W/Q: Zakariye Asad Salaad
Hordhac
Haddii aad google ku qorto oraaahda ugu caansan Falsafadda reer galbeedka, waxaa hubaal ah inay kusoo bixi doonto oraahdaan: “I think therefore, I am ” ama Af-Laatiin ku noqoneysa “Cogito, ergo sum,” oo macnaheedu yahay “Waan fekeraa, sidaas darteed waan jiraa.” Waxaa oraahdaan loo tixgeliyaa Xisaabyahan iyo faylasuuf Faransiis ah René Descartes.
Descartes Falsafaddiisu waxay ku dhisnayd shaki baahsan oo ku saabsaan in waxkasta oo la dareemo aysan run ahayn. Waxa kaliya ee runta ahina ay tahay jiritaanka maskaxda iyo miyirka.
Descartes wuxuu sidoo kale soojediyey in maskaxda iyo jirku ay yihiin laba qaybood oo kala duwan. Jirku maaha wax la hubo sida maskaxda oo kale, maxaa yeelay sida wax kasta oo kale oo dunida korkeed ah, jirka ayaa la dareemi karaa sababtoo ah waxa jirta maskax dareentay.
Shakiga
Sanadka marka uu ahaa 1641kii, Descartes waxa uu soosaaray bugiisa Meditations on First Philosophy. Buugaan, Descartes waxa uu ku sahmiyey su’aalaha aasaasiga ah ee aqoonta iyo jiritaanka. Waxa uu isticmaalay hab shaki baahsan ah isaga oo su’aalaya wax kasta oo uu aaminsan yahay, si loo aqoonsado waxa runtii aan u ogaan karno si hubaal ah.
Descartes wuxuu aaminsanaa in aqoonta saxda ah ay inooga baahan tahay inaanan waligeen u helin sabab aan oga shakino. Wuxuu qaybta hore ee buugiiisa Medatations waqti badan galinayaa ka doodista in waxwalba aan u maleyno inay run tahay, shaki lagalin karo.
Wuxuu aad oga fikiray sida uu u rumeystay waxyaabo badan oo gadaal been ka noqday. Waxa uuna isku dayayaa inu xaliyo dhibaatadan, isagoo ujeedadiisu tahay inuu helo wado lagu aamino kaliya waxa runta ah.
Istaraatiijiyaddiisu waa inuu shakiyo ama aanu rumaysan, fikrad kasta oo been ah ama been noqon karta. Waxa uu garwaaqsaday in dareenkiisu uu hadda khiyaanaynayo si lamid ah sidii uu mar hore u marin habaabiyey. Waxaa kale oo uu ogyahay inuu hadda si qaldan u fekeri karo, maadama uu u horay si qaldan ugu soo fekeray. Sababtaas awgeed, wuxuu shaki gelinayaa dhammaan caqiidooyinka ka imanaya dareenkiisa iyo caqligiisa, maadaama laga yaabo inay khaldan yihiin.
Dabcan dareemadeennu way ina marin habaabin karaan. Tusaale ahaan haddii ul qeyb kamid ah biyo la galiyo waxay u muuqanaysaa inay qalloocan tahay, laakiin sida saxda ah way toosan tahay, oo kaliya dareenkeenna aragga ayaa inna marinhabaabinaya. Sidaas oo kale, haddii iyadoo xili kulul lajoogo aad wado dheer ku socota, waxaa lagayabaa inaad hortaada ku aragto biyo meel fadhiya. Se marka aad u soo dhawaato, waxaad ogaanaysaa inaysan biyo ahayn ee ay tahay sawirasho dareemadeena aragu ina siiyeen, oo ka dasha marka ilaysku dhex maro laba lakab oo hawo ah oo leh heerkul kala duwan.
Descartes heer waxa uu gaadhay uu xataa jiritaanka naftiisa ka shakiyo. Waxa uu suuraystay inuu jiro shaydaan awood badan oo awood u leh inuu xakameeyo fikradihiisa isago oo ku khimaaneynaya inuu rumeysto wax kasta. Descartes ma cadayn karo in sheydaankan uusan jirin, sidaas darteed wuxuu qiray inay suurogal tahay waxa uu aaminsanyahay oo dhan ee kabaxsan maskaxdiisa, ay yihiin dhalanteed uu sababayo sheydaankan. Sidaas awgeedna, dhamaan waxa uu aaminsanyahay ee dunida dibada ahi yihiin been.
Cogito iyo hubantida
Kadib markuu ku fikiray sheydaanka sharta leh Descartes wuxuu markiiba ogaaday xaqiiqda Cogito. Wuxuu garowsaday in hadalka ah “waan jiraa” aan laga shakiyi karin, xitaa haddii shaydaanka uu isku dayayo inuu khiyaameeyo. Si kastaba ha ahaatee, haddii dhamaan waxa uu aaminsan yahay oo dhan ay yihiin been, jiritaankiisu waa xaqiiqo sababtoo ah ugu yaraan waa inuu jiraa lo soo khiyaameeyo. Falka shakiga qudhiisa ayaa caddaynaya jiritaanka, maadama shakigu yahay nooc kamid ah fikira, fikirnu aanu dhici karin hadaanu qofku jirin.
Descartes wuxuu ku doodayaa in kasta oo uu ka shakiyi karo jiritaanka wax kasta, haddana aanu ka shakayi karin xaqiiqda ah inuu shakiyey. Marka uu sidaas leeyahay, Descartes wuxuu ogaaday in ficilka fekerka ah laftiisa uu caddeeyey jiritaankiisa. Sidaas darteedna oraahda “Waan fekeraa” ay soo koobeyso run aan la dafiri karin oo ah inta uu qofku fekerayo uu jiro.
Weedha “Waan jiraa” ee kujira Cogito, waxay caddeynaysaa jiritaanka qofka si’aan mugdi kujirin. Fekerku wuxuu ku xiranyahay qofka fekeraya. Waana xaqiiqo aan la dafiri karin sababtoo ah shaydaan ma khiyaanayn karo qof aan jirin. Arrintan Descartes waxay u suurtagelisay inuu helo aqoon hubanti leh oo aan shaki geli karin.
Ka adkaanta Shakiga
Kadib markii uu soo saaray Cogito, Descartes wuxuu soojeediyey inay noqon karto bar bilow u ah helitaanka xaqiiqooyin kale. Descartes waxaa uu sharaxayaa in fikradaha qaar ay yihiin kuwa cad oo toosan oo aan laga shakiyi karin. Marka shay uu cad yahay fududahayna in la fahmo, maskaxdu si cad ayey u arkaysaa qaybaha ugu muhiimsan shaygaas. Qaybahani waxay noqonayaan halbeeg lagu qiimeeyo dhammaan caqiidooyinka kale.
Descartes wuxuu aad oga helay fikradda Cogito, sababtoo ah wuxuu rumeysnaa inuu helay caqiido toosan oo markii la rumeysto aan noqon karin been. Wuxuu rumeysnaa in fikrad ay noqoto mid la hubo si loogu tiriyo inay tahay aqoon. Balse mufakiriinta xiligan danbe inta badan ka doodeen fikrada Descartes ee ah in aqoontu u baahantahay hubanti. Waxay aaminsanyihiin in aan shay ogaan karno iyada oon si buuxda loo hubin in ay run tahay.
Balse iyadoo taasi jirto hadana fikrada Descartes waxay saamayn ku yeelatay doodaha ku saabsan jiritaan miyirka aadanaha iyo jiritaanka shaqsiga. Iyo sidoo kale doodaha ku saabsan in mashiinadu ay fikiri karaan ama miyir leeyihiin iyo inkale.
Gabagabo
Fikradda Cogito waa fikrad muhiim u ah falsafadda oo matalaysa raadinta aqoonta saxda oo aan shaki kujirin. Safarka Descartes ee ka bilowday isweydiinta waxwalba si loo caddeeyo baahida looqabo in laxadidio shakiga, ayaa ah tusaale xoogan oo muujinaya sida falsafadda dhabta ahi ay oga bilaabo feker iska caadi ah. Sida uu Edmund Husserl yiri, “qofka kasta oo si dhab ah u doonaya inuu noqdo faylasuuf, waa in mar noloshiisa ka mid ah uu naftiisa ku noqdaa, oo uu qaado wadada Descartes u horseeday fikradda Cogito.”
Tixraacyada
Descartes, R. (1641). Meditations on first philosophy (J. Veitch, Trans.). Cambridge University Press.
http://newlearningonline.com/new-learning/chapter-7/descartes-i-think-therefore-i-am
https://1000wordphilosophy.com/2018/11/26/descartes-i-think-therefore-i-am/
https://medium.com/@alexvaughn111_31128/my-interpretation-of-i-think-therefore-i-am-4dbea84aff73
