Victor Zhikai Gao iyo barnaamijka المقابلة

Waxaa qoray: Cali Qoorcase

Waxaa dhawaan barnaamijka “al-Muqaabala-المقابلة” ee ay soo tebiso warbaahinta AlJasiira lagu casuumay, Victor Zhikai Gao, oo ah khabiir ka faalooda arima dhaqaalaha iyo siyaasadda waddanka Shiinaha. Haddaba, waxaan idinla wadaagayaa sookoobis iyo falanqeyn kooban oo aan barnaamijkaasi ka sameeyey.

Hordhac: Shakhsiyadda Victor Gao

Professor Victor Gao, oo dhashay Febraayo 1962, waa shakhsiyad magac ku leh gudaha waddanka shiinaha. Waxa uu heystaa shahaadooyin sare oo kala duwan oo ay ka mid yihiin suugaanta Ingiriisiga, cilmiga siyaasadda, iyo sharciga. Khibraddiisa waxaa ka mid ah inuu turjumaan u ahaa hoggaamiyihii caanka ahaa Deng Xiaoping sannadihii 1980-meeyadii, taas oo si gaar ah u siisay faham qoto dheer oo ku saabsan isbeddelladii waaweynaa ee Shiinaha. Maanta, Gao, waxa uu hayaa jagooyin muhiim ah sida Madaxweynaha Machadka Amniga Tamarta Shiinaha iyo xubin ka tirsan Kooxda Sirdoonka Tamarta ee London, taas oo muujinaysa khibraddiisa ballaaran ee arrimaha siyaasadda, diblomaasiyadda, iyo dhaqaalaha Shiinaha.

 Barnaamijkaan oo taabanayey mowduucyo aad u faro badan oo ay kamid yihiin dhaqaalaha waddanka shiinaha, xifaaltanka ka dhexeeya Shiinaha iyo Mareykanka, xisbiga xukuma Shiinaha, dhibatadii ku dhacadey ganacsiga dhulka taas oo saameyn weyn ku yeelatey dhaqaalaha shiinaha iyo kan caalamkaba, tartanka ka dhex aloosan Shiinaha iyo Hindiya, waa mawaadiicdii ugu tunka weyneyd ee Victor ku faaqidaayo muuqaalkaas oo soconaayo 96 daqiiqo.

Washington waxay la nooshahay labo cabsi, Trump-na wuxuu doorbidayaa inuu xirto koofiyad lagu sameeyey Shiinaha

Aqoonyahanka iyo garyaqaanka Shiinaha ah, Professor Victor Gao, wuxuu ku doodaya in  Shiinahu aanu lahayn wax rabitaan ah oo ku aaddan inuu dunida ka taliyo, balse Washington waxay ka cabsi qabtaa in Shiinaha uu dhaqaale ahaan la mid noqdo, ama ba ka sare maro dhaqaalaha Mareykanka. Sidoo kale waxa uu ku doodayaa in inta uu dagaalka ganacsi ee uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wado ee dagaalka cashuuraha aanu ku gaari doonin ujeedadiisa, isla markaana Shiinaha mar horeba uu Maraykanka, dhinacyo badan, kaga sare-marey.

Mar kale uu ka hadlayo dabeecadda gaarka ah ee shacabka Shiinaha, wuxuu leeyahay inaysan ahayn dad go’doonsan sida mararka qaar lagu tilmaamo, balse ay yihiin; shacab si weyn u muujin karo dareenkooda, ayna soo saareen qaar ka mid ah gabayadii, riwaayadihii iyo sheekooyinkii ugu quruxda badnaa. Wuxuu xusay in ilbaxnimada Shiinaha ay jirtay in ka badan 5 kun oo sano. Sidoo kale, wuxuu sheegay in shacabka Shiinaha ay yihiin dad aad u xishood badan oo ilaaliya xeerarka hab-maamuuska iyo edaabta. Sidaas darteed, mararka qaar waxay muujiyaan boholyow weyn oo ay u qabaan dhaqanka bulshada, nidaamka kala sarreynta iyo is-ixtiraamka. Arrintan ayaa laga yaabaa inay ka dhigto inay ka duwan yihiin dadyowga kale ee dunida.

Dhaqan-dhaqaalaha shiinaha

Dhaqaalaha Suuqa Shuuciga ah waa nidaamka dhaqaale iyo qaabka horumarinta dhaqaalaha ee laga adeegsado Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha. Nidaamkan wuxuu ku saleysan yahay ka talinta lahaanshaha guud iyo shirkadaha dowladdu leedahay oo ka dhex shaqeeya dhaqaalaha suuqa. Ereyga “Dhaqaalaha Suuqa Shuuciga ah” waxaa soo bandhigay Jiang Zemin intii uu socday shirkii 14aad ee Xisbiga Shuuciga Shiinaha sanadkii 1992kii, si uu u qeexo hadafka isbeddellada dhaqaale ee Shiinaha.

Dhaqaalaha Suuqa Shuuciga ah wuxuu u taagan yahay heer hordhac ama “marxalad hore” oo horumarinta shuuciyadda, wuxuuna ka soo farcamay xilliga isbeddellada dhaqaalaha ee Shiinaha oo bilowday sanadkii 1978, taasoo Shiinaha ku dhex milantay dhaqaalaha suuqa caalamiga ah. Si kastaba ha ahaatee, faallo-bixiyeyaal badan oo reer galbeed ah ayaa nidaamkan ku sifeynaya inuu yahay nooc ka mid ah raasamaalka dawladdu maamusho (state capitalism).

Marka uu ka hadlayo siyaasadd dhaqaalaha Shiinaha, wuxuu caddeeyay in dalkiisu taniyo 1978kii uu si joogto ah u sameeyo hal-abuur, isla markaana ku qanacsanayn xaaladda taagan, balse uu wado hannaan dib-u-habeyn joogto ah oo ku saabsan dhammaan dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda, cilmiga, farsamada iyo waxbarashada iyo dhinacyo kaleba. Waxa uu Shiinahu kaga duwanyahy dalalka kale ee dunida waa in ay hal-abuurnimada iyo fikirka cusub u adeegsadaan sidii ay caqabadaha u wajihi lahaayeen.

Dhanka kale, wuxuu aaminsan yahay in Washington ay la nooshahay labo baqdin. Tan koowaad waa cabsida ah; in Shiinaha dhaqaale ahaan la mid noqdo Mareykanka, ama ba ka sare-maro oo noqdo dhaqaalaha ugu weyn dunida. Wuxuu xusay in riyadan xun aysan sal adag lahayn, sababtoo ah Shiinaha hore ayuu dhinacyo badan kaga horumaray dhanka Mareykanka, sida soo saarista baabuurta, sibidhka, shubka, birta, iyo agabka elektarooniga ee noocyadiisa kala duwan. Cabsida labaad, taas oo uu sheegay inay ka daran tahay tan hore, waa in dadka Mareykanka ay ka baqayaan in marka Shiinaha uu ka horumaro Mareykanka, uu u taliyo, meeshana ka saaro, awoodiisana tirtiro, kana fogeeyo masraxa dunida. Balse wuxuu cadeeyay in Shiinaha aysan dan ka lahayn arrintaas, mana hayso hammuun ay Mareykanka ku hareer marayaan ama meesha kaga saarayaan.

Sida uu sheegay aqoonyahanka Shiinaha, dhaqaalaha Mareykanka wuxuu ku tiirsan yahay qiyaastii 80% adeegyada, sida khidmadaha sharciga, canshuuraha, adeegyada waxbarashada, kharashaadka caafimaadka, safarka iyo kuwo kale. Halka qaybta wax-soo-saarka ay aad u yar tahay oo aan ka badnayn 30%, laga yaabee xitaa inay tahay 25%. Dhanka kale, qaybta warshadaha ee Shiinaha, oo loo yaqaan qaybta labaad (sector secondary), waxay ka kooban tahay in ka badan 45% dhaqaalaha, taasoo muujinaysa in qaybta warshadaha iyo wax-soo-saarka ee Shiinaha aad uga weyn tahay tan Mareykanka. Sidoo kale, Shiinaha waxay soo saartaa dhammaan noocyada badeecadaha ee lagu isticmaalo gudaha waddanka Mareykanka.

Dagaalka cashuuraha

Dagaalka ganacsi ee u dhexeeya Shiinaha iyo Mareykanka wuxuu billowday kadib markii madaxweyne Donald Trump uu ku dhawaaqay, 22-kii Maarso 2018, in la saari doono canshuuro Kastam oo ku kacaya $50 bilyan oo doolar alaabaha Shiinaha laga keeno, iyadoo lagu saleynayo qodobka 301 ee Sharciga Ganacsiga ee 1974. Waxay ujeeddadu ahayd in lagu qasbo Shiinaha inay wax ka beddesho waxa Mareykanku ku tilmaamay “dhaqan ganacsi oo aan cadaalad ahayn” iyo xatooyada hantida aqooneed. Maamulkii Trump wuxuu sheegay in dhaqamadaas ay sabab u yihiin khasaaraha miisaaniyadda ganacsi ee u dhexeeya Mareykanka iyo Shiinaha, isla markaana dowladda Shiinaha ay qasab uga dhigto shirkadaha Mareykanka inay u wareejiyaan farsamooyinkooda Shiinaha.

Jawaab ahaan, dowladda Shiinaha waxay ku eedeysay maamulka Trump inuu ku hawlan yahay siyaasad ilaalin qaran (protectionism), waxayna qaaday tallaabo aargoosi ah oo ay canshuuro saartay in ka badan 128 badeeco oo Mareykanka laga keeno, kuwaas oo ugu caansanaa digirta-soy (Soybean). Kadib markii dagaalka ganacsi uu sii kululaaday sanadkii 2019kii, labada dhinac waxay bishii Janaayo 2020 gaareen heshiis wejigiisa koowaad oo aan degganayn. Marka la gaaray dhammaadka mudo-xileedka koowaad ee Trump, dagaalka ganacsiga waxaa si weyn loogu tilmaamay mid uu Mareykanka ku guuldareystay.

Marka uu ka hadlayo cashuuraha Kastamka ee uu madaxweyne Trump saaray Shiinaha, Professor Victor Gao, wuxuu xusayaa in cashuurahan aysan oo keliya ka dhan ahayn Shiinaha, balse ay ka dhan yihiin dunida inteeda kale, xitaa ka dhan yihiin aadanaha guud ahaan. Wuxuu u arkay in dagaalka ganacsi ee Trump iyo dagaalka cashuuraha uu yahay dagaal qalad ah oo aan sal lahayn, isla markaana uusan gaari doonin ujeeddada uu Trump shaaciyay oo ahayd in shaqooyinka warshadaha dib loogu soo celiyo Mareykanka.

Wuxuu dagaalka cashuuraha ee Mareykanka ku sababeeyay in uu jiro farqi weyn oo miisaanka ganacsiga ah oo u dhexeeya Shiinaha iyo Mareykanka, maadaama Shiinaha uu u dhoofiyo Mareykanka wax ka badan inta uu ka soo dhoofiyo. Wuxuu xusay in Shiinaha u dhoofiyo Mareykanka badeecooyin ku dhow $500 bilyan, halka Mareykanka uu u dhoofiyo Shiinaha wax ka yar $200 bilyan.

Isagoo caddeynaya in dalkiisu aanu qasbin shirkadaha Mareykanka inay farsamooyinkooda u wareejiyaan Shiinaha, Professor Gao, wuxuu tilmaamay in inta badan calamada qaranka Mareykanka muddo dheer lagu sameyn jiray Shiinaha, isaga oo yiri; “Amerikaanku waxay si sharaf leh ugu tukan jireen calamo qaran oo laga sameeyay Shiinaha.” Wuxuu intaas ku daray in madaxweyne Trump uu doorbidayo inuu xirto koofiyad uu ku qoran yahay ‘Make America Great Again -MAGA’ taas oo inta badan lagu sameeyay Shiinaha.

Tixraacyo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *