AASI OG!

W/Q: Cabdulqaadir Saahil

AASI OG!

••••

Muxuu halyeey dhaxdeenna ku ba’ay?

Nin aynnu saaxiib nahay ayaa habeen innaga oo maqaayad wada fadhinna oo suugaantii Abwaan Maxamed Cali Kaariye ka sheekaysanayna igu yiri: ” Nasiibdarrada Maxamed Cali Kaariye ku dhacday ma taqaan?” “Maya” ayaan ugu jawaabay, “Waa in uu Soomaali ahaa” ayuu iigu jawaabay. Waxa uu ii raaciyay: “Haddii uu adduunyada kale ka dhalan lahaa, Carabta amase caddaanka maanta magaciisu adduunka ayuu wada gaari lahaa”

Caalamku, dadka wax galay, inta ay nool yihiin ayay karaameeyaan oo ay u abaal gudaan, iyaga oo weli awood iyo tabar fiican leh ayay sarreysiiyaan. Indheergaradka bulshada iyo si guud dadka wax macno leh oo loo riyaaqo ku soo kordhiyay, oo qoraallo suugaaneed amase wax la taaban karo soo saaray, sida aqoonyahanka keenay aragti-aqooneed Fiisikis, Xiddigiska, Dhaqaalaha, Sayniska ama se culuunta kale aragtiyo cusub ku soo siyaadiyay, waxaa la siiyaa abaalmarinno gaar ah oo mudnaantooda qiraya kuna dhiirrigelinaya in ay hal-abuurkooda iyo waxsoosaarkooda sii labalaabaan. Marka ay toodu dhammaatana dhaxalkooda ayaa la dhawraa oo kaydkoodu ma lumo, waa lagu faanaa, oo laga sheekeeyaa, buugaag iyo doodo cilmiyeed lagu faaqidaa wixii ay daahqaadeen, sidaas darteed ma fududa in raadkii ay ka tegeen baaba’o taasina waa sababta aan aqoonyahanno iyo suugaanyahanno qarniyaal ka hor jiray waxqabadyadoodi maanta u manaafacaadsanno.

Qofka waayo badan bulshadiisa u daadalayay, wax u qorayay, u halgamayay ama se si uun hagayay oo indho u ahaa, hilinka toosan iyo kan weecsan u kala caddeynayay, waxa u daran iyo wax u roon kala ogeysiinayay, wacyigooda nooleynayay ogaalkoodana sare u qaadayay, waxa uu mudan yahay in inta uu noolyahay la siiyo aqoonsi qofnimo iyo billad sharafeed, loogana abaal celiyo wanaaggii uu dadkiisa u galay, taas oo isaga dareensiinayso in uusan dadaalkiisu hal bacaad lagu lisay ahayn.

 Baahiyaha nafsadeed ee asaasiga ee aadmiga waxaa ka mid ah in qofka la aqoonsado lana abaalmariyo, marka uu buko la bariidiyo, oo tani waxa ay ku beeraysaa niyadsami waxa ayna ku riixaysaa in uu dadaalkiisa sii laba jibbaaro, sidaas darteed ayay adduunyadu isla garatay in haldoorku inta uu noolyahay oo muruqiisa iyo maankiisu caafimaad qabaan in la abaal mariyo, loona abaal celiyaa, bal xoolo badan in loo xereeyo uma baahna ee waa in libintiisa la siiyaa, goorta uu itaal beelana waa in loo garaabaa.

Sababta sidaas loo sameynayana, waa in arrinkaasi noqon doono  shidaal uu ku dhaqaaqi doono, waayo, aadmiga waxa dhaqaajiya waa guubaabada, marna waa u qanaaco iyo niyaddhis oo waxa uu dareemi doonaa in uu wax macno leh qabtay. Qofka kuma filan in naftiisa u huro oo u si mutadawacnimo ah u wax u qabto, iyada oo taasi jirto haddana waa biyo kama dhibcaan in la dhiirriyo. Abwaan Gaarriye ayaa mar yiri;” Anigu hadda wax badan ayaan sii qaban lahaa haddii la ii qiri lahaa”

