
QIRASHO (A CONFESSION ), LEO TOLSTOY
W/Q: Cumar Xasan
Soo koobid. Waamaxay u jeeddada iyo macnaha noloshu?!
Buuggan aadka u kooban, ee uu Leo Tolstay qoray bilawagii 80naadkii qarnigii 19aad (1880s), waa buug aad u yaab badan, oo uu qoraagii weynaa e Ruushka ahaa, ka qoray geeddisocodkiisii fikir iyo nololeed, lagasoo bilaabo carruurnimadiisii ilaa 50 jirkiisii.
Buuggan anigu waxa aan akhriyay, si lama filaan ah, 2007dii, mar aan ku noolaa xaafadda Islii ee magaalada Nayroobi ee dalka Kiiniya. Waxa aan soo booqday, goor aan ku qiyaasayo barqo, xaafad qof qaraabadayda ahi markaas soo degay, judhii aan fadhiga fadhiistayba, waxa aan miisyar oo meel leexysan yaallay ku arkay buug yare af Ingiriisi ku qoran. Waan tiigsaday oo soo qabtay. Cinwaanka buuggu waxa uu ahaa ( The Confession) qiraalkii. Waagaas maa aan aqoon Tolstoy iyo qoraa kale oo caalami ah toonna. Waxa aan si faduul ah usoo rogay baalkii koowaad ee buugga. Ilaa aan ka dhammeeyey goor galab ahna, buuggii miiskii kuma celinnin. Waxa uu noqday buug maskaxdayda ilaa iyo manta ka goí waayay. Ilaa waagaas dhawr qof oo aannu saaxiibbo nahay ayaan uga sheekeeyey, sheeko shacbiyeed kujirta buuggaas oo macne qoto dheer xanbaarsan, oo maankayga ka gilgilaysa ilaa imminkadan aan sadarradan qorayo.
Haddaba, buuggan imminka maxaan ku xasuustay, 15sanno kaddib?
Hagaag. 01.09.2022 waxa magaalada aan kunnoolahay ee Bremen, Jarmalka, nagu soo booqday saaxiibkay Cali Barre. Cali waxa aannu muddoba ahayn saaxiibbo aad isugu dhaw, dhankasta, gaar ahaan dhanka fikirka iyo falsafadda noloshaba. Haddaba, annaga oo ayaamihii uu nala joogay Bremen, goob Kafeega lagu cabbo ku qaadaa dhigayna, macnaha nolosha, diimaha, falsafadaha adduunka, ayaan xasuustay sheekadii buuggaas ku jirtay, oo aan hoos idinkula wadaagi doono. Kaddibna buuggii iyo qorihiisii ayaan dib u xasuuso is idhi. Waxa aan ku idhi Cali, ninyoow qoraha ma xasuusto, se in uu Tolstay ahaa ayaan filayaa. Dee aan Google waydiinno e sug ayuu i yidhi. Cinwaankii ayaannu dalaq ku siinnay Google. Waxa noo soo baxay tarjumaaddii buugga ee Af-Ingiriisiga ahayd. Waa isla tii aan 2007dii Nayroobi ku akhriyey. Qoraagiina waxa uu noqday Leo Tolstoy. Kaddib waxa aannu goáansannay in aannu buuggan caawa si wada jir ah u akhrino. Maaddama uu berrito safrayo saaxiibkay. Habeenkii ayaannu wada bilawnay buuggii. Intii hore midkaayo kastaayi, hoos ayuu u akhrisanayay. Mar dhexe oo aannu buuggii la mirqaannay, ayaannu goáansannay, in midkaayoba hormo ( Pragraph) kor u akhriyo, kan kalena indhaha uun la raaco dhegahana raariciyo. 70- bog ayaannu sidaas ku akhrinay, saacaddiina waxay soo gaadhay 3dii habeennimo, labadayadiina waannu luloonnay. Waxa aannu ku ballannay in aannu 20ka bog ee dhiman berrito wada akhrino. Se taasi nooma suura gelin oo Cali waa uu safray galabtiiba annaga oo aan dhammayn buuggii. Anigu 20kii bog ee dhinnaa habeenkii ku xigay kaas ayaan akhriyay. Isaguna mar danbe oo aan filayo laba cisho kaddib.
Haddaba, yaanan hadal idinku daalin e, buuggani Leo Tolstoy maxay buu ku qiranayaa, maaddaama uu Qiraalkii ama Qirasho uu u bixiyay?
Si guud waxa uu ku qiranayaa, in uu 50kaas sanno, ee uu lacagta, sumcadda, xaaska iyo 13ka carruurta ah dhalayay, ee uu hantida badan sameeynayey, uusan wax aan daal, quus, niyad-jab, madhnaan, mugdi iyo jaahwareer ahayn aanu korodhsan. Taas waxa keenay oodhanna waxa uu ku soo ururinayaa: In uu nolosha maaddiga ah, ee ka fog diinta, Ilaahay iyo iimaanka uu ka raadinayay, farxad iyo xasillooni. Waxa uu inna leeyahay, halkaas xasillooni, barwaaqo nafsadeed, raaxo iyo badhaadhe innagama xigaan. Dhanka kale, waxa uu qoraagu, ku nuuxnuuxsanayaa, in jawaabaha suáalaha Jiritaanka ( Existential questions) aan si caqli mutuxan ah iyo Saynis toonna loogu heli Karin jawaabo naftu ku xasisho oo waafi ah.
Waxa uu innagula wadaagayaa qiraalkan, isbeddelladiisii, laga soo bilaab carruurnimadii ilaa uu 50jir gadhkiisii caddaaday uu ka noqday.
Carruurnimadiisii
Leo Tolstay, waxa uu ka dhashay qoys ladan. Aabbihii waxa uu dhintay isaga oo 2sanno jir ah. Hooyadiina isaga oo 9jir ah. Waxa korsaday qaraabadiisa, gaar ahaan eeddadii. Qoys diinta Kiristaanka haysta, gaar ahaanna mad-habta Orthodox- ka ayuu kasoo jeeday. Yaraantiisii waxa uu aadi jirey, Kaniisadda. Laakiinse sida uu innoogu sheegayo qiraalkiisan, waxa shakiga diintu kusoo bilawday, markii uu ahaa 11sanno jir. Waxa uu yidhi isaga oo arrinkaas ka faalloonaya :
` Maalin ayaa ardaydii iskuulkayagii oo dhan la isugu wacay, waxa naloo sheegay in warkii ugu weynaa, naloo sheegayo maanta. Wiil kammid ahaa, ardayda, ayaa nala wadaagay, markii aannu isu nimid, in warkaasi yahay in aan Ilaah-Eebbe- jirin. Waa la wada faraxsanaa maalintaas oo dhan` sida laga fahmi karo qiraalka Tolstoy, dhacdadani waxa ay ahayd siidhkii koowaad ee geedkii shakiga iyo diinlaáanta ee uu la noolaa afartankii sanno ee maalintaas ku xigay.
Waxa kale oo uu sheegay, in uu joojiyay in uu tukado amaba Eebbe baryo, markii uu 16 sanno jirka ahaa. Walaalkiis oo ka waynaa ayuu innoo sheegayaa in uu noqday, waayadaas mid diinta aad ugu ad-adag. Soon iyo salaad miidhan ayuu noqday. Waannu ku jeesjeesi jirnay, oo xitaa waxa aannu u bixinnay Nuux ( Nebi Nuux), maaddaama uu soon, salaad iyo cibaado u goáy, oo uu xitaa diiday in uu kubbadda/Banooniga nala ciyaaro!
Dhallinyarannimadii ilaa 50 jirkiisii
Marxaladdani waa qaybta ugu badan ee uu buuggan, ku qaadaa dhigayo.
`Markii aan 19jirka noqday, waxa aan joojiyay jaamacaddii, waxanna aan kabbaxay diintii Kiristaanka, dib ayaa aan ugu noqday magaaladaydii, eeddaday ayaan la joogay. Waxa aan noqday khamaaryahan aan khamriga kala joojin. Kaddibna ciidanka ayaan ku biirnay aniga iyo walaakay. Wax kasta oo xun waan falay. Dad ayaan dilay oo qudha ka jaray, khamriga si kasta waan u cabbay, waan dhillaystay, khammaarkana shaqo ayaan ka kadhigtay. Muddo toban sannadood kudhaw ayaan noloshaas cadaabka ah kujiray. 26jir markii aan noqday, waxa aan imid magaalada St. Petersburg. Waxa aan kubbiiray naadiyadii qorayaasha iyo aqoonyahanka. Waxa aannu ku mashquulsanayn, sidii aannu dadka wax u bari lahayn, annaga oo aan aqoon lahayn! Waxa aannu u noolayn in aannu hanti iyo sumcad helno. Waxa aannu dhexdabbaalannay, nooc kasta oo raaxo maaddi ah oo agtayada taallay. Dhillaysi, khamri cab, khammaar iyo wax kasta oo aannu samaynkaraynay. Toban sanno oo kale ayaan sidaas ku nolaa. 36jirkaygii, ayaan dareemay, in aan ku dhex jiro, wax aan ii qalmin, naftayduna aanay xasillooni ku dareemayn. Dib ayaan uga soo noqday, St. Petersburg. Markan xaaladdayda nafsadeed waa mid aad u hoosaysa. Garan maayo, waxa aan u noolahay, waxana igu soo badanaysa, iswaydiinta ah ´´ Maxaan u joogaa halkan dunida ? Waa maxay macnaha noloshu?`´ iyo waydiimo badan oo jiritaanka, nolosha, geerida, dhibaatada iyo silica la xidhiidha `
Intaas kaddib waxa uu gudagelayaa, in uu innoo sheego, in uu macnihii nolosha isyidhi ka raadi, qoys ladhiso, guur iyo carruur. Intiiba waa sameeyey, oo qoys ballaadhan ayuu dhistay. 13 carruur ah ayuu dhalay, 8 kammid ah baase sii noolaatay. Markan, waxa kale oo uu helay hanti badan, oo dhul, fardo iyo lacagba isagu jirta. 300 oo fardo ah, dhul aad u ballaadhan, sumcad uu qoraalladiisa iyo buugaagtiisa ku kasbaday, qoys deggan iyo carruur fara badanba waa haystaa. Se waxa murugada lihi waxa uu noqday, marxaladdani waxa ay ahayd tii nolosha Tolstay ugu murugada badnayd, uguna macanaha darrayd, sida uu sadarradan soo socda innoogu sheegi doono.
`Ilaa waagii aan diinta ka baxay, waxa aan isku dayay in aan macnaha nolosha ka raadiyo dhammaystirnaanta (Perfection) amaba haldoornimada. Gaar ahaan haldoornimada aqooneed (Intellectual Perfection). Waxa aan bartay, aqoon kasta oo gacantayda soo geli kartay. Sayniska iyo Falsafadda, ayaan is idhi, ayaa ku siin kara, jawaabo naftu ku degto, oo la xidhiidha macnaha noloshani leedahay. Sayniskii ayaan ku horreeyey, saa waxa keli ah ee aan ugu tegay waa in uusanba wax xidhiidh ah la lahayn, jawaab u helidda waydiinta macnaha nolosha ku saabsan. Falsafadii, ayaan Iyana dhex jibaaxay, iyadu waydiintaydan, xidhiidh way la lahayd, se wax aan ku qanco oo naftaydu ku xasisho Iyana kama aan helin. Markaas kaddib waa aniga qoyska iyo carruurta ka raadiyay, xasillooni iyo degganaan. Markan noloshaydii waxa ay isa soo taagtay isbaaro aanay dhaafi Karin. Macaankii oo dhan ayaa ka tegey. Welwel iyo walbahaar ayaanna la noolaaday, habeen iyo dharaarba. Waxa aan marar badan ku fekeray in aan isdilo, haddana, bal u kaadi ayaan idhi, oo waa intaas oo aad macne aad u noolaato heshaa e. Tobannana jeer, maya e boqollaal iyo kumannaan jeer ayaan ku fekeray in aan nafta isdhaafiyo. Waxa aan gaadhay, in aan qolkayga marka aan joogo, aan maryaha iska bixiyo, si aanan isugu ceejin! Ugaadhsigii ayaan joojiyay, waayo waxa aan ka biqi jirey in aan xabbad madaxa iskaga dhufto.Qorigiina sidaas ayaan uga dheeraaday!`
`Muddo ayaan cadaabkaas ku jirey. Haddana waxa aan is idhi bal dadkan kugu hareeraysan, ee aad isku dabaqadda waxbaratay ee ladan isla tihiin dhugo, oo u kuurgal sida ay waydiinta nolosha jawaab ugu hayaan, maaddaama oo aan anigu natiijo gebgebo ah gaadhay, taas oo ah, in qof kasta oo caqli mutuxan nolosha ku eegaa, ay tahay in uu isdilo, waayo noloshu waa macnodarro iyo qaxar aysan mudnayn in lasii dhex joogo. Dadkii I hareera joogay ee aannu isku dabaqadda ahayn afar qaybood ayay noqdeen :
1.Qayb aan waydiintaasba dan kalahayn oo jahli kaga sugan, iskana nool. Kooxdani waxay u badnaayeen haween, carruur yaryar iyo ragga inta dabbaallada ah. Kuwan waxba kama baran karayn, waayo dabbaalna ma ahi jaahilna ma ahi.
2. Waa koox garwaaqsatay, macnedarrada nolosha, se qaatay falsafaddii faylasoofkii Giriigga haa, ee Epicurus. Taas oo ku dhisan in inta yar ee la noolyahay, waxii macmacaan ah ee la heli karo laga faraqabsado oo aan laysku hawlin nolosha iyo macne u doonisteeda, waayo macnedarro weeye jiritaankeennu. Kooxdanna waxa ku badnaa aqoonyahanka. Kooxdan waxba kama baran karayn, oo waan soo arkay noloshaas.
3. Waa qaybta ugu macquulsan, waxayna garteen in ay isdilaan oo soo afjaraan macnedarradan nolosha. Kooxdani waa kooxda sida dhabta ah u raacday garaadka saxda ah. Waxayna wada ahaayeen dad aqoonyahan wada ah. Kooxdanna kama aan mid noqon oo fuley jilicsan ayaan ahaa.
4. Waa koox fahantay, macnedarrada nolosha, dabadeedna garwaaqsatay in isdilku yahay waddada ugu saxan ee a ytahy in uu qaado qofkii garaadkiisa si sax ah u raacayaa, se ku dhiirran waayay in ay isdilaan waayo dad jilicsan ayay ahaayeen. Kooxdan aniga ayaa kammid ahaa, waana kooxda ugu jilicsan. Dadkii igu hareerraysnaa afartaa kooxood ayay noqdeen`
Leo Tolstoy, inta uusan dadka aqoonyahanka ah, ee dabaqaddiisa ah xusin waxa uu soo qaadanayaa sheeko shacbi ah, oo ah tan aan kor ku xusay, ee keentay in aan xasuusto buuggan aan akhriyay 15ka sannadood ka hor. Waxa uu yidhi, aniga oo nuxurka macnaha idiin soo koobaya, noloshii ayuu sawir inanga siinayaa e :
Waxa jirta sheeko shacbi ah, oo sheegaysa, in nin kayn maraya, uu ku soobaxay, bahal dadcun ahi, kadib ninkii, waxa uu miciin biday, ceel qallalan oo agtiisa ka qodnaa, saastii uu ceelkii ugu dhaadhacay, isaga oo aan weli guntii gaadhin, ayuu isha ku dhuftay, bahal aad u weyn oo afka soo kala haya, gunta ceelka. Ninkii waakan qaboobay. Isaga oo wax uu sameeyo garan la´, ayuu arkay, laan malab ka tifqayo oo gidaarka ceelka ku teedsan. Kaddibna laantii ayuu ku dhegay. Markii uu is-yidhi malabka afka saarna, waxa uu isha ku dhuftay mar labaad, laba Jiir/Doolli oo midna cadyahay midna madawyahay oo laanta ilkohooda ku xoqaya si ay u jaraan. Waa kaas ninkii xaalad cakiran ku jira. Haddii uu dhibcaha malabka ah sii leefleefo iyo haddii kaleba, afka hororka ceelka guntiisa soo hamaansanaya isma hurayaan. Maxaa axal ah?`
Tolstoy, waxa uu ku fasiray, bahalka afka soo kala haya, geerida lama huraanka u ah axad kasta oo bashar ah. Ninkuna waa Insaankii. Labada Jiir/Doollina waa habeenka iyo maalinta. Kan cadi waa maalintii, kan madoobina waa habeenkii. Malabkuna waa dhaldhalaalka adduunka. Haddaad badsato iyo hadada yaraysatoba waad dhimanaysaa!
`Dadkii igu hareeraysnaa, waxa ay noqdeen, kuwo uu malabkii u dhadhammi waayay markii ay runta ogaadeen, taas oo ah, in aysan gafayn afka bahalka. Geerida. Wayna sii daayeen laantii sidaasna waxay ku galeen afkii bahalka. Waa kooxdii isdilaysay. Koox kalena, waa Epicureanists kii e, waxa ay goáansadeen, in ay malabka iska sii leefleefaan. Aniga iyo koox aannu kujiraanna waxa aannu leefleefaynaa malabki oo bila dhadhan nagu noqday, malabku aniga markan waxa uu ii ahaa, qoyskayga iyo bugaagtayda, se markan wuu ii dhadhami laýahay . Se waan ku dhici waayay in aan afka bahalka isku tuuro oo isdilo. Kooxdii ugu horraysay ee aan ku tilmaamay jaahiliintuse, wacyiba uma laha in labada jiir mardhaw laantan gooyn doonaan. Waataas nolosha dadka igu hareeraysani`
Wuu sii waday, ka sheekaynta bayhoofkiisii nafsadeed. Waxana uu si cajiib ah ugu qeexay xaaladdiisa sidatan soosocota :
`Waxa aan noqday, qof kayn jiq ah ku dhex anbaday. Marba doc ayaan u ordayaa aniga oo aan kasayn wax igaga horreeya jihada aan u ordayo. Haddana waan istaagaa. Dhan kale ayaan haddana isku qaadaa anoo ordaya. Haddana awoodda ayaa iga dhammaata. Sidaas ayaan ku jiraa habeen iyo maalin. Geed ayaan fuulay si aan u arko bal in guryo meelahaas ka dhawyihiin. Haba sheegin. Waanigaa awood beelay, ee cidlada anfariirka la taagan`
Cadaab, caloolxumo, iswaayid iyo niyadjab ayuu kunnoolaa waayadaas Tolstoy. Muddo kaddib waxa uu sheegay, in uu iswaydiiyay armay, suaásha jawaabteeda meesha aad ka raadisay, qaldantahay, taasoo ah Sayniska iyo Falsafadda, ku dhisan caqliga mutuxan?
´Dib ayaan u gorfeeyey Sayniskii iyo Falsafaddii. Wax cusubina iimasoo bixin. Noloshani macne ma laha, ayay mar kale kusoo ururtay jawaabtii`
Halkaas marka uu taaganyahay, ee uu quusta joogo, ayuu mar qudha is odhanayaa, armaad Iimmankii aad beri hore katagtay, macne ka heshaa?
`Illayn wareer. Bal horta dadka Iimaankaas haysta weli xaalkooda dib u dhugo. Waxa aan ka bilaabay, wadaaddadii Kaniisadda ee aqoonta dheeraadka ah u lahaa diinta. Waxa aan arkay, waxa uu ahaa, wax iga fajaciyey, waayo kooxdani waxa ay ku mashquulsanaayeen sidii ay u gaadhi lahaayeen, ujeeddooyin adduun oo ay ugu horrayso hanti tabcasho iyo sumcad raadin. Waxba ma aysan dhaamin dabaqaddayadii aqoonyahanka ahayd ee diinlaawayaashaa ahaa. Keliya kuwani Ilaahay ayay ku qadhaabtaan magaciisa! `
`Kuwaasna markiiba waan soo tufay, waayo waxii aan ka cararayay ayayba u noolyihiin. Kaddibna, waxa aan dhugtay, dabaqaddii beeralayda iyo muruqmaalka. Waa kooxda samaysa nolosha dhabta ah. Iimaankoodu waa mid ay kaga gudbaan, qallafsanaanta nolosha, Geerida, xanuunka, gaajada iyo abaaruhu, mana liiciyaan waxaas oo dhammi. Waxa annaga na cabsi geliya iyaga dhib weyn kuma hayaan. Kooxdan ayaan u bogey. Iimmaankii dhabta ahaa ee Eebbe loogu dhawaanayay kuwan ayaa haysta ayaan nafta ugu sheekeeyey. Dadkii aannu isku dabaqadda ahayn, xidhiidhkii ayaan u jaray, beeralaydii iyo muruqmaalkii ayaanna faraqa ku xidhay`
Halkaas, marka uu soo gaadho Tolstoy, waxa uu qaadaa dhigayaa sidii uu uga badbaaday macnadarradii noloshiisii lababoglaynta ahayd ee in uu isdilo iyo in kale u dhexaysay. Waxase u bilaabantay, nolol kale oo uu diinta dhexdeedii shaki cusub iyo isdiiddooyin kale uu kula kulmay.
`Waxa aan bilaabay, in aan ka qayb galo munaasabad diimeedyada oo dhan. Waan soomi jirey, oo salaadi jirey, Axadaha iyo munaasabadaha kale oo dhanna Kaniisadda ayaan tegi jirey. Noloshayda oodhan Eebbe ayaan u huray. Laakiin caqabad cusub ayaa iimaankayga hortaalla. Waa waxyaabaha kujira diinta amaba Kaniisadda laga akhriyo, oo qaarkood caqligayga kadegi waayeen waayadaas. Hase ahaatee, waxa aan isku deyi jirey in aan duuduub ku liqo. Waxase waxaas oodhan igaga darnaa, markii aan arkay dagaalkii 1877kii- waa dagaalkii Russo-Turkish war e, kaas oo Ruushka iyo Cusmaaniyiintii foodda isku darayeen- markii ay wadaaddadii Kaniisadda iyo mu´miniintayadii Ruushkuba, xaq ku tilmaamayeen dagaalkayaga, kooxda kalena shayaadiin xunxun in ay yihiin ku qiiroonayeen. Waxaas oo kale sinaba waan u qaadan waayay, waxayna iigu muuqdeen, wax kasoo horjeeda jacaylka Eebbe ku baaqayo. Taas mid kale oo igagasii darnayd ayaaba jirtay, oo igu riixi gaadhay, in aan Iimaankaba dib uga laabto, waa arrinka ku saabsan, isbidcaynta iyo isgaalaynta ay kooxaha Kiristaanku dhexdooda isku hayaan. Borotestanka iyo Kaatoliggu waa bidcoolayaal amaba munaafiqiin Ortodhogoska agtooda. Labada kalena mid kastaayi labada kale sidaas oo kale ayuu ka aamminsanyay. Cadaawad, cuqdad iyo isfaquuq ayaa kooxahan in ay Eebbe wada addeecayaan sheegaya ka dhex aloosan. Marba haddii aad tidhaahdo, aniga iyo kooxdayda uun ayaa saxan, kuwa kalena waa lumeen, ma jirto bahdil ka weyn oo aad dadka kale u geysan kartaaba. Waa bahdilka ugu weyn ee basharku isku samayn karo arrinkani. Tanina waxa ay gilgishay Iimaanaygii aan dhoobdhoobayay`
Oday Tolstoy, xayraannimadaas fikir aayuu buuggiisan kusoo afjarayaa. Waxase uu gadaal ka qoray buug uu cinwaan uga dhigay `Maxay ayaan aamminsanahay?` What I believe?. Kaas oo uu si daran ugu deedafeeyey Kaniisadda Kaatoligga ah iyo wadaaddadeeda, isaga oo ku tilmaamay waxa ay meesha ku hayaan in uu yahay wax Eebbe iyo Iimmankaba ka fog. Isla buuggan ayuu ku sheegayaa, in uu Iimaankiisa isagu ka fahmay buugga Baybalka, oo aanu u daba fadhiisan doonin wadaaddada Kaniisadda e maafiyada noqday, waa sida uu hadalka u dhigayo e.
Gebagebo iyo gunaanadkayga
Buuggan anigu ma akhriyin, buug igaga saamayn badan, hadda iyo waagii hore ee 2007diiba. Waa buug aad ka dhex akhrisanayso in qoraagu isku darsaday, aqoon, daacadnimo, farshaxannimo, khayr jacayl, fiirodheeri, fahan sarrayn. Tolstoy waxa uu si fudud innagu soo hordhigayaa, werwerka iyo walbahaarka ka haystay, macnaha jiritaanka, nolosha iyo guud ahaanba ujeeddada abuurka. Waxa uu ku qiranayaa halkan, wax ay adagtahay in dadka badankoodu qirtaan, taas oo ah in uu ku hungoobay waxii uu aqoon, lacag iyo qoys dhisayay, in uu ka helo macaan nololeed iyo naruuro jiritaan. Dadka badankoodu, waxa ay u noolyihiin, in ay iska gadaan dadka kale, Tolstoyna, waxa uu ku nuuxnuuxsanayaa in uu isaguba muddo dheer, wax u qori jirey, laba ujeeddo uun, tan koowaad oo ah; in uu hanti badan abuuro iyo tan labaad oo ahayd in uu sumcad ka helo dadka. Tolstoy, waxa uu kusoo ururiyay nolosha iyo macneheeda ereyadan soo socda:
`Iimaani la’aani waa nolol la’aan. Meel kasta oo nololi ka jirtona Iimaan ayaa ka jira. Haddii aad iimaanka beesho, nolosha macne maaddi ah sinaba uguma samayn karaysid. Hantida, sumcadda iyo carruurtuba, wax dhadhan ah kuu yeelan maayaan haddii aad iimaanka beesho.Aqoonta Sayniska iyo Falsafadda, laguma ogaan karo macnaha kaddanbeeya jiritaankeenna. Noloshu waa Iimaan`
Hadalladaas oo dhammi waxa ay ku qoranyihiin buuggan, iyaga oo meelo kala duwan iyo xaalado kala duwan uu qoraagu ku keenayo. Macnihii uun ayaan innoo soo koobay imminka. Dhanka kale, Tolstoy, waxa uu buuggan si yaqyaqsi ku jiro ugu dhaleecaynayaa, waxyaabaha wadaaddada diimuhu Iimaanka la dhex joogaan ee ah hanti urursiga iyo sumcad raadiska. Waxa uu leeyahay iyaga iyo Allekoodku waa hal shilin, labadiisa dhinac, Iimmankooduna wadaaddada waa mid been ah oo ay ku gabraartaan. Cadaawadda, islawaynida, ismahadinta iyo isdilka ka dhex jiira, kooxaha diimaha ayuu ku tilmaamayaa in ay yihiin, wax Iimaanka saxda ah ee xasilloonida lagu helayo liddi ku ah, qof kasta oo damiirkiisa fiican raacayaana aanu sinaba u aqbali Karin in Eebbe waxaas liita uu dadkiisa amrayo amaba u oggolaanayo.
Farriinta buuggani sido, marka laysku soo xooriyo waa labadan qodob:
1. Macnaha nolosha, macaanka nolosha iyo fahanka ujeeddada jiritaankuba, waxa ay ku jirtaa, in aad iiman yeelatid oo Eebbe ku xidhnaatid.
2. In aadan waxyaabaha diimaha loo tiiriyo, ee cadaawadda, isnacaybka, isdilka iyo isgaalaysiinta ah, sinaba Eebbe ugu tiirin. Waa waxyaalo liddi ku ah damiirka fiican iyo rumaynta saxda ah.

Intii aan wax akhriyay ma akhrin qoraal iga saamayn badan kan aad waxan Ula dhacay leo Tolstoy qaabka farshanka ku dhehen uu wax uu dhigayo waana waqica maanta taagan si gaar ahana Waxan uu Mahadinaya Ustaaadka- qoraalka ku fara yareestay iyo bahada madasha
Runtii Qormo Ka Cajiibsan Inahaamba Ma Akhrin Sida Farshaxanka leh ee uu Tolstoy Usoo bandhigaayo sheekadiisa Iyo Tusaalooyinka Cajiibka Ah ee Hammiin walbo wax ku fahmi karo , waa Qormo Aan aad ula dhacay , Mahadi Haka Gaarto walaalka noosoo Koobay
OMAR Hassan