom calanka ka mutay.

Orodkii ayuu sii kordhiyay, reer Bashkirna sacab iyo sawaxan bay isku dareen ayaga oo ku qayliyay “waad guulasatay! Waad guulaysatay!” Laakiin Pakhom oo haah iyo huuh gabay oo aan juuq oran karin oo ordaya baa af-af ugu soo agdhacay halkii Ugaaskii reer Bashkir fadhiyay, Ugaaskiina waxa uu Pakhom ugu hambalyeeyay guusha wayn ee uu gaaray asaga oo leh “waxa aad milkisay dhul aad u baaxad wayn ee hambalyo.” Balse Pakhom afgabigii uu u dhacay waa uu ka soo toosi waayay.

Ka dib waxaa ku soo orday oo toosiyay addoonkiisi, balse addoonku waxa uu toosinayaa Pakhom oo galbaday oo goor hore tawafay. Dabadeed addoonkii inta uu badeel iyo sabarad soo qaatay ayuu Pakhom u qoday qabri lix cagood (6 feet) ah. Lixdaas cagood un buu Pakhom u baahnaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *