W/Q: Ascad Dhaha
W/T: Ilyaas Maxamed Diiriye
Mu’miniinta iniinta hal’abuur mala imaan karaan?

Mar ay subax ahayd ayaa gabar saaxiibbo nahay waxay igu tiri hadalkan; “Dadka Mu’miniinta awood uma laha inay dhax jibaaxaan fanka, waayo fanka waxuu u baahanyahay ‘bohaymiya’ ama isku-lood kaa oo aan laga helayn mu’miniinta, maadaame uu liddi ku yahay hal’abuurka”
Waqti ka mid ah nolasheena waxaa shaacsane noqday daahirada ah, in meel walba ama ururo badan loogu magacdaro oo ay qaataan halku dhiga; inay islaami yihiin, heer ay gaartay in indhahaygu qabtaan boor uu ku lifaaqan yahay magaca “farmashi islaami ah” ma fahmin waxa ay uga dan lahaayeen, ma dawayooyin xalaal ah bay hayaan, mise waxaa jiro dawo xaraam ah?!
Sarraysiinta diinta mararka qaar waxay ina badaysaa inaynu is dhibno, iyadoon ogsoonahay in arrinta sidaa ka yara fududahay, waayo u laabashada diinteena waxay ka dhigantahay ka fogaanshaha waxa kasoo horjeeda, balse lama mid ah inaynu la imaano waaqac ka duwan midka aynu hadda ku jirno.
Sidaa daraaded waxaa isoo jiitay oraahda caalimka reer Tuunis ee Aldaahir Binu-Caashuur ee ahayd; In islaamka uyimid inuu cayimo laba qodob oo kala ah: caddeyn, iyo baddelid. Marka risaalada islaamka umaysan imaanin inay tirto noloshii jaahiliyada dhamaanteed, balse waxay adkaysay wanaagii ku jiray ee fidrada insaanka aan ka hor imaanayn, waayo jaahiliyada Carbeed ee waagii horay ma ahayn mid guud ahaan xun, balse waxay lahayd dhan fiican iyo dhan xunba. Islaamka wuxuu qiray wixii fiican ee ku jiray, ficilada iyo caadayooyinka xunna waa buriyay, waana midaas ujeedka isbedelka ee islaamka ina farayo”
Mandiqaa hadaynu kaashano, waxaa inoo soo baxayso inay jiraan shaqo faneedyo la dhihi karo daabic islaami ayay leeyihiin, ama shuruucda islaamka kama hor imaanayaan.
Waaqica aan taagtadaan ku jirno gabigiis khayr iyo shar ma aha, qofka mu’minka waxaa ku waajib inuu qiraa khayrka ku jira, hal’abuurna uu la yimaadaa midkaa oo lid ku ah wixii xun, sidoo kale waxaa habboon in mu’minka uu awood u leeyahay inuu soo jiidan karo dadyowga kala duwan, lana noolaan karo dadka ka dhaqan iyo dabeecad duwan.
Yaa inaga mid ah oo aan fiirsan filimka “العار” ee uu qisadiisa ku fara yaraystey Maxamed Abuu Zaid , fiilimkan waxa uu kaga hadlayaa qisada aabaha xaajiga ah, kaa oo xaaraanta ka imaato beeca aad isaga ilaaliya, isla markaana ka ganacsada maan dooriyaha, ilmihiisana kadib markuu dhinto waxay ogaanayaan sheekada aabahood, oo waxay isku dayayaan sida ay waaqicaa uga baxasan lahaayeen, filim soo saare cali cabdi khaaliq waxa uu kusoo gunaanadayaa qisada filimkan aayada quraanka ah ee “وَنَفْسٍ وَمَا سَوَّاهَا فَأَلْهَمَهَا فُجُورَهَا وَتَقْوَاهَا”.
Qoraha iyo soo-saaraha filimkaan waxay isku dayeen inay filimkoodii ku xigay ee lagu magacaabay Orodka Wuxuushta inay kusoo bandhigaan mas’alada; is-diidada abuuray ee in cilmiga iyo diinta aysan is waafaqeen, waxayna ku lafugureen filimkan ka raali ahaanshaha qadarka iyo in aan lagu xad-gudbin xurmada jirka, si in lagu tacadiyo ama looga ganacasado; si kasoo horjeeda sida uu alle nagu abuuray.
Guud ahaan ma hilmaami karno aflaamta Mustaf Alcuqaad, Cumar al-Mukhtar, iyo risaalada, waayo aflaamtaa illaa hadda waxay leeyihiin dadyow ku xiran oo daawado
Turkigana sidoo kale filim soo saarayaasha waxay ku guulaysteen inay horumar ka sameeyaan xagga musalsalaatka , sida musalsalka الغازي أرطغرل، oo ka taariikhaynaya nolosha saldhigihii dawlada cusmaaniyiinta, iyo sidoo kale musalsalka الغازي عقمان ee tixraacaya qisada wiilka ortugrul, dhamaan musalsaladaan waxay noqdeen kuwa hela aqoonsi caalami ah.
Innagoo ka tusaalo qaadanayna horumaradaan, waxaa igu waajib ah inaan xuso tajribada Shaashadaha Iiraaniyiinta, middaa oo la imaatay horumar iyo hal’abuur ka duwan kan la wada yaqaan kadib imaashihii nidaamka malaaliga Iran. Xasuusin ujeedka aan ka leeyahay hadalkaan waa inaan carrabaabiyo horumarada ay acmaasha suugaaneed ee Iran ku dhaqaaqday, balse kalama jeedo inaan ku taageero nidaamka taagantadan Iran ka taliyo.
Marka waxaynu ku jirnaa waaqic aan dhamaantiis shar ahayn sidoo kalane aan xaga fiican wada jirin, qofka mu’minka waxa ku waajibayo inuu qiro wixii fiican ee ku jira, wixii xumaan lehna uu la yimaadaa hal’abuur ama wax lagu hagaajin karo, hal’abuukaa uu lasoo shirtagayana waa inuu noqdaa mid qancin kara kuna faafi kara dhexda dadyow farabadan oo kala mad’hab iyo dhaqan ah, balse su’aasha in la abaaro ah ayaa ah, ma awoodaa ama qofka Mu’minka mala imaan karaa hal’abuur?
Xurriyadu waa shardiga kowaad ee hal’abuurka, hal’abuur mala imaan karo qofka isagoon xur ahayn!
Laakin tan iswaydiinta mudan ayaa ah inay jiraan dad xabsi ku jiro ama wadankooda laga musaafuriyay oo hal’abuur la imaaday!
Waa run, oo dadkaa waxay ahaayen dad xur ah iyagoo aan madax banaani haysan, oo hadayna xur ahaan lahayn ma aysan gali laheen xabsiyada kaligii taliyaasha, waxaa summad u ah waa inay xur u ahaayen hab fikirkooda oo uma aaba yeelin raali ahaanshaha dadka kale.
Qofka mu’minka waa xur, oo sidaas ayaa la rabaa, marka ka adkaw nafsadaada,iyo dhamaan sanamyada siyaasaada, cilmiga iyo mid bulsheedba, sidoo kale ka fogow u hogaansanka dadka, oo caabud ilaaha wayn ee dadkoo dhan abuuray.
Sidaa darteed laba wajiilayaasha hal’abuur lama yimaadaan, waxay soo saaraanne waa lagu maadaystaa, waayo; iyagu uma madaxbanaana fikirkooda, si kasto oo ay banaanka xabsiga u joogan, ama ay xil sare u hayaan.
Fanka waxa uu ka shidaal qaataa diinta oo waana hoos yimaadaa, hadii uu rabo inuu sii jiro waa inow ka biyo dhaansadaa meeshuu ka abuurmay.. بيغوفيتش
Tan la yaabka leh oon iswaydiiyay ayaa ah sababta aynu isku xirno hal’abuurka iyo in habeenkii la dhafro, khamri la cabo, sidoo kalena sigaar la afuufta?!
Waa maxay sababta aan hal qaanad u gelinno hal’abuurka iyo in lagu xadgudbo xayndaabka diinta iyo akhlaaqda, maxaa kugu qasbaya inaad ku biirto kufaarta Quraysh si laguugu qiro inaad tahay hal’abuure?!
Waa run hal’abuurka waa la imaanshaha wax ka baxsan dhaqanka iyo wixii la isla gartay, laakin la imow camal fiican oo soo jiidan karo nafta iyo dareenka insaanka, camalkaa oo isbedel la taaban karo ku samayn karo caqliga, ee hal’abuurka ma ahan inaad xoorto qiyamka iyo milgaha suuban oo ay nafteena ku carabaawday.
Quruxda iyo suubanaaanta waa udub-dhaxaadka hal’abuurka, mu’minka ay diinteena suuban rabto inay tiirarka u astayso waa midka;
- la nool nolosha dhalaalkeeda, dhadhansanayana, la’aanteedna aan joogi karin.
- Sinnaanta, cadaalada, iyo ixtiraamka waa qiyam kamid ah quruxda nolosha.
- Dabiicada nala faray inaynu ku ta’mulno, kuna dalxiisno sidoo kale waa astaan suuban.
- Dhawrida dhiiga iyo nafsada insaanka, waa qiyam ka mid ah qiyamka wanaagsan
- Ku dadaalida dhismaha, cammirida, iyo ku raaxaysiga dhulka alle, iyo in aakhiro loo shaqaysto inaga oon xatooyo iyo dulmi samaynin waa astaan ka mid ah kuwa wanaagsan.
Dabcan waa badawnimo in aynu dhahno hal’abuurka waxaa kooto loogu xiray dadka mu’miniinta, waxaase ka daran in aynu caksigeeda dhahno.
Run ahaantii waxaynu ku noolnahay casriga wax-ma-garatada ama cantarabaqashta hadaynu fiirino guud ahaan caalamka ama gaar ahaan mandiqadeenna, marka waxaa na laga rabaa inaynu la imaanno hal’abuur xor ah oo madaxbanaan, oo cabirayo waxaynu ku sugunahay, sidoo kale waxaan u baahanahay hal’abuurre xal u heli karo mushkiladaha ina haysta, ama inagala qayb qaadan kara faafinta dhaqanka suuban, marka aynu la hardamayno xumaanta. Tanina waa risaala ku socoto dhamaan, runtii dhamaan hal’abuurada.
Mu’minka awood waa u leeyahay inuu hal’abuur la yimaado, fankiisana noqdo mid nolasheena hagaajin kara, noqon karane marin aynu ku cabirno dhibaatadeenna, boogaha aynu ka cabanayno, iyo riyoyooyinka aan ku hamminayno.
Sidaa daraadeed fanka wax aan kordhinayn, hadii ann sii yara bayaaniyo fanka xaqiiqiga ah, iyo xitaa kan fukaahada leh ee nafta lagu ma’weeliyo, ma aha “khudbad jimco” waayo khudbada jimcaha waxay leedahay goob iyo goor u gaar ah, oo fanka ma aha wacdi ama warin toos ah ee dhanka diinta. Isku soo duub fanka waa aalad loogu talagalay in lagu soo gudbiyo wax caqliga iyo wacyiga bini’aadamka ixtiraamayo.
Waa xaqqiq oraahdii Ali Izet Bigofitich ee ahayd:
“Fanka inuu ka shidaal qaataa diinta waana hoos yimaadaa, hadii uu doono inuu sii jiro waa inow ka biyo dhaansadaa meeshuu ka abuurmay.”
