Waxaa qoray: Ayuub Nadaara
Sidee Xiriirradu U Guulaystaan? (كيف تنجح العلاقات؟)
Muuqaal podcast-ka ee ciwaanka looga dhigay Sidee Xariirradu U Guulaystaan? (كيف تنجح العلاقات؟) ayaa waxaa la daawaday in gaaraysa 134 milyan jeer, asiga oo sidaasi ku noqday midka ugu daawashada badan. Fadhi-warranka waxa uu ka hadlayaa sida xariirradu u guulaystaan, waxaana si faahfaahsan uga hadlaayo oo marti ku ah Sh. Yaasir Al-Xuzaymi. Muuqaalku wuxuu soconayaa saddex saacadood! Saddex saacadood oo muuqaal ah in la daawado in ka badan 134 milyan jeer, waa aad dareemi kartaa sida ay dadka xiiseeynayaan mowduucaan.
Ma jiro xariir aan dano ama baahi ku dhisnayn. Xitaa xariirka aad Alle (SWT) la leedahay, baahi buu ku dhisan yahay, sababtoo ah kama maarantid Alle (SWT). Laakiin Alle (SWT) makhluuqiisa uma baahna; ee iyaga ayaa u baahan.
Marka aad xariir sameynayso, waa in aad wadataa seef, galkeeda, iyo gaashaan. Seefta waxaad u adeegsanaysaa qofka mudan in loo adeegsado, si uusan kuugu xadgudbin. Qofka aan mudnayn in loo adeegsado, galka ayaad ka gashanaysaa!
Tiirarka Xiriirada أركان العلاقات
Nabigeenna Muxammed (NNKH) wuxuu yiri:
“Alle (SWT) ka baq meel kasta oo aad joogto”, “Xumaanta marka ay kaa dhacdo, wanaag raaci, wanaagga ayaa tirtiraya xumaanta” iyo “Dadka kula dhaqan dabeecad wanaagsan”
Sida guud, xariirradu ayada oo sees loogu dhigaay axaadiista kore waxay noqonayaan saddex qayb:
- Xariirka Ilaahay (SWT) la leedahay → “Alle (SWT) ka baq meel kasta oo aad joogto.”
- Xariirka aad la leedahay naftaada → “Xumaanta marka ay kaa dhacdo wanaag raaci, wanaagga ayaa tirtiraya xumaanta.”
- Xariirka aad la leedahay dadka → “Dadka kula dhaqan dabeecad wanaagsan.”
- Xariirka aad la leedahay Allah (SWT)
Bani’aadamka waxaa ku beeran fitro ah rumaynta Ilaah iyo baahida uu u qabo Ilaah. Laakiin waa Ilaahee?! Halkan ayaa la iskaga duwan yahay. Sidaa darteed, Rususha waxaa loo soo diray inay inoo baraan Ilaaha (SWT) mudan in la caabudo, kaligii la caabudo. Ilaaha ay dadka qaar caabudaan wuxuu noqon karaa isla hawadooda oo ay raacaan, halkii ay Ilaaha xaqa ah caabudi lahaayeen. {أَرَأَيْتَ مَنِ اتَّخَذَ إِلَٰهَهُ هَوَاهُ} (Ma aragtay mid hawadiisa ka dhigtay Ilaahiisa?)
Xariirka aad la leedahay Rabbi (SWT) wuxuu ku taagan yahay saddex arrimood:
- Warkiisa inaad rumayso.
- Waxa Rabbi (SWT) kuu qoray inaad ku raalli noqoto.
- Amarkiisa inaad raacdo.
2. Xariirka aad la leedahay naftaada
Waa inaad naftaada qadarisid oo ixtiraamtid. Nabigu (SCW) wuxuu yiri: “Qofka Muslimka ahi yuusan dullayn naftiisa.” Sidee buu dullaynayaa? Micnaha, in uu dusha saarto wax ka culus awooddiisa oo uusan xamili karin culayskiisa. Tusaale, dharka aad xiranayso, waxa aad akhrinayso, magacaaga iyo naanaystaad wax ay dhammaan ka tarjumayaan xariirka aad la leedahay naftaada. Caaqilka waa qofka lasoo baxa jawhar-kiisa!
3. Xariirka aad la leedahay dadka kale
Xariirradu waxay ku taagan yihiin hab-dhaqan wanaagsan iyo kala faa’iidaysi. Sidaa darteed: mar kasta oo ay xirfadahaagu bataan, waa mar kasta oo dadka baahidoodu kuu badato, waxaana siyaadeysa inaad ka maaranto dadka. Mar kasta oo ay xirfadahaagu yaraadaan, waa mar kasta oo baahidaada dadka ay badato, waxaana siyaadeysa in dadku kaa maarmaan!
Jacaylka Naftaada
Sidee ku garanaysaa inaad naftaada jeceshahay?
- Garashada xuduudkaaga – Inaad ogaatid in aad tahay bani’aadam leh nuqsaan, waxay kuu caddeynaysaa in aad naftaada jeceshahay. Dhammaystirnaanta waa mid u sugnaatay Alle (SWT) kaligiis.
- Inaadan ka xishoon waxyaabaha caadiga ah ee aad leedahay – Sida qaabka aad u muuqato, timahaaga, bidaartaada, iyo waxa aad haysato. Waa dullinimo in aad xirato dhar kugu dheggan adigoo is leh “dadka ha ku qancaan” ama aad wax iska dhigto si aad u soo jiidato dareenkooda, halka aad adigu culays ku dareemayso.
- Inaad hal waji lahaato – Marka aad baraha bulshada joogto inaad muujiso dabeecad wanaagsan, halka xaqiiqada aad tahay qof dabeecad xun leh. Tusaale ahaan, haddii aad gudaha qoyskaaga ku tahay qof dhaqankiisu xun yahay, balse bannaanka aad iska dhigto mid wanaagsan, tani waxay muujinaysaa qof laba waji leh. Qofka laba waji leh wuxuu marna kooxdan ula yimaadaa waji, marna kuwa kale ula yimaadaa waji kale. Waa dabeecad laga digay oo aan wanaagsanayn.
Nabigu (SCW) wuxuu yiri; Dadka ugu sharta badan waa kuwa laba waji leh; kuwaan waji ugu yimaado koox, kuwa kalana waji kale ugu yimaado.
Qaybaha Xariirrada
- Xariir ku dhisan nabad iyo wanaag – Labada qof isku xadgudbi maayaan, wixii waajibaad la isku leeyahay waa la guta, la isku naseexeeyaa. Waa xariir wanaagsan oo saldhigiisu yahay ixtiraam iyo isku kalsooni.
- Xariir jirran – Wuxuu ku salaysan yahay canaan, qaylo iyo buuq. Mid ka mid ah labada qof ma ilaalinayo xuquuqda kan kale, taasoo keenta khilaaf iyo dhibaato.
- Xariir danaysi ah – Qof baa qofka kale wax ka dalbanaya, balse ma siinayo xuquuqdiisa, ama wuxuu ka dalbanayaa wax uusan awoodin. Xariirka noocaan ah wuxuu ku dhisan yahay dano gaar ah, balse ma jiro wax wadashaqeyn ama is-ixtiraam ah.
- Xariir nabadeed balse geeri u eg – Wuxuu u muuqdaa xariir nabdoon, laakiin dhab ahaantii waa xariir dhintay. Labada qof midkoodna ma gudanayo wax waajibaad ah, sidoo kale jacayl iyo daganaan toona ma jiro, waana iska aamusnaanta oo keliya.
- Xariir fasahaad ku dhisan – Xariirkaan wuxuu fasahaadinayaa adduunyadaada iyo aakhiradaada, mana jirto wax wanaagsan oo aad ka faa’iidaysid.
Nebiga waxa uu yiri; “Xariir kasta oo caro Alle (SWT) lagu bilaabo, dhammaadkiisu wuxuu noqdaa mid xun oo aan raalli-gelin labada qof.”
Xariirka Ragga iyo Dumarka
Xariirka ragga iyo dumarka ee goobaha shaqada ama meelaha kale ee la wada joogo wuxuu noqon karaa laba nooc:
- Xariir xaddidan – Waa xariir laba qof wada xariirayaan, laakiin waqti go’an leh iyo meel xaddidan uu ku egyahay. Xariirkan wuxuu ku salaysan yahay baahi gaar ah, sida shaqada, waxbarashada, ama mashruuc la wada fulinayo. Marka baahidaasi meesha ka baxdo, xariirkaasi waa dhammaanayaa. Tusaale ahaan, xariirka shaqaalaha ka dhaxeeya.
- Xariir joogto ah – Waa xariir laba qof ka dhexeeya oo aan waqti iyo makaan toona ku xaddidnayn, sida xariirka ka dhexeeya lamaane is qaba. Xariirkan wuxuu joogto u soconayaa, waana mid baahidiisu ay taagan tahay mar walba.
Xariirka Labo Qof oo Ajnabi Ah
Marka uu jiro xariir u dhexeeya laba qof oo ajnabi ah, waxaa waajib ah in la raaco laba qaanuun oo Qur’aanka Kariimka ah:
- {فَلَا تَخْضَعْنَ بِالْقَوْلِ}
- {وَقُلْنَ قَوْلًا مَّعْرُوفًا}
Hadalka waa inuu noqdaa mid toos ah, xaddidan, aan jilicsanayn, si uusan ninka qalbigiisa ugu soo jiidan. Sidoo kale, hadalka waa in uu ku koobnaado ujeeddada iyo baahida lagala hadlayo, loogana dan leeyahay wanaag iyo kheyr.
Xariirrada Jirran iyo Daawooyinkooda
Xubbiga (الحب) iyo Cishqiga (العشق) farqi baa u dhexeeya. Marka aan eegno macnaha labadan eray ee af-Carabiga ah: Xubbiga waa jacayl caadi ah oo la yaqaan, waana jacaylka bini’aadamka dhexdooda ka dhaca ee caqligu aqbali karo. Cishqigu waa jacayl xad-dhaaf ah, oo qofku si qoto dheer ugu xirmo qof kale, ilaa heer uu iska iloobo danihiisa kale. Wuxuu noqdaa qof si joogto ah uga fakara maqnaanshihiisa, aadna u aaminsan in uu qofkaasi isaga leeyahay, uuna xaq u leeyahay in qofkaasi uusan wax kale qaban karin.
Jacaylka noocaan ah ee cishqiga ah, dhab ahaantii waa jirro, mana aha jacayl caafimaad qaba. Majiro qof insaan ah oo qof kale u hibayn kara noloshiisa dhan, sababtoo ah qof kastaa wuxuu la xiriirsan yahay nolol kale. Qofka aad si xad-dhaaf ah u jeclaatay waa addoon Alle (SWT) sidaada oo kale. Wuxuu noqon karaa aabbe/hooyo leh masuuliyad kale. Wuxuu noqon karaa qof dhalinyaro ah oo nolol iyo waajibaadyo kale la hardamaya.
Sidaa darteed, marka aad qof is baranaysaan, waxaa muhiim ah in aad raacdaan wadada toosan, sida is-barasho xikmad iyo sabir leh, is-aaminaad iyo dhagar la’aan, iyo is-kaashiga iyo wada dhisidda xariir guulaysta. Marka xariirka lagu dhiso qiyamkan, wuxuu noqonayaa mid waara oo guul lagu gaaro.
Waa Maxay Booskaaga Bulshada? (ماهو رقمك الإجتماعي؟)
Bulshada, qof waliba boos ayuu ka joogaa, waana kala heer. Heerka aad ka joogto shaqada, guriga, ama meelo kale waa kala duwan yahay. Tusaale, haddii aad tahay professor jaamacadeed, shaqadaada waxaad joogtaa maqaam sare. Laakiin marka aad guriga joogto, dadka guriga jooga waad la siman tahay.
Tusaale kale: Marka la tukanayo salaadda, qofka imaamka ah laguma qiimeeyo cilmiga jaamacadeed ee uu haysto ama darajadiisa shaqo. Waxaa la fiirinayaa yaa Qur’aankayaqaan? Adigoo 40 jir ah, waxaa dhici karta in uu wiil 15 jir ah oo xaafid ah ku tujinayo. Sababtoo ah, goobtaasi isagaa ugu darajo sarreeya, adiguna waad ka hoosaysaa. Meel baa waxa aad ka joogtaa darajada 1-aad, halka meel kale aad ka joogto darajada 10-aad.
Alle (SWT) wuxuu makhluuqiisa kala fadilay, sida Qur’aanku xusay:
“انظرْ كَيْفَ فَضَّلْنَا بَعْضَهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ ۚ وَلَلْءَاخِرَةُ أَكْبَرُ دَرَجَٰتٍۢ وَأَكْبَرُ تَفْضِيلًا”

Dhigaalo aad u xiisa badan ayaan ka akhriyay mareegtan Raad-Reeb, waxaan aad ugu amaanayaa intii isku hawshay soo kudbintooda, waxaan sidoo kale u mahad naqayaa hawl wadeenada isku xil saaray keydinta maqaalada kala jaadka ah.