Tarjumaad

Qoraa iyo turjumaan xiiseeya fanka iyo suugaanta.
Meesha tan aan hadda joogo, waxaan dib u daawadaa dul ahaan noloshaydii hore; adduunkii aan ka soo galbaday ayaan gadaal u soo jalleecaa.
Hordhaca Farriinta
Dr. Jane Goodall (1934–2025) waxay ahayd xeeldheere baratay cilmiga loogu kuurgalo baxaalliyada iyo dhalanroganka madaxweynta (primates) ee ay qaybta ka yihiin dadka iyo dirwadaagta la midka ah sida shiimbansiiga, iyo sidoo kale degaanjirto tilmaaman oo boqortooyada Ingiriiska u dhalatay. Waxaa si weyn loogu aqoonsan yahay inay foolaad u ahayd baarista iyo barashada habnololeedka iyo baxaalliga shiimbansiiga. Waxay nolosheeda intii badneyd u hurtay daraasaadka la xiriira habnololeedka iyo taranka shimbaansiiga. Hilaaddii 1960-kii ayay u ambabaxday socdaal cilmiyeed ay ku tagtay dalka Tansaaniya, halkaas oo ay ka billowday cilmibaaris gudaballaaran oo ku saabsan shimbaansiga durjoogga ah ee ku dhaqan beerta qaranka ee Gombe.
Intii a cilmibaaristeeda ku guda jirtay aragtiyaha xusidda mudan ee ay soo bandhigtay waxaa ka mid ah astaamo badan oo shimbaansiigu aadanaha la wadaago sida: adeegsiga agabyada, dareennada murugsan, unkidda xiriirrada waara, kala dhaxlidda waayo-aragnimada iyo ka qeybgalka dagaallo abaabulan. Arrimahani waxay dib u cusbooneysiiyeen aragtiyihii soojireenka ahaa ee carrabaabayay in dadku gabi ahaan ka geddisan yihiin safku-neeflaha kale.
Farriintan soo fool leh ee uu Soomaaliga u rogay Guryasame waa dhambaal ku jiray daqiiqadaha ugu dambeeya ee dukumentariga “Famous Last Words” oo Dr. Jane lagu casuumay bishii Maarso 2025. “Famous Last Words” waa taxane dukumentari ah oo ay Netflix marti geliso, kaasoo lagu qabto wadasheekaysiyo lala yeesho dad kaalingal ah isla markaana la faafiyo geeridooda kaddib.
Dr. Jane Goodall, waxay 1da bishan Oktoobar ku xijaabatay Los Angeles, California iyadoo 91 jir ah. Saddex maalin kaddib geerideeda ayay shirkaddu si rasmi ah u sii daysay dukumentariga. Dr. Jane iskama dhiman; waxa ay ka mid noqonaysaa arwaaxda naadirka iyo lama-illaawaanka ah ee meeraha dhulka cagaha soo dhigay, kuwaasoo geeddisocodka nolosha aadanaha qaaraan loo aayi doono ku biiriyay. Abaalkeeda bur iyo dheeraad. –Aw Saahil
Farriinta Jane Goodall
“Meesha tan aan hadda joogo, waxaan dib u daawadaa dul ahaan noloshaydii hore; adduunkii aan ka soo galbaday ayaan gadaal u soo jalleecaa. Toloow farriin caynkee ah ayaan rabaa in aan reebo? Waxaan doonayaa in aan xaqiijiyo in aad dhammaantiin garwaaqsataan in qof kasta oo idinka mid ahi leeyahay kaalin u gaar ah oo ay tahay in uu buuxiyo. Waa suuragal in aydaan dhaadin, waana suuragal in aydaan haleelin kaalintaas, tiiyoo jirta noloshiinnu waa muhiim, sabab ayaadna halkan u joogtaan. Waxaana rajaynayaa in ay sababtaasina noqon doonto mid idiin muuqata inta aad ku guda jirtaan geeddi-socodka noloshiinna.
Waxaan doonayaa inaad fahantaan; in haddii aad ka soo dhalaashaan kaalinta la idiin asteeyay iyo haddii kalaba ay weli noloshiinnu macno ku turan tahay, dharaar kasta oo aad nooshihiinna ay adduunka farqi ka samaynayso. Idinka ayaana dooranaya jaadka uu noqonayo isbeddelka aad samaynaysaan.
Waxaan rabaa in aad garataan in aynu idil ahaanteen qayb ka nahay abuurta ifka. Xataa maanta oo uu meerahu xaalad mugdi ku jiro weli waxaa bidhaamaysa rajo. Ha rajo dhigina, haddii aad quusataan waxaad noqonaysaan ax-gab farna ma nuuxin kartaan. Haddii aad jaceshahay in aad daba qabato hambada quruxda weli ku sii dambaysa adduunkan ama aad naawilayso in aad meeraha u badbaadiso jiilka berrito, warasadaada iyo waxa ay sii dhalaanba– haddaba aad uga fiirso ficillada aad maalin kasta fasho. Maxaayeelay, xataa ficillada yaryar haddii ay labanlaabmaan milyan jeer ama bilyan jeer waxay horseedi karaan isbeddel laxaad leh. Waxaan rabaa– oo aan jeclaysanayaa in aad fahantaan in noloshan ka jirta meeraha dhulka guudkiisa aysan ahayn kama-dambaystii. Waan rumaysnahay, haatanna waaban ogahay in ay jirto nolol ka dambaysa geerida, iyo in uu baraadku badbaadayo.
Kaagama sheegi karo halka aan ku suganahay siro aanan xaq u lahayn ka warramiddooda. Mana idiin kaga sii sheekayn karo wax aad idinkuba ogaan doontaan cishada aad ka soo carraawdaan meeraha dhulka. Balse waxan doonayaa in aad beerka ka ogsoonaataan in noloshiinna meeraha dhulku wax uun isbeddel ah ka gaysanayso nooca nolosha aad mudan doontaan marka aad dhimataan. Intaa ka gadaal, waxaan rabaa in aad ka fikirtaan xaqiiqada ah inta aynu dul joogno meeraha dhulka in aynu qayb ka nahay Hooyo Abuur. Waxaan Hooyo Abuur magan uga nahay hawo nadiif ah, biyo, dhuuni, marasho, wax walba. Sidoo kale, maadaama aynu marba marka ku xigta burburinayno hadba hannaan isdheellitir degaan oo hor leh, oo aynu abuurayno isbeddel cimilo oo cawaaqib xun, islamarkaana aynu horseedayno hoobashada kalajaadnimada, waxaa inala gudboon in aannu itaalkeenna isugu gayno sidii aynu adduunka uga dhigi lahayn buqcad ku habboon in ay ku noolaadaan ubadka maanta nool iyo kuwa gadaashood imaan doona. Waad haysataan cudud aad isbeddel ku curisaan. Ha is dhiibina, waxaa idinka horreeya aayatiin ifaya.
Ku dhaqaaqa wixii karaankiinna ah inta aad weli kor saaran tihiin meerahan muunadda wacan ee dhulka ee aan hadda anigu ka soo halacsanayo halka aan joogo.
Ammaana Alla idilkiin.”
