XARFAHA LABALAABMA
HORDHAC
Farta luuqaddeenna af Soomaligu waxa ay ifka u soo baxday kontan iyo kaw sano ka hor, waana luuqad la odhan karo : inta ay jirto iyo qaadka awooddeedu way is la ekaan karaan haba yaraato dib u habaynta iyo dedaalka lagu wada e. 1972 waxay ahayd ammintii lagu dhawaaqay in afku yeeshey qoraal u gaar ah, waana dedaalladii ay muujiyeen dawladdii kacaanku kii ugu dheefta badnaa, sannad kadib na (1973) waxa la hirgelayey fartan maanta aynnu adeegsano. Guddidii wadey qaban qaabinta iyo hirgelinta hawshani marka dhan laga eego way dedaaleen, marka dhan kale laga eega [na] waxa jira gaabisyo iyo qabyo ay farteenna Soomaaligu ilaa maanta la daalaa dhacayso..
Waxa jira dad badan oo qalinka u qaatay in ay qabyo tiraan farta, waana dedaallo la mahadiyo. Haddaba, farta meelaha ay qabyada ka tahay waxa ka mid ah : xarfaha labalaabma ama shedka. Inta aad ku jirto akhrinta buuggaagta, wargeysyada iyo ilaha xogaha laga helo wax yaabaha ugu badan ee aad arkaysaa waa in xarafka labalaabma aan la dhigayn meeshii ku munaasabka ahayd ee la dhigayo meel kale ama laga tegaya ba labalaabka. Haddii aad tahay qof xiiseeya wax qorida in aad barato xarfaha labalaabma waa muhiim, waxayna kaa dhigi qoraa uu akhristuhu ka helo qoraalkiisa. Qormadan soo socota waxaan in yar ka taataaban doonaa meelaha xarfuhu labalaabmaan ee u baahan ogaalka xeesha dheer, qabyo tirka hawsha [na] waxaan u dayn doonaa dadka igaga xeesha dheer cilmigan..
Guddidii ka shaqaynaysey farta iyo hirgalinteeda waxa ay isku raaceen, in ay labanlaabmaan xarfaha af Soomaaliga keliya toddoba xaraf oo kala ah : B, D, R, G, L, M iyo N. Erayada qaar ayaa asal ahaan u wata dhawaaq adag, qaarna waxaa adaygga ku keena isrogrogga naxweed. Kuwa asal ahaanta u wata xaraf dhawaaqiisu adag yahay waxa loo qaybin karaa labo: kuwo xarafku uusan keli ahaantii u lahayn dhawaaq adag iyo kuwo uu xarafku asal u leeyahay dhawaaq adag.
ERAYAD ASAL AHAAN U WATA DHAWAAQA
B: kubbad, Cubbe, Dubbe, abbaar, aabbe, Eebbe, dabbaal, shibbane.
D: caddaan, caddaalad, dheddig, guddoomiye, muddo, gooddi, waddo, toddoba.
R: carro, Barre, curri, jirrid, carrab, qorrax, berri, farriin.
G: higgaad, hoggaamiye, hoggaan, higgo, eegga.
L: ballan, Alle, dheelli, Doollo, duullimaad, kallahaad, jillab,illin.
M: lammaane, ammaan, ummad, qummaati, hummaag, dummad, ammaano, dhammaan.
N: cunno, sinnaan, bannaan, shinni, sunne, xannaano, sannad, janno.
QODOBBADA (-DA IYO –GA)
Qodobku waxa uu ka mid yahay qaybaha hadalka, waxa uuna cayimaa magaca. haddii magac uu raaco qodob waxa uu ka dhigayaa mid la isla garanayo. Tusaale : buug—buugga. Marka la dhaho buug waxa ay ku dhacaysaa buug oo dhan, ka loo jeeddana lama garanayo. Haddii se la dhaho buugga waxa uu noqonayaa mid cayiman (la isla garanayo).
QODABKA—DA
Waxa jira erayo ku dhammaada d marka lagu daro qodobka waxa la qorayaa laba d oo midi ay tahay erayga kii uu ku dhammaanayay, midna tahay qodobka da midii la socotay. Tusaale : erayga warqad waxa ugu danbeeya xarafka d, lamana garanayo mid loo jeedo, laakiin marka aan rabno in aynnu ka hadalno mid gaar ah waxa aan raacinaynaa qodobka da oo raaca magacyada dheddiga ah.
Warqad + da = warqadda
TUSAALEYAAL
Warqadda, badda, malqacadda, wasaaradda, wasiiradda, nabadda, qaafiyadda, xabbadda, waddaniyadda, shirkadda, daasadda, nadaafadda, niyadda, dawladda, xawaaladda, iwm.
QODABKA –GA
Waxa jira erayo ku dhammaada g marka lagu daro qodobka waxa la qorayaa laba g oo middi ay tahay erayga kii uu ku dhammaanayay, midna tahay qodobka ga middii la socotay. Tusaale : erayga dhiig waxa ugu danbeeya xarafka g, lamana garanayo mid loo jeedo, laakiin marka aan rabno in aynnu ka hadalno mid gaar ah waxa aan raacinaynaa qodobka ga oo raaca magacyada labka ah.
Dhiig + ga = dhiigga
TUSAALEYAAL
Dhiigga, dhuugga, diigga, taagga, togga, mugga, luugga, ragga, ruugga, maragga, uddugga, unugga, edegga, iwm.
DIBKABAHA—NIMO
Dibkabaha—nimo waa xaalad ka mid ah xaaladdaha keena labalaabka xarfaha. Dibkabahani labanlaabmidda n-da laba mar ayuu keenaa, waxayna kala yihiin : :
1) Marka uu raaco eray ku dhammaada shibbanaha n, sida :
Nin + nimo = ninnimo
Islaan + nimo = islaannimo
Doqon + nimo = doqonnimo
Macallin + nimo = macallinnimo
Marka uu raaco magac ku dhammaada shaqal, sida : 2)
Qani + nimo = qaninnimo
Soomaali + nimo = soomaalinnimo
Rag [a] + nimo = ragannimo
Qaxooti + nimo = qaxootinnimo
XUSUUSIN
1. Labalaabidda shibbanaha d mararka qaar waxay ku xidhin tahay lab iyo dheddig midka eraygu ku saabsan yahay.
Tusaalayaal
Alaabtii Cabdi siday iyo alaabtii Caasha sidday.
Gaadhiga uu Cabdi wado iyo gaadhiga ay Caasha waddo.
2. Waxa jirta mar xarafkii labalaabmayo wadarayn awgeed.
Keli : waxaan xoojin doonaa
Wadar : waxaan xoojin doonnaa
Keli : Hodan waxa ay aadaysaa saaxiibaddeed
Wadar : Hodan waxa ay aadaysaa saaxiibbadeed.
TIXRAAC
Buugga NUUN ee uu qoray Muxammed Yuusuf.
Buugga AFKA HOOYO WAA HODAN ee uu qoray Muxammed Baashe X. Xasan.
W/Q : Booyax Macallin
Email : booyaxmacallin@gmail.com
