Waa Kuma Dandaawi?
WQ: Xamse Ducaalle

Cabdiraxmaan Axmed Xuseen “Dandaawi” oo naanaystan danbe aad caan ugu ahi wuxuu kamid yahay dadka marar badan ku soo noqnoqda dhegaha bulshada Soomaalida, si gaar ahna shaashadaha uga soo muuqda bishan barakaysan ee Ramadaan isagoo ku luuqaynaya qasaa’id ama nebi ammaan kolba sida aad u taqaan. In badan oo innaga mid ahi way ku garaadsatay iyadoo bishan oo kale shaashadaha ay qabsadaan qasaa’idka kala duwan ee Sh. Dandaawi, oo dadku aad u dhegaysto. Hadda ba weli ma si weyddiisay Dandaawi waa kuma? Qoraalkan yar ee kooban baan ku guud carari doonaa sooyaalka Sh. Dandaawi.
Ugu horrayn, wuxuu dhashay sannadkii 1965-kii, sida uu ku sheegay warraysi uu kal hore ka bixiyay mid kamid ah Tv-yada Af Sooomaaliga ku baxa. Dandaawi, magacan wuxuu ku soo ergistay aabbihii oo isna sheekh ahaa. Waa xaasle lix ubad ah leh oo afar kamid ahi rag yihiin iyo labo gabdhoodh. Mid kamid wiilashiisa oo Samaale Dandaawi la dhaho ayaa isna tira ba qasiidooyin door ah ku soo luuqeeyay, iyadoo ay u muuqato inuu dhawaan inoo beddeli doono kaalinta aabbihii. Sheekhu hadda wuxuu degan yahay magaalada Jabuuti oo fadhigiisu yahay ahaana ilaa iyo intii uu shaashadaha ka soo muuqday isagoo luuqdiisa macaan ku taleexinaya qasaa’id wada maanqaad ah.
Dandaawi maaddaama nin sheekh ahi dhalay wuxuu ku soo barbaaray maqaamyada culimada oo ah asalka ay u noqonayso kana soo bilaabanayso shaqada aynu aadka ugu naqaan maanta ee ah ku luuqaynta qasaa’ida nebiga. Maqaamyada ayuu ka soo bilaabay ku luuqaynta qasaa’ida, halkaas ayuuna ku sugnaa ilaa saaxiibkii Cumar Aadan Dugsiiye maqaamyada inaanu ku koobnaan ku qanciyay.
Markasta oo shakhsiyada Sh. Dandaawi laga hadlayo waxay lamahuraan tahay in la soo hadalqaado Cumar Aadan Dugsiiye oo ah nin ay jaal ahaayeen muddo dheer, dhanka fanka heesidana muddo ku soo jiray isagu, balse markii danbe u soo go’ay ku luuqaynta nebi ammaanka. Cumar Aadan waa ninka Cabdiraxmaan Dandaawi ku qalqaaliyay inuu soo dhaafo maqaamyada oo uu kula luuqeeyo qasaa’idka nebiga. Sidaas ayuuna Dandaawi 1999-kii ku soosaaray qasiidadiisi ugu horraysay oo qayb ka ahayd cajeelad qasaa’id ah oo isaga iyo Cumar Aadan soo wada duubeen, balse uu isagu hal mid uun ku lahaa. Qasiidada caanka ah aadna loogu yaqaan Dandaawi ee “Yaa rasuula laahi khud biyadii…” ayay ahayd nebi ammaankii ugu horreeyay ee uu ku luuqeeyo. Qasiidadan mar danbe ayaa Soomaali loo rogay, balse asalkeeda oo carabi ahayd ayuu markan dib soo qaaday Dandaawi. Markan danbe waxaa si aad u qurux badan luuqada Soomaaliga ugu roggay Cumar Macallin oo ah nin halabuurkiisu aad u tayo wacnaa. Sannadkii 2001-diina waxay soosaareen albamkoodii ugu horreeyay ee Alle barri iyo nebi ammaan isugu jira oo magaciisu ahaa; “Baroor iyo buuq..” Waxa Albankani magacan kula baxay maaddaama ay ku jirtay qasiido aan filayo inay in badan oo innaga mid maqashay oo erayadeeda ay kamid ahaayeen:
Baroor iyo buuq balooy baydheey
Wixii ba’an ba Alloow na baal mariyeey…
Wixii intaa ka danbeeyay Dandaawi iyo qasaa’idka luuqdiisa sheegan ku soo baxaa bulshada Soomaalida wax la isla yaqaan bay ka dhex noqdeen, oo aad bay dhegaha bulshada u hantiyeen bisha Ramadaan. Ilaa maantana dad badan oo Soomaaliyeed baa suga oo dhegta u taaga qasaa’idka Cabdiraxmaan-Dandaawi mar kastaa ay bishan barakaysani curato.
Haddii aan dib ugu laabano xidhiidhka Dandaawi iyo Cumar Aadan muu noqon mid sii raagay, oo wuu xumaaday, sida Sh. Dandaawi qiray waxaa jira khilaaf kala geeyay isaga saaxiibkiisii ku soo hagay dhabahan uu maanta hayo. Khilaafkaasna waxaa sal u ahaa ama uu ka dhashay qasiido kamid ah kuwa ay labadaa saaxiib ku luuqayn jireen, oo erayadeedana u lahaa Cabdi Aadan Xaad “Cabdi-Qays”. Qasiidada labadan saaxiib kala gaysay haddaan erayadeeda midh iyo labo idinka xasuusiyo waxaa kamid ahaa:
Intay dhaawac yeeleen nebiga
Intay dhagax ku tuureen nuurka…
Wixii khilaafkooda ku danbeeyayna Cumar iyo Dandaawi mid kastaa iskii ayuu u noqday shamac gaarkiisa u baxaya. Mid kasta dhankiisa ayuu ku burqaday hibo iyo wacdaro aanay malahayga muujiyeen hadday sii wada joogi lahaayeen. Hadal nuxurkiisa sida aan kor ku qoray yahayna waxaa ka dhawaajiyay Sh. Dandaawi kal hore mar uu waraysi bixinayay.
Qasaa’ida uu soo qaado Sh. Dandaawi waa kuwo darafyo badan leh oo Alle barri, nebi ammaan iyo waano isugu jiro. Waa kuwo isagu dabqaadya saddexdaa daraf iyo dhinacyo kale oo badan. Tusaale ahaan, qasiidada Cabdi-Qays ee kor aan ku xusnay baydad kamid ah way yar tahay siiradii rasuulka wax laga tegay. Waa siiradii rasuulka oo kooban oo laxan iyo luuq macaan oo dananka miyuusigu wehelinayo lagu gu soo gaadhsiinayo. Waxaa iyana xusida mudan qasiidada “U kaca salaada..” oo wacdi iyo waxsheeg aad u heersarreeya ah. Sida Sh. Dandaawi sheegayna isagu qasaa’idka uu soosaaro waxay badan yihiin dhanka Alle barriga. Boqolaal qasaa’id gaadhaysa oo tan iyo 1999-kii ifka keenay sheekhu intooda ugu badan waa kuwo Alle bari ah, oo Ilaahay denbidhaaf iyo naxariis lagu weydiisanayo. Dandaawi ma aha fanaan heeso kale qaaday ama soosaaray, kaliya waa sheekh u go’ay ku luuqaynta erayo xambaarsan jacaylka Alle iyo muxibada nebi Maxamed (SCW).
