Waxaa diyaariyay: Xamdiya Yarow
Casrigaan oo ah casri ay afafka qalaadi duufsanaayaan wax-soosaarka aqooneed ee dalal badan, afkeena Soomaaliyeedna uusan ka soocneyn afafka laga awood-roonaadey haddiiba uusan koow ka aheyn.
Waxbarashada dugsiga sare, tan jaamacadda, cilmibaarista, qoraalka, faalooyinka yaryar ee aan ka bixinno baraha bulshada iyo sidoo kale qeybweyn ee af Soomaaliga aan kuwada hadalno kamid ah ayaa si weyn uga saamoobey afka maanta ay dunida badankeedi ku hadasho ee English-ka.
Waxaaa jira isxilqaan ay dhalanyaro Soomaaliyeed isxilqaameen, kaas oo loogu gol leeyahay maalgelinta afka Soomaaliga ah,gaar ahaan dhanka aqoonta qeybaheeda kala duwan.
3 sano kahor ayay ahayd marka la aasaasay Raadreeb oo ah mareeg faafisa maqaaladda iyo cilmibaarisyada, iskuna xirta aqristaha iyo qoraaga, sidoo kalena martigalisa kulamo aqoon is weydaarsi ah.
Waxaan wareysi kooban la yeeshay Axmed Dhuubow oo ah madaxa Raadreeb iyo mid kamid ah aasaasayaasheeda, waxaana diiradda saari doonnaa waayo-arignamada ay ka heleen 3-dii sano oo ay mareegtaani shaqeynaysay.
S: Soo dhawoow Axmed! Ugu horeyn waxaan kaaga mahadcelinaayaa waqtiga aad na siisay waxaana idinkugu hambalyeynaayaa sanadguuradda saddexaad ee Raadreeb.
Axmed: Bismillaah, Allaah ayaa mahadleh. Waan dhawahay, Xamdi, waan kaa guddoonnay hambalyadaada.
S:Waxaan jeclaan lahaa in aad in yar nooga warrantid sida uu idiinku dhashay fikirka Raadreeb. Muxuu ahaa booska bannaan ee aad u kacdeen buuxintiisi?
Axmed: Fekradda guud ee Raadreeb waxay salka ku haysaa laxawga uu qaadi karo qof kasta oo ogaal leh kuna dhex nool bulsho ay dowladdooda dhutinaysa. Garashada ayaa na fartay inaan gudanno waajib akhlaaqi ah, waxaana rabnay inaan kaalin ku yeelanno dadaallada teel-teelka ah ee lagu dhisayo wacyiga bulshada. Waxay tirakoobyada xusaan in bulshada Soomaaliyeed, boqollayda ugu badan ay dhallinyarada yihiin, sidaas darteed waxaan aaminsannahay in goor kasta dhallinyaradu laga doonaayo inay qaabeeyaan aayaha ummadda. Waa inaan xusuusnaanno in Gugii Carabta iyo hirar kale ay dhallinyaradu hormuud u ahaayeen, annaga oo kol kasta maanka ku hayno inaan marna la koobiyaynin tajrubaadka ee la tixgeliyo duruufta gaarka ah ee bulsha kasta.
S: Waxaan ku jirnaa xili loo wada batay adeegsiga afka English-ka gaar ahaan dhanka wax qorista iyo baarista. Waaqicaas idinka oo og ayaad haddana doorbideen in Af Soomaali aad aqoon ku faafisaan. Miyuu haatane af Soomaliga leeyahay jumhuur iyo tiro aqristayaal lagu qanci karo? Mise hadafkiinna ma ahan tirada?
Axmed: Aragtida Raadreeb ee in af Soomaaliga lagu faafiyo aqoonta kama dhigno in la colaadinaayo afafka caalamiga, sida Ingiriiska, ama luqadda labaad ee dalka ee af Carabiga, balse ujeedku waxa uu ahaa in qofka Soomaaliga uu afkiisa ku heli karo laamaha kala duwan ee aqoonta islamarkaana uu ku fekeri karo. Barefasoor Cabdalla Mansuur oo mar la weydiiyay suurtagalnimada inuu dabar-go’a af Soomaaliga, ayaa waxa uu yiri; ‘‘Markii uu dalka burburay wax walba waa la qararamsaday, laakiin waxa kaliya ee la bililiqaysan waayay waa FARTA AF SOOMAALIGA’’ Waxaan kala jeedaa af Soomaaliga maanta waa ka koray in af kale loo colaadiyo, sidaas darteed ujeedkeenna waa dhisidda wacyiga bulshada iyada oo afkeenna la adeegsanaayo.
S: Qorsho walba marka la billaabaayo wuxuu wataa filashooyin iyo saadaalin, maanta 3 sano kadib sidee baad u qiimeyn kartaa Raadreeb oo loogu tusaalo qaadan karo waaqica akhriska iyo qoraalka Soomaaliya? Ma mid intii la filanaayey ka agdhow baa mise mid ka fog?
Axmed: Runtii, qiimaynta waxay u baahan tahay halbeeg dhinacya badan taabanaayo. Laakiin haddii aan ku laabanno halka aan ka imaanay, waxaan oran karaa jidka aan rabnay waan haynaa. Wejiga koowaad ee dadaallada Raadreeb, waxa uu ku koobnaa in la faafiyo maqaallo cilmiyeed ku qoran af Soomaali, oo wax ku biirin karo wacyiga bulshada, taasoo aan xaqiijinnay inaan si joogta ah u faafinno, maqaallo dhalad ah iyo kuwa lasoo tarjuamay. Hadafkeenna oo ahaa inaan wax-ka-baddel iyo saamayn toos ah ku yeelanno wacyiga bulshada, waxaan miraheeda u daynaynaa waqtiga, annaga oo ku qanacsan in jidka aan hayno uu keeni karo horumar bulsheed, abuuri karo jawi feker oo ka geddisan kuwa madhalayska, sida qabyaaladda.
S: Haddii aan wax kaa weydiiyo dhanka tarjumaadda, waxaan ognahay in aqoonta badankeedi ay ku qorantahay afaf aan af Soomaaliga aheyn, aqoontaasna ay naga maqnaaneyso illaa aan afkeedi ugu tagno amaba aan helno cid afkeena noogu keenta. Xil intee la’eg bay iska saaraysaa Raad-reeb dhiiragalinta tarjumaadda?
Axmed: Waa dhab, aqoon badan ayaan weli ku qornayn afkeenna, laakiin waxa la isku raacsan yahay in uu af Soomaaliga qaadi karo aqoon iyo feker. Waxaan tusaale usoo qaadan karnaa mashruuca tarjumaadda ee shirkadda daabacaadda ee Hiil Press, oo xaqiijisay in af Soomaaliga xanbaari karo buugaag xanbaarsan afkaar waaweyn, sida buugga Baaqa Shuuciga, ee Karl Marx iyo Friedrich Engels; buugga Tacliinta Dulmanayaasha (Pedagogy of the Oppressed) ee Paulo Freire. Waxaa iyadan xusid mudan, in af Soomaaliga oo qoraalkiisa la horumarin lagu soo tarjumay kitaabka caanka ah ee Macaalim Fiddariiq ee Sayyid Qudub. Haddaan qodobkaaga ku laabto, waa sax aqoonta goobitaan ayay rabtaa, tarjumaaddana waa hab lagaga dhergi karo in lasoo roga. Marka annagu Raadreeb ahaan, waxaan qaadannay inaan qaybka qaadanno dadaallada tarjumaadda, annaga oo xoogga saaraynay soo tarjumidda maqaallada dheefta badan, kuwa duruuf ahaan waaqica iftiiminaayo, iyo guud ahaan soo tarjumidda barnaamiyada ku baxay afafka kale. Tusaale ahaan, waxaan soo tarjunnay barnaamijka lagu magacaabo ‘Sanduuq Bariid’ ee uu leeyahay wariye Ascad Daaha. Sababta aan u doorannay barnaamijkaan waa inuu yahay; waayo-warran jiheeye u noqon karo dhallinyaradeena.
S: Waxaa ah wax aan la iska indho-tirikareyn in dad badan oo bulshadeenna Soomaaliyeed kamid ah ay yihiin kuwa aanan wax akhrinin ama ba aan lahayn caado akhris, kuwaasoo haddana si mug leh u jooga Baraha Bulshada. Ma qorsheynaysaa Raadreeb in af Soomaliyeynta aqoonta aysan kaliya ku gaabsan qoraaladda balse dhanka maqalka ama daawashadana ay wax ku darsato?
Axmed: Waa sax oo baraha bulshada dadyow badan oo aan caado akhris lahayn kuwaasoo maqaallada dhaadheer ka doorbida dhagaysiga iyo daawashada ayaa buuxa, taas oo salka ku hayso caado-bulsheedka in Soomaalidu lagu fasiray bulsho hadal ama gabay oo inay is-maqlaan doorbidda, sida laga dheehan karo fadhi-ku-dirirka joogtada ah. Haseyeeshe, Raadreeb ahaan waa garowsannay xaqiiqdaas, waxaana sanadkaan billowgiisa billownay Podcast si loo helo maqaalladii oo dhagaysi ah, sidoo kalena waxaan sii daynay barnaamijyo daawasho ah iyo kuwa dhagaysi ah oo laga xusi karo taxane aan ugu magacdarnay Hayaankii Cali Ciset kaasoo lagu soo gudbinaayay tijaabadi, taariikhdii, iyo guud ahaan mufekerka dunida Islaamka ahaana madaxweynihii Boosniya Cali Ciset.
S: Ugu danbeyn waxaan jeclaan laheyn in aad nala wadaagtid hadii uu jiro cashir aad ka barateen 3-dii sano ee lasoo dhaafey, talo ama baaq aad ugu baaqi laheydeen dhalinyarada Soomaaliyeed?
Axmed: Saddex-sano guurada Raadreeb, waaya-aragnimada ugu weyn ee aan shakhsi ahaan bulshada la wadaagi karo waa istiraatiijiyadda qunyar-socodnimada. Bulsho ahaan, waxaa nagu furan degdeg tira badan. Waxaan rabnaa inaan wax kasta ay horey ka mira-dhalaan; in ganacsiga horey dheef laga helo, in horey laga guulaysto, iyo wax walba si fudud lagu helo iyada oo aan duruufta la tixgelin; taasoo keenta inay doonisteenna fashilanto. Dhab ahaantii, joogtaynta iyo qunyar-socodnimada waxay fure u noqon karaan waaritaanka mashaariicda ummadeed ee maxalliga ah, kuwaas oo aan taageero shisheeye ku tiirsaneen. Ugu danbeyn, fariintayda ku aaddan dhallinyaradu, waa inaan lagu qancin inay maalmaheennu isu-ekaadaan, taas badelkeedana inaan marti laga noqon danta guud, iyo in la isku howla xalka dhibaatada bulshada iyada oo la adeegsanaayo aqoon lana tixgelinaayo duruufta deegaanka.
Dhammaad
