Badanaa bani’aadamku saddex qaybood ayay u qaybsamaan marka laga hadlayo garaadka, waxtarka, iyo fahankooda.
- Qof aqoonyahan ah “intellectual”, kaas oo ka dhigan qof cilmi bartay ama macluumaad ku quudiyay maskaxdiisa, deedna go’aannadiisa iyo hadalkiisa cilmi ku dhisa. Qofka noocaan ah waxa uu haystaa khayraad badan oo maskaxeed, waxa uu na kugu dilayaa macluumaadka uu hayo, waxa uu ku hubaysan yahay caqli dad kale iyo garasho ay qoreen. Waxaa laga yaabaa in uusan caqli badnaan isagu u dhalan, balse waxa uu xanbaarsan yahay dad caqli badan aqoontood, iyo macluumaad koodii. Waa dadka badanaa takhasusaadka gaarka ah looga danbeeyo, sababtoo ah waxay wax u bartaan si qoto dheer maadaama aysan caqligooda kaliya kalsooni badan ku qabin ee cilmiga ay isku hubaan. Haddii aysan cilmi hayn ama macluumaad, micne kale ma yeelanayaan si iskood ah. Waa dadka cilmiga looga danbeeyo oo wakhtiga galiya, sidoo kalana dadka bara. Badanaa dadkaan waxay noqdaan khabiirro fannigooda ka soo dhalaala, oo ku shaqeeya. Xitaa haddii aan dhaqankii Soomaalidii ree miyiga ahayd tusaale uga soo qaadanno, waxaa jiray qof la oran jiray (haddii aanan khaldanayn) suugaan-dhaadhi – waa qof isagu aan halabuur ahayn balse dusha ka wada xafidsan wixii suugaan carrada laga tiriyay, wixii sheeko iyo murti ahaa, kuna sheekeeya, dadka danbana hadhaw u gudbiya dhaxal ahaan. Sideedaba booskii aqoonta wixii markaas kujira ee carrada kajira qofka loogu imaanayo ayaa tusaale u ah “intellectual”.
- Qof caqli badnaan u dhashay “intelligent”, kaas oo ka dhigan qof abuur ahaan garaad u dhashay oo maskaxdiisu awooddo in ay mas’alada markaas taagan xallin karto iyada oo aan cilmi badan iyo macluumaad ku dhisin. Qofka noocaan ah waxaa laga yaabaa in uusan cilmi badan lahayn ama uusan xog hayn, balse garaadkiisa dhaladka ah ayaa u muujin kara in uu aqoonyahan yahay mararka qaarkood. Waa qof fahankiisu sarreeyo, mufeker ah abuuris ahaan, noloshana si iskiis ah wax uga baran kara isaga oo aan la hagin ama wax baran. Haddii uu cilmi helo, macluumaad, ama hagitaan, wuu ka khatarsanaadaa kii hore ee cilmiga kaliya hayay, sababta oo ah cilmiga ma uu quuto kaliya ee wuu rogrogaa, wax aanan horey dadka ugu muuqan ayuu ka soo dhex saaraa. Waa dadka badanaa cilmiga wax ku kordhiya haddii ay galaan badwaynta cilmiga. Waa qof si guud micnaha nolosha u raadinaya, ee aan noloshiisa kaliya ku mashquulsanayn. Haddiiba ay dhanka aqoonta wakhti galinayaan takhasusaad gaar ah wakhtigooda kuma lumiyaan, ee waxyaabo badan bay ogaal ka doonaan, maadaama ay faduul (curiosity) hagayso. Dadka noocaan ah badanaa waxay noqon karaan faylasuufyo, mufekeriin, saynisyahanno, iwm. Dadka noocaan ah haddii laga faa’idaysto waxay noqon karaan kuwo curiya aragtiyo cilmi ah, kuwa nololeed, iyo wax dhaxalgal noqda.
- Qof xariif ah “smart”, kaas oo ka dhigan qof sida ugu habboon u adeegsan kara khayraadka uu helo, cilmiga uu helo, ama macluumaadka uu helo. Qof yaqaan sida looga faa’idaysto fursadaha, waxa uu helo, ama uu haaban karo. Qofka noocaan ah waxa uu xigaa dhanka caqliga dadka u dhashay, balse caqligiisu wuxuu ku jihaysan yahay dhanka fulinta ama dhaqangalinta, ka faa’idaysiga, iwm. Maleh caqliga mufekernimada ama fahanka sare looga baahan yahay, balse waxa uu leeyahay midka fulinta. Waa qof xariif ah oo isaga oo aan caqli qoto dheer lahayn, cilmi badanna hayn, haddana fursadda soo marta ka faa’idaysan kara, iyada oo dadkii caqliga iyo cilmiga lahaa aysan wali far dhaqaajin. Wuxuu nolosha u fahansan yahay in ay waxqabad tahay, muhiimaddana ma uu siiyo faduul iyo hawlo aan noloshiisa wax muuqda ku soo celinayn. Wuxuu abbaaraa waxa isaga micnaha u leh, ama shaqada uu hayo micnaha u leh. Dadka noocaan ah waxay noqon karaan siyaasiyiin ama hoggaamiyayaal awood badan, maadaama ay diiraddoodu tahay fulin, iyo soo bixid. Sidoo kale waxay noqon karaan ganacsato guuleysata, iwm.
Saddexdaan sifo way iskabaan, badanaa qofku midba xoogaa inuu ka haysto bay u badan tahay, balse dhan buu u badan yahay. Way dhacdaa in dadka qaar ay si fiican iskugu raacdo labo ama saddexda sifaba, waana nooca ugu khatarsan bani’aadamka qofka saddexdaba si fiican u leh; qofka aqoonyahanka ah, caqliga u dhashay, haddana xariifka ah.
Midka aad is leedahay waad u badan tahay ogaal u yeelo oo awoodda saar; ma intellectual baa tahay, mise intelligent, mise smart? Mid kasta oo aad is leedahay wuu kugu yar yahay waad kordhin kartaa, ama waad u badan kartaa dhankiisa ilaa in door ah.
***
Sifo afraad ayaa jirta oo aanan qoraalkaan ku darin, sababta oo ah waa mid ka qoto dheer in liiskaan lagu daro – waa xikmadda ama qofka xikmadda leh “wise person”. Xikmaddu waa nuxurka u danbeeya ee micnaha in aad hesho, waxa ay dadka kale ku daalayaan in si fudud fahankeeda aad u hesho. Xikmaddu ma ahan faahfaahin dheer, tusaale ahaan cilmiga fiisikiska xikmadda kujirta oo dhan baa qof meel miyi ah ku khilaawaynaya heli karaa ! Waa arrin jaad gooni ah oo aan qoraalkaan iyo liiskaan dhex ordi karin, sidaas ayaan uga reebay.
