
Waxaa qoray: Barefasoor Afyare C. Cilmi, waxaa daraasadda faafiyay Machadka Heritage
Waxaa tarjumay: Suhayb Caydiid
Hordhac
Tan iyo burburkii dowladdi dhexe ee millitiriga Soomaaliya, sannadkii 1991dii, su’aasha ku saabsan sida awoodda siyaasadeed looga heshiin lahaa ayaa ahayd mid ka mid ah arrimaha lagu kala qeybsanaa siyaasadda Soomaaliya. Soomaalida badankeed ma taageersana soo noqoshada dowlad dhexe oo xooggan. Arrintaas waxaa loo diidayaa in ay horseedo sed-bursi qabiil, ka reebis siyaasadeed (political exclusion), iyo ugu dambayntii burbur dowladeed. Balse, inta badan siyaasiyiinta waxay ku heshiiyeen in qaab maamul-daadejineed ay lama huraan tahay.
Si kastaba ha ahaatee, dooddu, waxa ay ku dul wareegaysaa nooca maamul/dowlad-daadejinta, oo ah mid wax ku ool ah iyo mid sharci ah marka loo eego xaaladda kala qeybsanaan ee Soomaaliya.
Dastuurka Ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Soomaaliya ee 2012 wuxuu si cad u qeexayaa nidaamka federaal-ka ah, dalkuna uu yahay “jamhuuriyad federaal, madax-bannaan, sidoo kale dimuqraadi ah” isla markaana wuxuu tilmaamaya in la abuuro dowlad-goboleedyo federaal ah oo ka samaysma labo ama in ka badan 18-kii gobol ee ka horreeyay 1991dii. Si kastaba ha ahaatee, inkasta oo uu jiro ballanqaadkaas dastuuriga ah, horumarka lagu hirgelinayo federaalka ayaa ahaa mid gaabis ah oo lagu muransan yahay. Horweynta siyaasadda inta badan waxay qabaan fahan kala geddisan oo ku saabsan Federaalaynta “federalism” iyo Maamul-daadajinta “decentralization,” waxaana lasoo bandhigay in federaalka uu yahay beddelka kaliya ee dowlad dhexe.
Maqaalkani wuxuu baadhayaa sababaha ugu waaweyn ee maamul daadejinta Soomaaliya, gudaha iyo dibaddaba, wuxuuna qiimeynayaa afar qaab maamul oo doodaha iyo qoraallada isbarbardhigga ah ee miisaska Soomaalida lagu falanqeeyay, kuwaasoo kala ah: Confederalism, federalism, consociationalism, iyo devolution. Inkastoo loo arko in maamul daadejin-ta (decentralization) ay muhiim u tahay dib-u-dhiska sharciyadda siyaasadeed, haddana aysan jirin qaab keliya oo diyaar ah oo xal u noqon kara. Taariikhda gaarka ah ee Soomaaliya waxay u baahan tahay hannaan hay’adeed oo lagu heshiiyey, kaas oo ka tarjumaya isku dheelitirka xoogagga kala fogeeya iyo kuwa mideeya.
Sababaha maamul Daadejinta ee Soomaaliya
Sababaha Maamul-daadejin ee Gudaha
Dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan federaaleynta waxay si qoto dheer ugu xidhan tahay taariikhda siyaasadeed iyo qaab-dhismeed ee bulshada. Mid ka mid ah sababaha ugu waa-weyn ee gudaha waa kalsooni la’aanta siyaasiyiinta. Tan iyo xornimadii, siyaasadda ku kooban Muqdisho waxay inta badan hareysiisay bulshooyinka gobollada fogfog. Tani waxay kasii dartay xilligii Siyaad Barre, kaas oo ku tiirsanaa shabakado qabiil si uu awoodda u heysto. Burburkii dowladda 1991 iyo siyaasaddii qabqablayaasha ee xigtay waxay sii naaxisay kalsooni-darrada qabiilada iyo jilibyada (sub-clans). Dad badan ayaa weli ka cabsanaya in mar kale ay soo noqoto dowlad dhexe oo xoogan oo qabiil kaliya uu maamulo, taasoo daadejinta ka dhigaysa difaac ka dhan ah dowlad dhexe (centralized government).
Sababaha kale ee gudaha, waxaa ka mid ah baahida ka-qaybgalka iyo metelaadda. Shacabka Soomaaliyeed waxay muujiyeen rabitaan xooggan oo ah in ay si toos ah u doortaan madaxda maxalliga ah, gobollada, iyo kuwa qaranka, iyagoo u arka ka-qaybgal dimuqraadi ah inuu yahay difaac ka dhan ah hareer-marinta. Si kastaba ha ahaatee, dalabkaan mararka qaar waxaa hareer-maro siyaasiin hammi leh oo maamula maamul-goboleedyo ku dhisan qabiil, iyaga oo baaqii dhabta ahaa ee ku wajahnaa ka-qaybgalka u beddelay nidaamyo ku saleysan dano shaqsi ah.
Helitaanka adeegyada dowladda ayaa ah mid kamid ah sababaha daadejinta. Muddo tobanaan sannado ah, muwaadiniintu waxay ku qasbanayeen inay safraan Muqdisho si ay u helaan dokumentiyada asaasiga ah sida baasaboorka. Daadejintu waxay la macno tahay in dowladda loo soo dhaweynaayo shacabka, adeegyadana si cadaalad ah loogu qaybiyo dalka oo dhan. Xannibaadda adeegyada waxaa badanaa loo arkaa isku day ay dowladaha dhexe ku xoojiyaan awoodooda.
Ugu dambayntii, cabashooyinka ku saabsan kheyraadka dabiiciga ahayaa si weyn u saameeyey aragtida ku aaddan federaaleynta. Dowladdihii hore ee Soomaaliya waxay si joogto ah mudnaanta u siin jireen horumarinta Muqdisho, iyagoo dayacay gobollada kale. Tani waxay si gaar ah dhibaato ugu tahay dal leh kheyraad badan oo aan wali ka faa’ideysan: xeebta ugu dheer Afrika oo leh fursado kalluumaysi oo ballaaran, dhul beereed barwaaqo ah oo ku yaal koonfurta, iyo xoolo nool oo laf dhabar u ah dhoofinta.
Suurtagalnimada in la baaro batroolka ayaa sii kordhisay xiisadda, iyadoo bulshooyinka gobolladu ay dalbanayaan dammaanad qaad ku saabsan sinnaanta qaybsiga dakhliga. Soomaali badan, federaaleyntu waxay u la muuqataa dariiq lagu hubinaayo faa’iidooyinka dhaqaale ee kheyraadka, sidoo kale in si cadaalad ah loo wadaago halkii lagu ururin lahaa caasimadda.
Sababaha Dibadda
Dalal shisheeye ayaa sidoo kale door weyn ku yeeshay qaabaynta doodda daadejinta Soomaaliya. Ethiopia iyo Kenya, oo ah labada daris ee ugu saameynta badan arrimaha Soomaaliya, waxay si firfircoon uga qayb qaateen siyaasadda Soomaaliya tan iyo 1990-meeyadii. Ethiopia, oo ka feejigan qarannimada Soomaaliyaiyo hindisaha “Soomaaliweyn”, ayaa si joogto ah u raadinaysay in ay daciifiso dowladda dhexe ee Muqdisho. Duullaankeeda 2006-dii, oo uu taageeraayey Maraykanku, wuxuu meesha ka saaray Maxkamadihii Islaamiga,balse si aan ula kac ahayn ama ah u kiciyay kacdoonka Al-Shabaab. Tan iyo markaas, Itoobiya waxay isu muujinaysay dhexdhexaadiye u dhexeeya dhinacyada Soomaalida, iyadoo doorbidaysay in ay jiraan maamullo badan oo daciif ah halkii ay ka jiri lahayd dowlad dhexe.
Faragelinta Kenya waa mid cusub laakiin cawaaqibkeeda leh. Tan iyo 2011-kii, waxay ka wadday Koonfurta Soomaaliya danaheeda amni iyo mideeda dhaqaale, iyadoo taageertay maamul u sameynta Jubbaland, waxayna dooneysay inay dhisto aag ka caagan (buffer zone). Inkasta oo Kenya ay si rasmi ah uga hawlgasho hawlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), haddana xiriirkeeda gaarka ah ee maamul-goboleedyada ayaa marar badan wuxuu keenay khilaaf ka dhan ah Dowladda Federaalka ee Soomaaliya (DFS).
Deeq-bixiyeyaasha ayaa sii xoojiyey qaab-dhismeedka daadejinta. Iyagoo ka niyad jabay awood xaddidan ee DFS iyo gaarsiinta adeegyada, deeq-bixiyayaashu waxay marar badan hareer mareen Muqdisho, iyagoo si toos ah ula shaqeeyay maamul-goboleedyada. Siyaasadda Maraykanka ee “Dual Track Policy” ayaa arrintan sharciyeysay, iyadoo u aqoonsatay maamul-goboleedyada inay yihiin la-hawlgalayaal sharci ah. Sidoo kale, hindisayaasha sida “New Deal Compact for Somalia’’ ayaa sii dhiiri-giliyey wada-hadallada lala yeelanayo maamul-goboleedyada ee ku saabsan maamulka kheyraadka, dhaqaalaha, iyo amniga. Inkasta oo ay ahaayeen siyaasad u muuqata mid wax ku ool ah, haddana arrimahaan badankood waxay xoojiyeen awoodda maamul-goboleedyada, isla markaana waxay keentay kala-daadashada awoodda dowladnimo ee Soomaaliya.
Noocyada Maamul ee laga dooday
Hannaanka Kon-federaalka (Confederalism)
Isbahaysigu inta badan waxaa lagu qeexaa “midawga dowladaha” halkaas oo qarannada madaxbannaan ay iska kaashadaan arrimo gaar ah tusaale ahaan ganacsiga, siyaasadda maaliyadda, socdaalka, difaaca iyo caddaaladda, iyagoo haysta awoodda kama dambaysta oo ah inay wax diidaan ama ogalaadaan. Midowga Yurub ayaa inta badan loo soo qaataa tusaale. Qoraayaal sida Hussein Adam (1994) iyo Ioan Lewis iyo James Mayall (1995) waxay ku doodeen in nidaamkaan soo jiidan karo Somaliland, maadaama uu u oggolaan karo inay ilaaliso madaxbannaanideeda iyadoo weli xiriir siyaasadeed la leh Soomaaliya. Richard Dowden (2011) ayaa xitaa sii ballaariyey fikraddaas, isaga oo soo jeediyay nidaam la mid ah kan Swiss confederation, oo u oggolaanaya gobollada inay si xor ah ugu biiraan ama uga baxaan dowladda dhexe.
Si kastaba ha ahaatee, haddana nidaamka confederalism wuxuu leeyahay caqabado culus. Roland Marchal (2011) ayaa ka digay in uu khatar u yahay in uu sii adkeeyo dowlad-goboleedyo ku dhisan qabiil, halka Ken Menkhaus (2011) uu xusay in gobollada sida Somaliland iyo Puntland ay hore u dhaqangeliyeen sharciyo dhalasho oo ka reebaya bulshooyinka laga tirada badan yahay, iyaga oo qabiilooyinka kale ugu yaraan u tixgelinaya “marti” (galti), ama u arkaaya muhaajiriin.
Khibradaha caalamka ayaa rajo yari ka muujinaya nidaamkaan. Iskaashigii Senegal iyo Gambia wuu burburay wax ka yar toban sano gudahood, halka Eritrea iyo Koonfurta Suudaanna ay xiriirka u jareen dowladihii dhexe ee ay ka tirsanaayeen iyaga oo kalsooni darro xooggan ka qabay. Sidaa darteed, Soomaaliya dhexdeeda, nidaamka confederalism-ku wuxuu halis ugu jiraa in uu sharciyeeyo kala go’ iyo qaybsanaan halkii uu mideyn lahaa qaranka.
2. Hannaanka Federaalka (Federalism)
Federaalku waa nidaam siyaasadeed oo awoodda dowladeed loo kala qaybiyo labo heer: dowlad dhexe iyo dowlad goboleedyo, si midkoodna uusan u maamulin ama uga sarreyn kan kale (Watts, 1996). Ujeeddadiisu waa in gobollada ama maamul-goboleedyadu yeeshaan awood u gaar ah, halka dowladda dhexe ay ka shaqeyso arrimaha guud ee qaranka. Peter H. Schuk wuxuu qeexay afar waddo oo lagu gaaro nidaamka federaalka: marka gobollo hore ama gumeysi midoobaan oo hal dal oo federaal noqdaan (tusaale Maraykanka), marka gumeysi ahaan loo qabsado (sida Ingiriiska oo nidaam federaal ah ka hirgeliyay Australia), marka dagaal iyo qabsasho ciidan lagu dhiso nidaam federaal ah (sida Jarmalka dagaalkii labaad ka dib), ama marka dal si iskiis ah u qaato federaal si loo maareeyo kala duwanaansho gudaha ah (sida Koonfur Afrika iyo Belgium) (Schuk, 2006).
Dadka taageersan waxay sheegaan in federaalku xoojiyo difaaca dalka, kobciyo ganacsiga iyo fursadaha shaqo ee gudaha, kordhiyo ka-qaybgalka shacabka maadaama ay dooranayaan dowlad dhexe iyo dowlad goboleedyo, sidoo kalena uu siin karo bulshooyinka laga tirada badan yahay fursad ay ku ilaashadaan luqaddooda iyo dhaqankooda iyaga oo aan ka cabsanayn caburin (Schuk, 2006). Adduunka oo dhan, 25 dal oo keliya oo ka mid ah 202 dal oo la aqoonsan yahay ayaa federaal ah, laakiin waxay ka kooban yihiin in ka badan 40% dadka caalamka (Forum of Federations, n.d.). Inta badan nidaamyada federaalka waxaa laga helaa dalal aad u dad badan sida Nigeria, Itoobiya, iyo Koonfur Afrika.
Soomaaliya gudaheeda, doodda federaalka waxay bilaabatay ka hor xornimada 1960-kii, markii xisbigii Hizbia Dastur Mustaqil al-Somalia (HDMS), oo matalayay beelaha Digil iyo Mirifle, uu soo jeediyay in la qaato nidaam federaal ah. Laakiin waqtigaas hoggaamiyayaashii siyaasadda badankood waxay taageersanaayeen nidaam dowlad dhexe (Mukhtar, 1989). Qaar ka mid ah aqoonyahannada sida Lewis iyo Mayall (1995) waxay u arkaan federaalka inuu yahay xal dhexdhexaad ah oo u dhexeeya labada nidaam ee dowlad dhexe iyo maamul daadejinta, ayna tusaale u soo qaateen nidaamka Isutagga Imaaraadka Carabta. Sidoo kale, Maxamed Abshir Waldo (2010) wuxuu ku dooday in federaalku daweyn karo dhaawacyadii dagaalladiii sokeeye, ka hortagi karo kelitalisnimo ama kala go’ dalka, isla markaana uu awood siin karo gobollada si loo gaaro horumar dhaqaale.
Dhanka kale, Cali A. Hersi (2004) wuu ka soo horjeestay arrintaas, isagoo sheegay in Soomaaliya aysan lahayn kala duwanaansho qowmiyadeed ama diin una baahneen nidaam federaal, isla markaana aysan jirin gobol si madax-bannaan u istaagi kara. Wuxuu ka digay in nidaamkani abuuri karo maamullo qabiil oo keena colaado cusub, burburiyana midnimada qaranka. Inkastoo Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee 2004-tii iyo Dastuurka KMG ah ee hadda jira uu Soomaaliya u aqoonsanyahay dal federaal ah, haddana dowladihii ku-meelgaarka ahaa ee madaxweynayaashii Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Shariif Sheekh Axmed, iyo shan ra’iisul wasaare oo isbedelay, midkoodna si buuxda uma hirgelin nidaamkaas
3. Hannaanka Awood-Qeybsiga (Consociationalism)
Consociationalism, oo uu hormariyey Arend Lijphart, waa nidaam dimuqraadi ah oo ku dhisan wadatashi iyo is-qancin, kaas oo dammaanad qaadaayo matalaad kooxeed iyadoo lagu salaynayo qowmiyad, diin, luuqad, ama kiiska Soomaaliya oo ah mid qabiil. Nidaamkani waxa uu ka hortagaa in qollo sed-bursi sameyso (majoritarianism) isaga oo dhiirrigeliya wadaagidda awoodda. Waxa uu ka duwan yahay federaal-ka iyo nidaamyada kale ee maamul-hoosaadka ah maadaama uu hubiyo matalaad aan ku xirnayn xuduud juqraafiyeed, isla markaana siin kara beelaha laga tirada badan yahay madax-bannaani ballaaran.
Soomaaliya waxa ay dhaqangelisay consociationalism iyada oo loo marayo qaacidada 4.5 ee awood-qaybsiga qabiilka, taas oo kasoo baxday shirkii Golaha Badbaadada Qaranka (Sodere Group). Qaacidadaasi waxay siinaysaa afarta beel ee waaweyn—Daarood, Digil & Mirifle, Dir, iyo Hawiye—mid kasta 61 kursi oo ka mid ah 275 kursi ee Golaha Shacabka, halka beesha shanaad si wadajir ah loo siiyo 32 kursi. Nidaamkan waxaa si gaar ah u difaaca beelaha taariikhiyan la takooray, balse waxaa dhaliilay Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sannadkii 2010 iyo aqoonyahanno uu ka mid yahay Mohamed H. Mukhtar, oo ku taliyey in loo arko xal ku-meel-gaar ah oo ugu dambaynta lagu beddelo doorashooyin xor ah.
Cilmi-baarayaal badan ayaa ku eedeeya 4.5 in uu ka qeyb qaato kala qaybsanaanta bulshada, uu abaalmariyo kooxo halkii uu ka ilaalin lahaa xuquuqda muwaadinka, isla markaana uu ku dhisan yahay mala-awaal. Qaar ayaa soo jeediyay in qaacidada loo beddelo “5” si beelaha laga tirada badan yahay u helaan matalaad ballaaran, iyadoo madaxweynihii Xasan Sheekh uu qaabkan adeegsaday. Haweenka oo inta badan laga reebo siyaasadda qabiilka ayaa loo qoondeeyay 30% kuraasta baarlamaanka, balse waxay heleen oo keliya 13%. Si dhab ah, siyaasiyiinta Hawiye iyo Daarood ayaa weli ku fadhiya xilalka ugu sarreeya, halka doorsoocashadu (meritocracy) laga bixiyay meesha si loo ilaaliyo isku-dheellitirka qabiillada.
Taageerayaasha consociationalism-ka ayaa u arka in uu fududeeyo ka qayb-qaadashada kooxaha la haybsooco, taas oo kordhin karta sharciyadda dowladda. Si kastaba, siyaasaddan keliya ma horseedi karto dimuqraadiyad dhammaystiran ama sinnaanta muwaadiniinta, maadaama ay mudnaanta siiso xuquuq kooxeed halkii ay ka ilaalin lahayd xuquuqda shakhsiyaadka.
4. Hannaanka Baahinta Xukunka (Devolushin)
Nidaamka Devolushin waxaa lagu qeexaa wareejinta awoodda, masuuliyadda, iyo kheyraadka loona gudbiyo heerarka hoose ee maamullada,sidoo kaleay abuurto unugyo madax-bannaan oo heer-hoosaad ah oo leh awood go’aan qaadasho ah iyo dhaqan galin (Cheema & Rondinelli, 2007; Rondinelli, 1980). Tusaalaha ugu cad ee arrintan waa Boqortooyada Ingiriiska, halkaasoo awoodaha loo wareejiyey Baarlamaanka Scotland iyo goleyaasha Wales iyo Northern Ireland, iyadoo weli madax-bannaanida ugu dambeysa ay ku jirto gacanta dowladda dhexe. In kastoo daadejinta kor u qaadi karto maamullada maxalliga ah, dhaliilayaashu waxay ka digaayaan in lakabyada maamulka ee isku dhafan ay yareyn karaan isla xisaabtanka, dhiirrigelin karaana is-eedeynta, kooxo kala duwan ay si xad-dhaaf ah ugu tartama isla ilahaas laaluushka, taasoo keenta musuq sii baaho oo aan xakameysnayn (Rodden, 2004).
Doodaha dastuuriga iyo siyaasadeed ee Soomaaliya waxay muujineysaa taageero loo hayo nidaam dowlad dhexe oo baahsan, kaasoo isku dheelitira madax-bannaanida gobollada iyo kormeerka dowladda dhexe. Qodobka 86 ee Dastuurka 1960 iyo dooda Ra’iisul Wasaarihii hore Abdirizak Haji Hussein waxay tilmaamayaan in madax-bannaanida maxalliga ah loo xaqiijin karo dastuur ahaan, balse ay ku xiran tahay awoodda maamulka ee gobolka, halka Ali A. Hersi uu xusay in diidmada xad-dhaafka ah ee dowlad dhexe aysan macnaheedu ahayn in loo baahdo federaalnimo.
Nidaamka dowladda dhexe (unitary system) ayaa ah midka loogu heysi badanyahay aduunka, iyadoo in ka badan 75% dalalka caalamka ay ku shaqeeyaan. Inta badan dalalka dimuqraadiga ahna waa tabtaas. Sidaas darteed, nidaamkaan lama mid aha kuwa kali-talisnimada iyo maamullada dhexe ee adag.
Aragti ahaan, devolushinku mararka qaar wuxuu siin karaa maamul-hoosaadyada ama hay’adaha hooseeyaa madaxbannaani ka weyn tan laga helo nidaamyada federaalka ah. Tusaale ahaan, Scotland oo qayb ka ah “devolved unitary states” ee ka dhisan ee Boqortooyada Ingiriiska, waxay harsataa madaxbannaani aad uga weyn tan ay haystaan dowlad-goboleedyada ku jira nidaamka federaalka ah ee Itoobiya.
Gunaanad
Doodda ku saabsan maamul-daadejinta Soomaaliya waxay ka tarjumaysaa cabashooyin taariikheed iyo xaqiiqooyin casri ah. Gudaha, kalsooni-darrada siyaasiyiinta, baahida ka-qaybgal, helitaanka adeegyada aan sinnayn, iyo cabashooyinka kheyraadka ayaa ka dhigaya nooc daadejin ah mid aan la hurri karin. Dibaddana, Ethiopia, Kenya, iyo deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah ayaa xoojiyay maamul-goboleedyada, taasoo ka dhigaysa dowlad dhexe oo xoog leh mid aan macquul ahayn.
Afarta qaab maamul ee laga dooday, Confederalism, federalism, consociationalism, iyo devolution, mid kasta wuxuu leeyahay aragtiyo, balse sidoo kale wuxuu leeyahay halisyo. Confederalism wuxuu khatar ku yahay inuu keeno hay’ado kala qaybsan; federaalku, inkastoo dastuurku qorey, wuxuu la kulmayaa caqabado dhanka dhaqan-gelinta; consociationalism wuxuu bixiya isu dheelitir ku-meel gaar ah balse wuxuu xoojiyaa kala qaybsanaan; halka devolushinku uu siin karo maamullada madax-bannaani balse wuxuu u baahan yahay hay’ad amd dowlad dhexe oo xooggan.
Waxa ay Soomaaliya u baahan tahay ma aha in gebi ahaanba la qaato hal nidaam oo dibadda laga keenay, balse waa in la helo hannaan hay’adeed oo si wadahadal iyo heshiis ku dhisan loogu dhiso duruufaha iyo xaqiiqada dalka. Heshiiskaasi waa inuu miisaamaa labo dhinac: dhinac waa in qabiilada ay rabaan inay madaxbannaanadaan, halka dhinaca kalena uu yahay baahida qaranku u qabo dowlad dhexe oo shaqaysa.
Inta ugu muhiimsan, nidaamkaasi waa inuu ku dhisnaadaa wadahadal qaran oo dhab ah, kaas oo mudnaanta siinaya in Soomaalidu iyagu iska leeyihiin hannaanka, halkii dibadda looga keeni lahaa qorsheyaal lagu khasbaayo. Kaliya wadahadal noocaas ah ayaa Soomaaliya u suurto gelin kara inay samaysato nidaam daadejin oo waara, oo soo celinaya kalsoonida shacabka, si cadaalad-na u qaybiya khayraadka, isla markaana taageera nabad-dhisid muddo fog.
