Soomaalida: Qabiilka mise Diinta

W/Q: Axmed Xisaam Miido.

Soomaalida: Qabiilka mise Diinta.

Soomaalidu waxa ay ka mid tahay bulshooyinka la isku haysto, ee ku jira legdenka iyo jaahwareerka. Qofka Soomaaliga ah waxa uu ku jiraa loollan iyo legden u dhexeeya qabiilka iyo diinta. Prof Afyare Cilmi waxa uu tilmaamaa in qofka Soomaaliga ahi uu leeyahay labo aqoonsi oo kala ah: qabiilka iyo diinta. (Afyare 2010). Sidaa si la mid ah Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow waxa uu buuggiisa “Making Sense of Somali History” ku leeyahay: “sida caadiga ah waxaa jira laba shay oo aan Soomaalida dhexdeeda lagu xadgudbi karin waa: dhaqanka qabiillada iyo Islaamka. Soomaalida badidooduna waxa ay diyaar u yihiin in ay nafhur u sameeyaan labadaas.” Waa laga dheregsan yahay in Soomaaligu u dhexeeyo qabiilka iyo diinta, se weyddiintu waxa ay tahay midkee qofka Soomaaliga ah laabtiisa, nafsaddiisa, iyo hab nololeedkiisa bulsho ku weyn. Anigu waxa aan ku dooday qofka Soomaaliga waxa nafsaddiisa qeexa in uu yahay qabiil, sidaa darteed waxa aan ka soo horjeedaa doodda odhanaysa, “Soomaaliga waxa qeexa waa diinta.” Haddaba waxa isweyddiin mudan intee diintu la fagalshaa nolosha qofka Soomaaliga ah. Haddii dib loo raadraaco dhaqanka, suugaanta iyo hab nololeedka qofka Soomaaliga ah waxa mar walba soo baxaysa in diintu wax macne ah oo weyn aysan u gu fadhiyin, kaliya waxa ay u haysteen caqiido, sababta oo ah; nolosha maalin laha ah ee Soomaalida diintu si waafi ah u la ma falgasho.

Diinta Islaamka iyo dhaqanka qabiilku mid walba waxa uu leeyahay, nidaam iyo habraac u gaar ah oo haddii si waafi ah loogu fiirsado aad u kala duwan. Sida uu tibaaxo Prof I. M. Lewis Soomaalidu waa bulsho raacato ah “pastoral society” waxa nolosha bulsho ee Soomaalida kaalin weyn ku leh dhaqanka raacatada ee sida weyn u ga fog qiyamka diinta Islaamka. Dhaqanka raacatadu waa dhaqan waxshi ah, waxa uu ku salaysan yahay; aragtidii Charles Darwin ee ahayd, “the survival of the fittest.” Aragtidan waxa ay tibaaxaysaa in cidda awoodda lihi ay xaq u leedahay in ay noolaato, sidaa darteed nidaamka raacatada Soomaaliyeed waxa xaqa u leh in uu noolaado qofkii iyo qabiilkii leh cudud iyo awood, waana halka ay Soomaalidu ku maahmaahdo, “buur ahow ama buur ku tiirsanow.” Nolosha bulsho ee raacatada Soomaaliyeed waxa kaalin weyn ku leh oo ay dhaqdaan waa geela. Geela Soomaalida dhexdeeda waa shayga u gu qiimaha badan ee ay tixgeliyaan, geelu waxa uu saamayn nafsadeed u gaystay nolosha Soomaalida, waxa uuna abuuray dhaqan iyo xeer la mid ah midka kaynta, “Law of the Jungle.” Dhaqanka raacatada ee Soomaalida waa halka laga dersi karo in aysan diintu, si macne leh u la falgalin nolosha dhaqan-dhaqaale iyo midda bulsheed ee Soomaalida.

Dhaqanka raacatadu malaha xeer iyo qiyam ay bulshadu raacdo, se taa beddelkeeda waxa ay dadku ku dhaqmaan wixii xooggoodu iyo cuddoodu u goyso. Sidaa awgeed geela oo ah waxa nolosha raacatada Soomaalida qiimaha weyn ku leh, isagu ma galo qiyam akhlaaqi ah. Waxa geela iska leh mulkiyaddiisa ciddii xoog weyn, sidaa darteed Soomaalidu waxa ay yidhaahdaan: “xalaal iyo xoog hadduu xero galo midna kuma xuma.” Waxa kale oo ay yidhaahdaan: “aydin geel hadba waa ninkay gacantiisa gasho.” Soomaalidu waxa ay aaminsan yihiin in geela cidda xaqa u lihi ay tahay ciddii awood leh, sidaa darteed waxa jirta maahmaah bulshada ka dhexeysa oo odhanaysa: “geela ninkii awood leh baa leh.” Maahmaahdani waxa ay tibaaxaysaa in geelu xaalal iyo xaaraan midna uusan gelin, se uu yahay wixii muruqaagu kuu gooyo. Soomaalidu geela la kala dhaco uma aysan haysan in uu yahay wax xaaraan ah, oo ay diintu mamnuucday, se waxa ay aaminsanaayeen in dhaca geelu uu yahay wax dadka ka dhexeeya. Sidaa awgeed ayuu Sayid Maxamed Cabdalle Xasan u aaminsanaa in geelu xalaal yahay raggana ka dhexeeyo, wuxuuna odhan jirey: “Dhaqaaleya dhaha geelu wuu innaga dhexeeyaaye.” Eeg buugga, (Taariikhda Afka iyo Bulshada Soomaaliyeed, bogga 280).

Si kale Cali Dhuux oo isla arrinkan ka warramaya waaka isagana yidhi:

“Nin kastoo xadreeyaaba

Waa u xusul duubaaye

Culimada kaloo xeeladoo

xaasid ku ahayde Sayidkii

wadaaddoo dhan xidhay

Waris xalaaleeye Xoolaha

kaleetiyo isagu waaba

kala xeere Xaashida

kitaabkuna idiin

ma ay xaraamayn, e.”

Soomaalida dhexdeeda geela waxa lagu xijin jirey tol iyo cudud qabiil, waana halka uu abwaan Cilmi Carab ka yidhi: “xijin waayey geel nimaan tolkii la gu xurmaynayn, kol hadday xigtadaadu kugu yar tahay kuu xasili waaye.”1 Geela la dhaco wadaadka waxbaa la ga siin jirey, si uu u gu xalaaleeyo qabiilka. Eeg (Taariikhda Afka iyo Bulshada Soomaaliyeed, bogga 299). Mar haddii aynu sheegnay in geelu Soomaalida dhexdeeda uu ahaa wax la kala dhaco oo aan qiyam diineed lahayn, waxa caado iyo dhaqan ahayd in ciddii geel badan ay ahayd cidda garta leh. Gartaasi ha noqoto mid xaq ah ama mid xaqdarro ah, waana halka ay caanka ka noqotay maahmaahda odhanaysa: “ninkii geel badan baa gar leh.” Sida aynu kor ku tibaaxnay caqiidada ay Soomaalidu geela ka aaminsanaayeen waxa uu ahaa: “xalaal iyo xoog hadduu xero galo midna kuma xuma.” Haddaba waxa isweyddiin mudan qofka aan tamar iyo taag lahayn, se geel badan leh maxaa isaga u naf ah? Dabcan wax u naf ah ma jirto, oo xeerka bulsho ee raacatada Soomaaliyeed waxa sal u ah xoog iyo cudud millateri. Waa dhaqan ka maran qiyam caddaaladeed iyo mid bulsheed. Taasina waxa ay tusaale waafi ah u tahay, in Soomaalidu diinta caqiido ahaan u aaminsanayd.

Xeerarka bulsho waxa loo samaystaa in lagu beddelo hab nololeedka bulsho iyo in lagu qaabeeyo adduun- aragga bulsheed. Sidaa awgeed xeerku waa halka isbeddelka bulsho ka dhaco, ummadda aan xeerar nololeed lahayn waxa ay la mid tahay ummad aan mustaqbal lahayn. Soomaalidu waxa ay u dhisan tahay hannaan qabiil, qabiil walba waxa uu leeyahay “xeer.” Xeerkaasi waa dastuurka u gu sarreeya ee qabiilkaasi ku dhaqmo, si kale u dhig waa DIIN. Si guud qabiilladu waxa ay leeyihiin xeerar diblumaasiyadeed oo ku dhisan dano iyo iskaashi bulsheed. Xeer Soomaaligu waa waxa qaabeeya adduun-aragga iyo hab nololeedka ruuxa Soomaaliga ah. Soomaaligu aqoon fiican uma laha, waxa uu yahay xeer diimeedku, ama qawaaniinta sharci ee ay diintu dhigtay. Sidaa awgeed kalsooni badan kuma qabo sharciga diineed. Prof Cabdalle Cumar Mansuur waxa uu leeyahay: “Soomaalidu waxa ay leedahay xeerar kala duwan oo ay ku dhaqanto, xeer walbana waxa uu leeyahay xeer hoosaad.” Xeerarka ay Soomaalidu lahayd waxa ka mid ah: xeer xoolaley, xeer beeralay, xeer ugaarsato iyo xeer magaalo. Eeg buugga (Taariikhda Afka iyo Bulshada Soomaaliyeed, bogga 287). Soomaalidu waa bulsho u qaybsan wadaad iyo waranleh. Wadaadku shaqadiisu waxa ay ku kooban tahay arrimo ay ka mid yihiin: guur, dhaxal, Qur’aan barid iyo wacdi. Nolosha bulsho ee kale wadaadku waxba kuma uusan lahayn, xitaa wadaadku ma ahayn hoggaamiye siyaasadeed. Eeg buugga (A Modern History of the Somali, bogga 15). Gabayga Samatar Baxnaan ayaa innoo soo koobaya shaqada uu wadaadku ka hayey nolosha Soomaalida. Samatar waxa uu leeyahay:

Dugsi baa wadaad lagu ogaa dab ugu sii qaad e

Darib iyo u gee caana geel oo ha diirsado e

Markii uu dibbiro haw akhriyo diinka caammada e

Haddiise uu wax kale doonay waa daallin xoogsadaye.”

Xeer Soomaaliga oo ah waxa u gu weyn ee ay Soomaalidu ku dhaqanto waxa awood u lahaa in uu dejiyo, waranlaha Soomaaliyeed, wadaadku wax shaqo iyo shuqul ah kuma lahayn. Xeerka uu waranluhu dejiyo

waxa ku jirey arrimo badan oo caqiido ahaan marka diinta Islaamka la joogo khalad ah, bilmetel; Garta Soomaalida waxa lagu qaadaa saddex arrimood oo kala ah: Qiraal, Makhraati iyo Millad oo dhaar ah. Tan u dambaysa waa halka xeerka iyo qabiilku uu noqdo caqiido. Soomaalidu waxa ay marka ay xeer joogto ku dhaaran jirtay dhaar diin ahaan khalad ah, bilmetal, waxa la odhan jirey: “xero oodan baad ku jirtaa, waxa aad haysaa dhagax; ma dhalo, oo ma dhiiqo, inaad arrintaa wax lagaa weyddiinaayo been ka sheegaynin ma tii Ilaahay sida dhagaxa kaa dhigaa baa.” Halka qofka Soomaaliga ah magaca Ilaahay lagu dhaarin laaha mirtaa baa kaga kulul. Eeg (Taariikhda Afka iyo Bulshada Soomaaliyeed, bogga 290). Sida uu I. M. Lewis ku tilmaamay buuggiisa: “dimuqraaddiyadda raacatada/ A Pastoral Democracy” Soomaalidu waa bulsho qaab dhismeedkeeda qabiil uu yahay mid dega oo aan meel gaar ah ku istaagin, waana waxa uu

I. M. Lewis u bixiyey: “segmentry leanage system.” Marka haddii qaab dhismeedka qabiilka Soomaaliyeed uu yahay mid dega jifi walba oo hoose waxa ay lahayd “xeer.” Si guud na qabiillada waxa ka dhexeeyey xeer, waana halka ay caanka ka noqotay weedha caanka ah ee la yidhaahdo marka dhib dhaco ee ah: “maxaa xeer innoo ahaa.”

Soomaalidu waxa ay aaminsan yihiin, caqiido odhanaysa: “xeer la’aantiis waa la xooloobaa.” Si bulshadu dhaqanka raacatada ah ee kakan u xejistaan waxa ay hal-abuureen maahmaah ay ka mid tahay: “caado la jaraa, cadho Alle ayey leedahay.” Odeygii Soomaaliyeed ee lagu yidhi gabadha wiilkaagu qabay ma guursan kartid, oo diinta ayaa xaaraantimaysay, waa tii uu isna yidhi: “kitaab Alle dan tay ma oga.” Soomaalidu waxa ay aamisan yihiin xoogga iyo dirirta, waxana hal ku dhig u ah maahmaahda odhanaysa: “nin aan shantaadu kaa reebin sharci kaama reebo.” Cabdiqaadir Aroma buuggiisa “Taangiga Tigreega” waxa uu ku soo guurinayaa maahmaahyo ay Soomaalidu adeegsato oo caqiidada diinta Islaamka ka soo horjeedda. Maahmaahyada uu xusay waxa ka mid ah:

Rag ciil cadaab ka dooray.

Rag iska dhici iyo Rabbi ka cabso isma raacaan.

Bisin nin xoog leh baa bi’iyey.

Nin xoog leh baa xaajo u toostaa.

Cabdiqaadir Aroma waxa uu ku dooday in qabyaaladda Soomaalidu ay isu beddeshay caqiido diineed, waxa kale oo uu ku dooday in qabyaaladda Soomaalidu ay ka xoog weyn tahay diinta sidaa awgeed ayuu u yidhi:”qabyaaladdu waa summaddii awoowe iyo sinji, waa maguuraan la mid ah caqiido diimeed. Wax kasta xataa diinta qabyaaladda ayaa ka xoog badan oo bulshadu aaminsan tahay.” Eeg buugga (Taangiga Tigreega bogga, 12). Qabyaaladda iyo qabiilku waa labada shay ee ay Soomaalidu si dhaw u fahmi karto marka loo eego diinta. Qabyaaladdu waa shayga qudha ee dareenka Soomaalida lagu kicin karo marka loo eego diinta Islaamka, sidaa darteed ayuu Cabdiqaadir Aroma waxa uu leeyahay: “qabyaaladdu waa maaddada qudha ee shucuurta Soomaalida si fudud loogu kicin karo.” Aroma waxa uu qabaa in haddii qof dhib ku dhaco inaan loogu soo gurman karin, si Islaannimo ah ama Soomaalinnimo ah, se taa beddelkeeda waxa qofka loogu soo gurman karaa hab qabiil, waayo waxa uu leeyahay: “Soomaalidu si fiican bay u taqaan hiilka laysugu hilbo diriro hab qabiil, se wax aqoon ah u ma leh qiimaha iyo waxtarka dar Alle loogu diriro iyo difaaca qaranka ummadda ka dhexeeya.”

Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa “meel madaxa ka sarreysa oo la taabto ma jirto.” Diinta Islaamka marka la joogo waxa u madax ah waa culimmada, oo ah dadkii dhaxlay anbiyada. Sidaa awgeed culimmada Soomaaliyeed waa hoggaanka diineed ee bulshada Soomaaliyeed, waxa iyaga qudhooda saamayn weyn ku yeeshay caqiidada qabyaaladda, oo waa tii Soomaalidu ku maahmaahday: “fiqi tolkii kama Janno tago.” Culimmada Soomaaliyeed waxa ay ka mid yihiin dadka sida weyn u aaminsan qabyaaladda. Aroma oo arrinkaas ka warramaya waxa uu buuggiisa “Taangiga Tigreega” ku leeyahay: “culimmada waxa ay safka hore uga jireen annaaniyadda qabyaaladda, waxa ay ku ducaystaan: Allow tolka ku badi rag, adduunka na ciiltira aakhirana cadaabta naga xigsada.” Cabdiqaadir Aroma waxa uu ducadan culimmada ku tilmaamay mid habaar ah. Si kale u dhig, wadaadku waxa uu ku qeexnaa qabiilkiisa. Shaqada wadaadku waxa ay ahayd inta qabiilku duullaanka gelin in uu sameeyo: duco, tuf iyo taxliil. Sida uu I. M. Lewis qabo Soomaalida waxa qeexa waa qabiil. Haddaba waxa isweyddiin mudan maxay diintu u noqon weyday wax ku weyn nafsadda ruuxa Soomaaliga ah? Weyddiintan waxa innooga jawaabay Cabdiqaadir Aroma, waxa uu leeyahay: “fahanka Soomaalida ee diinta waxa u sabab ah labo arrimood: mid waa diinta oo ku qoran Af- Carabi. Midna waa Soomaalida oo u badan reer miyi, aan aqoon fiican u lahayn Af-Carabiga.” Labadan sababood waxa ay keeneen in diintu si waafi ah u la falgeli weydo nolosha bulsho ee Soomaalida.

Qaab-dhismeedka bulsho ee Soomaalidu waa mid ku salaysan qabiil, qofku waxa uu wax ku helaa qabiilkiisa waxa uuna wax ku waayaa qabiilkiisa. Nolosha Soomaalida qofku tol la’aan ma noolaan karo, waxana jira maahmaahyo badan oo tibaaxaya sida qofka Soomaaliga ahi uusan u noolaan karin tol la’aan waxa ka mid ah:

Buur ahow ama buur ku tiirsanow.

Tol la’aan waa la tasoobaa.

Nin tolkii ka tagay oo tanaada la waa.

Nin kaligii socda waa labo mid uun: waa tuug ama waa tol la’aan. Tolkaaga iyo kabtaada dhexdaa looga jiraa.

Haddii aad u fiirsato dhammaan maahmaahyadan oo idil waxa ay soo koobayaan hal mid oo ah: in qofka Soomaaliga waxa qeexa uu yahay qabiil. Hab-dhismeedka qabiilka Soomaaliyeed waxa uu ku salaysan yahay, weedha odhanaysa: “walaalkaa gar iyo gar darraba u hiili.” Qaacidadan kore waxa ay salka ku haysaa midkii jaahiliyadii hore ee la odhan jirey: “casbiyah.” Prof Cabdalle Cumar Mansuur marka uu ka warramayo weedha habarwacashada qabiilka Soomaaliyeed ee odhanaysa: ‘TOL LA’AYEEY’ waxa uu leeyahay: “qaacidada beeshu waxay tahay in loo hiiliyo qof allaale qofkii ka tirsan beesha oo ka soo yeerta wax u eg ‘TOL LA’AYEEY’ iyada oo aan la eegaynin in uu gar darran yahay iyo in kale.” Halkan u fiiso dhaqanka qabiilku waa hubsiimo la’aan iyo in qofka loo hiiliyo, gar iyo gar darraba. Qofku haddii uu wax dilo ama uu wax xado waa in la difaaco, oo looma dhawaan karo, lamana ciqaabi karo, oo waxa jirtay maahmaah odhanaysa: “tuug hala dilee yaa reerkiisa mari.” Xidhiidhka qofka iyo qabiilka ka dhexeeya, waa xidhiidhka uu abwaan Gaarriye ku soo koobay: “markaad hebel duqaysaa, Reer hebel damqanayaan.” Si kale u dhig xidhiidhka nafsi ee uu qofku la leeyahay qabiilka, waa waxa uu Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan uu ugu yeedhay: “clan neurosis/ salow qabiil.”

Haddii qofku uu isaga baxo diinta Islaamka, dhaqanka qabiilku diin ka baxa wax weyn u ma arko, waa halkii uu Maykal Maryaano guddoomiyihii urur siyaasadeedkii NUF (National United Front), markii uu u sharxanaa baarlamanka Soomaaliya ka yidhi: “dadku waxa ay aaminsan yihiin diin aan diintan Islaamka ahayn.” Weedha Maykal Maryaano waxa ay si waafi ah u sawireysaa si-aragga qabiilka. Cabdi Iidaan Faarax isaga oo ka halcelinaya Kiristaannimada Maykal Maryaano, isla markaana tilmaamaya cidda uu Maykal sida dhab ah u yahay waa kan leh:Waxba Maykal waa gaal xun iyo muran ha xoogayne Nin madow hadduu yahay dhulkuu meel ku leeyahay”

Qabiilku waxa uu raad weyn ku yeeshay nafsadda iyo maskaxda qofka Soomaaliga ah, bilmetal: marka dhib dhaco qofku waxa uu ku hadaaqaa; Alla tol beelayeey, Ba’ayeey, tol beelayeey. Si kale u dhig qofka marka ay talo ka yara wareerto oo uu keligii isla yara hadlayo waxa ku hadaaqaa; “tolow, see yeelaa”, waa tan “la ba’ay tolow halkee aadaa”.Tani waxa ay tilmaamaysaa sida qabiilku u degay garaadka hoose “subconscious mind” ee qofka Soomaaliga ah. Qofku qabiilka waxa uu ka helaa faan, tookh iyo taariikh. Qabiilladu waxa ay isugu faanaan laandheerannimo, qabiillada qaar waxa ay sheegtaan in ay dadka kale ka mudan yihiin, sidaa darteed waxa ay qabaan, waxa uu Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan u bixiyey: “Delusion of Clan Superiority” waa aaminaad beeneedyo ku salaysan, aniga ayaa kaa reer wanaagsan iyo anigaa kaa fiican. Waa wax aan sal iyo raad toonna lahayn. Dr. Bulxan waxa uu tilmaamay isla weynida qabiilka waxa sababa arrimo ay ka mid yihiin: qaybsanka ah “annaga iyo ayaga / us versus them” iyo is barbardhiga qabiillada. Eeg buugga (Politics of Cain, bogga 400).

Hannaanka dawladeed iyo midka siyaasadeed ee Soomaalida waxa isagana qeexa waa qabiil. Nidaamka dawladeed ee Soomaalida waxa uu ku salaysan yahay, hannaan qabiil waana waxa uu I. M. Lewis uu u gu yeedhay: “abtirsiimo siyaasadeed/ political genealogy.” Soomaalidu waxa ay isdhexgeliyeen labo shay oo mudanayd in la kala ilaaliyo oo kala ah: dhaqanka qabiilka iyo nidaamka dawladnimada casirga ah, sidaa awgeed waxa dawladnimadii Soomaalida ku xoog batay, oo halka sare soo marey dhaqankii qabiilka ee qaacidadiisa guudi ay ahayd: “walaalkaa gar iyo gar darraba u hiili.” Rashiid Gadhweyne waxa uu buuggiisa “Qabiil iyo Qaran labo aan is qaban” kaga dooday in dhaqanka qabiilku uu noqday midka qaabeeya nidaamka siyaasadeed ee Soomaalida, waxa kale oo uu ku dooday in dhaqanka jaadkan ahi uu yahay mid xidhiidh toos ah la leh, midkii baadiyaha ee qofku aaminsanaa weedha odhanaysa: “xoog la’aantii waa lagu gumoobay.” Iyo “nabadi wax kuma yeeshee colaad u toog hay.” Si kale u dhig Rashiid Gadhweyne waxa uu qabaa in Soomaalidu ay ku jirto xaalad dawlad la’aaneed “state of nature.” Macnaha weedha “state of nature” waxa hal-abuurey faylasuufkii reer Ingiriis ee Thomas Habbes, waxa uuna si waafi ah u gu sharxay buuggiisa caanka ah ee “Leviathan” ee markii u gu horreysay la daabacay 1651.

Hobbes waxa uu “state of nature” ku qeexay; xaalad dawlad la’aaneed oo uu qofku ku tiirsan yahay cuddiisa. Waxa uu qofku wax ku yahay awooddiisa qofeed, dadku waxa ay isu dilaan, isu dhacaan sida loo kala awood iyo xoog weyn yahay. Xaaladdan dawlad la’aanta ah ma jirto qiyam akhlaaqi ah oo dadka kala sooca mana jiro nidaam xaqsoor oo dadka kala haya. Sidaa awgeed Rashiid Gadhweyne isaga oo xiganaya macnaha “state of nature” waxa uu si dhammaystirey u gu qeexay nidaamka reerguuraga ee Soomaalida. Rashiid waxa uu leeyahay: “habka dhismaha abtirsiinwadaagta reerguuraaga Soomaalida, xaqu waa inta xooggu kuu gooyo. Darajada aad bulshada ku yeelan kartaa na waa xooggaaga. Sidaas oo kale, haybadda ay koox Reer Hebel la yidhaahdaa leedahay, waxay ku xidhan tahay xoogggeeda dagaal. Qofka waxaa lagu taxgeliyo ee lagaga dhawrsado, geeliisu dhulka daaqo, iyo waxa lagu la xidido ee lagu xurmeeyaa waxay ahayd xoogga iyo biliga qolodiisu ku dhex-leedahay qolyaha kale. Dadka Soomaalida ah ee hayb ahaan loo takooro, meel kale laga ma raacin ee waa loo xoog sheegtay. Waa loo moorduugay oo qudhaa laga muquushay.

Inta dhaqashadii xoolaad laga xarrimay, ayaa xirfad kasta oo kale na lagu takooray.” Si kooban Rashiid waxa uu ku tagay, in Soomaalidu ay ku jirto xaalad dawlad la’aaneed. Waxa uu leeyahay Soomaalidu haddii ay geela kala dhici jirtay, halkii geela waxa galay dawladnimada, oo maalinba reer baa dhaca. Tanina waxa ay salka ku haysaa, xaaladdii dawlad la’aaneed ee uu bini-aadamku soo marey sida uu ku dooday, Thomas Habbes.

Haddii uu qabiilku saamayn ku yeeshay nidaamka dawladnimo ee Soomaalida, waxa kale oo uu qabiilku saamayn ku yeeshay xarakaadka Islaamiga ah ee Soomaalida. Bilmetal; Islaamiyiinta cusub ee Soomaalida waxa qaybsankooda u gu weyn la la xidhiidhiyaa arrimo qabiil, tusaale cad waxa aynu u soo qaadan karnaa burburkii ku yimi ururkii Al-Ittixaad, oo loo sababeeyo in qabyaaladdu door weyn ku lahayd. Waxa la mid ah burburkii Maxaakimta. Qabyalaaddu waxa ay ku lugyeelatay, dacwadii diinta Islaamka. Tusaale ahaan; waxa muddooyinkii dambe nolosha bulsho ee Soomaalida aad looga dareemayey, saamaynta ay qabyaaladdu ku yeelatay, goobaha diiniga, sida: masaajidda iyo goobaha macaahidda. Waxa soo batay masaajid la huwiyey magac qabiil, waxa tan la la xidhiidhinayaa in hal reer masjidka maamulkiisa oo idil uu isku koobay. Tusaale ahaan, waxa isku qabiil ah, ninka masjidka dhisay, ninka masjidka ka addima, ninka masjidka ka aqima, ninka masjidka khudbadda iyo kutubta ka akhriya. Sidaa darteed waxa magaalooyinka Soomaalida ku arkaysaa masjid la leeyahay waa masjidkii “reer habel.” Sidaa si la mid ah, mac-hadyadii diiniga ahaa, waxa ay isu beddeleen goobo reereed. Si kale masaajidda waxa saamayn ku yeeshay loollanka qabaliga ee siyaasadda Soomaalida, sidaa awgeed waxa masaajidda ku arkaysaa, wadaaddo mucaarid ah iyo wadaaddo muxaafid ah, oo dawladda qaar la jiraan qaar na ay ka soo horjeedaan.Tan dambe waxa ay ku badan tahay Soomaaliland. Waxa gudaha Soomaaliland dhawanahan caan ka noqotay, in wadaaddadu u kala saftaan mucaarid iyo muxaafid, taas oo marka dambe salka la gelaysa qabiil. Dhanka jaamacadaha qabiilka iyo qabyaaladdu saamayn weyn ayey ku yeesheen nidaamka waxbarasho, oo heer waxa la gaarey in qabiil ahaan jaamacadaha Soomaalida loo kala sheegto. Sida oo kale ganacsiga iyo goobaha kale ee bulsho isagana waxa si weyn raad u gu yeeshay qabiilka. Qofku waxa uu shaqo, magac iyo siyaasad ba ku helaa hadba halka mansabka qabiilkiisu ka joogo bulshada.

Guud ahaan waxa aynu leennahay nolosha bulsho ee Soomaalida waxa meel walba raad ku yeeshay qabiilka iyo qabyaaladda. Ma jirto diin iyo wax kale oo qofka loo eegayo, doorashada koowaad ee dadka lagu xusho waxa ay noqotay “QABIIL.” Taas oo caddayn u ah sida qabiilku u biyo dhigay nolosha bulsho ee Soomaalida. Waxa jirta weyddiin culus oo uu akhristuhu isweyddiin karo oo ah, maxaa keenay in qabiilku sidan oo idil nolosha Soomaalida u gu yeesho saamaayn? Warcelinta oo kooban waa afar qodob oo muhiimaddooda leh; kow, qabiilku waxa uu qofka siiyaa amni iyo difaac. Labo, qabiilku waa aqoonsi qofeed, maaddaama aysan Soomaalidu ka gudbin marxaladdii bilowga ahayd ee bulshooyinku soo mareen, sidaa darteed waxa qofka lagu aqoonsadaa qabiilkiisa, waxana uu qofku sharaf ku leeyahay aqoonsiga qabiilka. Saddex, qofku qabiilka waxa uu ka helaa daryeel bulsho, sida haddii uu xanuusto in la daweeyo, haddii uu shil galo in caymis qabiil loo sameeyo iyo haddii uu cid dilo in magta laga bixiyo. Afar, qabiilku waxa uu qofka siiyaa shaqo, tusaale ahaan, qofka Soomaaliga ah maanta waxa uu shaqo iyo mansab siyaasadeed ba ku helaa weji qabiil, sidaa darteed waxa caan noqotay dad badan oo ka cabanaya, shaqada qabiilka ku salaysan. Afartan qodob ee aan tibaaxay waxa ay keeneen in qabiilku raad weyn ku yeesho nolosha bulsho ee Soomaalida. Halkan waxa maqan waaa dawladdii, sida la ogsoon yahay dhammaan shaqooyinka qabiilku qabto, intooda badan waa shaqooyin ay ahayd in ay dawladnimadu qabato, se Soomaalida oo aan dawladnimada u bislayn iyo nukhbada siyaasadeed ee Soomaalida oo ku guuldarreystay in ay Soomaalida ka raraan hannaanka qabiilka, ayaa sababtay in qofku qabiilkiisa wax ku helo, ama uu qabiilkiisa wax ku waayo. Si kale u dhig; qofku waxa uu ku gawracan yahay qabiilka uu ka dhashay.

Gunaanad

Maqaalkeenna waxa aynu kaga faalloonnay, saamaynta uu qabiilku ku yeeshay: nafsadda, siyaasadda iyo hannaanka bulsho ee Soomaalida. Waxa aynu sharaxnay qofka Soomaaliga had iyo jeer waxa ku xoog badan in uu yahay qabiilka. Waxa aynu ku doodnay in qabiilku yahay wax ku madhan nolosha ruuxa Soomaaliga ah, waxa aynu tibaaxnay in dhaqanka raacatada Soomaaliyeed uu yahay dhaqan ku salaysan weedha Soomaaliyeed ee odhanaysa: “xoog la’aantii waa lagu gumoobay.” Qoraalkeenna waxa aynu si waafi ah u gu soo bandhignay, sida diintu u ga fog tahay nidaamka raacatada Soomaaliyeed iyo sida qofku aaminaad buuxda u gu qabo tolkii. Waxa aynu bidhaaminnay, sida wadaadku u gu jirey jeebka waranlaha Soomaaliyeed iyo sida uu qabiilkiisa u gu faruur xinaa innaga oo tilmaamnay, maahmaahda Soomaaliyeed ee odhanaysa: “fiqi tolkii kama Janno tago.” Maahmaahdu waxa ay soo koobeysaa sida wadaadku u gu xidhnaa tolkii iyo sida uu gar iyo gar darraba u la jirey. Maqaalka waxa aynu ku tilmaamnay xidhiidhka ka dhexeeya qofka iyo qabiilka iyo sida ay nafsadda ruuxa u saamaysay. Waxa kale oo aynu sheegnay saamaynta uu qabiilku ku yeeshay Islaamiyiinta Soomaalida. Waxa aynu dhan walba ka istaagnay sida xeer Soomaaligu u sawirey si-aragga nolosha Soomaalida iyo halka ay dadku ka taagnaayee. Waxaynu ka faalloonnay sababaha keenay in qofku qabiilkiisa uu ku dheganaado, innaga oo tibaaxnay afar qodob oo gundhig u ah. Gegabadii waxa innoo caddaaday in qabiilku yahay wax ku weyn laabta Soomaalida. Waxa kale oo innoo caddaatay sida qabiilku u gu lugleeyahay qayb walba oo ka mid ah nolosha Soomaalida.

Tixraacyo

1: (1988). I. M. Lewis. A Modern History of the Somali: Nation and State in the Horn of Africa. 2end. United State. Westview Press.

2: (2008). Hussien Bulhan. Politics of Cain: One Hundred Years of Crises in Somali Politics and Society, Tayosan International Publishing, Hargeysa.

3: (1977). Axmed Sh. Cali Buraale. Xeerkii Soomaalidii hore, Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta sare Akadeemiyaha Dhaqanka, Muqdisho.

4: (2016). Cabdalle Cumar Mansuur. Taariikhda Afka iyo Bulshada Soomaaliyeed: Daraasaad Af iyo Dhaqan. Uk. Looh Press.

5: (2008). Cabdiqaadir Aroma. Taangiga Tigreyga, Aroma Publications.

6: (1961). I. M. Lewis. A Pastoral Democracy. Oxford University Press, London7: (199). Georgi Kapchits. Qaamuuska Maahmaahyada Soomaaliyeed, shirkadda qoraalka ee Suugaanta Bariga, Moosko

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *