Xukun Islaam Maka Jiri Karaa Soomaaliya?

W/Q: Axmed Sanwilwilo

Dawlinimada Soomaaliya iyo dastuurkeedu waxa ay soo mareen marxalado kala duwan, markii ugu horreeyay ee ay Soomaaliya heshay dastuur waxa ay ahayd 1960kii, israacii labada gobol, kaas oo la ansixiyay 1961dii iyada oo loo maray afti dadweyne. Dastuurkaasi waxa uu diinta dawladda ku qeexay diinta Islaamka, waxaase jiray shuruuc kala duwan oo uu ka soo qaatay guumaystihii, taas oo bar bilow u noqotay in ay dhalato dood ku aadan helitaanka wax loogu yeedhay Xukun Islaami ah. 1969kii markii uu yimi nimaadkii Kacaanka ee Maxamed Siyaad waxa uu laalay dastuurkii dalka, waxa uuna mid cusub dib u yagleelay 1979kii, inkastoo uu Islaamku ahaa diinta rasmiga ah, haddana waxaa jiray meelo badan oo ay dawladdii kacaanku ku burisay arrimo diinta khuseeya oo laga xusi karo sharcigii qoyska ee loo dilay wadaaddo ka soo horjeestay. 1991 markii ay dhacday dawladdii dhexe ee Soomaaliya dalku waxa uu galay xaalad fowdo ah illaa 2012 oo laga ansixiyay dastuur ku meel gaar ahna ma jirin wax dastuur ah oo dalka ka shaqeeya, tanina waxa ay xoojisay in ay soo baxaan ururro kala duwan oo qaarkood ku doodayaan in ay dalka ka hirgalinayaan xukun Islaami ah oo xoog ku dhisan, taas oo aan laga talagalinayn shacabka Soomaaliyeed ee la rabo in la xukumo. Sannadkii 2006dii ayay ahayd markii ay soo baxeen Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah, kuwaas oo doonayay hirgalinta Xukun Islaam, kolkii laga adkaadayna waxa ay dhashay fikirka xaragada Al-Shabaab oo illaa hadda u dagaalamaya hirgalinta Xukun Islaami ah oo badi Soomaalidu u aragto xukun aan matalayn magaca Islaamka, maadaama aanu hab dhaqanka kooxdani ka turjumayn astaanta diinta Islaamka ee nabadda. Kolka laga yimaado xarakooyinka ciidanka iyo awoodda adeegsanaya, waxaa kale oo jira dadyow qaba hirgalinta Xukun Islaami kaas oo aanay marnaba soo bandhigin dood iibgayn karta oo xasilin karta dalka, waxaana muuqata kooxaha isku dayay hirgalinta xukunkaas ay abuureen khalkhal iyo deganaan la’aan, sidoo kale, shaki galinta dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya oo isagu qodobkiisa labaad oo ka kooban saddex farqadood ku xusaya sidan:  “1. Islaamku waa Diinta Dawladda. 2. Diin aan ahayn Islaamka laguma faafin karo dalka. 3. Lama soo saari karo sharci aan waafaqsanayn Shareecada Islaamka iyo Maqaasiideeda.” Sidoo kale, qodobka saddexaad farqadda 1aad iyo 2aad ayaa xusaysa; “1. Dastuurka Soomaaliya waxaa saldhig u ah Qur’aanka Kariimka ah iyo Sunnada Nabigeenna Muxammed (NNK), wuxuuna ilaalinayaa maqaasidda shareecada iyo caddaaladda bulshada. 2. Soomaaliya waa dal Islaam ah, kana mid ah ummadaha Afrikaanka iyo Carabta.”. Haddaba dadka ku dooda in ay doonayaan dastuur aan ahayn midkaas ayaan caddayn waxa dhabta ah ee ay rabaan, kolka laga reebo magaca ay ku dhawaaqayaan ee Xukun Islaami ah. Waxa ay dad badan qabaan in magaca Xukun Islaami ah uu yahay jahwareerin oo aanay ku sallaysnayn Islaamka, maadaama aanay ficillada argagixisadu ka muuqan waxa ay diintu ina farayso.

Qoraalkan aynu faallada ka dhiibanayno waxaa Wardheernews ku baahiyay Ismaaciil Cali Ismaaciil (Geeldoon) oo ah qoraa iyo falanqeeye siyaasadeed, sidoo kalena ka tirsanaa Shaqaalaha Rayidka Soomaliya ugana digarogtay Qaramada Midoobay, waxa uuna in badan ka soo shaqaynayay arrimaha ku saabsan dawlad dhiska. Sida uu qoraagu sheegay, qoraalkani waxa uu ka dhashay qoraallo looga hadlayay falcelinta ay wadaado Soomaaliyeed ka sameeyeen muuqaal la soo jarjaray oo aad ugu baahay baraha bulshada sannadku markuu ahaa 2016kii, muuqaalka baahay ayaa la duubay sannadku markuu ahaa 2014kii, waxa uuna daaranaa dood ku saabsan qaybsiga awoodda ee guddoonka Soomaaliya ayna soo qabanqaabisay madasha Fagaaraha. Doodan waxaa marti ku ahaa saddex aqoonyahan, balse, muuqaalka faafay waxaa ka soo muuqday Faysal Rooble iyo Maxammed Cabdi oo la su’aalay in Soomaaliya lagu dhaqi karo diin, taas oo khusaysa mawduuca aan ku falanqaynayno maqaalkan. Faysal Rooble waxa uu ku jawaabayaa ‘maya’ waxa uuna jawaabtiisa raacinayaa sabab, taas oo ah in ay jiraan dad badan oo suurad xumaynaya diinta, tan uu rabo in lagu dhaqo dalkana ay tahay midda ay halgamayaashii hore ee Soomaalidu u dagaalameen, kuwaas oo uu ka xusayo Axmed Guray, saaxiibkiis Maxammed Cabdi oo isagu mawduuca aad gudaha ugu sii galaya ayaa ammaan kala dul dhacaya nidaamka reer galbeedka siiba Maraykanka, waxa uu ku doodayaa in Maraykanku inaga caqli badan yahay, maadaama uu kala saaray diinta iyo dawladda lagu daydo isaga. Faysal Rooble oo aragtidiisa u xusay si ka duwan sida Maxamed, haddana waxaa muuqata in jawaabtiisa ahayd ‘MAYA’ markii lagu kabay tan Maxammed ay ka soo baxday in eedo badan loo soo jeediyo, heer xukunno kala duwan loo jeediyo. Wadaado dhawr ah ayaa ka hadlay oo uu ugu horreeyo Sheekh Umal.

Ismaaciil Geeldoon qoraalkiisa Xukun Islaam Maka Jiri Karaa Soomaaliya? Waxa uu ooga hadlayaa afar mawduuc oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah; Wadaadada Soomaaliyeed, Aqoonyahanka Soomaaliyeed (marka laga reebo Wadaadada), nabadda iyo horumarka ay ku astaysan tahay diinta Islaamku iyo baaqa dastuur Islaami ah. Sidoo kale, Ismaaciil Geeldoon, marka uu ka hadlayo wadaadada iyo aqoonyahanka, waxa uu si aan toos ahayn u tilmaamayaa saamaynta ay argagixisada ku leedahay doodahaas. Qoraalku waxa uu ka waramayaa dhiiranaanta wadaadada Soomaaliyeed ee ay mar walba ku dhiiradaan arrimo aanay aqoon u lahayn oo ay ugu badan tahay arrimaha maadigu, waxa kale oo uu ka waramayaa sida aqoonyahanka (Secular Education; Aqoonta Maadiga) Soomaaliyeed iyaguna ugu dhiiradaan in ay ku dhex raftaan arrimha diinta iyaga oo aan aqoon u lahayn, sidoo kale waxa uu ka sheekaynayaa wanaagga Diinta Islaamka iyo sida aan diinta loogu suurad xumayn karin ficillo ay sameeyeen kooxo sheeganaya magaca diinta. Ismaaciil waxa uu ku doodayaa in aanay reer galbeedku kala saarin diin iyo dawlad ee ay kala saareen kaniisad iyo dawlad, waxa uuna burburinayaa doodda salka ku haysa calmaaniyadda ee dhahda; “reer galbeed, diinta iyo dawladda way kala saareen ee aan kala saarno”, wuxuuna tilmaamayaa in aan Kaniisaddu ahayn Masjidka oo kale, Baadiriyaduna ahayn Wadaadada oo kale. Isla jeerkaasna waxa uu burburinayaa doodda xagjirka ee salka ku haysa waxa aan dalka ku xukumaynaa Diin aan hab dhaqankeedii ka muuqan cidda ku baaqaysa, waxa uuna taageerayaa in iyada oo Diinta la tixgalinayo ay dadku ka Shuuraan arrimaha khuseeya.

Qaybta Wadaadada Soomaaliyeed waxa uu qoraagu ku xusayaa qaladaadka ay wadaadada Soomaaliyeed galaan, waxa uu ku sheegayaa sida fudud ee ay waddaadadu uga hadlaan arrin walba oo soo kordha oo qaarkood aanay u baahnayn aqoon diimeed, waxa uu xusayaa sida wadaado badan oo Soomaaliyeed aanay ummadda ugu hogaamin karin jidkii ay mareen muslinkii horumarka u saaxiibka ahaa ee gaaray illaa Isbayn. Waxa uu xusayaa Ismaaciil, sida ay u fududaatay in la soo saaro fatwooyin kala jaada iyo in aanay wadaaddadu aqbali karin dadka ka aragtida duwan aanayna ku qancin karin waxa ay ka waramayaan, beddelkeedana ay shaanbadaynayaan. Dhibtan jirta ayuuna ku sababaynayaa in ay noqotay musiibo horseeda in xukunka Islaamka looga falceliyo si aan qummanayn, dhalintuna ay ka soo horjeesato.

Sidoo kale, qaybta Aqoonyahanka Soomaaliyeed inta aanu qoraagu u guda galin waxa uu su’aal galinayaa cidda loogu yeedhi karo aqoonyahan, sharaxaad kooban uu bixinayo ka dib, waxa uu xusayaa in uu isagu qoraalkiisa ugu adeegsanayo aqoonyahan dadka qaatay ugu yaraan shahaadada koowad ee jaamacadda ee mara habka nidaamiga ah ee ku sallaysan maadiga, kuwaas oo isu tixgaliya casriyowga ama is reer galbeedaynta. Eedda koowaad ee uu qolyahan dusha ka saarayo Ismaaciil waa in aanay dhaadanayn ilbaxnimada Islaamka iyo doorka ay dunida ka gaystay, waxa uu sheegayaa in badanka qolyahan uu adduun aragoodu ku kooban yahay taariikhda dhow ee reer galbeedka ayna aaminsan yihiin in ilbaxnimada reer galbeedku ay iyadu iskeed isu dhistay. Waxa uu tilmaamayaa in qolyahani ay arkeen dibu dhaca dalalka islaamka iyo muslimiinta, ka dibna ay eedda dusha ka saareen diinta Islaamka, taas oo tusinaysa aqoon yarida ka haysata diinta. Waxa uu qoraa Ismaaciil xusayaa in badanaa aqoonyahanka Soomaaliyeed aanay akhrin Quraanka, haddii ay akhriyaanna aanay fahmin, dooddiisan waxa uu ku xoojinayaa hadal uu Sheriff Baca ka jeedinayo Aqalka Wakiilada Maraykanka, kaas oo u dhigan; “Waxaa jira muslin badan oo aan garanayn waxa uu Quraanku ku saabsan yahay[ka hadlayo]…. Dadkani maba garanayaan waxa ku hoos jira kitaabkooda.”

Ismaaciil waxa uu xusayaa in uu la kulmay qaar ka mid ah aqoonyahanka Soomaaliyeed kuwaas oo aaminsan in Quraanku yahay wax xilligiisii la dhaafay ama aan la jaanqaadi karin waayaha. Wuxuu ku tilmaamay in ay yihiin dad aad isula wayn oo isu haysta in ay yaqaanaan wax walba, qaarkoodna ayba haystaan shahaadada koowaad ee jaamacadda. Waxa uu si gaar ah u sheegayaa nin uu yaqaanay oo qaatay shahaadada PhD-da kolkii uu dalka ku noqdayna ka hadlaya Quraanka, kaas oo uu aad ula yaabay, sababtuna ay tahay in uu ogaa in ninkaas ay ku adkayd akhrinta Carabidu, mar uu u sheegay in aanu u qalmin in uu Quraanka wax ka sheego maadaama ay akhriskiisuba dhibayso uu ka xanaaqay, waxa kale oo uu u sheegay in uu iska tuuro shahaadadiisa PhD-da maadaama aanay u kala sheegayn waxa uu yaqaano iyo waxa aanu aqoon. Waxa uu intaa raacinaya in shahaado walbaa aanay laysan u ahayn in uu qofku wax ka sheegi karo wax ka baxsan waxa uu ku takhasusay, sidoo kale, waxa uu qoraagu intaa ku darayaa in ay muhiim tahay in aqoontu ina barto is hoosaysiinta oo haddii uu qof damco in uu wax ka dhaho arrimaha diinta, Quraanka ama Nabiga, uu marka hore darso ama miisaamo arrimaha ku gedaaman, si uu uga dhawrasado ceebaynta.

Qaybta Islaamku Waa Diin Nabadeed iyo Horumar waxa uu qoraagu ku doodayaa in aan lagu dhaliili karin diin wax aanay iyadu ku barayn oo haddii ay dadka aaminsan sameeyaan dhaqamo aan diinta ku soo aroorin oo xun xun aan lagu dhaliili karin diinta. Waxa uu xusayaa dhaqamo xun oo ay dad Kiristaan ah sameeyaan oo ay ugu horrayso tii Holocaust iyo in dad Kiristiyaan ah ay yihiin kuwa sameeyay hubka laysku gumaado ayna isla iyagu isticmaalan, haddana aanay u qalmin in diin loo nisbeeyo dhaqankooda, sidoo kale, aanayba jirin dad u tiiriya dhaqamadooda diinta Kiristanka. Kolkuu intaa kawaramo ayuu Ismaaciil is waydiinayaa sababta loogu dhaleeceeyo diinta Islaamka dhaqammo ay sameeyeen dad anshax xun oo raacsan diinta Islaamka. Waxa uu Ismaaciil ka waramayaa sida ay diinta Islaamku u tahay diin nabadeed, waxa uu xusayaa in aqoonyahankii hore ee diinta bartay ay ku tilmaameen in diinta Islaamku tahay wax ka sarreeya diin oo kaliya oo ay tahay wadiiqada nolosha. Waxa koowaad ee caddaynaya in Islaamku yahay diin nabdeed ayaa ah salaanta laysku salaamo, waxa uuna tirinayaa astaamo badan oo sheegaya qiimiga uu diintani u lee yahay nolosha bini’aadanka oo ay igu horrayso sida ay u dhiirigalliso in muslinku ka shaqeeyaan wixii horumarinaya noloshooda. Sidoo kale, waxa uu qoraagu xusayaa sida ay Muslimiintu wax badan ugu darsadeen aqoonta iyo horumarka dunida, ay diinta Islaamkuna ugu dhiirigalisay, waxa uu sheegayaa waxtarkii ay muslimiintu ka gaysteen maadooyinka Xisaabta, Caafimaadka, Kimistariga, Falsafadda iyo qaar kale. Ismaaciil waxa uu lee yahay diinta Islaamku waa diin qurux badan, dadka aaminsanna maaha malaa’ig oo waxaa ka dhici kara qaladaad. Waxa uuna sheegayaa in dad badan oo muslin ah ay hadda ka tageen dhaqanka quruxda badan ee la jaanqaadaya xilli walba, kuwaas oo aysan ka muuqan diintoodu, waxa uuna tusaale u soo qaadanayaa aqoonyahankii muslinka ahaa ee reer Masar, Sheekh Maxamed Abdu, oo Faransiiska tagay 1844, markii uu Masar ku soo noqdayna yidhi; “waxa aan ka soo laabtay dal aan dadkiisu muslin ahayn, balse haysta dhaqan Islaam, waxa aanna ku soo laabtay dal uu dadkiisu muslin yahay, balse aan haysan dhaqan Islaam.” Isaga oo ula jeeda in uu Faransiiska kala kulmay wixii ay diinta Islaamka dadka fartay ee ahaa runta, daacadnimada, hore u socodnimada iyo ku qaabilidda dadka waji qurxoon oo furfurin, balse uu dhaqankaa wanaagsan ka waayay Masar. Ismaaciil markuu taa xuso ayuu is weydiinayaa sababta ay dad badan oo dhaqankoodii asalka ahaa ka tagay ay ugu hadaaqayaan “Xukun Islaam”.

Qaybta Baaqa Dastuur Islaami Ah oo uu qoraagu kaga hadlayo dastuurka waxa uu bilowgaba xusayaa in mabda’a aasaasiga ah ee dawladnimada Islaamku yahay Shura (Wadatashi), sidaas darteedna ay muhiim tahay in dadku ay ka tashtaan arrimahooda oo ay dhistaan nidaam ku haboon daruufahooda iyo xaaladaha cakiran ee haysta. Taasi waxa ay meesha ka saaraysaa rabitaanka ay kooxaha sheegta in ay u dagaalamayaan xukunka Islaamka aanay doonayn waxa Islaamku farayo. Waxa uu tilmaamayaa in dimuqraadiyaddu lee dahay habab iyo nuxur guud, waxa uuna tibaaxayaa in hababku ay kala duwanaan karaan oo loo jeedin karo hadba dhankii lagu heshiiyo. Sidoo kale, waxa uu tilmaamayaa in aanay abid dhicin in la qoro oo la hirgaliyo ‘Dastuur Islaami’ oo wata magacaas, isku dayo kala duwan oo dhacay ayuu xusayaa oo ay ka mid tahay tii uu sameeyay aqoonyahankii reer Pakistan ee Muxamed Assad, balse uu ka fashilmay. Si cidda xiisaysa mawduucan uu fahankeedu u soo dhawaado, waxa uu qoraagu ku talinayaa akhriska buugga Asad ee “The Principles of State and Government in Islam”. Waxa uuna caddaynayaa in wadatashiga bulshada lagu yagleelo dastuur, salna looga dhigo diinta Islaamka sida midda Soomaaliya, iyada oo la raacayo qodobka Wadatashiga.

Kaalinta dastuurka Soomaaliya ee Islaamka ku salaysan iyo saamaynta argagixisada ayaa ah arrin muhiim ah oo aan laga fursan karin marka laga hadlayo doodaha xukunka Islaamka ee uu Ismaaciil Geeldoon ku soo bandhigay qoraalkiisa. Si loo fahmo sababta ay wadaadada iyo aqoonyahanka ugu kala qaybsan yihiin aragtida dastuurka, waa in la eego taariikhda dastuurka Soomaaliya iyo sida argagixisadu ugu horseedeen muran dheeraad ah. Sida uu xusay Geeldoonna, ma jirto dawlad hirgalisay wax loogu yeedho Dastuur Islaami ah oo ka madax bannaan wadatashiga bulshada oo ah midda ay u doodayaan kooxo kala duwan oo qaarkood argagixiso lagu tilmaamo, sidoo kale, dawlado badan oo sheegta in ay hirgaliyeen xukun Islaami ah ayaanu ka muuqan waxa uu farayo Islaamku, xukunnadoodana waxaa ka dhashay ficillo foolxun oo ay ka mid tahay; dadqalatanimo, xorriyad la’aan, kala gurista dadka iyo in diinta loo fasiro sidii ay ugu roonaato hadba xukunka doonaya in uu dadka qabsado.

Geeldoon waxa uu xoojinaya in aanay Soomaaliya u baahnayn fikirrada ma dhalayska ah ee ku saabsan arrimaha Calmaaniyadda iyo Diinta ee ay Soomaaliya u baahan tahay dawlad saldhigata oo shaqaysa, maamushana dhammaan dalka. Sidoo kale, in Soomaaliya u baahan tahay dastuur falanqeeya rabitaankeeda siyaasadeed. Waxa kale oo uu ku talinayaa in la sameeyo Gole Diimeed iyagu ka shaqeeya arrimaha aan looga maarmayn wadaadada oo ay ka mid tahay arrimaha qoysku (Guur, Furitaan… iwm) iyo ku dhawaaqista maalmaha xuska diinta. Waxa uu Geeldoon cod dheer ku sheegayaa in dastuurka Soomaaliya yahay Dastuur Islaami, lana sixi karo haddii ay soo baxaan qaladaad yar yar, saas darteedna aanay koox yari xumayn karin aragtida diinta Islaamka, iskana dooni karin wax ay ugu yeedhaan Dastuur Islaami ah oo aan daqankeedu iyaga ka muuqan. Waxa uuna qoraalkiisa ku soo gabagabaynayaa baaq uu Muslinka ugu baaqayo in ay noqdaan dad nabdeed oo horumarka ka shaqeeya taas oo ah midda waafaqsan waxa ay diinta Islaamku barayso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *