SAAMEYNTA DHAQAALE EE ARAGTIDA SOOMALAIWEYN

W/Q: Cabdikariin Shardi

SAAMEYNTA DHAQAALE EE ARAGTIDA SOOMALAIWEYN

Markii xornimada la qaatay, waxaa midooway laba qayb oo ka mid ah shantii qaybood ee uu gumeystihii u kala gooyey dhulka Soomaalida ku dhaqan tahay ee geeska Afrika. Halka saddexda kale ay ku hoos jireen gumeysi. Saddexdaasi, qayb ka mid ah waxa ay raacsaneed Itoobbiya, qaybna Kiinya, qaybna waxaa gumeysanayey Faransiiska. Midda itoobbiya waxa uu si dhab ah ugu gacan galay 1954 oo uu Ingiriiska fuliyey heshiis uu boqorka Itoobbiya la galay 1944tii (Anglo-Ethopian Treaty). Soomaalida NFD degta waxaa afti laga qaaday 1964tii, waxa ayna aqlabiyad ku doorteen in ay Soomaaliya la midoowaan. Waase la gacanbidixeeyey rabitaankooda. Jabbuuti oo uu Faransiiska heystayna waxa ay xorowday 1977dii, waxa ayna noqotay dal madaxbannaan.

Inkasta oo uu waqtiga sidaas u kala dhigay, haddana rabitaanka in ummaddaas la mideeyo ayaa jiray, dowladihii isxigxigayna ay u taagnaayeen. Xukuumad walba waxa ay u aheyd ajendahooda koowaad. Rabtitaanka shacabkana waxaa lagu kasbanayey in la taageeero. Ayada oo ay taasi jirto, haddana aragtidaas waxa ay DHAQAALAHA dalkeenna ku yeelatay saameyn taban iyo mid togan, ogaanteydana ma jirto cid daristay oo wax ka qortay, waxa ayna ila tahay in cilmibaaris xooggan u baahan tahay.

Tusaale; markii xornimada la qaatay dalka dhaqaale ahaan waa uu liitay, filashooyinka dadkana waa ay badnaayeey. Adeegyada aasaasiga in wax laga qabto ayaana mudneed, laakiin taas baddelkeeda xoogga miisaaniyadda difaaca ayaa loo leexiyey. lixdameeyadii waxa ay miisaamiyadda difaaca gaareysay 35%-38%.

Sidoo kale, xiriirka dibadda waxaa sal u aheyd cidda taageereyso aragtidaas. Cid walba oo ka cagajiidana deero ayey ka aheyd dowladda. Kaalmada ay dowladda weydiisato shisheeyaha kaalmo Militari ayey u badnaayeen. Waxaan noqonay meel ay Soofiyeedka iyo Mareykanka ku hardamaan. Waxaana la jirnay, cidda kaalmada Militari ee ugu badan na siisa.

Markii Kacaanka dhashay, oo ay dowladdii caga-adag ku joogsatay, waxa ay dagaal kaga hortagtay Itoobbiya 1977dii, waana halka burburka Soomaaliya uu kasoo bilowday. Dagaalka oo Militari ahaan guuleystay, siyaasad ahaanse fashilmay waxa uu dowladda dhaxalsiiyey in ay ka furato Ruushka iyo Hantiwadaagga, halkaas iyo reer galbeedkana cagta saarto, taas oo luggooyo maahane aan waxkale laga faa’iidin. Waxaa halkaas ka abuurmay jihowareer dhaqaale, waxaana adkaatay sida labada nidaam ee dhaqaale loogu kala gudbi lahaa.

Wixii dagaalkaas ka dambeeyey, waxaa cagta la saaray wadadii burburka, in ay wax isdhimaan maahane, waxba ma siyaadin. Waxa ayna aragtida galaafatay qarankeennii oo hog iyo halaag ku sii dhacayey wixii maalintaas ka dambeeyey. Dagaalka ka dib waxa Jamhuuridda ku soo qaxay qaxooti tirabadan oo aysan dhaqaale ahaan maareyn karin. Waxa ayna magan uga noqotay hay’adaha qaxootiga. Waxaan kaalmaha hore ee caalamka ka galnay dalalka deymaha iyo deeqaha lagu harqiyo. IMF iyo World Bank ayaan macmiil wanaagsan u noqonnay. Dhaqaale burbur xooggan ayuuna dalka galay.

Aragtida SOOMAALIWEYN waxa ay muddo sees u aheyd dowladnimadeenna, waxa ayna innagu leedahay saameyn ballaaran. Waxa aan cid walba oo karta ku dhiirragelinayaa in ay u qalinqaadato, si qotodheerna cilmibaaris uga sameyso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *