Sidee Gaza uga adkaatay ciidammadii ugu awoodda badnaa dhulka?

Waxaa qoray: Kemaal Ozturk – Wariye iyo qoraa Turki ah, isha Aljasiira.

Waxaa tarjumay: ismaaciil Iimaan

Falastiiniyiin ku sugan burburka Gaza, ka dib markii ay ka baxeen ciidamadii Israa’iil (Reuters).

Marka aan arkay tobanaan kun oo qof oo cago caddaan dhex socda boor iyo burbur magaalada dhexdeeda, ayaan ka xishooday in aan qoro wax ku saabsan guul ama khasaare siyaasadeed oo la xiriira xabbad-joojinta. Markaas baan garwaaqsaday in ku noolaanshaha Qasa lafteedu tahay guul.

In aad ka badbaado dabargoyn uu geysanayo dilaa kugu garaacaya hubka ugu halista badan, adigoo ku go’doonsan goob yar oo aan lahayn meel lagu badbaado ama looga baxsado, taasi lafteedu waa guusha ay gaareen 2 milyan oo qof oo go’doonsan.

In aad ku adkeysato nolosha adigoo ah ilmo yar, ama dumar, ama nin sacbooley ah, oo ku sugan dhul bad iyo berrigaba laga go’doomiyay, oo bambooyinku kor kaga soo hoobanayaan, oo cidna aanay ka jawaabeyn qayladhaantooda, taas lafteedu waa mucjiso.

In Ummad dhan ku adkaysato ku laabashada guryo burburay, oo marar badan lagu qasbay in ay ka qaxaan — shiishyahannaduna tooganayaan si cuntada iyo biyaha uga horjoogsadaan oo jidadka ugu dhintaan, haddana iyadoo sidaas tahay ay go’aansadaan inay dib ugu noqdaan guryahooda, waa guul.

In aad ku noolaato Qasa, oo aad sii jirtid, waa guul taariikhdu mid la mid ah aysan arag. In aad adkaysato adigoo aan haysan hub, gabbaad, ilaalin, xulafo, iyo xabbad rooti ah, haddana aad sii taagnaato, taasi waa guul dhab ah.

In aad ku noolaato Qasa, oo aad sii jirtid, waa guul taariikhdu mid la mid ah aysan arag. In aad adkaysato adigoo aan haysan hub, gabbaad, ilaalin, xulafo, iyo xabbad rooti ah, haddana aad sii taagnaato, taasi waa guul dhab ah.

Dunida oo dhan waxay markhaati ka ahayd iska caabbinta shacab la baabi’inayo, oo hortaagan ciidamada dunida ugu xooggan, ugu arxan daran, kuna qalabeysan hubka ugu daran ee wax laaya. Xasuuq baahsan oo ay daawanayaan saaxiibada iyo walaalaha, iyo dalal sheeganaya ilbaxnimo, iyo deris ku hadlaya luqaddaada oo aan farna dhaqaajin; in aad dhulka ku dhacdo oo aadan isdhiibin, taasi sidoo kale waa guul.

Dhul ay ka buuxaan ugaarsato sugaysa dhimashadaada, yeey iyo dhurwaayo kula sugaya ciddiyahooda dhiigga leh; in aad dhaawacaaga kala badbaado waa guul.

Waxba kama qorin karin qodobada heshiiska, ka dib markii aan arkay hooyo iyo cunuggeeda oo isku dayaya inay ku noqdaan guri ku yaal Khan Yunis oo isu baddalay tuurmo dhagaxyo ah. Ma awoodo in aan uga warramo faa’iidooyinka juqraafi-siyaasadeed ee heshiiska anigoo indhaheyga ku eegaya. Ma awoodo in aan is barbardhigo: “Israa’iil miyaa heshiiska ku guulaysatay? Xamaas-se ma ku khasaartay?”

Dad la barakiciyey oo markii afraad ka yimid Koonfurta, markii shanaadna u socda Woqooyi, oo cago caddaantooda ku socda jidad saxare noqday, ma awoodo in aan wax ka qoro meelaha libinta heshiiska ah iyo meelaha uu ku liito. Maxaa yeelay go’aanka dadkaas ku socda kulaylka cadceedda, oo dabayshu boorkooda u tuurayso xagga badda, haddana ku adkaysanaya inay ku soo laabtaan burburka guryahooda, ayaa keligeed guul ah.

Taariikhda dagaallada, waxa ugu horreeya ee dalalku bartilmaameedsadaan waa go’aanka iska caabbinta ee cadowga. Sababtoo ah ciidan kasta iyo ummad walba oo lumisa rabitaanka dagaalka, waxay ku xukumantahay guuldarro.

Bal maleyso, Falastiini waayey ilmihiisa, ehelkiisa, magaaladiisa la burburiyey, gurigiisiina la dumiyey, oo aan waxba uga harin dunida, haddana rabitaankiisa dagaalka ma jabin. Ilmihiisa gaajo ayaa lagu silciyay, wax aan lafo ahayn kama harin, mana haysto waxuu cantuugo, haddana ma isdhiibin, mana ka tanaasulin dagaalka.

Waxaa laga yaabaa in waxa ugu weyn ee wax u dhimmi karay go’aanka dagaalka ay ahayd khiyaanada saaxiibbada. Waddamadii loogu yeerayay walaalo iyo shucuubtii loo arkayay saaxiibbo, kuma quudin rooti, mana u fidin gacan iyagoo gaajo u dhimanaya. Haseyeeshee, ruuxdoodu ma jilcin, mana ka noqon dagaalka; arrintaasi lafteeda ayaa guul ah.

Taariikhdu ma arag iska caabbin tan oo kale ah. Taariikhdu ma ogaan ummad sidan oo kale ah oo dooratay inay sharaf ku dhimato, kana diidday isdhiibidda ciidamada dunida ugu xooggan, oo ku hubaysan agabyada wax gumaada kuwa ugu daran. Sidaa darteed, in Falastiin lagu sii noolaado waa guul.

Markay noloshaasi ku adkeysteen, markii aysan ka tegin dhulkooda, markay gacmahooda ku qabsadeen carradaas boorka leh ee engegan, dhabtii waxay ka adkaadeen ciidamada dunida ugu xooggan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *