Tarjumaanku ma khiyaanoolaa?

Tarjumaanku ma khiyaanoolaa?

W/Q: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdullaahi (Okiyaale)

Hawraarta ‘Traduttore Traditore’ oo eh maahmaah Talyaani oo micnaheedu yahay [tarjumaanku waa khaa’in] ayaa aalaaba la adeegsado marka la tilmaamayo in tarjumiddu marnaba wada gudbin karin macnaha dhabta ee uu leeyahay qoraalka asalka. Run ahaantii afafku waa ku kala gaddisanyihiin qaab-dhismeedka iyo balaaqada, aalaabana waa adagtahay in si buuxda loo soo wada minguuriyo macnaha ay xanbaarsanyihiin, haba ugu darnaato suugaanta tiraabta eh oo mar kasta adagtahay in la raro macnaha iyo dareenka ay xambaarsanatahay.

Waxaana jira tiro khubaro eh oo taageersan khiyaanada lugu eedeeyo tarjumaanada, waxeyna u kala qaadaan khiyaanada mid dadban oo ka baxsan awoodda tarjumaanka iyo khiyaano toos eh uu tarjumaanku ku lug leeyahay.

Khiyaanada dadban waxey ku qeexaan in tarjumaanku minguuriyo fahankiisa qoraalka (ama hadalka) uu tarjumayo, taasoo keeni karta inuu ka leexdo micnihii uu qoraagu ula jeeday. Hase ahaatee taasi waa cilad aadamiga uu dhani lahaan karo, hore ayaana loo yiri ‘hadal nin si u yiri, ninna si u qaaday’. Sidoo kale waxey khiyaano dadban ku tilmaamaan marka tarjumaanku waayo ereyo isu qalma badalkoodana uu adeegsado ereyo soo dhaweynaya micnaha, taasina waxey u arkaan khiyaano laga galay qoraalkii asalka ahaa.

Halka khiyaanada tooska ku qeexaan (soo hoosgaleysa dalaayadda plagiarism) inuu tarjumaanku kas iyo ku talagal uga baxo qoraalka asalka ah kuna daro weedho aan ku jirin amaba kuwo kale ka reebo isagoo dano kaleh. Waxaana sooyaalka tarjumaanada laga soo heleyaa kuwo ku dheeldheelay dhigaaladii ay tarjumayeen iyagoo ilaalinaya dookha bulshada ay u minguurinayaan qoraalka, sida iney tirtiraan qeybaha anshax bulshadooda ka hor imaanaya iyo wixii la hal maala; sidoo kale waxaa la soo heleyaa tarjumaano ku darsaday qoraalkii aslaka ahaa weero aan ku jirin iyagoo ugu dan leh iney xiiso u yeelaan qoraalka.

Dhaqnka kanna wuxuu shaacsanaa casriyadii hore (wixii ka horreeyay qarnigii 18aad), sababtuna waxey ahayd inaan ceeb weyn loo arki jirin sidoo kalana adkayd in laga dabatago tarjumaanka khiyaanadaasi sameeyay oo badi dadku ma wada heleyn ilaha aqoonta. Balse, si kasto uu bini’aadamku u gaaray horumar wixii ka danbeeyay qarnigii 18aad, aqoontuna u faaftay wali ma wada suulin dhaqankaasi gurracan. Nasiib xumo, mararka qaar waxaa falkaasi ku dhaqaaqa tarjumaanada ugu magaca dheer bulshada ee qoraaladooduna la xiiseeyo sida tarjumaankii reer Iiraan Zabihollah Mansouri (noolaa qarnigii 20aad) oo caan ku ahaa inuu xeelado iyo xamaasad u yeello qoraalada uu tajumo isagoo badanaa ugu dan lahaa ujeeddooyin aan xumeyn inuu xiisogaliyo aqristayaasha ku taxnaa wargeysyada uu ku faafiyo sheekooyinka iyo qoraallada uu tarjumo.

Amir Ahmadi baa dhawaan faafiyay qormo uu cinwaan uga dhigay [In serach of Zabihollah Mansouri] wuxuu ku gorfeynayay waxqabadkii tarjumaan Zabiihullah; walxaha uu xusay waxaana ka mid ahaa inuu Zabiihullahi oo ka soo tarjumi jiray af-Faransiiska uu caadeystey inuu ku darsado dhacdooyin qoraalada uu tarjumayo, ama mararka qaar buug uu maankiisa ka alifo ka dibna ugu abtiriyo qoraa ajnabi eh isagoo rumeysnaa iney adagtahay in bulshada reer Iiraan ee jahliga ku badnaa xilligaas iney ka salgaari karaan been’abuurkiisa. Hase ahaatee, wuxuu aqriska jecleysiiyay jiil dhan oo bulshada reer Iiraan eh, walina iyadoo la ogaaday khiyaanadiisa waxey bulshadiisa u hayaan xushmad iyo qaddarin.

Docda kale, Tarjumaanada iyo aqoonyahanada qaar baa dafirsan khiyaanada lagu eedeeyo tarjumaanada oo dhan, waxey ku doodaan in nuxurka afafka aadamuhu is ku mid yahay, tarjumaanaduna gudbiyaan nuxurkaas, eeddaasina sida wadartaa loo saaray tarjumaanada oo dhanna ay mala’awaal tahay, lana mid tahay weedha caanka aeh ee faransiisku adeegsadaan ‘Belles infidels’ oo micnaheedy yahay [quraxley kasta waa khiyaanooleey!]. Sida quruxley oo dhan gogol-dhaaf loogu eedeyn karin ayaa tarjumaan oo dhanna loogu eedeyn karin khiyaanoole bay ku doodaan.

Kaliya waxey khiyaano u arkaan tarjumaanka si bareer eh micnaha uga baxa oo nuxurka waxaan ahayn soo tarjuma. Khiyaano uma arkaan hadduu tarjumaanku fahankiisa soo minguuriyo ama hadduu adeegsado ereyo soo dhaweynaya michanaha asalka ah.

Waxaa kale ay ku deedifeeyaan doodda kuwa taageersan fikradda in tarjumaan oo dhanna khiyaano dhaqan u tahay in maahmaahda ay doodoodu ku dhisantahay ‘Traduttore Traditore’ kaliya lagu dhisay qaafiyad, sidaa awgeedna ku faaftay. Waxeyna la mid dhigaan gabayada iyo maahmaahyda bulshooyinka caalamka leeyihiin ee qaafiyadda ku dhisan; dabcan maahmaahyadu xarfiyan looma rumeyn karo, lagumana doodi karo inay xaqiiqo biyo kama dhibcaan yihiin.

Geesta kale, suugaanyahannada qaar waxey khiyaanada tarjumaaka halbeeg uga dhigaan qoraal macaanida tarjumaanka, dhigaal kastana oo af kakan lagu tarjumayna waxey ku eedeeyaan khiyaano! [كل ترجمة رذيئة خيانة!]; waxaana aragtidaas qabay tarjumaankii Filistiiniga Saalax Calmaani ee ku caanbaxay tarjumidda suugaanta Af-Isbaanishka, waxaana laga diiwaangliyay weedha: ‘amaanada tarjumaanka waxey dhameystirmee markuu u tarjumo qoraalka si cuddoon oo aqristuhuna dareensiineen in qoraalka af qalaad laga soo tarjumay!’

Hase ahaatee aqoonyahanno badan baa aragtidaasi dura oo qaba qoraalkast oo qurxoon inuusan wada aheyn mid fayow tarjumo ahaan.

Taariikhda ahaan, waxaa jira tarjumaano lagu suntay khaa’iniin kaliya ku muteystay iney tarjumeen dhigaalo la diidanaa. Mutarjimkuna kuma noqonayo khiyaanoole hadduu daaha ka feeddo siro aqooneed ay bulsho lahayd oo u qarsoonaa ama hadduu tarjumo kutubo muqaddas ahaa oo la diidanaa in la tarjumo. Qarniyadii dhexe waxey kaniisaddu diidi jirtay in kitaabka Injiilka loo tarjumo afafka iyo lahjadaha ka farcama afka Laatiinka ee uu ku qornaa Injiilku. Waxey rabeen wadaadadii kaniisadda iney ku gumeystaan caamada jahliga ay ka qabaan Injiilka, waxeyna khiyaanoolayaal ku shaanbadeeyeen tarjumaanadii ugu horreyay ee u tarjumay injiilka afafka bulshooyinka Yurub, sida Faransiiska, Jarmalka, Ingiriiska iyo kuwo kale.

Wixii la rabo ha lugu eedeeyo tarjumaanada, balse laga ma maarmo. Ilbaxnimada dunidana ma soo gaarteen heerkaan la’aantood, mana awoodi laheyn inaan aqrino dhigaaladii falaasifaddii Giriigga, sidoo kale waxna kama ogaan laheyn qoraaladii umadihii hore nooga tageen ee ku xardhan dhagaxaanta iyo xaashiyadaha, xitaa diimuhu kama tallaabeen deegaanada ay ka uskumeen, mana soo dhaafeen afafka ay ku dhasheen. Nasiib xumo, waxaa laga yaabaa dunida maanta ee digitalka ee la helaayo websites iyo applications wax tarjuma inaan la dareemin qiimaha tarjumaanka, balse dunidii hore waxaa dhif ahayd in la helo qof afaf badan wax ka yaqaana, waxaa qiimo badan lahaa tarjumaanka.

Gabagabadii, Tarjumaanku wuxuu kaliya khiyaanoole ku noqonayaa hadduu soo minguuriyo micno aan waafaqeyn micnaha asalka; waxaana mar walba saaran tarjumaanka masuuliyad la mid eh tan qoraaga oo eh inuu ilaaliyo amaanada aqoonta, kana fogaado xatooyo iyo marinhabaabin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *