Waa maxay Shuyuuciyad(Communism) iyo Hantiwadaag(Socialism)?
Shuuciyad (Communism)
Dhowr sano kadib dhamaadkii dagaalkii labaad ee aduunka, bartamihii kontomaadkii, dadka dunida ku nool afar meelood meel, waxaa ay ku hoos noolaayeen, xukun shuuci ah. Waa nidaam maamul oo uu aasaasay Karl Marx bartamihii qarnigii 19aad, waxaana ay dhaqangelintiisu ay bilaabantay bilowgii qarnigii labaatanaad, kadib dagaalkii sokeeye ee Russia.
Waxaa ay shuuciyaddu beegsstay ciribtirka milkiyadda gaarka ah iyo yareynta farqiga u dhexeeya dadka saboolka ah iyo hantiilayaasha. Waxaa ayna sidoo kale weerar iyo olole ku qaaday, dadka dabaqadaha burjuwaasiyada iyo aristoqraadiyada(الطبقات البرجوازية والأرستقراطية) iyo in ay difaacdo dabaqada shaqaalaha iyo beeraleyda, iyada oo xaqiijinta arinkaan loo maraayo la wareegida milkiyadda gaarka ah, iyo dhaqangelinta sinnaanta bulsheed, oo dhamaan muwaadiniinta la simo iyada oo aan loo kala eegin; diimohooda iyo isirkooda.
Waxaa ay aragtidaani u baahday si weyn, iyada oo uu waayahaasi dunida haystay, nidaamka hantigoosadka(الرأسمالية/Capitalism) oo gabi ahaanba ka dhan ah nidaamkan shuuciyadda, kaas oo dhiirrigelinaayo; kobcinta dhaqaalaha, iyada oo loo maraayo kobcinta hantiyaha gaarka ah iyo maalgashiga.
Aragti ahaan waxaa ay shuyuuciyaddu ku dhisantahay mabaadi’ ugaar ah, mana ogolaaneyso in tacliin iyo aqoon diineed ay soo gasho maamulka dawladda, balse marka uu waaqicu sidaa yahay, waxaa ay dawladaha shuuciga ah la dirirayaan, mu’assasadaha diimeed, si toos ah, waana sida ka dhex dhacday midowgii soofiyeedka iyo kaniisada orthodoxy-ka, taas oo xukumeysay bulshada ruushiyaanka ah.
Hantiwadaag(Socialism)
Si nidaamka dabaqiyada (Kalasarraynta) ah looga takhalluso sidoo kalena loo xoreeyo shaqaalaha, ayuu u yimid hantiwadaagu, ugana soo muuqday Yurub si awood leh, qarnigii 20aad ee tagay. Waxa ayna beegsaneysay, si hantiilayaasha awooda looga xayuubiyo, looguna gacan geliyo shaqaalaha(dhammaan bulshadu), waana mida milkiyada u leh ilaha waxsoosaar-ka, si isla-eg.
Waa in shaqsiyaadka bulsha oo dhan ay wadaagaan dhamaan milkiyadaha, lagana dhigo mid guud, sida; maamulka dowlada, hay’adaha iyo ilaha waxsoosaar-ka, si ujeedka laga leeyahay soosaarista badeecadaha iyo adeegyada uu u noqdo danta guud ee rayidka, balse taasi lagama wado maqnaanshaha lahaanshaha qofeed, iyada oo ay fulinta arinkaasi ka imaaneyso dhanka xukuumadda.
Haddii aan si kale u dhigno qof kasta waxaa uu helayaa, qeyb ka mid ah wadarta waxsoosaar-ka, oo ku jaan go’an nisbada ama inta ay la egtahay ka qeyb galkiisa. Waxaana hantiwadaagga loogu yeeraa mararka qaar, milkiyad wadareed ama milkiyadda la wada wadaago (الملكية الجماعية أو المشتركة). Waa aragti falsafadeed, mid dhaqaale iyo mid bulsheed, oo leh dabeecad siyaasadeed, waxaa ayna kasoo maaxatay maanka fillasoof kii reer jarmal ee Karl Marx, ayada oo soo muuqatay kadib kacaankii warshadaha(Industrial Revolution) ee yurub ka curtay.
Waxaa ay ahayd falcelin ku aadan, badnaantq tiro beelka ah ee hantiyaha gaarka ah iyo soo muuqashada warshadaha, taas oo milkiilayaashii warshadaha ka dhigtay kuwa hanti la ciirciiraya, balse kuwii saboolka ahaa waxaa ay noqdeen kuwa ugu faqriga badan, halkaas ayuuna ka curtay hantiwadaagu. Hantiwadaaggu, waxaa loogu dan leeyahay, ka takhallusida khalal/dheellitirnaan la’aan ku timaada hantida ay dadku kala yeelanayaan.
Farqiga u dhexeeya Hantiwadaaga iyo Shuuuciyada
Hantiwadaaga oo la qaato kama dhigna mar walbaba shuyuuciyad, sida ay dadka qaar moodaan. Waxaa jirta aragti qaldan oo dheheysa, shuyuuciyaddu iyadu waa is la hantiwadaaga laftiisa. In aragtidaani ay baahdana waxaa u sabab ah, in labada garab ay qabaan aragtida garabka bidix, iyo in ay leeyihiin hal cadaw oo ka dhaxeeya, waana hantigoosadka, laakiin taasi kama dhigna in ay yihiin labo is ku mid ah. Hantiwadaaggu waa nidaam dhaqaale oo kaliya, halka shuuciyaddu ay tahay nidaam siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo isla socda.
Waxaa uu Karl Marx qabaa, in hantiwadaaggu kaliya uu yahay marxalad kala guur taas oo ka billaabaneysa in loo jilba laabo lagana takhalluso hantigoosadka, waxaa ayna ku dhamaaneysaa hadafka sare oo uu ula jeedo shuyuuciyadda. Waxaa ay qaar u arkaan in shuuciyaddu ay tahay, aragtida siyaasadeed ee ugu ad’adkaanshaha badan, kana gacan kakan hantiwadaaga, maxaa yeelay, xukuumadu waxaa ay ka hoos shaqeyneysaa hal xisbi, waana xisbiga shuuciga ah, sidoo kale waxaa ay xukuumaddu yeelaneysaa dhammaan agabka, warshadaha, hay’adaha iyo ilaha waxsoosaarka, waxaa ayna mushahar siineysaa shaqsiyaadka, si siman, iyada oo ku dhiseysa baahiyohooda. Waxaana nidaamkaan maraya, hoyga raashiinka, dharka iyo inta kale, waana lidka hantiwadaagga, kaas oo isagu qofka u abaal celinaya, isagoo u eegaya ka qeyb galkiisa iyo dedaalladiisa.
Maamullada shuuciga ah, qofka suurtogal uma aha yeelashada in badan oo hanti ah, balse kaliya waxaa uu helayaa inta baahidiisa ku filan, iyada oo ay xukuumadu qiimeyneyso baahiyihiisa. Nidaamka shuuciyadda ahi waxa uu dhiiragelinayaa, bilaasheynta adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, waxaa ayna shuyuuciyadu la dirireysaa milkiyadda qofeed, nooc walba, si loo xaqiijiyo sinnaanta bulshada. Dabarjarida dabaqiyada(kalasarreynta) dawladaha ugu caansan ee shuyuuciga ah, waa; Cuba, Vietnam, iyo Waqooyiga Kuuriya.
Ugu danbeyn waxaa uu Karl Marx xaqiijiyay, in ay towrad kacdo taas oo ay leeyihiin shaqaalaha, balse filashadiisu uma ay dhicin sidii uu rabay, oo kacaanka ma curan ilaa markii ay geeridiisa sanado badan kasoo wareegeen uun mooyee, taas oo ku kooban dalka ruushka, ayada oo u gogol xaartay curashadii midowgii soofiyeedka, loona yaqaanay Jamhuuriyadaha Hantiwadaaga ah.
W/Q: Mudane Maxamed
Sidoo kale akhriso;
- Khilaafka Sharci ee Heshiiska DP World iyo Jabuuti
- Maxay Filimadu Na Bari Karaan?
- Iftiiminta qoraalka: Jaranjarada Loo Maro Qoraalka Toolmoon
- Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed: Casriyaynta iyo Waafajinta Shareecada Islaamka
- FILINKA SAAMIYA: XIDIGTII DHULKA EE BADDU CUNTAY
- Cilmibaaris
- Culuunta Bulshada
- Dhallinyarada
- Diini
- Falsafad
- Fan
- Saynis
- Sooyaal
- TARJUMAAD
- Uncategorized
- Xeerarka Qoraallada

thank you saaxiib.