Ka Soomaali ahaan, Intii aan soo jirnay waxaa caado innoo ahayd illaa haddana inno ah in aynaan mudnaan siin oo aanan maamuusin, dadka bulshadeenna wax taray, haddii ay yihiin kuwo u halgamay amase si kale u wax ugu biiriyay, iskaba daa in aan xurmaynno oo aan qaddarintii ay naga muteysteen siinno e, mararka qaar waxtarkoodi ayaan shaki gelinnaa, ku murannaa oo qiimahoodi wax laga dhimaa. Hormuudka bulshadeenna wax u galay marka ay nool yihiin ahmiyad weyn ma siinno, haddii uu tabar leeyahay isagaa ayaa isku filan e, marka uu gaboobo ma karaameynno mana taageerno, dhexdeenna ayuu isaga ba’aa oo isaga murgaa. Waxaa la arkaa in marka uu waqtigiisa dhammado, aan aaskiisa u soo shirno oo sidii aan ku faraxsanahay in uu baxay aan qabriga u hoyno soona sagootinno.

Abwaan Cali Sugule (Duncarbeed) ayaa markii uu geeriyooday xeeldheerihii xiddigiska iyo dhaqanka Soomaalida ee Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal, ugu baroordiiqay weerahan muujinaya in kuwii nolosha ku daryeeli waayay ay maanta is bihinbihinayaan oo markii uu gudbay ay hohey iyo wayda hayaan! Magaciisana ku dhawaaqanayaan!

Goldalooladoodee kuwii kula gufeyn waayey,

ee nolosha kugu gabay ayaa taagan goonyaha

Markaad gudubtay bay leeyihiin ina galaalow’e.”

Waa tabtaas dhaqaankeennu, oo qofku bulshada heerka uu doono ha ugu jiro, halyey ama se aqoonyahan ha ahaado e, markii uu duqoobo ama se jirrado lama garab istaago oo looma ciidmo, maxaa yeelay uma heysanno in ay jirto dan guud oo aan wadaagnno. Waxaa jira dad kooban oo is xilqaamay oo aaminsan in aan leenahay dan guud, ka dibna dantaas ka shaqeeyay oo u soo cagagubtay sidii ay inta kale uga dhaadhicin lahaayeen in iyaguna gartaan in uu jiro weel midnimo oo dhex yaal oo ay tahay in ay gacanta wada gashadaan, hase ahaatee aan hiil iyo hoo lala dacal joogsan marka ay liicaan oo ay noloshu jebiso. Nin kasta haddii qoraa ama se abwaan yahay, ama se wax kale yahay ba isagaa waxaa isu ah, isagaa wax is taray, haddii uu xanuunsadana qoyskiisa ayuu ka xanuunsaday, haddii iilka la dhigana reerkiisa ayuu ka dhintay. Dhaqankaan waa uu noqon karaa mid ay bulshooyin kale nala wadaagaan gaar ahaan Afrikaanka balse aad ayaan ugu xagjirnaa.

Mawduucu aad ayuu u ballaaran yahay, sidaas darteed waxa aan xoogga saareynnaa dhanka fanka, oo aan milicsi kooban ku sameynaynnaa. Ibraahin-Hawd ayaa si kooban nuruxrka fanka iyo suugaanta ugu qeexay:” Fanka iyo suugaantu waa wax suurtogeliya in arrimaha iyo dhacdooyinka meelo ka la duwan laga eego, si qoddo dheer loo fahmo, lagalana soo baxo macnayaal badan oo ku jira amaba xataa aan ku jirin. Fanka iyo suugaantu waa dun xariir ah oo isu haysa bulshada, mar kale qofka iyo nolosha, mar  saddexaadna qofka iyo naftiisa. Waa waxa ku dareensiiya in ay noloshu tahay adiga adiguna aad tahay nolosha.” Sidoo kale Abwaan Xasan Sheekh Muumin ayaa isaguna doorka uu fanku nolosha bulshada  u leeyahay  ku tusmeeyay meerisyadan;

“Dad weynahaan hanuuninnaa

Hasaawinnaa danta u hagnaa”

Taariikh aad u madow ayaa naga qabstay dhinacan, fannaaniin, mu’allifiin iyo xubno kala duwan oo fanka bulshada qayb wayn ka soo noqday, ayaa dhaxdeenna daryeel la’aan ku dhacday, oo kor iyo hoos noola hadlay, iyaga oo dalka ama se dibada jooga, gurigooda jooga ama se isbitaallada ku xanuunsan, balse aan baaqooda iska indha tirnay ka dibna sidaas ku god galay. Inta badan wax ma qorno, wax aan la qorinna waxaa fudud in ay lumaan, fankeennu markii uu figta ugu sarraysay gaaray, abwaaniintii waxa ay sameeyeen heeso iyo riwaayado xadka ka baxay, oo bulshada lagu baraarujinayay looguna wax sheegayay oo nooca walba isugu jira. Ma aysan jirin cid markaas qalin la dhex taagneyd oo fanka tisqaaday oo tallaabsaday sooyaalkiisa, sida uu ku soo bilowday? Halka uu u ku socdo, tayadiisa,, sida uu ciyaaradhaqameedka ugu soo faracmay, ciyaaradhaqameedka laftoodu sidee ayay ku dhasheen iyo arrimo kale oo badan lama weydiin abwaaniinta oo iyagu ahaa dadka kaliya oo xog ogaalka u ah arrimahaas.

Fan faaqidaad leh ayaan u baahnayn, sababta oo ah dadka wax curinayay inta badan dad baadiyaha ku dhashay ayay ayaaheen fankuna mid magaalada ku dhashay ayuu ahaa, inkastoo aysan dhaqanka suugaanyahanka ahayn in uu ujeeddada tixdiisa caddeeyo haddana heesaha qaarkood ayaa mudan in kaligood fadhiyo lagu falanqeeyo, maxaa yeelay qayb ka mid ah heesaha ayaa qisooyin qaarkood taariikh hore [Sida Geedi Shaambow, Wiilwaal, iyo rag kale oo waayahaas jiray] ku saabsan  laga curiyaa, qaar ayaa aad u xeeldheer oo aan si sahlan lagu fahmi karin miisaankooda iyo sawirka ay bixinayaan, kuwo badan ayaa xiddigiski, ciyaaradhaqameedki, dhaqanno suulay, faal iyo taariikho hore oo badan ku lifaaqan yihiin, arrimahaas oo ah kuwo aan qaamuus iyo wax la mid ah laga helayn, sidoo kale maadaama aynaan horay wax uga qorin nolosheennii hore , lana helayn meel loogu hagaago oo aan ka heyn abwaannadaas, taas oo ka dhigan in hadda qaybo badan oo nolosheennii hore la xiriira sanadkoodi lumay meel laga tixraacana aysan jiri doonin.

Markii dalka lagu kala cararay, kaydadki qaar waa lumeen qaarna waa badbaadeen, dadka qaar waa carareen, qaybna waa ay geeriyoodeen qaarna dalka ayay iska sii joogeen. Sanaddahii la soo dhaafay oo nolol fiican la heystay weli cidna uma dhaqaaqin in ay abwaaniinta ama se fannaaniinta nool wareysiyo macno leh ka qaadaan, kuwi wax laga qori karana wax laga  reebo. Sidaas darteed cawadan aan qoraalkan qorayo waxaa niyaddayda ku jira hoobalo iyo hal-abuurayaal tiro badan oo xijaabtay oo aan cidina wax dhigaal ah ka reebin, in nool oo aan cidina diyaar u ahayn in ay waayo’aragnimooda waydiiso misane in ay nool yihiin lagu baraarugsaneyn, oo ku sugan;

“Malyuumaadka mootane

Qabriyada mar hore galaybaa

Magacyga lagu daray”

Maahmaah sida ay u gabowday u foolxun ayaa tiraa; “Haddii aad ammaan rabto dhimmo” Ammaan kaliya maaha e, si aad aqoonsi iyo ictiraaf uga hesho bulshada waa in ajashaadu dhammaato, markaas ayay iyaga oo barooranaya qiri doonaan waxa aad ahayd iyo kaalinta aad bulshada ugu jirtay. Abwaan Gaarriye oo qodobkan aad ugu fiirsaday Soomaalidana magaca “Aasi Og-na” ku naaneysay ayaa yiri: “Ictiraafku waxa uu kuu yaal xabaasha guudkeeda oo halkaas ayaad ka sii qaadan, illaa aad tagtana heli maysid” isaga oo la hadlaya oo ku leh war nolosha ugu siiya aqoonsigayga ayuuna raaciyay:

“Halaguu ilmeeyee

Horta dhimo ah mahee

Eegoo la noolyiyo

Ifkaan kaaga baahanahay

Wax yar oo aqoonsiya

Ruux laga yaabo in dhibaato wax li’ u geysatay u dhintay ayaa duugtiisa geel la qalaa, waa caadooyinka ugu silloon oo ay Soomaalidu leedahay una eg wax waari doona. Si kastaba ha ahaatee, aasi og mararka qaarkood ayayna aaskii xitaa wanaajin oo halyeyada u awoodi waydaa aas qaran. Waxaan ka xusi karnaa dadka aadka u mudnaa aaska qaran balse aan loo sameyn, Saynab X. Cali Baxsan oo ka mid ahayd kooxdii ciidankii xoogga dalka. Saynab waxa ay ahayd fannaanadda kaliya ee qaadatay billada geesinimada maaddaama si xamaasad iyo tamar badan ku dheehan tahay u qaadi jirtay heesaha guubaabada, oo ay ugu caansan tahay “Geeshkayagow guulaysta” Inta aysan dhiman gurigeeda ayay ku jirraneed cidina sooma salaamin, 2020-ki markii ay Xamar ku geeriyootay waddooyinka ayaa xirnaa maalintaas maydkeeda garabka ayaa lagu qaaday qoyskeeda ayaana aasay, cid qaran sheegata kama soo qayb gelin aaskeedii, sidaas darteed hadda aaskii qaran ayaa isaguna gabaabsi sii ah.

Dunida fanka aad ayaa looga daneeyaa, loogana jecel yahay, sidaas darteed ayaa ay fannaaniintu hanti iyo magac wada socda u sameeyaan, hase ahaatee innaga fannaaniinteennu gaar ahaan kuwii hore magac mooyee fanka maal kama samaysan, oo idilkoodu waxa ay ku taagnaayeen hawraartii Hadraawi ” Hanti waxan ka leeyahay,  

Suugaanta hodanka ah

Hubna waxan ka qaataa,  

Hal-abuurka mirahiyo

Hannaankiyo sargooyada…”

Maxamed Saleebaan Tuubeec wiilkiisa Mahadi ayaa la waydiiyay: Maxaad fanka u soo geli waysay oo aad aabbahaaga u beddeli waysay? Waxa uu yiri:” Waan jeclaa, balse isaga ayaa ii diiday in aan fannaan noqdo waayo waxa uu ii sheegay in aan fanka Soomaaliyeed uusan mustaqbal lahayn magac mooyee!” Tanna waa mid ka mid ah sababihii ay badi fannaaniintu qaybaha dambe ee noloshooda markii ay da’ noqdeen ama se ayaanku saacidi waayay ay naftooda u maareyn waayeen, waayo intii masraxa saarnaayeen nolol ma dhisanayn, sidoo kale ma jirin xuquuq siinaysa nolol macno leh, waxa ay ku mintidayeen naftoodana u hurayeen sida ay nolosha dadkooda u quruxin  lahaayeen una hormarin lahaayeen afka iyo nolosha dadkooda, dadaalkoodiina ma khasaarin oo waxaa l ku dhashay fan Soomaaliyeed oo sannado badan geeska Afrika calankiisu ka lulanayay adduunkana na baray.

Fankeennu waxa uu wax ku yahay dadka, dadka haddii aan la dhawrin oo xog-ogaalnimadooda la waydiin, la qaayasoorin, sidee ayuu fan ku sii jiraa? Waa taas mid ka mida sababaha keenay, in ay fan heeseedkeenna iyo fan masraxeedkeennu tabardarreeyaan dibna loo soo nooleyn waayo illeen dadkii dhidibada u aasay cidina dhaxal kama dhiteysan. Fanku wuu dhashay, kobcay, kaalin galay haddana hoos u dhacay, heer walba ee uu marayay indho cilmiyeysan laguma eegin oo lama daneyn is beddelada ku dhacaya iyo sida uu nolosha bulshada ula falgalayay, qiimihiisa iyo wax-tarkiisa laguma baraarugin, nuxurka iyo farriintii hoobalku erayada ku gudbinayay ee nabadda, jacaylka, wada noolaanshaha iyo ka talinta aayaha ummadeed qofna ma garawsan, kaliya hees iyo erayo lagu madaddaasho ayuu noo ahaa, sidaas darteed cawa madow ayuu masraxa ku dhashay isla cawadii ayuuna masraxa ku dul saqiiray oo waagu uma baryin. Abshir Bacdale ayaa baydadkan hoose ku sharraxay in aan fan iyo fannaan Soomaaliyeed hodon noqon, maxaa yeelay afka ayay ka hadlaan, oo wax ma qoraan, habaarka ugu weyn ee nagu dhacaynna dhan walbana waa kaas.

“Hoobal iyo fan soomaaliyeed

Hodan ma yeeshaane

Afkuun baan ka hadalnaaye

Waan hoos madownahaye

Habaar baa hiddaha nooga dhacay

Waana la hubaa

Bisha Abriil sannadkan aan ku jirnno ee 2023, fannaan Suudaanees ah oo Daariq Al-Seyn la yiraa ayaa munaasabad aad loogu farxay qalbiyaduna ku doogsadeen sameeyay, taas oo ahayd in isaga iyo kooxdiisu ay hoobalkeennii weynaa ee Maxamed Saleebaan Tubeeec xus iyo xasuus uu dhigeen, heeshihiisi qaar ka mid ah sida Ammaano, Cimrigii Jacayl, Nasteexo,  ku luuqeeyay, sababta uu Tubeec xuska uga dhigay iyo goorta u ku dhashay markii la waydiiyayna waxa uu ku jawaabay: “1990-ki aniga oo Liibiya jooga ayaan maqlay hees uu lahaa oo tiraa:

Alla may dadaashoo

Oo ay ku daryeesho,

 Mid naftaydu doontay

 In uu daa’in keeno

 Iigu soo duceeya,

intaas ka dib fankiisa ayaan caashaqay, sidaas darteed ayaan maanta xuskan ugu dhigay”

Dhinaca kale munaasabaddan noolaynta iyo xasuusta ah waxa ay ahayd mid na dareensiisay in maraynno heer maanta dadkeenni dalalka kale laga xusayo laga jecel yahay innaguse aan sidii ay u tageen aanan dib eegin. Daariq jacayl uu Tubeec u qabo dartiisa ayuu falkaas gobannimada ah u sameeyay, innagii uu naga dhashaynna isaga iyo raggii la midka ahaa oo aan har iyo habeen erayadooda boogaha na damqaya ku bogsiinayno lurka waayahana isku dhaafsiinayno waan ilaawnay in aan sanadguurooyin iyo xasuus u samaynno. Tani waxa ay tusaale cad u tahay in aanan ahayn ummad faneed oo fankuna maadadaalo nooga dhigan yahay.

Ugu dambayn, caano daatay dabadooda ayaa la qabtaaye, hormuudka inta ka hartay ee maanta nool waxaa ku filan habeen qura oo la sameeyo, oo “Habeenkii hebel” la yiraa islamarkaana la maamuuso loona mahadceliyo, sidoo kale wixii laga guntan karana qalinka lagula haro, illeyn meel mawdku uu soo jiro lama ogo’e, inta dhimatayna mid walba dhaxalkiisa dib-u-eegis lagu sameeyo, xus iyo xasuus loo sameeyo oo la qiro kaalintii uu dadkiisa kaga jiray. Dunida, ruuxa dadka wax taray  aaskiisa loo ma kulmo, ee arooskiisa ayaa loo kulmaa billad sharafeedna la siiyaa oo ‘mahadsanid iyo abaalkaaga bur iyo dheeraad’ lagu yiraa, innaguse sidaas cagsigeeda ayaan noqonnay. Ma waxaan moognahay in ay jiraan wax aan wadaagnno, oo bulsho ahaan ay tahay in aan wada dhawrnno mise waa la ogyahay ee cid ayaana xil iska saarin?! Labaduba waa ay jiraan, tan hore ayaa se awood weyn.

One thought on “AASI OG!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *