Jinsiyadda: Yaa Soomaali ah?

Waxaa qoray: Avv. Saadaq Jannaaw

Hordhac

Inkasta oo ay kala duwan yihiin  duruufaha iyo waayaha nololeed ee ay bulshooyinka uu saameeyay qabsanka xuduudaha, haddana waxaa dawladnimada casriga ah (modern state) loo tiirin karaa inay udub-dhaxaad unoqotay ubucda murannada ee laxariiro dhulka iyo xuduudaha dawladaha. Murannada waxay salka ku haysaa isir-raacidda bulshooyinka, maadaama dad isku isir ah, islamarkaasna wadaaga dhaqan, af iyo caqiido kuwaas oo marar badan lakala dhexdhigay darbi leh sharciyad caalami ah. Marka aad dib uraacdo diiwaanada taariikhda waxay indhahaagu qabanayaan sadarrada looga hadlay maamul qabsaday deegaanno ka madaxbanaan si awooddiisa maamuleed u hooskeeno. Haseyeeshee mawduuca laxariira haybta qofka oo dukumenti lagu xero si uu cid gaar ah muwaadin ugu noqdo waa wax la socotay dawladnimada casriga ah, maadaama ay la xariirto xuquuqda socdaalka, doorashooyinka iyo aqoonsiga qofka asal ahaan halkuu ka soo jeedo. Si kastaba ha ahaate, Soomaaliya, waxay kamid tahay dadyowga dhibanaha u ah soohdimadii gumaysiga.

Dastuuradii Soomaaliya ee 1960, 1979, iyo 2012

Arrimaha jinsiyadda la xariiro waxa uu dastuurka Soomaaliya 1960, 1979 iyo dastuurka 2012; si isku mid ah uga hadleen jinsiyadda, waxayna dhammaan uwada uceliyeen xeer gaar ah oo ay tahay in la sameeyo kaas oo noqonayo Xeerka Jinsiyadda Soomaaliya. Xeerkaasi waxa uu koobayaa oo uu go’aaminqyaa wixii hawl ah oo ku saabsan jisniyadda. Waxa uu xeyndaabka xeerka sal u ah weydiimaha; Yaa Soomaali ah? Yaa muwaadin ah? Sidee lagu waayi karaa Jinsiyadda? Qaabkee loo codsan karaa? Yaase codsan karo?

Waxaaa jirto qodobo muhiim ah oo uusan ka jawaabin dastuurkii 1960-kii, taas oo saammayn taban ku leh muranka ku gadaaman sida jinsiyada Soomaalinimada lagu helayo. Sidoo kale arrinta ku saabsan xuduuda dhuleed ee Jamhuuriyada Soomaaliya, maadaama uu dhul iyo dad Soomaaliyeed ay ku jiraan gacanta dawladaha deriska ah, dadkaasi maxaa loo texgelinayaa? Hadii dhulkaasi loo aqoonsado dhul Soomaali leedahay islamarkaasna gacanta dawlada ka maqan, dadka ku nool ma waxay ku xuquuq noqonayaan muwaadinka ku nool xuduud beenaadka Jamhuuriyadda, ma waxay marayaan wadooyinka lagu helo muwaadinnimada, mise waxaa loo tixgelinayaa dad Soomaaliyeed oo ka baxsan dhulka Jmahuuriyada kuna nool deegaan muran xuduudeed uu ka jiro, islamarkaasn waxaa la marsiinayaa wadada Soomaalida ku nool daafaha caalamka.

Inkasta oo doodaadsi ay si guud mar ah kaga jawaabeen dastuurkii 1979-kii iyo 2012-ka, laguna tibaaxay in dhulkaas uu yahay dhul Soomaliyeed oo gacan dawlad kale ku jiro ama dhul uu ka jiro xuduud muraneed oo gobol, laguna baadi goobo wadiiqo nabadeed, si xal sharci ah loo gaaro.

Inkasta oo duruufaha ay dawladda Soomaaliyeed wajahayso ay sabab unoqotay ka gaabsashada arrimo muhiim u ahaa isku haynta dadka iyo dhulka Soomaaliyeed. Hasyeeshee wax kabadalka lagu sameeyay dastuurka 2012-kii, si gaar ahna wax-ka-baddelka lagu sameeyay afarta cutub ee dastuurka ayaa kolka uu ka hadlayay xuduuda Jamhuuriyada waxaa laga reebay in dhul Soomaaliyeed uu maqan yahay ama xuduudo muraneed uu jiro. Waxaa tani sharci ahaan loo fasiran karaa in afarta cutub ee dastuurka oo uu Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyay inay muujinayaan saasaan la xiriirto in kolkaan laga tanaasulaayo dad iyo deegaan Soomaliyeed. Waxa uu dastuurka ku gaabsaday in m

xuduudaha dhulka Soomaaliyed, ay gaarayayaan; Koonfurgalbeed Kenya, Galbeed Itoobiya, Waqooyigalbeed Jabuuti, Waqooyi Gacankacadmeed, iyo Bari oo Badweynta Hindiya. Tanaasulkaani waxa uu horseedi karaa inay sii fogaato murannada ku gadaaman jinsiyadda.

Xeerka Jinsiyadda

Soomaaliya oo ka mid ah ummadaha ay saameeynta taban ku yeelatay kala qoqobka bulsheed, tan iyo xorriyadii waxay ay la daalaadhacaysaa maareynta xaaladaha ahaansho ee dadkaasi, maadaama dhulka ay ku nool yihiini xuduud ahaan uu maray gacanta dawlado kale, inkastoo go’aankaasi aan lagu dhisin aragtida guud iyo rabidda bulshada masiirkooda laga go’aan gaarayay. Si kastaba, wuxuu go’aankaasi reebay uur-kutaallo sababay in kumanaan qof ku nafwaayaan oo uu dhiig badan ku daato muranka sheegashada dhuleed.

Si looga jawaabo weydiinta taabanayso jiritaanka umnadeed ee ah; yaa Soomaali ah, yaase muwaadin ah, ayaa waxay dawladdii Soomaaliyeed soo saartay Xeerka Jinsiyadda oo soo baxay sanadkii 1962-dii. Xeerka kolka uu qeexaayo ahaanshiyaha heyta Soomaalinimada ee Yaa Soomaali ah, waxa uu ku koobay;qof kasta oo asal ahaan, afkiisa ama dhaqankiisu ka tirsan yahay Qaranka Soomaaliyeed, waxaa loo tixgelinayaa SOOMAALI.’ 

Sidoo kale, xeerku wuxuu tibaaxay astaamo ay tahay qofka la yimaadaa in uu noqonayo muwaadin Soomaaliyeed, ayada oo laraacayo shuruudahaan:

B: Qofka uu Aabbihiis uu yahay muwaadin Soomaaliyeed,

T: Qofka Soomaaliga ah ee deggan dhulka Jamhuuriyada Soomaaliya ama dibadda isla markaana cadeeyay inuu diyaar u yahay inuu ka tanaasulo wax kasta oo laxariiro muwaadinimo waddan kale, wuxuu noqonayaa muwaadin Soomaaliyeed isagoo u hoggaansamaya sharciga.

Sidoo kale, ayada oo laraacayo tusaaloyinkaan wuxuu xeerka sheegay in qofka la siin karo dhalasho isaga oo aan isir Soomaali lahayn, si uu jinsiyadda uhelo wuxuu ubaahan yahay in uu ku sifoobo labadaan qodob:

B: Inuu deggenaasho ku lahaa dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya, ugu yaraan todoba sano.

T: Inuu yahay mid dhaqan iyo akhlaaq wanaagsan leh.

J: Inuu cadeynayo inuu diyaar u yahay inuu ka tanaasulo xaalad kasta oo muwaadinimo ama mowduuc kale oo laxariiro dal shisheeye. 

Dhanka kale waxa uu xeerka taqriiriyay qofka ay dhashay hooyo isir Soomaali ah leh, in uu qaadan karo dukumentiga muwaadinnimada, xitaa hadii aysan hooyadaa ahayn muwaadin Soomaaliyeed. Waxay tani ka dhigan tahay; in qofkaasi ay ku qaadanaayso muddo labo sano ah oo uu waddanka ku noolaanaayo, intaa kadibna uu la xuquuq noqdo muwaadiniinta kale.

Xeerkaan ma caddayn waxa uu u yaqaano dibad ama dhul-shisheeye, sigaar ah mawdhuuca laxariiro, dhulka Soomaaliyeed ee maqan, balse waxa uu xeerka furfurayaa sida loo helayo xuquuqda muwaadinnimo, shuruudaha, iyo waajibaadka guud ahaan saaran qof walbo oo Soomaali ah.

Duruufta waxay dabartay in Xeerka Jinsiyada ee Soomaaliya inuusan noqon mid dhaqanga, maadaama xeerkaasi uusan la jaanqaadi karin Datuurka Ku-meelgaarka. Caqbaadaasi oo taagan ayaa haddanea markaad si miir leh u akhriso Xeerka Aqoonsiga Qaranka ee lagu dhisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Qaranka (NIRA), waxaa kuu soo baxayo in aqoonsiga uu yahay kan muwaadinnimo, taas oo macno sharci siineyso in aanu ahayn muwaadin qofka aan haysan kaarka aqoosniga qaranka. Sidaas darteed dhammaan muwaadiniinta iyo kuwa dalka ku jooga sifo aan ahayn dalxiis, waxay dhammaantood xaq u yeelanayaan in la siiyo aqoonsi qaran, oo ay hay’adda bixinaysa, haba loo kala duwo qaabka iyo xogaha. Si kooban, waa inay jamhuuriyadda garan karto muwaadiniinta.

Eebbe weyne raxmadiisa ha siiyee, waxaa jiro wareysi iyo darsi kooban oo uu bixiyay  Prof. Jawaari. Waxa uu Barefasoorka si wax ku ool ah uga hadlay Xeerkii Jinsiyadda ee Soomaaliya. Marka laga tago in uu xeerka faham guud ka bixiyay, haddanna wuxuu is dultaag ku sameeyay xuquuqaha ay tahay inay ku kala duwanaadaan qofka ku nool gudaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo kan aan dagananyn waddanka ee ku nool dhulka Soomaaligalbeed, NfD ama Jabuuti.

Wuxuu sheegay isaga oo tixraac dhab ah ka dhiganayo fasiraadda xeerka, inay waajib tahay qofka ku nool deegaannada maqan in aanu ahayn canshuur bixiye, sidaas darteedna aanu marna uu ku xuquuq noqon karin kan canshuurbixiyaha ah. Waxaa sidaas kaga reeban inuu xuquuq la yeesho sida inuu iska garab sharxo, ama ku cad noqda.

Waxa uu Barefasoor Jawaari ku baaqay, inaan marnaba sidii uu xeerna uqornaa aan loo dabaqin. Waxa uu ku tusaaleeyay oo uu sheegay in taliskii Kacaanka ee Siyaad Barre inay dhaqangelinta arrimahaan aynu ka hadlayno uu ahaa mid ku dhisan arrimo siyaasi ah.  

Haddaba, maxaa talo ah? Qofka Soomaaliga ah ee gumaystuha uu dabar u dhigay ma waxa uu ku mitaysanayaa ciqaab gaarsiisan inuusan ku xaq noqon qof kale oo Soomaali ah?

Duruufaha waa qayb kamid ah waxa aadanaha qaabeeyo oo sooyaalkiisana saamayn ku yeesha. Midnimada dhulka iyo dadka Soomaaliyeed, ee aragtida Soomaaliweyn waa mabda’ ummadeed oo weli si weyn loo aaminsan yahay. Waa aragti ay isku si uwada xambaareen Soomaalida kala aaminsan afkaaraha is diidan. Waxay aragtida ahayd lama huraan loo arko ilaalinteeda mid leh muhimad iyo macno wayn u leh jiritaanka qofka Soomaalga ah. Waxaa isku si u aaminsanaa oo u difaacanaayay dhammaan qaybaha bulshada ee aqoonyahan iyo caamada leh.

Waa dhab, oo su’aal waa la gelin karaa in mabda’aasi midnimada ummada suurtagalnimada in si wax ku ool ah xilligaan looga shaqen karo. Laakiin qodobka muhiimka ah waa in saraakiisha idman ee qaybta ka ah maamulka dowliga ee heer Federaal iyo heer Goboleed inay dhawraan, haddiise cagsigeeda la arko  taasi waxaan dhihi karnaa waa gaabis iyo eed ay mudan tahay in lagula xisaabtamo qofka deedafeeyay arrimaha hortabinta leh ee taabanaayo jiritaanka Ummadda.

Dadka Soomaaliyeed ee ku nool deegannada ay Xabashida iyo Keenyaanku haystaan arrimahoodu waxay mudan yihiin in si gaar ah masuuliyad la isaga saaro. Waa dad aan dooran in dawladaahaasi maamulkoodu ku noolaadaan, haseyeeshee waaqaca abuurmay ee qaraar ayaa ku qasbay inay u noolaadaan qaabkaas. Si ay dabinkaasi kaga tallaabaan oo madaxbannaani u helaan, imise ayaa ku nafweysay? Imise ayaa gablan unoqotay? Halgankii xorriyad udirirka ee jabhadaha wadaniga ah ay garwadeenka ka ahaayeen waxay ujeedadiisu ahayd in dadkoodu madaxbanaanado oo masiirkoodu ayaga gacanta loo geliyo lana noolaadaan Soomaalida ay dhiigga wadaagaan.

Si kastaba ha ahaate, inta ay wax iska baddelayaan waaqaca qaraar, ee dabray dadka deegaanka Soomaalida ee Kenya iyo SoomaaliGalbeed, waxay mudan yihiin in ay ku duruuf noqdaan loona texgeliyo inay ku nool yihiin gudahq Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Doodaydu waxay tahay, dadkaasi iyagu ma dooran cidda uu maamulkooda hoostagaayo.

Inkasta oo aanu hadda dhaqangal ahayn Xeerkii Jinsiyada ee 1960-kii, hadda wuxuu xeerkaasi si bayaan ah u sheegay in qof kasta oo isirkiisu yahay Soomaali inuu Soomaali yahay, ha joogo deegaanka uu doono. Laakiin qofka muwaadinka ah marka indhaha xeerkaasi lala akhriyo waa kan daggan Jamhuuriyada dhexdeeda, ayada oo lagu salaynayo xuduud beenaadkii gumeystaha ka tagay. Waa dhaqangal aan shaacsaneyn ee laga dhadhasan karo hab-dhaqanka maamulka dowladeed ee inoo dhisan.

Hadii ay noqoto in qofka leh isirka Soomaaliga ee ku nool dibadda wadanka ama deegannada la haysto wuxuu ubaahan yahay in uu joogo Somaaliya muddo labo sano ah, intaa kadib wuxuu xaq uyeelanaya in uu qaato aqoonsiga muwaadinnimo, wuxuuna ku xuquuq noqnayaa qofka Soomaaliga ah ee Jamhuuriyadda daggan. Sidoo kale, waxaa xaqaani yeelan karo dadka sifada sharciga ah lagu siiyay aqoonsiga, kuwa deegaan laawayaasha ah, qaxootiga iyo kuwa billad sharafeed ah uhelay aqoonsiga muwaadinnimada ee Soomaaliya.

Marka laga soo tago xeerkaas duuga ah, isagana aan hadda la jaanqaadi karin Dastuurka Ku-meelgaarka, dawladnimada Soomaalida waxaa udub dhexaad u ahayd magaalada Xamar. Waxay ahayd geedka weyn ee gobka ah ee lawada harsado. Waa halka laga ilaaliyo madaxbaaninada iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed ee kala qoqobon. Inkasta oo duruufaha ay wajahayso waqtiyadii dambe ay magaalada Xamar ka dhigtay mid aan awood badan ku lahayn arrimaha masiiiriga ee dadka iyo deegaannada maqan, haddana waxaa weli saasaanta ka muuqataa shacbiga ku nool caasimada sida ay ugu hanwayn yihiin ilaalinta midnamada.

Sidaas darteed, si mar kale loo qeexo yaa Soomaali ah, yaase muwaadin ah, waxaa jaangoyn doona xeer gaar ah oo arrinkaani nidaaminaya. Xeerkaasina waa inoo noqda mid indho wax ku ool ah ku qiimynayo hawlaha xuquuqeed ee uu taabanayo, maadaama isirka qofka Soomaaliga ah uu ku xeran yahay mawduuc xasaasi ah, xuduud beenaaad iyo dhul Soomaaliyeed oo maqan, taasina ay ka dhigayso mid leh arrimo muhiim ah, oo ubaahan in si dhab ah loo qiimeeyo, lana tixgeliyo duruufta ee aan Soomaalida ka maqan gudaha Jamhuuriyadda aan lagu ciqaabin dabarka gumaystaha uu dhigay.

TIXRAAC:

  1. Dastuurkii 1960
  2. Dastuurkii 1979
  3. Dastuurka ku meel gaarka 2012
  4. Xeerkii Jinsiyadda ee 1962

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *