W/Q: Amiin-Shalka Cabdiraxmaan
Sidee caado wax akhris loo samaystaa?
___
Waxa la yidhaahdaa 5-ta sanno ee soo socota mustaqbalkaagu sida uu u ekaan doono ilaahay ka sokow waxa qaabeeya buugaagta aad akhrin doontid iyo dadka aad la kulmi doontid.
Muhiimadda wax akhriska
Akhrisku wuxu ka mid yahay hababka ugu wanaagsan ee uu qofku ugu diyaar garoobi karo mustaqbalkiisa, waayo waxa inta badan hab fikirka qofka, adduun aragiisa iyo hab dhaqankiisa saameeya waxa uu akhriyo. Odhaah caan ah ayaa tidhaa;
Akhristayaasha maantu waa hoggaamiyaasha berri
Hddaba waxa jira faa’idooyin badan oo uu akhrisku leeyahay waxaana ka mid ah:
1) Wax akhrisku shakhsiyadda qofka ayuu horumariyaa: qof kasti nolosha heer ayuu ka joogaa aqoon ahaan, garaad ahaan iyo akhlaaq ahaanba, akhrisku wuxu kuu sahlayaa dhammaan dhinacyada kala duwan ee shakhsiyaddaada ee mid waliba heerka joogo in aad horumariso.
2) Wax akhrisku qofka cimrigiisa ayuu kordhiyaa: qofka wax akhriya wuxu ka dhigan yahay sida qof kun sanno ka hor noolaa oo kale, waayo qofku marka uu wax akhrinayo wuxu akhrinayaa taariikho dad kumannaan sanno ka hor noolaa wuxuuna ka dhigan yahay sida qof xilligaas nool, wuxuuna qofku helayaa aqoon iyo waayo-aragnimo ay sannado badani kaga bixi lahayd helisteedu.
3) Wax akhrisku qofka wax qiimeyntiisa ayuu qurxiyaa: qofku marka uu wax qiimeynayo natiijada waxaa uu qiimeynayo ka soo baxaysi waxay ku xidhan tahay hadba xogta iyo macluumaadka uu hayo, qofka mawduucyo kala duwan wax ka akhriyi wuu ka aragti dheer yahay oo wuu ka qiimeyn wanaagsan yahay qofka aan waxba akhrin ama qofka hal mawduuc uun akhriya.
4) Wax akhrisku maskaxda qofka ayuu caafimaad u leeyahay: cilmi baadhisyo aad u badan ayaa sheegay in dadka wax akhriya marka ay weynaadaan ayna ku soo degdegin xanuunnada maskaxda ku dhaca ee uu gabawgu keeno, sidoo kale dadka wax akhriya xusuustoodu way ka badan tahay dadka aan waxba akhrin.
5) Wax akhrisku waa daaqad kaaga furan maskixihii ugu cuddoona ee dunida soo maray: qofku marka uu buugaag qiimo badan akhrinayo waxay ka dhigan tahay isaga oo ku dhex jira maskaxaha dadkii wax garadka ahaa ee buugaagtaa qoray, wuxuu fursad u helayaa oo ay buugaagtaasi fursad u siinayaan in uu nolosha ka arko daaqad aan ahayn tii uu markii hore ka arkayay, markaas ayuu qoraayaasha buugaagta ka dhaxlayaa aqoontii iyo xikmaddii ay lahaayeen.
Haddaba sidee caado wax akhris loo abuurtaa?
Saynisyahannadu waxay sheegeen in ay maskaxdu mar kasta ku hawlan tahay sidii ay u kaydin lahayd dedaalka iyo tamarta qofka, si ay haddaba u kaydiso tamarta wax kasta oo uu qofku joogteeyo ee uu ku celceliyo waxay u samaysaa khaanad oo waxa ay ku kaydisaa maskaxda qaybteeda dhexe si ayna mar danbe tamar ugu bixin oo ayna uga fikirin, waxyaabaha aynu sida maalinlaha ah u samayno ee ay ka midka yihiin: wax cunista, wax cabbidda, hurdada, salaadda, socodka IWM maskaxdu kama fikirto, waayo sababta ayna uga fikirin waa in ay waxyaabo caado ah innoo noqdeen oo ay maskaxda khaanad ku leeyihiin, haddaba wax akhrisku waa mid ka mid ah caadooyinka la abuurto kuwooda ugu cuddoon ee ugu culus, si aad caado wax akhris u samaysatid waxa lagaaga baahan yahay in aad raacdid tabaha iyo tilmaamaha hoos ku xusan:
Hadaf: wax kasta oo muhiim u ah nolosha oo aynu doonayno in aynu gaadhno ama hirgelinno wuxu innooga baahan yahay in aynu garanayno sababta aynu u doonayno, waayo marka uu qofku garto ujeedka iyo sababta uu shay u rabo ayuu u dulqaadan karaa caqabad kasta oo ka soo wajahda hirgelinta shayga, markaa is weydii oo waa in ay kuu caddahay sababta aad wax u akhrinaysaa.
Bilow wanaagsan: buugaagtu way kala heerar iyo mawduucyo sarreeyaan, markaa waa in aad ku bilowdaa buugaag mawduuc fudud laga qoray oo ka hadlaya mawduuc aad xiisaynaso oo xajmi ahaan yar, waxyaabaha qofka akhriska jeclaysiiya waxa ka mid ah in uu qofku buug dhammeeyo, haddaba si ay kuugu fududaato in aad buug akhrintiisa dhammaayso oo aad wax akhriskana jeclaatid waa in aad ku bilowdaa buugaag xajmi ahaan yar.
Ku xidhiidhi caado hore oo aad lahayd: wax akhrisku waa caado, haddaba si ay kuugu fududaato in aad caado wax akhris abuurataa waa in aad ku xidhiidhiso caado hore oo aad lahayd, macnaha: qofku inuu subixii hurdada ka soo tooso waa caado, inuu salaadda subax tukado waa caado, inuu shaqo ama dugsi ka soo laabto waa caado markaa caadooyinkaa aad hore u lahayd ku xidhiidhi caadadan cusub ee wax akhriska, tusaale: subixii markaad tukatid wax akhris ku xigsii oo caadadan hore ee salaaddu ha kuu noqoto wixii kicinayey ee ku xusuusinayay in aad wax akhriso, muddo ilaa laba bilood ahna joogtee oo ha kala goyn.
Samayso dhiirrigeliyeyaal dibadeed: qofku inuu garto hadafka uu wax u akhrinayo waa dhiirrigeliye gudeed, haddaba qofku wuxuu u baahan yahay oo uuna marna ka maarmayn dhiirrigeliyeyaal dibadeed, wuxuu qofku u baahan yahay in uu samaysto asxaab wax akhrida si ay ugu fududaato isna in ay u abuuranto caado wax akhris, sidoo kale dhiirrigeliyeyaal dibadeed waxa qofka u noqon kara inuu booqdo goobaha buugaagta lagu soo bandhigo iyo goobaha lagu iibiyo.
Dulqaadka badi: naftu mar kasta waxay jeceshahay in ayna waxba qaban ama wax ay xasilooni ku dareemayso uun ay qabato, caadada wax akhriskuna ma aha shay ay sahlan tahay in la abuurtaa, markaa marar badan naftu iska caabbin ayay kaala hor iman oo waxad is arki adiga oo wax akhriska ku caajisaya, laakiin haka niyad jabin in aad sii joogtayso, mar kastana samirka badi oo nafta ku qasab in ayna is dhiibin.
Gunaanad
Ugu danbeyn, waxa hubaal ah in qof kasta oo maanta wax akhriska ku raaxaysta oo nafis ku dareemi uu soo maray maalmo uu wax akhrisku ku adkaa, balse joogtayn iyo Samir badan kadib uu maanta wax akhrisku caado u noqday, mar kastana maanka ku hay in dadka uu wax akhrisku caadada u yahay ay marar badan soo wajahdo in ay akhriska ka caajisaan, balse ma aha kuwo ay nafahoodu hoggaamiyaan ee iyaga ayaa nafahooda hoggaamiya kuna qasba in ay ku mashquusho shayga ay dani ugu jirto, markaa haddii aad mararka qaar is aragto adiga oo wax akhriska dhibsanaya ama ku caajisaya ha isku malayn qof ku fashilmay samaysashada caadada wax akhriska ee isku day in aad sii joogtayso.
