Ustaad Axmad Naaji Sacad: Codkii Rajada Soomaaliya

Maxamed X. Ingiriis

WT: Abdirahman H. Daher

Waayihiisa hore ee nololeed

1939-kii ayuu ku dhashtay Bilaajo Carab oo hadda lagu magacaabo degmada Shibis. Ustaad Naaji, waxa uu asal ahaan ka soo jeedaa Soomaali-Yemeni se waligiis iskuma sheegi jirin wax aan ka ahayn Soomaali. Qoyskiisu, koonfurta Soomaaliya ayay ab-ka-ab ku noolaayeen, halkaas oo uu aabbihii ka ganacsan jirey beerna ku lahaa. Gumeystihii ka hor, ganacsatada Soomaali-Yementu waxa ay ahaayeen dadka kaliya ee gaarsiin jirey raashinka iyo dharkaba deegananada miyiga ah ee ku yaal bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Naaji waxa uu ifka yimid waqtigii uu calankii gumeystihii Talyaanigu ka babbanayay Soomaaliya. Horraantii 1950-meeyadii, markii uu dalku dhabbada xorriyadda cagta saaray, ayaa laga diiwaangaliyay iskuul ay dawladdu lahayd si uu Carabiga iyo Talyaaniga u barto. Halkan ayay ahayd halka ay hibadiisa faneed ka soo dab qaadatay. Macallimiintiisu, waxa ay bareen luuqadda Carabiga iyo heeso Soomaaliyeed oo lagu ammaanayay calankii cusbaa ee Soomaalida: kaas oo si rasmi ah loo taagay markii ugu horreesay sanadkii 1954-kii.

Dhallintii SYL oo ahayd kuwii hoggaaminayay dhaqdhaqaaqyadii gumeysi-la-dirirka ayay Naaji iyo saaxiibadiis ka qaybgali jireen kulamadooda isbuuclaha ahaa si uu u madadaaliyo marti-sharafta kulanka isugu timid.

Dhallinyarnimadiisii iyo riyadiisii faneed

Waagii uu ardeyga ahaa, waxa uu aad u dhagaysan jirey heesihii ay ku luuqeeyeen fannaaniintii waaweynaa sida Suufi Cali iyo Qaasim Hilowle, kuwaas oo muusikadooda lagu yaqaanay isku darka maansooyinka Carabiga iyo kuwa Hindiga. Yididiiladiisu waxa ay ahayd in uu noqdo sidooda oo kale. Ustaad Naaji waxa uu sidoo kale dhagaysan jirey Raadiyo Muqdisho, oo berigaas ahaan jirtey halka kaliya ay dadku ka dhagaysan jireen heesaha cusub ee la sii daayo. Wuxuu dhiirrigelin dheeraad ah ka helay kooxaha muusigada Banaadiriga ee maxalliga ah kuwaas oo bandhigyo ka sameyn jiray goobaha ay isticmaalaan xisbiyada siyaasadda Banaadiri.

Isaga oo uu riixayo rabitaan xooggan ee uu ku baddelayo fanka Soomaaliyeed, ayuu ku biirey koox iskaashi faneed ku dhisan. Waxa ay heeso ka sii deyn jireen Raadiyo Muqdisho maalin kasta oo Axad ah: taas oo ahayd maalinta nasashada rasmiga ah xilligii Talyaanigu ay Qaramada Midoobay u xilsaartay in uu Soomaaliya u diyaariyo madaxbannaani. Dawladdii is-maamulka cusbayd ee dhidibada loo aasay 1956-dii, waxa ay soo dhaweysay dhaqanka casriga ah ee fanku udub-dhexaadka u yahay. Taasna waxa ay fursad siisey fannaaniin badan oo uu Axmed Naaji Sacad ka mid yahay in ay sumcad ku helaan hal-abuurkooda faneed.

Sanadkii 1961-dii, Ustaad Naaji waxa uu ka mid ahaa dad ku guuleystay imtixaankii laga qaadi jirey dadka doonaya in ay ka shaqeeyaan idaacadda qaranka loona xushay in ay ka hawlgalaan Raadiyo Muqdisho. Barnaamij-soosaare ayuu ahaa waqtigii uu idaacadda ka shaqeyn jirey, tanna noloshiisu wax badan bay ka baddashay oo waayo’aragnimo ayuu ka helay. Dadku waxa ay codkiisa ku barteen mawjadaha Idaacadda iyo waddooyinka magaalada Muqdisho: subixii, waxa uu ka hawlgali jirey raadiyaha, habeenkiina kooxaha fanka maxalliga ah ayuu la shaqeyn jirey. Isaga oo ka faa’ideysanaya khibraddiisa faneed, ayuu wax ka aasaasay kooxdii caanka ahayd ee Shareero loo yaqaannay. Dadweynaha ayay ku madadaalin jireen baararka habeenkii lagu caweeyo iyo xafladaha arooska.

Markii Jamhuuriyadda Soomaaliya la aasaasay 1960-kii, oo ay midoobeen gobollada waqooyi iyo koonfur, Naaji waxa uu si diirran oo laab-furnaan leh u soo dhaweeyay fannaantii Raadiyo Hargaysa ee waqooyiga ka soo kicitantay kuna biireen Raadiyo Muqdisho. Naaji, waxaa lagu tilmaami karaa buundadii isku xireysay waqooyiga iyo koonfurta oo si kala sooc ah ay u gumeysteen Ingiriiska iyo Talayaaniga. Ustaad Naaji Sacad, waxa uu si weyn kaga faa’ideystay wadashaqeyntii u dhaxaysay fannaaniintii waqooyiga iyo kuwa koonfurta taas oo keentay in fanka Soomaaliyeed cirka isku shareero. In uu heesaha Banaadiriga tumo waxaa sidoo kale u dheereed tumista muusigada Suudaanta iyo tan tan reer galbeedka (Western Music). Naaji, waxa uu jiilkii waagaa uu ahaa haldoor ay dhabbadiisa qaadaan. Waqtigii Talyaaniga, Naaji waxa uu bandhig masrax-faneed ka dhigi jirey tiyaatar yar oo maxalli ah illaa laga dhisay tiyaatarkii weynaa ee qaranka 1967-dii.

Kacaankii iyo waayihiisii faneed

Markii uu ka sheekaynayo Naaji halkii uu ku sugnaa markii ay talada dalka la wareegeen Kacaanka (21 oct, 1969), waxa ay ku abuurtaa ka hadalka arrintaa dareenno isku-dhafan. Askartii afgambiga sameysay waxa ay bartilmaamsadeen Raadiyo Muqdisho, waxa ayna ciidan u direen guriga Naaji si ay u helaan furaha istuudiyaha idaacadda. Hooyadii oo ku sugneyd guriga kolkii ay aragtay ciidanka guriga yimid, waxa ay ku abuurtay xaalad murugo ah iyada oo u qaadatay in wiilkeeda Naaji uu qalad galay. Amarradii ciidamada ayuu u hogaansamay. Xiriirka kacaanka iyo Naaji halkan ayuu ka hanaqaaday.

Sagaal sano dimuqraadiyad fashilantay oo musuqmaasuqu biyo dhigay kadib, waxaa dalka ka curtay kacaan hantiwadaagaysan. Dadweynuhu waxa ay guud ahaan u sacabbo tumeen askartii talada la wareegtay iyaga oo ka soo horjeestay hoggaamiyeyaashii rayidka ahaa ee horey talada u hayay. Subaxii afgambiga, Naaji iyo abwaan Cali Sugulle ayaa loo xilsaaray in ay diyaariyaan hees laga baahiyo Raadiyaha. Sugulle miraha heesta ayuu allifay, Naajina wuu ku luuqeeyay:

Xooggii baa dadaalayoo

xukunkii dalka haystee

 anna waan ku raacnaye

hambalyo diiran hooya

Dabcan, waa markii ugu horreesay ee Naaji uu maqlo ereyga Kacaan. Ma ahayn erey hore qaamuuskiisa nololeed ku jirey. Intii lagu gudo jirey horraantii 1970-meeyadii ee xilligii Kacaanka, Naaji waxa uu helay fursad ballaaran oo uu ku soo bandhigi karo hibadiisa faneed. Muusiggiisu waxa uu ka gudbay xuduudda Soomaaliya. Bandhig faneedyo kala duwan ayuu ku qabtay meelo Afrika iyo daafaha dunida ka tirsan.

Fanka Soomaaliya waxa uu gaaray halkii ugu sarreesay 1970-meeyadii oo waxaa lagu tilmaamaa xilligan in uu ahaa waqtigii dahabiga ee fanka Soomaaliyeed, Naajina waxa uu ka mid ahaa fannaaniinta hormuudka u ahayd. Kacaanku, fanka waxa uu ka mid ahaa qalabyada uu shacabka Soomaaliyeed u marsiin jirey farriimihiisa oo si joogto ah ayuu u adeegsan jirey. Kolka ololo la sameynayo iyo wacyigalinba, fanku waxa uu ahaa xarigga shacabka iyo dawladda u dhaxeeya oo ay ku kala warqaataan. Sababtaas ayaa keentay in fanku cirka isku shareero. Naaji waxa uu rumeysnaa in fannaaniinta Soomaalida ay muhiim yihiin sida kuwa dunida oo kale. Fankan dhaladka ah ee waaga cusub u dillaacay waxaa lagu qaadayay af Soomaaliga oo markaas ay dawladii jirtay hirgalisey qoridda farta Soomaaliga. Fanku, waxa uu ahaa waxyaabihii kaalinta mugga weyn leh kaga ciyaaray korinta af Soomaaliga oo markaas curdin ahaa. Xiddigihii hormuudka u ahaa farshaxanka cusub ayuu qayb ka ahaa Naaji. Waxa uu caan ku ahaa ku luuqeynta heesaha jacaylka.

Burburkii iyo dagaalladii sokeeye

1980-meeyadii, Soomaaliya waxay mar kale wajahday xaalad adag. Jabhado hubeysan oo ka soo horjeedda Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ayaa sababtay in dalka uu galo dagaal sokeeye iyo marxalad mugdi ah oo ka soo kabasho dhab lahayn. Waxa ay na noqotay in qofkastaba nafsaddiisa la baxsado. Dalku, meel kastaba waxaa qabsaday holaca baaruudda iyo dhiigga sida bilaa micno la’aanta u daadanaya. Markii la gaaray bishii Diseembar 1990, dagaalku waxa uu ku soo fiday magaalada Muqdisho. Naaji, markii uu arkay xaaladdu in ay aad u cakirnaatay ayuu dib uga baxay isaga oo aan curin wax hees oo uu ku taageerayo hoggaamiye kooxeedyada ku loollamaya Muqdisho.

Waxa uu u qaxay xaafadda Lafoole oo duleedka Muqdisho ku taal, halkaas waxaa ku noolaa oo ku soo dhaweeyay walaalkiis oo ahaa macallin jaamacad. Xaaladdii dalka oo aad uga sii dartay iyo rajo la’aanta ay sababeen qabqablayaashii dagaal oogayaasha ahaa, waxa ay Ustaad Naaji ku qasabtay in uu Yemen u qaxo sanadkii 1991-dii. Intii uu Yemen ku sugnaa waxa uu garab siiyay Soomaalidii qaxootiga ahayd iyo fannaaniintii dalka naftooda kala soo cararay. Axmed halkan waxaa uga billaabmaysa marxalad cusub asiga iyo fankiisaba. Hibadiisa faneed ayuu adeegsanayaa si uu dib iskugu keeno quluubtii Soomaali weyn ee kala irdhowday. Waddo waxa uu qaadayaa aysan horey u qaadin fannaaniintii waagaa joogtay. Waxa uu is tusayaa in dib loo hagaajin karo marxaladdii xumeyd ee uu dalka galay. Waxa uu si dhab oo yaqiin ah u aaminayaa in Soomaali oo dhan ay dalkeeda iyo mustaqbalkeeda quruxsan karto oo dib ay u dayactiri karaan mustaqbalka dhulkooda.

Waxa uu soo saarayaa heeso waddani ah oo uu ku baaqayo in la joojiyo dagaalka oo la xiro albaabaha cadaabta, nabadda iyo wado-noolaanshaha na laga shaqeeyo. Intii uusan dalka ka qarxin dagaalladii sokeeye, Axmed waxa uu caan ku ahaa heesaha ka faallooda dareennada jaceyl ay wadaagaan labada qof ee doonaya in dhistaan nolol. Heesihiisa kuwa jaceylka iyo dareennada quluubta ka hadla waxaa ugu caansan heesta lagu magacaabo Dal iyo Duunyo oo ay ku wada luuqeeyeen asiga iyo Luul Jeylaani oo ka mid ah fannaaniinta Banaadiriga ah kuwooda loogu jecelyahay.

Dal iyo duunyo adaan kuu deyhaayee

Iyadaa i duleeysee damac malee

Meel daawo leh yaa ila doonaayee

(Axmed Naaji)

Kuma diidani waaku doonaayee

Dabinaa laygu xerayee ley dilee

 Darxumaan ku jiraayee daraadaadee (Luul Jeylaani)

Burburkii dalka ka dib, waxa uu fankiisa diiradda ku saarayaa dawlad-dhiska, dib-u-soo-noleynta nabadda iyo xasilloonida. Heesihiisa waddaniga ah waxaa ugu caansan: heesta lagu magacaabo Dalkeeyow oo ay wada qaadeen asiga iyo fannaaniinta waqooyiga Ameerika. Heestu, waxa ay aad kaga hadlaysaa dalkeenna nimcada iyo barwaaqada dhex ceegaagta oo aysan dadkiisu si dhab ah kaga faa’ideysan. Waxa ay na mar na nagu boorinaysaa in aan si dhab ah u jeclaanno dalka oo aan ka shaqeenno dib-u-dhiskiisa. Waxaa kale oo jirta hees kale oo lagu magacaabo “DHULKAAGA BEERO.” Heestaas, waxa uu Axmed dadkiisa ku dhiirrigalinayaa in ay dhulkooda beertaan oo ay ka faa’ideystaan kheyraadka dhex ceegaaga. Soomaalida dibadaha ku kala firdhisan ayuu leeyahay dalkiinna u soo noqda oo dhaqaalihiinna galiya dhulkiinna.

Sida fannaaniinta kale ee dalka isaga qaxay, danahooda iska raacday ma uusan noqon Axmed. Waxa uu markastaba waajib iska saarayay sida uu fankiisa dadka ugu wacyigalin lahaa si ay dalka u dhisaan. Asaga oo da’ ah ayuu waajib iska saaray sida uu dadkiisa wax ugu sheegi lahaa. Waxa uu ku han weynaa in uu arko dalkiisa oo nabad ah iyo dadka Soomaaliyeed oo ka shaqeeyay dib-u-dhiska dalkooda. Wax badan iyada oo aysan riyadiisa rumoobin ayuu dunida sagootiyay. 4-tii Sibteembar 2023-dii ayuu ku geeriyooday magaalada London. Nabad ku led Jaalle Axmed Naajiyow.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *