Waxaa qoray: Suhayb Caydiid
Hordhac
Maxaa dadku ugu baahan yihiin dawlad? Waa su’aal weyn oo weli laga doodo xagga cilmiga siyaasadda. Qaar baa aaminsan in dawladdu ay tahay inay ka shaqeyso arrimo kooban sida ilaalinta xuduudaha iyo hirgelinta sharciga. Kuwo kalena waxay qabaan in dawladdu leedahay door aad u ballaaran: sida in ay nabada ilaaliso, xuquuqda muwaadiniinta dhowrto, adeegyo dadweyne bixiso, isla markaana xalliso dhibaatooyinka aan suuqyada ama shakhsiyaadku xallin karin. Dhacdooyin dhowaan dhacay sida cudurka COVID-19, dagaallada sokeeye, iyo dhibaatooyinka cimilada ayaa na xasuusinaayo sida ay muhiim u tahay dawlad shaqeyneysa.
Soomaaliya waa tusaale muuqda oo muujinaya waxa ka dhaco marka dawladdu daciifto ama meesha ka baxdo. Tan iyo burburkii dawladdii dhexe ee 1991, Soomaaliya waxa ay wajahday amni xumo, saboolnimo, xasilooni darro siyaasadeed, iyo la’aanta adeegyada aasaasiga ah. Dhibaatooyinkan waxay inoo muujinayaan waxa la waayo marka ay dawlad jirin iyo sababta weli loogu baahan yahay dawlad xoog leh, wax-qabad leh, isla xisaabtan leh. Qoraalkani wuxuu dooda u jeedinayaa in aan u baahannahay dawlad si ay u sugto nabad, caddaalad, taageero dhaqaale, iyo in ay dhowrto xuquuqda muwaadiniinta.
Taariikhiyan Doorka Dawladda
Dawladda casriga ah waxaa loo abuuray si ay u xalliso dhibaatooyinka ay bulshada si wadajir ah u wajahdo. Taariikh ahaan, dawladuhu waxay ku samaysmeen dagaallo, uruurinta canshuuraha, iyo heshiisyo bulsho (social contracts). Falsafad yahankii reer Ingiriis Thomas Hobbes ayaa sheegay in marka ay dawlad jirin, dadku ay ku noolyihiin cabsi joogto ah iyo khatar, oo “aysan jirin farshaxan, akhris, bulsho; balse ay jirto cabsi joogto ah iyo dhimasho rabshado leh.” Sidaas darteed ayuu Hobbes u rumaysnaa in dadku ay qaybo ka mid ah xorriyaddooda u hibeeyaan dawlad dhexe si ay ugu helaan nabad iyo ammaan.
Dawladnimada Soomaaliya waxay si rasmi ah u bilaabatay ka dib markii ay xornimada heshay 1960. Bilowgii waxa jiray rajo badan sida adeegyada aasaasiga ah, iyo dareen Qaranimo. Laakiin muddo dheer oo musuq-maasuq, kali-talisnimo, dagaallo sokeeye, iyo faragelin shisheeye ah aan ku jirnay waxay na dhaxalsiisay inuu burburo nidaamka. Burburkii dawladdu wuxuu bilaabmay 1991, taasoo dhashay firaaq dawladnimo iyo qalalaase. Tani waxay si dhab ah u muujinaysaa waxa ay falsafad yahannadu hore uga digeen: marka dawladdu maqan tahay, kala dambayn lama helo, wada noolashaha bulshada dhexdeedana way adkaata.
Maxay aqoonyahanada siyaasada ka dhaheen Dawlad La’aanta
Cilmibaareyaal iyo falsafad yahanno siyaasadeed ayaa muddo dheer wax ka qorayay waxa dhaca marka dawladdu burburto ama meesha ka baxdo iyo waxay ka dhaheen;
Thomas Hobbes (1651) ayaa ku dooday buuggiisa Leviathan in nolosha dawlad la’aanta ahi ay tahay mid cabsi badan oo fowdo ah. Wuxuu sheegay in xaaladda “dabeecadda” (state of nature) ee aan dawlad jirin, qof walba uu halis ku yahay qofka kale. Dawladdu waa tan keliya ee keenta nabad, kala dambayn, iyo sharci.
Max Weber (1919) wuxuu ku qeexay erayga Qaran (dawlad) “bulsho bini-aadan ah oo si guul leh u sheegata in iyadu keliya tahay tan si sharciga ah awood ugu leh adeegsiga awooda.” Haddii aysan jirin hay’ad awood u leh xakameynta rabshadaha, kooxo hubeysan ayaa qabsada nidaamka. Dawlad la’aanta micnaheedu waa in aysan jirin meel caddaalad laga raadsado.
Francis Fukuyama (2011) wuxuu ku dooday in dawladdu ay ka mid tahay saddexda tiir ee muhiimka u ah kala dambaynta siyaasadeed (waxa kale oo la socda sharciga iyo isla xisaabtanka dimuqraadiga ah). Marka dawladuhu daciif yihiin ama aysan jirin, bulshada way kala qeybsamaan, horumarkana wuu istaagaa.
Afyare A. Elmi (2010) oo diiradda saaray Soomaaliya, wuxuu u arkaa Soomaaliya inay tahay tusaalaha ugu cad ee dawlad guul-daraysatay. Wuxuu sheegay in burburkii dawladeed ee Soomaaliya uu keenay firaaq amni, kororka kooxo hubeysan iyo xagjirnimo, iyo in uu si xun u burburay nidaamkii sharci iyo adeegyada bulshada.
Ugu dambayn, dhammaan aqoonyahanadaan waxay isku raacsan yihiin in marka dawladdu maqan tahay, rabshado baa kor u kaca, adeegyada istaaga, xuquuqda dadkuna way dayacantaa, bulshaduna way qeybsantaa.
Soomaaliya iyo Khibradeeda Dawlad La’aaneed
Markii xukunkii Maxamed Siyaad Barre dhacay 1991, Soomaaliya waxay gashay waqti dheer oo ay dawlad la’aan ahayd. Ma jirin dowlad dhexe oo shaqeysa. Dagaal-ogayaal ayaa la wareegay gobollada. Cisbitaallo iyo iskuullo badani way xirmeen. Dadku waxay u baahnaayeen taageero beeleed ama gargaarka caalamiga ah si ay u noolaadaan.
Afyare Elmi wuxuu tilmaamay in muddadaas Soomaaliya ay lumisay awoodii ay u lahayd ilaalinta xuduudaheeda, sugidda amniga, iyo bixinta adeegyada bulshada. Kalluumaysi sharci darro ah ayaa ka dhacay xeebaha Soomaaliya. Burcad-badeedyada ayaa kobcay. Kooxo argagixiso ah sida Al-Shabaab ayaa dhul ballaaran gacanta ku dhigay. Dadka Soomaaliyeedna waxay la kulmeen saboolnimo, cabsi, iyo hubanti la’aan.
Inkastoo mararka qaar la sameeyay dowlado ku-meel-gaar ah (sida TFG ama kadib FG Soomaaliya), haddana awooddooda waxay ku ekeyd Muqdisho. Xarumihii dowladeed aad bay u daciifeen, shacabka badankooduna kalsoonidii way lumiyeen. Tani waxay inoo sheegaysaa in dib-u-dhiska dawladdu uu adag yahay laakiin ay lama huraan tahay.
Dawlada iyo Suuqa
Suuqyadu waxay keenaan shaqo iyo koboc dhaqaale, laakiin si sax ah uma shaqeeyaan haddii aan la xakameyn. Soomaaliya markii ay dawladdu burburtay, shirkado gaar ah ayaa bilaabay inay bixiyaan adeegyo sida isgaarsiinta, dugsiyada, iyo xarumaha caafimaadka. Qaar waa ku guulaysteen, laakiin dad badan gaar ahaan dadka saboolka ah, haweenka, iyo dadka miyiga ku nool ma awoodin, fursadna uma helin.
Ma jirin nidaam dhexe oo hubiya in qiimuhu yahay mid cadaalad ah, adeegyaduna yihiin kuwo tayo leh. Sidaas darteed, bulshada waxay isu kala qeybisay sida ay ugu xiran yihiin lacag, goobta ay joogaan, iyo qabiil. Tani waxay muujinaysaa sababta aan u rabno dawlad ma ahan in ay joojiso suuqa, balse in ay ka dhigto mid cadaalad ah oo qof walba u shaqeeya.
Dimuqraadiyadda iyo Difaaca Sharciga
Dawlad xoog leh waxay kaloo xaqiijisaa xuquuqda dadka. Soomaaliya maanta, nidaamyada garsoorka aad bay u liitaan. Dad badan ma helaan caddaalad. Xalinta khilaafaadku mararka qaar waxay ku dhacdaa gacanta odayaal, cullimo, ama kooxo hubaysan sida Al-shabaab.
Haweenka, dadka laga tirada badan yahay, iyo kuwa aan lahayn taageero beelo awood leh ayaa inta badan la kulma cadaalad daro. Tusaale ahaan, nidaamka awood qeybsiga 4.5 wuxuu si muuqata u dhibaato ugu yahay beelaha aan tiro ahaan badneen, waa sida la dhahee. Dimuqraadiyad dhab ah micnaheedu waa wax ka badan doorasho; waa in dhammaan muwaadiniinta si siman loo ilaaliyo. Haddii dawlad jirin oo tan sugeysa, dimuqraadiyaddu ma kobcayso.
Caqabadaha iyo waxyaabaha Xaddida Dawladda
Dawladda ma aha xalka ugu fiican. Soomaaliya gudaheeda, waxay la daalaa dhacaysaa musuqmaasuq, hoggaan xumo, iyo kala qaybsanaan siyaasadeed. Hoggaamiyayaal badan waxay awoodda u adeegsadaan dano shaqsi ah. Kuwo kale waxay mudnaanta siiyaan qabiilkooda halkii ay ka shaqeyn lahaayeen midnimada qaranka. Kuwani waa caqabado dhab ah.
Laakiin in laga tago fikradda dawladdu ma aha xalka. Sida uu sheegay Afyare Elmi iyo kuwa kale, xalka dhabta ahi waa in la helo maamul wanaagsan dawlad isla xisaabtan leh, hay’ado shaqeeya, iyo hoggaan shacabka u adeegaya, halkii uu dad kooban (elites) u adeegi lahaa.
Gunaanad
Khibradda Soomaaliya waxay na tusaysaa sababta aan dawlad ugu baahanahay. Haddii ay maqan tahay, dadku waxay ku noolyihiin cabsi, adeegyo la’aan, iyo mustaqbal aan la hubin. Dawladdu ma aha fikrad keliya oo siyaasadeed waxa ay ka mid tahay baahiyaha nolosha maalinlaha ah. Waxay sugtaa nabad, ilaalisaa xuquuq, bixisaa adeegyo, waxayna dhistaa kala dambeyn.
Dawlad kasta way leedahay dhibaatooyin, laakiin dawlad la’aanta waxay leedahay cawaaqib ka sii daran. Waa halka ay Soomalida ka dhahaan “dawlad xun, dawlad la’aan bay dhaantaa”. Soomaaliya iyo dal walba, hadafka ugu weyn waa in la helo dawlad xooggan sidoo kale caddaalad ku dhisan, si ay dadkeeda ugu adeegto, kalsoonidooda u kasbato, uguna dhisto mustaqbal wanaagsan.
Tixraacyada
Elmi, A. A. (2010). Understanding the Somalia Conflagration: Identity, Political Islam and Peacebuilding. Pluto Press.
Fukuyama, F. (2011). The Origins of Political Order: From Prehuman Times to the French Revolution. Farrar, Straus and Giroux.
Hobbes, T. (1651). Leviathan.
Weber, M. (1919). Politics as a Vocation.
