Dhaqaalayahan Mareekan ah ayaa baabka aqoonta ardeyga maanka laga xiray ee jaamacadda si fiican ugu hadlay, kaasi oo uu ugu magac daray “The case against education system”. Si lamid ahna waxaa ka hadlay Elon Musk, markaas uu yiri, “jaamadaha waa meelo qaraaxo, oo aan eheyn goob waxbarasho”. Sidoo kale waxaa jiro qoraalo badan oo dhankaasi laga sameeyay. Laakiin aniga waaqica ardeyga Soomaaliga ee jaamacadda dhigto baan kaga hadlaya qoraalkaan iyo waxa la gudboon si uu fahmo daruufaha iyo waxa dhabta ah ee ka jiro dalka.
Si guud nidaamka jaamacadaha waa duni boqolaal sano ka hor ah, oo u baahan in si siman looga guuro oo nidaam kale oo waxbarasho sare dunida soo hindisto, ayada oo ka faa’ideysaneysa tiknoolajiyaddaan casriga ee wax waliba basiidka ka dhigtay. Waqtiga jaamacadda waa sanado badan oo kaaga dhammaan doono faasidnimo iyo in aadan waxba qabsan, oo hankii iyo wax waliba kaaga lumaan, gaar ahaan kuwa Soomaaliya.
Dhibaatadaasi guud ayada oo lagu qabo, hadane kuwa Soomaalida waxaa u raaca nusqaan ay kuwa kale dheeryihiin, oo aysan ka soo bixin ardeygii laga filayay in ay ku soo saaran mudo sanado ah, inta ugu badan waa goobo lacago looga qaato dadka, kaliyana laga qaato warqad maran oo aysan aqoon iyo anshax la socon, sidaasna ku soo baxaan boqolaal aan waxba qabsan karin, una lug xiran warqaddaasi ay sanadada sugayeen. Ardeyda jaamacadaha Soomaaliya waa ay kala dhaqamo duwanyihiin, laakiin jaamacadaha waxba isma dooriyaan.
Bulshada Soomaalida fahanka jaamacadda ayaa yar, waxaa laga yaaba ardey badan oo jaamacadda sanado ku bixiyay, kaliyana si ay mustaqbalka shaqo ugu helaan waxii ay barteen, sidoo kale dad waxaa jiro jaamacadda u galay facaaga baa galay uun, laakiin ardeyda dedaalka badan ee halkaasi laga tusiyay wax mustaqbal la dhaho oo ku xiran darajada imtixaanaadka laga qaado ayaa ayagana badan, intaasiba waxaa lumaya fahankii aqoonta ee jaamacadaha loo furay iyo in uu ardeyga halkaasi kala tago aqoon wacyi leh oo ku filan si uu wax u fahmo. Sidoo kale waxaa jiro daruufo guud oo ardeyga ka celineysa in uu fahmo waaqicaas uu ku dhex jiro.
Dhaqanka ardeyga Soomaaliga, waa in uu exam xifdiyo ama qisho si uu u keeno darajo sare taasi oo loo sheegay in ay mustaqbalkiisa ku xirantahay, laakiin qofka marka uu banaanka imaado waaqica dhabta ah ka duwan waxii horay uu maskaxdiisa ka sawiranayay kadib marka uu jaamacadda dhameeyo. Ardey si uu wacyi shaqo iyo mid aqooneedba kugu dhismaan marka Soomaaliya la joogo dhowr arrin baa laga yiri, kuwaas oo ka tarjumayaan waaqica Soomaalida.
1) Waxa aad sameydaa wax is barid, oo ah in aad akhrido wax ka baxsan islaadyada laguu dhigo kuwaas oo kugu soo kordhin karo wacyi aqooneed iyo xirfado(self education).
2) Dhis saaxiibo badan, oo kaaga horeeyo waxa aad rabtid mustaqbalka oo kaligiisa daaqe ha noqon.
3)Goobaha shirkadaha iyo meelaha shaqada laga helo ka agdhowow, oo ka hor inta aadan dhameyn suuqa is geey.
4) Qabiilkaaga iyo qaraabadada hoose ka warqab oo fursadaha qabiilnimadana isku dey in aad ka faa’ideysato.
5) Cashirka jaamacadda si cilmi dib ugu soo soo daraasey.
6) Noqo qof akhlaaq wanaagsan oo dadka la dhaqmi karo.
Tixraac; 1)https://blogs.lse.ac.uk/lsereviewofbooks/2018/05/30/book-review-the-case-against-education-why-the-education-system-is-a-waste-of-time-and-money-by-bryan-caplan/
W/Q: Saabir Boogle
