Nolosha waxay i bartay

W/Q: Sh. Cabdiraxmaan Bashiir
W/T: Ilyaas Maxamed Diiriye

[1]

Nolasha waxay i bartay in xorriyaddu aan la isu hibaynn balse la kasbado. Waxaa kale oo aan kororsaday in qiimaha xorriyaddu tahay xabsi, musaafurin, iyo saldhigashada qurbaha, waana tan i tustay in nololi jirin iyadoon xorriyad lagu noolaan karin, waayo; waxa ay ka qaalisan tahay wax walboo dadka agtooda qiimo ka leh sida, dahabka, almaaska iwm.

[2]

Nolosha waxa ay i bartay, in qofka xurka ah uu san-dullaysiga ka door-bido gelidda xabsiga, waxa keliya ee uu madaxa u hoosaasiyo ay tahay koryeelidda iyo caabudida Alle, intaa wixii ka soo harane ku noolaashaha karaamo iyo sharaf ayuu ka jeclyahay, maadaame nolal aan karaamo lahayn aysan laheyn wax dhadhan ah.

[3]

Nolosha waxa ay i bartay; in nolashu ku dhisan tahy mabaad’i dhamaystiran kuwaa oon qiil galayn, laakin dadka qaarkii qiyamka agtooda waxba kama ahan; oo waxa ay dhaanraac u yihiin mabda’a kolka ay guusha dhabkoodu tahay is la markaana ka fogaada markii ay soo wajahaan culayso oo ay is dhahayaan mabda’a ay haystaan ayaa u sabab ah. Dadkaa iyaga ah waxaynu argnaa iyagoo ka khudbaynaya goobaha la iskugu yimaado oo leh; ka tanaasulidda mabda’a mararka qaar inuu khayr ku jiro ayna tahay qorsho hagaagsan.

[4]

Nolosha waxay i bartay; in siyaasadda aan ku dhisnayn qiyam iyo fikir togan ay tahay nolol aan ruux, midib, iyo dhadhansi lahayn. Dalkeenna waxaynu ku aragna siyaasiyiin badan oo hal madaraso fikreed kasoo wada baxay, balse maantadan ku diriraya kursiga, iyagoo isticmaalaya waddo walbo oo ay ku xaqiijin lahaayeen ahdaaftooda, waxaana tusaale u ah waxa haatan ka socdo Barlamaanka Soomaaliyeed kaas oo lumiyay ujeedooyinkii loo yagleelay, iskuna baddelay goob ay ruuxda iyo dhadhanka siyaasadda ku go’day.

[5]

Nolosha waxay i bartay; in fidinta diinta iyada oo aan loo cuksan barasho iyo tarbiyo togan ay la mid tahay sida beer aan lahayn cimilo ku haboon oo wax lagu beerto, sidoo kalena daaciga carbisneyn uu la mid yahay gaari aan shidaal ku jirin. Waxaa kale oo aan waayadan arkay in wadaadada iyo ducaadda ay ku loolamaan masaajidda iyo nolol adduun. Waxaad arkaysa wadaad ku labbisan dharkii dacwadda laakin u jeedda arrimoo aduun, is kooxaysi, iyo kicin qabiileed.

[6]

Nolosha waxa ay i bartay; in koox diimeedyada aan lahayn hadaf iyo qiyam fog oo wax lagu saxo aynan mustaqbal lahayn. Waxa dalkeenna ka jira urur diimeedyo kuwaas oo aan xanbaarsaneen mashaariic dheef dalka u leh oo waxaad arkaysaa wadaad diimeedyo ku dagaalamayo afkaar taariikheed dabar go’day, mana laha hadaf fog oo waaqica la jaanqaadi kara; sida la dagaalanka qaadka, ka hortagaa qabiilka, iyo saxida xaalka aan hadda ku jirno. Kooxaha ku suntan arrinkan waa koox waagii hore wixii la yiri ku fiiriyo waaqica aan hadda jirna ee taaganta.

[7]

Nolosha waxa ay i bartay; in siyaasiga cilmaaniga ah ee dalkeenna uu soo miinguuriyo fikirka iyo siyaasadaha reer galbeedka isagoon shandheynin, is la markaana si fiican aan u indha-indheyn. Waxa uu maanta oo dhan ka sheekaynaya rugcadaayada reer Galbeedka, asiga oo si daran u la dagaalamaayo huwiyadiisa, qiyamka wadanka iyo diinta. Waxa uu horumarka u arkaa raacida asaagiis, ka fiirinta horumarka sida ay reer galbeedku u arkaan, is-aqbalid la’aan, sarraynta reer galbeedka iyo liidnaanta wixii kasoo haro oo ay bulshada uu la nool yahay ku jirto.

[8]

Nolosha waxa ay i bartay; in dadka qaarkii ee wadanka ku nool siiba kuwa diinta faafiyo ay siyaasada ka soo dheegtaan kutubta taariikhda sida buuga uu qoray al-Mawardi ee الأحكام السلطانية, iyo kuwa la midka ah ee Culimada Fiqhiga, balse dadkaasi ma garanayaan in kutubta noocaan ah ay tibaaxaan in ay waajib tahay adeecidda xaakimka waqtigaa talada hayo, balse waxaysan la socon in in siyaasada labo rukni leedahay: siyaasad sharci ah iyo iyo mid sharci iyo siyaasadba leh, oo xaakimka sharciyadiisa waxa uu ka keensadaa ogolaanshaha dadka, maadame dadka ay asal yhiin, iyaga ayaana wikuul laga yahay. Halkaasi, waa meesha ay mushkilada inaga haysato, oo waxaynu kala garan la’nahay farqiga u dhaxeeyo siyaasad sharciga ah, iyo sida sharciyada ama waajibtinimada siyaasadeed lagu helo.

[9]

Nolosha waxay i bartay; in caqliga uusan aheyn mandiqa keliya ee wax lagu fiiriyo sida ay reer galbeedku qabaan, mana aha sanam ama tiir iska taagan oon waxba tarayn sida kuwa diinta ku ad-adag ee dhankeena qabaan. Waxaan aragnaa in reer galbeed-ka wax walbo oo caqliga ka baxsan hoos mariyeen, iyagoo ku andacoonaya in maanka ka sarreeyo kana muhiimsan yahay soo jireenka iyo diinta, xadaaradana ama xadaasada dhaaftay hoosna ka yeeshay diinta, taas baddelkeeda waxaa qabo kuwa diinta ku adadag ee dhankeena, marka labaduba waxay sababsadeen mushkilado, oo u hogaansanka reer yurub ee caqliga waxay ka dhaxleen inay lumiyeen qiyamkoodii isla markaana noloshoodii ay dhadhan la’aan noqotay, halka innagana aan ka dhaxlnay raacidda soo jireenka keliya in tareenka horumarka iyo xadaarada aan ka harno, marka u janjeerudda labdaan midkood waxa uu abuuraa raadad aan laga mahdin. Allah quraankiisa waxa uu ku leeyahay: “وَقَالُواْ لَوْ كُنَّا نَسْمَعُ أَوْ نَعْقِلُ مَا كُنَّا فِىٓ أَصْحَٰبِ ٱلسَّعِيرِ”

[10]

Nolosha waxa ay i bartay; in xurriyad aan xuduud lahayn ay qofka ka dhigayso xayaawn aan wax celsha lahayn, sidoo kalane dullaysiga xad-dhaafkana uu keeno dabar go’a insaanka, waayo bini’aadamka waa noolaha kaliya ee la siiyay xorriyad uu ahdaaftiisa ku gaari karo, Allaah quraanka waxa uu ku yahay;”إِنَّا هَدَيْنَاهُ السَّبِيلَ إِمَّا شَاكِرًا وَإِمَّا كَفُورًا” marka ma jiri karto insaaniyad iyadoon madax banaani jirin, sidoo kalane karaamo iyo sharaf ma jiri karaano xurriyad la’aan, laakin waxaa muhiim ah inaysan xorriyaddu aysan ka hor’imaan xeyndaabka inoo yaal, si insaanka u limin insaaniyadiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *