Saynisyahannada Soomaalida ee Sayniska Daahfur Cusub ku Soo Daray
W/Q: Samatar Abshir Maxammed
Sida ku xusan qaamuuska Okosfoodhi, Saynisku waa barashada dabeecadda iyo qaabdhismeedka adduunka iyo waxa guud saaran iyada oo la adeegsanayo indho-indhayn iyo tijaabooyin. Si guud, Saynisku waa daraasaynta iyo barashada noolaha iyo bi’ada uu ku nool yahay. Taariikh ahaan, Saynisku waxa uu noqonayaa wax soo jirey ilaa ilbaxnimooyinkii hore ee ka horreeyay wakhtiyadan danbe ee casriga ah. Sida ku qeexan wikibiidhiyahana, Saynisyahayku waa qof seemayay baadhis uu ku horumarinayo aqoonta qayb ka mid ah Sayniska dabiiciga ah. Waxa aannu naqaannaa kumannaan saynisyahan oo wax cusub soo daahfuray oo la xidhiidha noolaha iyo, guud ahaan, koonka aynu ku noolnahay: ka soo bilow Baytagaroos iyo Aristootal xiligoodii ilaa taagantan aynnu joogno waxa jira ama soo baxaya dad dedaalay oo soo daahfuraya ama soo saraya wax ku saabsan noolaha, iyo wax cusub oo fududaynaya in nolasha nooluhu si fudud u socoto. Waxa ciidaa ka badan dadka isku hawlay ee daraaseeya koonka iyo noolaha ku nool si ay xal ugu helaan mushkiladaha noolaha, guud ahaan, haysta. Haddaba, waxa aan qormadan kaga hadlaynaa Soomaalida dedaalkaas dunida oo dhan ka socda wax ku darsatay si aan u barano oo aan cashar uga barano dedaalkooda, jiilasha soo socdaana ugu daydaan. Waxa xusid mudan in ay jiraan kumannaan aqoonyahan iyo cilmibaadhe oo ku takhakhusay laamaha kaladuwan ee cilmiga sida suugaanta, dhaqaalaha, cilmiga bulshada, cilmiga aasaarta, taariikhda iqk, kuwaasi oo ka sameeyay cilmibaadhisyo badan kana gaadhay guulo badan, balse waxa aan halkan ku soo qaadanaynaa aqoonyahanka Soomaaliyeed ee wax cusub oo qoraal dhaafsiisan oo Saynis ah soo daahfurey.
Dr. Cismaan Aadan Cabdulle
Dr. Cismaan Aadan Cabdulle, waxa uu ahaa wiil uu dhalay madaxwaynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya, Aadan Cabdulle Cismaan. Waxabarashadiisu waxa ay ahayd Cilmiga Dhakhtarnimada dadka iyo cilmiga Hiddasidayaasha (Genetics). Waxa uu ahaa cilmibaadhe shaqooyin badan ka soo qabtay Soomaaliya iyo meelo kalaba. Waxa uu soo noqday Agaasimaha Xarunta Adeegga Dhiigga ee Muqdisho. Waxa uu soo noqday ergayga Soomaaliya ku matalayay Haayadda Caafimaadka Adduunka. Dr. Cismaan iyo koox uu ka tirsan yahay waxa ay 1987 cilmibaadhis ay sameeyeen ku daahfureen unug cusub oo ka mida dheecaannada borotiinada ee lagu kala sooco nuucyada dhiiga ee loo yaqaan “Rh Gene” kaas oo soo daaya maadda dhif ah oo loo yaqaan Cx (Rh9) taas oo laga helo dadka Soomaalida. Dr. Cismaan waxa uu ka mid yahay ama uu hormuud u noqonayaa Soomaalida tirada yar ee wax cusub ku soo kordhisay Sayniska, gaar ahaana qaybta hiddaha iyo hiddasidayaasha la xidhiidha.

S/ka 1: Dr. Cismaan Aadan Cabdulle
Prof. Axmed Muumin Warfaa
Prof. Warfaa waxa uu barasare ka ahaa Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed, qaybteeda beeraha. Waxbarashadiisu waxa ay ahayd beeraha, gaar ahaan, oo waxa uu ku takhakhusay aqoonta barashada dhirta (Botony). Burburkii ka bacdi waxa uu ku noolaa waddanka Mareykanka halkaasi oo uu dib uga sii bilaabay barshada baayoolijiga kuliyada Salt Lake Community iyo jaamacadda Brigham Young. Waxa uu la shaqeeyay Quruumaha Midoobay oo. 2009 kii waxa loo magacaabay Lataliyaha Madaxwaynaha Soomaaliya. Markii uu dalka ku soo laabtay waxa uu noqday guddoomiyaha Jaamacadda Zamzam. Prof. Warfaa iyo Mats Thulin waxa ay sameeyeen cilmibaadhis sideetamaadkii. Waxa ay cilmibaadhistaas ku daahfureen dhir ubaxdii ugu horreysay ee nuucada loo yaqaan Cyclamen ee laga helo kulaylaha Afrika. Cyclamen waa nuuc ka mid ah 23 nuuc oo dhir ubax ah oo ka mida bahda loo yaqaan Primulaceae. Nuucyada dhirtan waxa hore loogu yaqaanay in ay ka baxaan Yurub iyo meelo ka mid ah Aaasiya sida Iran. Prof. Warfaa iyo saaxiibkii Mats waxa ay markii ugu horreysay ka heleen dhirtan Soomaaliya waxaana loo bixiyay nuuca ay heleen Cyclamen Somalense. Waxa xagga danbe lagaga ladhay magaca Somaliya oo muujinaya in laga helo dhulka Soomaalida. Prof. Warfaa dedaalkiisu waxa uu shidaal u noqon karaa jiilasha danbe ee raba in ay waxyaaha dhulka Soomaalida laga helo adduunyada kale u la wadaagaan si cilmiyaysan.

S/ka 2: Prof. Axmed Muumin Warfaa
Axmed Ibraahim Cawaale
Axmed waa Deegaanjire (Enviromtalist), Dhirdarse (Botanist) iyo qoraa. Waa bare ka dhiga aqoonta deegaanka Jaamacadda Hargaysa. Axmed waxa uu ku dhashay tuulo u dhow magaalada Hargaysa. Waa agaasimaha guud ee haayadaha kala ah Somaliland Biodiversity Foundation iyo Candlelight. Waa qoraa qorey buugaaag kaladuwan oo ku qoran afafka Soomaaliga iyo Ingiriisiga. Axmed iyo cilmibaadhayaal kale daraasad ay sameeyeen waxa ay ku daahfureen Hangaraalle nuuciisu cusub yahay oo laga helo dhulka Soomaalida. Badi dhulka Soomaalida waxa cilmibaadhis u yimaada cilmibaadhayaal shisheeye ah kuwaas oo iyagu ku magac qaata ama u magacbixiya waxa cusub ee ay dhulka iyo nolosha Soomaalida ka ogaadaan, balse Hangaraallahan cusub waxa loogu magacdaray, Saynis ahaan, Axmed Ibraahim Cawaale oo waxa loo bixiyay Pandinurus Awalei. Axmed waxa kale oo uu qayb ka ahaa oo uu soo daahfurey nuuc dacarta ka mid ah oo dhulka Soomaalida laga helo, waana Dacar Casta Soomaalida (Somali Red Aloe) oo uu ka helay tuulada Alaalacadka. Waxa nuucan dacarta ah in ay jirto lagu ogaaday dedaalka ay sameeyeen Axmed iyo cilmibaadhayaasha kale oo daraasadda ku wehelinaayay. Dedaalka saynisyahan Axmed ee ah in uu wax soo ogaaday soona daahfuray ka dibna magaca Cawaale loogu ladhay ee lagu aqoonsaday, waxa ay dhiirrigalin dheeriya u tahay jiil kaste oo ku fekeraya in uu wax cusub oo cilmi ku dhisan soo ogaado soona daahfuro.

S/ka 3: Axmed Ibraahim Cawaale
Dr. Axmed Yaasiin Cali
Dr. Axmed waa cilmibaadhe iyo saynisyahan waxa barashadiisa ku soo qaatay Jaamacaddaha Liverpool John Moores iyo Cardiff. Waxa uu khabiir ku yahay daawo ka raadinta dhirta dabiiciga ee Geeska Afrika. Waxa uu ka tirsan yahay Jaamacadda Cardiff. Waxa uu sameeyay shirkad lagu magacaabo Herbal biotech Company oo ku taalla magaalada Cardiff. Dr. Axmed waxa uu daahfurey baadhis ka dib in Malmalka dhulka Soomaalida ay ku jirto daawo loogu talagalay beeraha iyo kuwo ka hortaga kansar. Sidoo kale, waxa uu soo daahfurey oo uu ogaaday in fooxa soomaalida ay ku jirto daawo lagaga hortago xannuun iyo xumad dhaliyaha (anti-inflammatory). Dedaalka Dr. Axmed waxa uu tusaale u noqonayaa qof kaste oo leh hami uu ku baadho dhirta dabiiciga ah ee laga helo dhulka Soomaalida, ka dibna xal uga helo mushkiladaha aadana iyo noolaha kale ay la daaladhacayaan.

S/ka 4: Dr. Axmed Yaasiin Cali
Xamdi Cali
Xamdi cali waa 17 jir ku jirta dugsiga sare oo ku nool magaalada Edmonton ee dalka Kanada. Waxa ay qayb ka ahayd barnaamij deeqwaxbarasho ah oo loogu talagalay in lagu sameeyo cilmibaadhisyo xiliyada fasaxa ah. Xamdi waxa ay daahfurtay qalab casriya oo lagu baadho macdanta Dhaymanta. Waxa lagu magacaabaa qalabka ay soosaartay Xamdi “SELFRAG”. Qalabkan cusub ee casriga ah waxa uu kaga duwan yahay qalabaadkii hore ee la adeegsan jiray, in marka Dhayman la baadhayo in wax burbura oo wayn aanu soo gaadhayn dhaymanta. Sidoo kale, waxa si sahal ah uu u kala saarayaa dhagaxaanta iyo dhaymanta. Waxa la yaab ah da’ada Xamdi iyo daahfurka ay samaysay sarayntiisa oo aan is lahayn. Waxa ay Xamdi tusaale ay ku daydaan u noqonaysaa gabadh kast oo jecel in ay wax cusub soo daahfurto iyo cid kaste oo is leh wali ma aanad gaadhin da’dii aad xiligii aad wax soo saar samayn lahayd.

S/ka 5: Xamdi Cali
Maryan Nuur
Maryan waxa ay ku nooshahay oo wax ka barataa dalka Denmaarki. Waa ardayad diyaarinaysa shahaadada sare ee PhD-da. Waxa ay wax ka barataa Jaamacadda Aarhus ee ku taala dalka Denmaarki. Maryan waxa ay soo saartay qalab cusub oo xal u noqonaya dadka qaba wadnadaloolka. Waxa ay soo saartay aalad qaabka fargalka u samaysan oo lagu daboolayo meesha uu wadnuhu ka daloolo si ay uga ilaaliso in dhiigu wadnaha ku soo noqdo. Sida caadiga ah, qofka wadnadaloolka qaba qalliin baa lagu sameeyaa Haniyayaasha (valves)-ka wadnaha ee daloola waa laga beddalaa, balse daahfurkan ka bacdi waxa la saadaalinayaa in qaliinka iyo hawsha baddalida Haniyayaasha laga raysan doono. Maryan dedaalkeedu waxa uu astaan u yahay dedaalka iyo kartida hablaha Soomaalida waxa uun tusaale u noqon karaa qof kaste oo raba in uu wax cusub soo saaro si xal loogu helo mid ka mid ah mushkiladaha aan xalka loo helin ee noolaha haysta.

S/ka 6: Maryan Nuur
Waxa jira dad badan oo Soomaaliyeed oo dedaalkooda ku soo saaray wax cusub oo qayb ka ah xalalka mushkiladaha noolaha haysta oo mudan in la wada maamuuso dhammaantood, balse qormadan waxa aan ku xusnay oo kaliya intii aan xog ka heli karayay oo qudha—wallow ay yar yihiin dadka Soomaalida ah ee aqoontooda ka shaqaysiiyay ee waxa cusub soo kordhiyay, haddana intaa yar dedaalkooda aad loogama war qabo. In la ogaado dadka waxyaabaha cusub soo kordhiyay waxa ay muhiim u tahay in wax laga barto waxa ay soo kordhiyeen iyo in ay u noqdaan dhiirrigalin iyo tusaale dadka kale ee ku fikiraya ama jecel in ay wax cusub oo cilmi ku dhisan soo kordhiyaan.
Tixraac
https://en.wikipedia.org/wiki/Osman_Aden_Abdulle.
https://m.facebook.com/308180015884994/photos/prof-osman-aden-abdulle-oo-dalka-dib-ugusoolaabtay-maantana-kashaqa-bilaabay-xar/798432966859694/.
https://en.wikipedia.org/wiki/Ahmed_Mumin_Warfa.
https://en.wikipedia.org/wiki/Cyclamen.
https://www.hiiraan.com/news2/2009/Sept/prof_ahmed_mumin_warfa_is_appointed_as_the_senior_advisor_of_the_president_of_the_somali_republic.aspx.
https://en.wikipedia.org/wiki/Ahmed_Ibrahim_Awale.
https://www.bbc.com/somali/war-54811905?at_custom4=89678658-1F7E-11EB-B1DA-1F4916F31EAE&at_medium=custom7&at_campaign=64&at_custom3=BBC+News+Somali&at_custom2=facebook_page&at_custom1=%5Bpost+type%5D.
https://www.cardiff.ac.uk/news/view/1317995-research-scientist-recognised-for-contribution-to-welsh-society.
https://face2faceafrica.com/article/at-just-17-this-somali-canadian-has-discovered-new-ways-to-extract-diamonds.
https://ingenioer.au.dk/en/current/news/view/artikel/phd-studerende-opfinder-ring-til-utaette-hjerteklapper.
Sistonen P., Abdulle Aden O., Sahid M. Evidence for a ‘new’ Rh gene complex producing the rare Cw (Rh9) antigen in the Somali population of East Africa. Transfusion 1987; 27: 66–68.
Blain EJ, Ali AY, Duance VC. Boswellia frereana (frankincense)suppresses cytokine-induced matrix metalloproteinase expressionand production of pro-inflammatory molecules in articular carti-lage. Phytother Res. 2010;24(6):905‐912,
C. Parr, A.Y. Ali. Boswellia frereana suppresses HGF-mediated breast cancer cell invasion and migration through inhibition of c-Met signalling. J Transl Med, 16 (1) (2018), p. 281
W/Q: Samatar Abshir Maxammed
samedeeq@yahoo.com

Waa qormo xiiso leh oo dhiirigalin xanbaarsa.
Waad mahadsantihiin bahda Raadreeb. Sida aad noogu soo gudbisaan hadba, wixii loogu baahida badanyahay iyo sida aad uga soo jawaabeysaan baahida bulshada ku dhaxyuurarta.