
Qoraa iyo turjumaan xiiseeya fanka iyo suugaanta.
W/T: Guryasame Cabdi Maxamed
In badan oo nolosheenna kamid ah waxaa aynnu ku bixinnaa hadal, ha ahaado hadallada kooban ee aan xafladaha ka jeedinno, ama goobaha shaqada. Ama ha noqoto marar aynnu haasaaweyno ama aan saaxiibadeen kala doodayno arrimo qoto dheer.
Wadasheekeysiga, saaxiibbo ayaad ku hanan kartaa, kuwa ayaad ku lumin kartaa ama xog ayaad ku heli kartaa. Shaqo ayaad ku kasban kartaa ama se ku waayi kartaa.
Awoodda aad u leedahay in aad wadasheekeysi guulaysta la sameyso dadka, waa mid kamid ah furayaasha xirfadeed iyo bulsheed.
Qodobbadaan hoose iyo in aad si joogto ah u dhaqan geliso waxaa ay kugu hagayaan in aad noqoto sheekoyahan.

SIDAAN HA SAMEYN
— Si is daba joog ah dhinacyada qolka ha u eegin ama ha u baalal-daymoon, marka aad qof la sheekeysanaysid. Waxaa laga yaabaa in ay faduuli kaa hayso cidda soo gelaysa ama baxaysa, laakin waa astaan muujinaysa in aadan xiisaneyn hadalka qofka kuu sheekeynaya, sidaa darteed aad raadinaysid qof kale oo aad la sheekeysatid.
—Markasta saacaddaada ha eegin ama ha taaban, si aadan ugu muuqan qof caajisay adigoo laguu sheekeynayo.
—Hala hadlin hal qof keliya adiga oo koox dad ah u sheekeynaya. Tani waxay keenaysaa in dadka kale ku dhibsadaan oo iska soo fadhiyaan. Qof kasta la falgal oo su’aalo waydii ama indhaha kala hadal.
—Ha u qaadan qof aad hadda uun kulanteen in uu wax kasta kaala mideysan yahay, siiba marka arrimo culus laga hadlayo. Ka fogaaw in aad iska dhahdo hadal aad wax ku xukminayso. Tusaale ahaan ha dhihin “Alla miyaysan wax lagu farxo ahayn in ay hebel iyo hebel doorashadii ku guulaysteen.”, adiga oo aan ogeyn qofka aad la hadlayso aragtidiisa siyaasadeed iyo cidda uu u damqanayo.
—Ha ka qayb qaadan xanta, haddii ay se dadka kale sameeyaan, had iyo jeer u hiilli qofka maqan ee laga hadlayo.
—Faanka iska ilaali, haddiiba aad guulaha aad gaartay ka sheekeynayso waxay qumman tahay marka aad qofka si dheer isku garanaysaan. Nin ah arday dhibco hoose kusoo qalinjebiyay ma doonayo in uu maqlo safarradaada iyo dalxiiska aad ku tagtay Rio De Jenerio.
—Haddii aad lakulanto koox ka kooban saaxiibadaadii hore iyo dad aad isku cusub tihiin, ha soo hadal qaadin kaftannada hoose ee ay saaxiibadaa uun kula garanayaan iyo sheekooyinka la xariira “ma xasuusataa berigii’, ee aysan dadka kale kula fahansanayn ama aysan haynin wax ay ku darsadaan.
—Dadka ha ku caajis gelin mawduucyo aan si guud loo wada xiiseynin. Waxaa laga yaabaa in Molecular Biology adiga kuula muuqdo wax xiiso badan, laakin se dadka badankiis ma daneynayaan.
—Si bareer ah ha u adeegsan erayo waaweyn. In aad erayo culus hadalkaada ku dhex darto kaama dhigeyso qof xariif ah oo dhugmo badan, se waxay kaa dhigeysaa qof istus badan. Haddii aad caqli badan tahay, waxaa laga dhex garan doonaa erayada aad ku hadasho, adiga oo aan waxba qurqurxin.
—Hadalkaada ha ka buuxin cabasho iyo dhalleecayn tiro badan. Ninka maanta oodhan soo qufaya xumaan iyo dhaliil keliya,waa laga kala ag cararaa.
—Qisooyinkaada gaarka ah ha uga warramin dadka aad isku cusub tihiin. Waxaa laga yaabaa in aad is leedahay ku nafis oo culaabta iska rid sidoo kalana aad degdeg isugu soo dhowaataan qofka, hase ahaatee waxay u badan tahay in ay qofka kale geliso xaalad yaxyax ah.
—Ha ka hadlin mawduucyada dooddu ka taagan tahay. Ha keenin goobta arrimaha khilaafka abuuri kara. Haddii dadka kale sameeyaan, ha ka qayb qaadan adigu oo muran hor leh ha abuurin.
—Wadasheekeysiga, ha afduuban keligaa oo ha isku koobin, hadalkana ha haysan wax ka badan daqiiqado.
Sii dadka kale kaalintooda.
SIDAAN SAMEEY
—Dareensii qof aad sheekeysanaysaan in uu isku arko qofka ugu muhiimsan goobta. Hadalkaada si xiiso leh u soo xir, sheekada ka koobi, madaxa u rux oo si fiican u dhageyso.
—Su’aalo waydii qofka, ka fogoow in aad ku talax tagto ka sheekeynta naftaada. Dadku waxay ka helaan shaqsiyaadka ay faduushu ka qabanayso ee noloshooda iyo danahooduba maldahan yihiin.
—U oggolaaw qofka in uu dadka kale ee idin la fadhiya ku milmo oo sheekada la qaybsado, ha dareensiin sidii in uu adiga kuu xayiran yahay, oo sheekadaada keliya in uu dhageysto ku qasban yahay.
—Had iyo goor, kayd ha kuu ahaadeen sheekooyin maad leh. Marka ay aamusnaan qaabdarani timaaddo, adiguna xaaladda ha sii cakirin inta aad koobkaada shaaxa ah ku foorarsatid.
Diyaar ha kuu ahaadeen tiro mawduucyo ah oo laga sii sheekeysan karo.
—Sug inta qofku hadalka ka dhammeysanayo. Ma jiraan wax ka qaab daran ninka dadka hadalka ka dhex gala ama ka booba si uu isagu u hadlo oo laba eray u dhaho.
Tixraac: Buugga: The Art of Manliness:
Classic Skills and Manners for the Modern Man. —Bogagga: 68-71.

Qoraa iyo turjumaan xiiseeya fanka iyo suugaanta.