Halgan iyo Hoggaamin| Cali Ciset

Halgan iyo Hoggaamin| Cali Ciset Begovij

W/Q: Cabdiraxmaan Caqiil

Gobolka Balkans-ka loo yaqaano waxaa lagu tilmaamaa in uu dhaco wadnaha Yurub, waa goobtii uu ka soo unkamay dagaal weynihii koowaad ee adduunka, dhowr iyo siddeetan sanno kaddibna waxaa ka kacay dagaalkii Boosniya ee dadka badan ku riiqmeen, warbaahinta ayaa xilligaasi la tilmaamay in aysan qaadan kaalintii warbaahineed ee kaga aadanaa dhacdooyinkii ka dhacay dalka Boosniya.

Cali Cisset Begovij ayaase uruuriyay intii ugu badnayd wixii maalmahaas dhacay.(¹)

Tuulo yar oo dhacda bariga dalka Boosniya ayuu 1925kii ku dhashay Cali Ciset, qoyskii uu ka dhashay ayaa u soo ruqaansaday magaalada Sarayeefo, waxa uu galay kulliyada sharciga iyo qaanuunka.

Intii ugu badnayd waayihiisa dhallinyaranimo waxa uu ku qaatay akhrinta buugaagta Taariikhda, iyo falsafada. Waxaa saamayn weyn ku reebtay falsafaddii galbeedka oo uu wax badan ka akhriyay.

Waxa uu xubin firfircoon ka ahaa naadi ay samaysteen dhallinyarada Muslimiinta ee ku noolaa Dalkii la isku oran jiray Yuguslaafiya(²). Ujeedka guud ee naadiga dhallinyarada waxa uu ahaa in bulshada muslimka ahi ay ahaadaan dad soo jeedo oo aan ku milmin loollanka shuuciyaddii Istaaliin, iyo naasiyiintii Hitler hoggaanka u siday(³).

1946 kii waxaa xabsiga loo dhaadhiciyay rag uu Cali kamid ahaa, waxaana lagu eedeeyay In ay kasoo horjeedeen dowladda, waxaa lagu xukumay saddex sanno oo xarig ah.

Sannadkii 1980kii waxaa geeriyooday hoggaamiyihii Yuguslaafiya  ee la dhihi jiray Tiito, waa cusub ayaa u baryay dadka reer Yuguslaafiya, hay’adihii dowladda iyo qaybihii siyaasadda ee waddanka, waxa ay siteen magicii hore ee ahaa “Xukuumadda Hantiwadaagga Yuguslaafiya” balse waxaa muuqatay in galgal xoog badan uu jiray, geeridii Tiito kaddib waxaa soo shaacbaxay aragtida tollaysiga ee Seerbiyiinta, cunsuriyad xooggan ayay la soo baxeen.

1983 kii waxaa mar kale xabsiga la dhigay Cali iyo rag saaxiibadii ahaa, waxaana la soo taagay maxkamadda magaalada Sarayeefo, eedaha loo soo jeediyay Cali iyo raggii kale ee la socday waxaa kamid ahaa, in ay wadeen kicin dadweyne, in ay ku gudajireen dhisidda dowlad mabaadi’deedu islaamku yahay, iyo in ay kahoryimaadeen nidaamka shuuciga ah.

Caddaymaha ugu weyn ee maxkamadda la keenay waxa uu ahaa, buug yar oo lagu magacaabo “Bayaanka Islaamiga”, waxaana Cali Cizet lagu xukumay 14 sanno, kaddib ciqaabtiisii waxaa laga dhimay 2 sanno.

Dhowr sannadood oo uu maxbuus ahaa kaddib, waxa uu mar kale fursad u helay in uu dibadda u soo baxo, waxa uuna 1990kii doorashooyin kaga adkaaday Shuuciyiintii isaga xiri jirtay, kolkaas ayaa la weydiiyay su’aal ahayd: “Miyaad ka aarsanaysaa qolyihii idin dhibaatayn jiray adiga iyo saaxiibadaa?”

Wuxuu kaga jawaabay: Aargudasho ma jirto hadda  iyo markaleba…. Dhab ahaantii askar, saraakiil, iyo garyaqaannadii kaalinta ku lahaa maxkamadayntayda, dhammaantood xilalkooda way sii hayn doonaan, oo xilalka kama qaadayo, siyaasi ahaan waan cafiyay, balse ka bani’aadam ahaan ma awoodo inaan cafiyo, dulmigii aniga iyo saaxiibadaydii dambiga la’aanta ahaana loo geystay marna gudahayga kama saari karo.

Dumitaankii gidaarkii Berliin waxa uu astaan u ahaa burburka nidaamkii shuuciga ahaa ee Yuguslaafiya, waxaa billowday in gobollo qaar ay ku dhawaaqaan gooni isu taag(⁴).

 Kalajabka Yuguslaafiya marna arrin wanaagsan uma arag Cali Cisset, waxa uu aaminsanaa in muslimiintu ay deegaan ku leeyihiin gobol kasta oo waddanka kamid ah, sidaa awgeed aysan dani ugu jirin in ay gaar u go’aan.

1990kii kolkii la aasaasay xisbi ay u dhanyihiin muslimiinta Yuguslaafiya, mabaadi’diisuna ahayd in muslimiintu ay soo dhacsadaan xuquuqda siyaasadeed iyo tan fikir, waxay warbaahintuka billowday dacaayado ka dhan ah xisbiga, laguna sheegay in kuwa xisbiga samaystay ay yihiin maxaabiis hore iyo macallimiin jaamacadeed oo nolosha ku fashilmay.

Hawlihii xisbiga ayaa halkiisii kasii socday, waxa uu Cali booqashooyin ku kala bixiyay meelo dunida kamid ah, mar uu tegay Maraykanka rag uu halkaa kula kulmay waxa ay u sheegeen; in Seerbiyiintu ay yihiin bahallo aan la isku hallayn karin, markastana laga filan karo in ay duulaan soo qaadaan, balse Cali waxa uu u sheegay in dhaqanka muslimku yahay isa saamixid iyo cafis.

Horraantii sagaashamaadkii, waxaa kala furfurmay jamhuuriyadihii Yuguslaafiya ay ka koobnyad, waxaana bishii Maarso 1992kii afti dadweyne u dareeray bulshada reer Boosniya, waxaana miiska saarnaa laba qodob oo kala ah: In ay kasii mid ahaadaan Yuguslaafiya, iyo in ay dal madaxbannaan noqdaan.

Cali Cisset Begovij ayaa ku dhawaaqay in cod aqlabiyad ahi lagu codeeyay madaxbannaanida Boosniya, laga bilaabo saacadaasna ay yihiin dowlad ka madaxbannaan Yuguslaafiya.

Aqoonsigii kama soo daahin, waxaase daba socday ciilka ay Seerbiyiintu u qabeen Boosniya, waxaa magaalooyinkii waaweynaa lagu arkay gaadiidka gaashaaman ee Seerbiya.

Qaramada Midoobay(UN) ayaa kolkiiba soo dirtay ciidamo nabad ilaalin ah, waxayna Seerbiya u sheegtay in ay joojiso xadgudubka ay ku hayso Boosniya iyo Kurweeshiya. Sidii la filaayay Seerbiya waxay faraha ka qaaday Kurweeshiya, balse waxay sii laba jibaartay gumaadka ay u geysanaysay Boosniya.

 Wixii ka dambeeyay bishii maarso 1992, waxaa socday dagaallo xooggan oo u dhaxeeyay Seerbiyiinta Boosniya, iyo dowladda Cusub ee Boosniya. Magaalada Sarayeefo waxaa u billowday sannado ay go’doon gali doonto, waxaa la isku dayay in xaalka sidan loo dhaamo, waxaa la isugu yeeray dhinacyada is haysta in ay yimaadaan magaalada Lisbon ee Bortaqiiska, Cali Cisset kolkii uu ka soo dareeray shirka, waxa uu ku dhacay gacanta Seerbiyiinta, iyadoo laga cabsi qabo in halkaas lagu dili karo hoggaamiyihii Boosniya, ayaa la galay heshiis isdhaafsi maxaabiis.

Sannado uu socday dagaalka waxaa ka dhashay khasaare aan la malaysan karin, dhacdooyin badan oo loo qaadan waayay ayaa halkaa ka dhacay, waxaa kamid ahaa dhacdadii Sarbarnatsa oo lagu tilmaamo in uu ahaa xasuuq wadareed kii ugu xumaa ee ka dhacay Yurub kaddib dagaal weynihii labaad ee adduunka, waxay dhacday intii u dhaxaysay 11 ilaa 22 Luulyo 1995, dad tiradoodu siddeed kun kor u dhaafaysa ayaa ku baxay.

Markii dambe waxaa la isla qaatay heshiis nabadgalyo.

HESHIISKII DAYTON

Intii u dhaxaysay 1 da ilaa 21 ka noofambar 1995, waxaa magaalada Dayton ee dalka Maraykanka ka socday heshiis nabadgalyo oo u dhaxeeyay dhinacyadii kala hoggaaminayay dagaalka, islobodaan milosifij oo seerbiyiinta ka socday, Cali Cisset Begovij oo Bosniya ka socday, iyo Franyo tudman oo ka socday Kurweeshiya.

Waxaa la isla qaatay in la dhiso dowlad ay u simanyihiin dhinacyada, iyo in la dhameeyo dagaalka.

Cali Ciset Begofij waxa uu geeriyooday isaga oo gutay waajibaadkii ka saarnaa dalkiisa iyo dadkiisaba, waxa uu hoggaanka hayay xilli aad u adag, go’aannadiisa masiiriga ahaa ee uu qaatay waxay keentay in uu dhiso bulsho isku xiran oo u dhabar-adayga nolosha.

Tixraac:

•Aljazeera- Documentary ku saabsan noloshii Cali Cisset Begovij.

•Xusuusqorka Cali Cisset.

• Al arabiya Tv.

________________

¹. Balkans: Waxaa loo yaqaanaa dalalka Slovenia, Croatia, Bosnia and Herzegovina, Serbia, Montenegro, Albania, Macedonia, Greece, Bulgaria and Romania

². Yuguslaafiya: Waxaa la isku dhihi jiray dalalka: Croatia, Montenegro, Serbia, Slovenia, Bosnia  Herzegovina, Macedonia.

³. Istaaliin waxa uu hoggaaminayay Ruushka intii uu socday dagaal weynihii labaad, halka Hitler uu jarmalka hoggaaminayay.

⁴. Gidaarkii Baarliin waxaa la dhisay 1961, 1989kiina waa la dumiyay, wuxuu kala qaybinayay Jarmaltii Bari iyo Jarmalta Galbeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *