
W/Q: Cabdifitaax Ashraf
Qiyamka Bulshada (Social Values)
HORDHAC
Mowduucan qiyamka bulshada waxaa si aad ah loogu darsaa Cilmiga Arrimaha Bulshada ( Sociology ), waana mowduuc aad u ballaaran maaddaama uu qayb ka yahay dhaqanka bulshada, jaangooyo caadooyinka bulshada, xiiri la leeyahay diinta taas oo ayadana aan dhaqanka ka baxsanayn. Inta aan ku gudo jirno mowdcuucan waxa aan isku dayi doonnaa in uu noqdo mid aan ka bixin xayndaabkaas, barta aan ku dul wareegaynana ay noqoto qiyamka bulshada.
Kolka hore waxa aan qeexaynaa qiyamka bulshada waxa aana dulmar guud ku samayn doonnaa dhaqanka iyo sida isugu xiran yihiin, caadooyinka ( norms) waxa ay ku kala duwan yihiin iyo ugu danbayn diinta iyo qiyamka waxa ka dhexeeyaa. Marka aan intaas si guud uga hadalno waxa aan u soo daadagaynaa bulshada soomaalida iyo qiyamka, waxaaana wax ku dhisaya waa cilmbaaris empirical( xogta laga helo dhacdooyinka maalinlaha ah, xogta laga helo dadka kale -qaab toos ah iyo qaab dadban sida buugaagta iyo qoraallada kale-) isla goortaasna qualitative( mid aan lambarro lagu cabbiri karin, dhinac inay ka rarnaatana ay suurogal tahay) ah.
“Qiyamka waa rumaysnaanta in ay jiraan waxyaabo wanaagsan oo mudnaan leh. Waxa uu qeexaa [ Qiyamka] maxaa mudan in la helo iyo maxaa mudan in loo halgamo” Michael Haralambos, aqoonyahan ku takhasusay cilmiga arrimaha bulsho iyo qoraagga buugta ay ka mid yihiin Sociology in Picture, Sociology Themes and Perspectives iyo buugaag kale oo badan. Peter Worsley oo ahaa bulsho baare iyo aqoonyahan ku takhasusay cilmigi arrimaha bulshada kaas oo qoray buug ay ka mid yihiin; The Introducing Sociology, Third World iyo qaar kale, ayaa qiyamka bulshada ku qeexay “Qiyamka waa fikradaha guud ee laga haysto ‘wanaaagga’, waa aragtiyo ku aaddan waxa ay tahay in la higsado inta la nool yahay iyo halka loo marayo iyo hawlaha la qabanayo”.
Haddii aan qeexitaanka ugu dhaw ama kan ugu mudanba aan dhahno, aan qaadanno waxa uu noqonayaa “Qiyamka bulshada waa halbeegyo la isku raacsan yahay oo lagu cabbiro maxaa sax ah, maxaa qalad ah, maxaa bannaan, maxaan bannaanayn, maxaa ka habboon iyo maxaa ka sii habboon)”. Haddaba qeexitaankan guud waxa aad moodaa in uu nala galay anshaxa/akhlaaqda (Ethics), marka aan leenahay maxaa sax iyo maxaa qalad ah, maxaa wanagasan iyo maxaa xun, waxa aan dhexda ka joogaan anshaxa oo ah laan ka mid ah Falsafadda, haddaba maxay ku kala duwan yihiin Qiyamka iyo Anshaxa?
Labadooba marar badan isku si ayaa loo adeegsadaa oo waa la isku baddeshaa, mararka qaarna faraq ayaa loo sajaeeyaa, mar anshaxa ayaa laga dhigaa mid ka hadlaya maxaa saxan iyo maxaa qaldan, halka qiyamka loo daayo maxaa muhiim ah iyo maxaa ay tahay in la sameeyo.
Kol kale waxaa anshaxa laga dhigaa wax guud oo ka hadla maxaa wnaagasan iyo maxaa xun in la samaayo mooral ahaan, maxaa saxan mooral ahaan Iyo maxaa qaladan. Waana waxa aan inta badan dugsiyada falsafadda ee kala geddisan aan ku aragno, oo kaliya wax argatiyo uun ku eg balse aan wax dhaqan galin ah lahayn, halka qiyamka uu yahay waxa bulshada hab-dhaqankeeda haga. Waxaana jirta waydiin ah qiyamka bulshada ma qasab baa in uu ku dhisnaado anshaxa? Jawaabta maya ayay u badan tahay. Tusaale ahaan bulshada Maraykanka qiyamkeeda waxaa ka mid ah hanitda (wealth), kolka anshaxa la joogana hantida sax iyo qalad midna kama ahan oo xeerarka uu anshaxa ku dhisan yahay kuma jirto.
Qiyamka waxaa la dhahaa wa mid maanka qofka ku jiro ama rumaysad ah, kaas oo uu qofka raaco waxna ku dhiso, anshaxase waa habkii iyo xeerarkii isaga iyo bulshada isku xiri lahaa. Sida ugu macquulsan oo labada la isu waafajiyo ayaa ah in la yiraahdo qiyamka wanaagsan ee xumaanta ka soo horjeedaa ayaa ah anshax, si fudud isu gaynta qiyamka wanaagsan ayaa anshax ah.
Qiyamka bulshada waa waxyaabo aan qornayn, hagayaal iyo xeerar la wada yaqaan oo la isla wada ogol yahay, dhaqanka bulshada iyo caadooyinkeedana lagu dhiso, ama ah meesha looga qiyaas qaato habboonaanta dhaqanka ama looga qalin daaro. Waxaa jira waxyaabo aadanaha badankii si guud isu la ogol yahay sida xoriyadda, cadaallada, sinananta, runta, dhiirrananta iwm. Inkasta oo ay jiraan bulshooyin ay waxyaabahaas qimaykeeda dhanna ka soo galin, oo ku dhisan kala sarrayn iyo is muquuunin.
Ka sokow qeexitaanka qiyamka, waxa aan ka soo hadalnay anshaxa iyo qiyamka xiriirka ka dhexeeya, waxa aan rabaa in aan waxyar xiriirkooda ku laabanno, oo aan gunaanad ka gaarno, sidaadsna aan uga gudubno. Qiyamka bulshada, waa madaabdii’da la xiriirta waxa xun iyo waxa san oo ay bulshada isku racansan tahay. Sidoo kale Akhlaaqda/Anshaxa, waa mabaadii’da kala saarta waxa saxan iyo qaladka ah.
Aniga waxa aan qabaa in qiyamka iyo anshaxa ay mid qura yihiin sida aan qeexitaannadooda ka dhadhamin karno, balse ay laba meel kala joogaan, qiyamka waa waxa bulshada ka dhex abuurmay oo ay saxa iyo qaladka ku cabbirato, halka anshaxa uu yahay mabda’ falsafi ah oo ka hadla saxa iyo qladka. Qiyamka iyo anshaxa waxa ay hadlaan waa yoolka nolosha, maxaa same ah ee uu qofkan hiigsadaa maxaase xume ah oo uu qofkan ka dhawrsadaa.
Marka la joogo falsafadda qiyamka waxaa jaangooya anshaxa, oo laantaa akhlaaqda ee falsafadda ayaa kala sheegto, maxaa sax ah iyo maxaa qalad ah, balse marka laga joogo cilmiga Arrimaha Bulshada, anshaxa waxaa qaabeeya qiyamka bulshada oo waxa uu noqonayaa norms (xisti) oo ah xeerar aan qornayn oo ay bulshada ku dhaqanto oo aan qiyamka dhanna u dhaafi karin.
Haddii la yiraahdo akhlaaqda wanaag uun bay ka hadashaa halka qiyamka uu yahay waxa ay bulshada ay isku raacday oo xumaan iyo wanaagba noqon kara sidaa darteed mid lagama dhigi karo. Waxa aan leenahay Anshaxa waa sax in uu wanaagga diiradda saaro, laakiin wanaagga ayaan isku si loo aqoon, xitaa waxa la isku raacsan yahay in ay wanagasan yihiin sida cadaallada, macnaheedii ayaa la isku haystaa oo falsafadba dhan ka istaagtaa.
Qiyamka iyo Anshaxaba waxa ay u socdaan waa in ay sameeyaan ama la gaaro sida ugu saxan uguna wanaagsan( Greater good), haddii aan qiyam bulsho gaar ah ay leedahay aan u aragno mid xun ayaga sidaa uma arkaan, cidna ma samayso wax xun ayada oo rumaysan in uu xun yahay sida Sokraat iyo Balaato ku dooddaan, dad xumaha falaya aqoondarro ayaa u gaysa. Sidaa darteed bulsho kasta qiyamkeeda waxa ay u aragtaa mid wanagasan, mid xunba ha u arkaan dadka aan bulshadan ka tirsanayn. Isku soo xoori qiyam waa anshax, anshaxna waa qiyamn faraq kasta oo loo sameeyana hal meel uun bay ku soo wada biyo shubanayaan. Waa labada dhan ee hal shilin.
Social Norms ( Xistiyada Bulshada)
Eraygan “norm” waxa uu la mid yahay “caadi ah”, waxa uu ka hadlayaa waxyaabaha bulshada ay caadi u aragto, waxyaabaha qofka laga filayo, hab-dhaqankiisa iyo kaalintiisa bulsho, waana xeerar aan qornayn oo ka shidaal qaadanaya qiyamka bulshada. Eraybixin ahaan waxa aan u qaatay erayga “Xisti” kaas oo uu qaamuuska af soomaaliga ee Cabdalla Mansuur ku qeexayo “Sharci bulsho meel ku wada nool u degsan oo aan qornayn.” “Xistiyada bulsho waa filashooyinka ku aaddan habdhaqanka la aqbali karo oo ay bulsho wadaagto” Finnemore, Martha.
Lisa Cobb, ayaa iyadana leh “Xistiyada bulshada waa xeerarka aan qornayn ee ku saabsan waxa la aqbali karo iyo waxa habboon kol la joogo bulsho gaar ah ama dhaqan gaar ah.” Xistiyada waxaa ka mid ah habka salaanta, gacan is galinta, gacan haatinta. Qofka si uu bulshada uga mid noqdo una helo qaddarin waa in uu raacaa caadooyinka bulshadaas. Tuasaalayaal kale oo xistida waxaa ka mid ah: Qof af xun ha noqon, qofka culays sida u kaalmee, dharka ay bulshada xirato qaado, qofka markuu wax kaa codsado u fuli ama si fiican ugu cudardaaro, dadka kaa waawayn xushmee.
Xistida ama caadada bulshada waa ay dhaqangalinayaan qiyamka oo ahaa halbeegyo, si loo xaqiijiyo ama loo gaaro qimaka bulsho ee dhiirranaanta, qofka waa in uusan cabsan, waa in uu bareere lahaadaa, waa in uusan been sheegin. Intaas iyo ka badan waxa ay ka dhalanayaa hal qiyam oo qura. Sidaa darteed waa gar in aan dhahno qiyamka ayaa haga xistida.
Mowduucyadan marba mid uu nagu furmayo si aysan ma dhaammato noogu noqon waxa aan isku dayaynaa in aan qaybta xigta gabaggabo uga dhigno hordhaca, oo aan ka hadalno diinta, dhaqanka iyo qiyamka waxa ka dhexeeya iyo qaabka ay isugu xiran yihiin ama u kala madaxbannaan yihiin iyo in aan jawaab u helno waydiinta imaanaysa kolka aan dhahno “Qiyamka bulshada waa halbeeg bulsho oo ay same iyo xume ku kala saartaan” weydiintaas oo ah qiyamka naftirkiisa xagee ayuu ka yimaadaa? waa maxay isha uu ka soo burqado? Qaabkee ayuu u samaysmaa? iwm.
Qiyamka bulshada, waa halbeeg ay bulshada isku qiimayso, yaa wanaagsan iyo yaa xun, maxaa ay tahay in ay aan samayno iyo maxaysan ahayn, qiyamka waxa uu sal u yahay dhaqanka, haani guntay ka tolantaa e, waa guntii uu dhaqanka ka askumayay, maxaa yeelay isaga ayaa abuuro xeerarka ama xistiyada dhaqanka qaybta wayn ka qaata.
Haddaba waa maxay dhaqan? Erayga ingiriisiga ah ee ‘Culture’ waxa uu ka yimid asal ahaan erayga laatiinka ah ‘colere’ oo la micno ah; beerid, falid( beer in la falo) abuurid iwm. “Dhaqanka waa hannaan ka kooban rumaysdyo, caadooyin, aqoon iyo habdbaqanno, kaas oo ka dhex samaysmay ayna wadaagaan koox gaar ah” Grandon Gill (2013), Culture. “Dhaqanka waxa uu soo koobayaa dhammaan diinta, cuntada, nooca dharka aan xiranayno, qaabka aan u xirinayno, waxa aan sax ama qalad u aragno, sida aan u fariisanno goobaha la is kugu yimaado, sida aan dadka u salaanno, sida aan ula falgalno kuwa aan jecel nahay iyo malaayiin wax oo kal”. Bulsho baare Cristina De Rossi oo ka tirsan machadka Barnet and Southgate ee London.
Edward Burnett Tylor oo ka mid raggii ugu horeeyay cilmiga bulsho baaridda ( Anthropology) waxbadanna ku soo kordhiayay, lahaana aragtida ‘Cultural Evolutionism’ ee diirradda saarta isbaddelka dhaqanka ee bulsho, waxa uu dhaqanka ku qeexay “Waa hannaan dhammaystiran oo ka kooban aqoon, fan, xeerar, xistiyo, caado dhaqmeedyo, anshax iyo waxkasta oo uu qofka ka helo bulshada awood iyo caado tay ahaataba.” Qaamuska afka soomaaliga ah oo ay wada diyaariyeen Annarita Puglielli iyo Cabdalla Cumar Mansuur waxa uu dhaqanka ku qeexayaa “Isu geynta nolosha maaddiga, ruuxiga, iyo bulsho ee ummadi leedahay, soona maray isbeddello taariikheed.”
Dhaqanka waa beer sida macnaha erayga asal ahaanba uu yahay, waxaana ka baxa waax walba oo nolosha aadanaha quseeya, laga bilaabo rumaysadka ama diinta ilaa ciyaaraha, cuntada, afka, guurka heesaha iyo wax walba oo bulsho meel deggan midda kale kaga duwan tahay.
Haddaba diinta oo ah wax aad u wayn qiime sare na leh sidee ayay dhaqanka uga mid noqon kartaa? Sida aan qeexitaannada dhan ku soo aragnay marna diinta kama baxsana dhaqanka, Mansuur iyo saaxiibkiis oo aad u soo koobay macnaha dhaqanka waxa ay ku soo dareen ruuxaaniyadda oo ah diinta iyo waxa la xiririra.
Diinta in kasta oo ay saamayn wayn ku leedahay dhaqanka iyo samaysankiisa, lagana yaabo in ay sideedaba dhaqan gaar ah u noqoto, haddana waxa aan dhihi karnaa diinta waa qayb nolosha ka mid, dhaqnkana waa nolosha oo dhan, diinta waxkasta kama hadasho waxa ay xoogga saartaa aaminaadda qofka, xeerar waa ay dejisaa oo dhaqanka dadka haga, haddana waxaa jira meel wayn oo ay u bannaysay caqliga aadanaha, diinta waxa ay xarimtay waa wax yar marka loo eego ballaarnida nolosha, waxyaabaha ay diinta ka aamustayna waxaa qaabeeya dhaqanka bulshada.
Haddii aan soo koobo diinta waa aasaaska iyo salka guriga dhaqanka, aasaaska guriga kama baxsana, haddana waa waxa uu ku taagan guriga oo uu la’aantiisa jiri karin.
Qiyamka maxaa sameeya? Qiyamka bulshada waxaa sameeya sida aan qabo sadeex waxyaabood: Duruufta, Diinta iyo Caqliga.
1. Duruufta
Duruufta, inkasta oo ay badanaa qiyam xun keento, haddana kolkii horeba kama aan sugaynin in qiyamka uu mar walba noqdo mid san, inkasta oo ay filashadeenna ugu badan tahay in uu wanaagsanaado. Duruufta waxa ay aadanaha gaarisiisaa heer uu bahaloobo oo xayndaabkii anshaxa uu ka gudbo, dadnimo iyo diirba beelo , dugaag aan waxba daynna uu noqdo, duruufaha qaar dadka waxa ay gaarsiiyeen heer ay is cunaan, sida ku dhacday marar badan.
Tusaale ahaan Sunuunjtii xaq u dirirka ahaa ee ka dhiidhiyay dulmiigii Cabaasida. Sunuujta waxa ay ahaayeen addoomo si xun loo la dhaqmay oo nolosha lagu cariiriyay waxa ay hubka u qaateen in ay dulmigaas lagu hayo ka xuroobaan, balse sanado dheer oo ay dagaalamayeen kadib waxaa muddo 4 sano ah lagu go’doomiyay magaalada Mukhrtaara oo caasimad u ahayd taas oo keentay in ay cunaan hilibka dadka ka dhinta ama laga dilo, hadaba fiiri sida duruufta u baddashay xaq u dirirkii difaacayay sharafta aadanaha, waa kuwa hadda hilib aadane cunaya.
Waxkasta oo ay duruufta bulsho ku kaliftaa ma dhihi karno waa qiyam, iska daa in ay qiyam yihiin e, waaba bahalnimo iyo qiyam beel. Haddana iyada oo ay sidaa tahay iska ma indhatiri karno saamaynta ay ku leedahay samaysanka qiyamka bulshada, oo bulsho walba deegaankeeda iyo duruufteeda ayaa saamayn xoog leh ku yeesha qiyamkeeda, bulshada bash bash iyo barwaaqada ku nool iyo tan balada iyo basanbaaska la deriska ah isku qiyam ma noqon karaan sabata oo ah isku duruufba ma aha labadaa bulsho.
Sidaas oo kale duruufta waxa ay saamaysaa caqliga iyo diinta oo ah labada il ee ugu wayn ee uu qiyamka bulsho ka soo burqado, diinta ayada oo mid ah haddana deengaan walba iyo duruuftiisa ayaa jaangooya fahankeeda, caqligana waxa kobciya ee sameeyaa waa waayo aragnimada uruurtay ee duruufaha kala duwan ee uu calqiga la soo noolaaday. Sidaa darteed duruufta waxa ay figta sare kaga jirtaa waxyaabaha abuuro qiyamka.
2. Diinta
Diinta maadaama ay tahay isha ugu wayn ee Qiyamka sida aan qabo, waxa aan isku dayaynaa in aan xoogaa sharraxdo, oo dul istaagno. Cilmiga daraasadda diimaha waxa uu bilowday qarnigii 19aad, waxaana aasaasay aqoonyabakii reer Jarmal ee Friedrich Max Muller. Mueller waxa uu ahaa nin ku takhasusay taariikhda afafka ( Philologist), Sidoo kale waxa uu ku takhaasusay aqoonta la xiririirta dhaqammada, diimaha iyo bulshooyinka reer bariga ( Oriantalist).
Iba furka cilmigan ayaa yimid kadib markii reer Yurub soo turjumeen diimhii reer bariga ee Hinduusamka iyo Buudiidsamka. Waxa kale oo la sheegay in diinta oo loo darso si la mid sida culuuta kale ay bilaabatay waxii ka dambeeyay kacdoonkii Faransiiska 1789. Taasna waxaa keenay sida aan is leeyahay in awal diinta ku koobnayd gacanta wadaadada kirishtanka ah oo qofkii isku daya in uu ka hadlo la gaalaysiinayay maxkadmado gaar ahna lala korayay, oo badanaa dil ku xukumo qofkii diinta afaaraheeda soo galo, balse kadib kacaankii Faransiiska Waxaa yaraatay awoodda wadaadada kaniisadda.
Aqoonyananada waa ay ku kala tageen qeexitaanka diinta, ma filayo in ay jiraan laba aqooyahan oo isku si u qeexay diinta, sababtana waxa ay tahay in fikaradda diinta ay ka haystaan bulshooyinka kala duwan ay tahay mid kala geddisan. Waxaa jira kuwa hal Eebbe rumaysan, kuwa laba rumaysan ama ka badan, qaar aan Eebbe rumaysanayn, aakhiro kuwa rumaysan iyo qaar aan rumaysanayn nolol dambe, haddana dhamaantood waxa ay wada wataan magaca diin.
Aqoonyahannada muslimiinta ah ma siinin qeexitaanka diinta muhiimmad la mid ah tan ay waxgaradka reer Yurub siiyeen, sababtana waxaa lagu sheegaa in muslimiinta dhexdooda uu iska caddaa macnaha diinta, sidaa darteedna uma aysan baahan sharraxaad dheeri ah. Isaga oo arrintaa noo sii faafaahinaya ustaad Maxamed Kamaal Jacfar oo ah aqoonyahan ku takhasusay cilimiga caqiidada ahna qoraagga buugaag dhawr ah oo ay ka mid yihiin:فى الفلسفة الإسلامية دراسة ونصوص iyo الإنسان والأديان دراسة ومقارنة.
Waxa uu yiri; “Qeexitaannada [ diinta] ee gudaha deegaanka islaanka waa kuwo tirabadan, yaysanba tiro ku gaarin kuwa deegaanka galbeedka e, taasna waxaa loo aanayn karaa in gudaha deegaanka islaanka uu iska caddaa fahanka [diinta] oo aysan baahi u qabin qeexitaanno badan”. Culimada Islaanka diinta badanaa waxa ay ku qeexaan rumaynta Alle iyo raacidda Nabi Maxamed NNKH.
Haddaba aan waxyar eegno macnaha erayga diin uu ku leeyahay afafka caebiga iyo ingiriika iyo afkeenna hooyo. Haddii aan ka bilowno qeexitaanka erayga caebiga ah “الدين”, qaamuuska carbeed waxa uu siiyaa ilaa dhawr macno oo, waxaana ka mid ah:
- Qahrid iyo u awood sheeggaso
- Abaal gud iyo xisaabin
- Caado
- Caqiido iyo rumaysad
Macnaha hadda loo yaqaano diinna waa kan dambe sida muuqata.
Qaamuska afka Soomaaliga ah oo ay wada diyaariyeen Annarita Puglielli iyo Cabdalla Cumar Mansuur Waxa uu diinta ku qeexay :
- Caqiido cid ku xiraysa awood ka sarraysa oo ay aaminsantahay in ay wax yeeli karto, waxna u tari karto.
- Qawaaniin Eebbe u soo dejiyey dadka dunida ku nool si ay waxa wanaagsan u falaan, waxa xunna uga reebtoomaan.
- Quraan.
Erayga Ingiriisiga ah ee ” Religion” waxa uu ka yimid asal ahaan erayga laatiinka ah ee ” Ligare” kaas oo la macne ah;
- Isku biirin 2. Isku xirid 3. Xririrka ilaahnimada iyo aadanaha.
Sidoo waxaa la sheegaa in erayga;” Religion” uu ka yimid erayga kale ee laatiinka ah ee Religio” kaas asna la macne ah: 1. Loo tixgaliyo barako 2. La xirirra Ilaahyada 3. Dareenka saxnaanta 4. Waajibaadka mooralka 5. Dabarka isku xiria aadane iyo Ilaahyada.
Sida ay ahaataba labada eray isku macne ayay gudbinayaan. Qaamuuska Merriam-Webster waxa uu dijnta ku qeexaa ” hannaan bulsho iyo dhaqan kaas oo ka kooban habdhaqanno, caadooyin, damiir, rumaysad, habka dunida loo arko, kutub, goobo barakaysan, Nabinimo, anshax iyo ururro, kaa oo aadanaha ku xira awood sare iyo ruuxaaniyad”
Sacuud Bin Cabdicasiis oo ah qoraha buugga دراسات في الأديان اليهودية والنصرانية, waxa uu diinta ku qeexay ” sharci Eebbe oo ku yimid qaab waxyi ah”.
Waxaa jiro argatiyo badan oo qaba qeexitaanno ka duwan kuwa aan soo sheegnay, waxaa jira xitaa kuwa diin u aqoosan Allekoodnimiada ( muxlidiinimada) sidaa darteed isku ma daalinaynno sheegistooda.
Marka aan eegnay qeexitaannada guud iyo dhammaan aragtiyaha laga haysto diinta, waxa ay ila tahay in lagu soo koobi karo diintu in ay tahay waxii ka hadla xiriirka Eebbe iyo uunkiisa, nolol dambe, asalka aadanaha, qaddarta, sharta iyo kheyrka, naar iyo janno iwm.
Diintana waa waxa kaliya ee laga heli karo dhammaan bulshooyinka dunida iyo dhaqammadioda, waa mid ka mid waxyaabaha dhifka ah ee aadanaha oo dhan qoloba si ugu dhaqanto ama u rumaysan tahay. Taas isaga oo ka hadlaya faylasuufkii reer Faransa Henri Bergson waxa uu yiri; “Waa la arkay, waana la arkayaa koox aadane ah oo meel kuwada nool kuwaa oo aan lahayn aqoon, falsafad iyo fan ba, balse wali lama arag koox aadane oo diin la’aan ah”.
“Diinta waa habka ugu wayn uguna faahfaahsan ee wax lagu qiimeeyo oo ay aadanuhu yaqaanaan” Federick Ferre, Qoraagga buugga Basic Modern Philosophy of Religion.
Haddaba diinta haddii ay walaxda ugu wayn ee qiyamka abuurta, waxaa imaanays u’aal ah sidee ayay ku askumantay diinta naftirkeeda? Hadda marka diinta asalkeeda laga hadlayo waxaa loo kala jabay labo qolo; qolo rumaysan iin diinta tahay wax ka abuurmay duruufaha bulsho, iyo qolo qabta in diinta tahay wax dhalan ah oo aadnaha ku abuuran.
Taddawurlayda [qolooyinka rumayasam aragtida taddawurka] waxa ay yirhaadaan diinta waxa ay ku timid laba hab midkood:
1. Qaab badbaado iyo la qabsi deegaan ah (Natural selection), ugaarsatada ayaana ahaa dadkii ugu horeeyay ee diin yeesha maadaama ay danta ku kalifaysay in ay si wada jir ah u ugaarsadaan.
2. Ama hab maskaxiyan ah oo taddawurka aadanaha iyo geeddi u socodkiisa ay keeneen in uu isbaddel ku dhaco maankooda, in uu ballaartay qaab dhismeedka maskaxdooda, kadib in ay ku dhasheen dareennada “dambi” iyo “ceeb” oo ah labadada dareen ee diinta ka abuurantay, kuwaa oo ayagana asal ahaan ka dhashay dareennada ” xanaaqa, murugta iyo cabsida” sidaas ayay diinta ku timid kadibna ay dhaqan uga dhigteen.
Folteer waxa uu qabaa in in aadnaha uu noolaa muddo dheer isaga oo aan wax diin ah rumaysanayn balse xilli dambe uun ay timid.
Kaarlo Maarkis waxa uu diinta ku tilmaamay in ay tahay ‘darooggada dadka’ waxa uu qabay in diinta ay abuureen boqortooyooyinka s ay ugu gumaystaan dad waynaha, si dad waynaha loogu shaqaysto waxsoosaarkoodana loo qaato ayaga oo aan wax kacdoon ah samaynin, diintuna ay noqoto waxa lagu daroogooyo ayada oo kacdoonka dambi looga dhigayo, ciqaab xagga sare ka imaanaysana lagu baqdin galinayo.
Qolada labaad ee qabta in diinta ay tahay abuur waxaa ugu horeeya culimada Islaanka. Mufasiriinta kala ah Cikrama, Mujaahid, Al xasan Al Basri, Ibraahim, Al Daxaak iyo Qataada, markii ay fasirayeen aayada 30 aad ee suuratu Ruum waxa ay ‘ فظرة’ fidrada ama abuurta ku fasireen in ay tahay diinta, siiba tan Islaanka. Waxaana jira Xadiis Suubbanaha NNKH laga wariyay oo sheegaya in aadanaha oo dhan uu ku dhasho diinta Islaanka balse ay waalidiinta ay carruutooda ku barbaariyaan diimaha ay ayaga rumaysan yihiin.
Aragtidaas waxaa kale oo qaba Carl Jung oo ahaa dhakhtar reer Iswiisrlaan ahaa oo ku takhasusay caafimaadka maskaxda, ahaana ninka dhidibbada u taagay Analytical psychologyga ( aragti baarta shakhsiyadda aadanaha iyo xirirka uu la leeyahay miyirka qarsoon si loo caddeeyo wareerka dareennada).
Jung, waxa uu rumaysnaa in diinta ay dhalan tahay kuna abuuran tahay aadanaha oo dhan. “Waxaa jira dareen diini ah oo ku abuuran dhammaan aadanaha, wax dhaxal ah oo hiigsanaya xirirka qofka iyo awood ka sarraysa tan aadmiga”.
Faylasuufkii reer Jarmal ee Rudolf Otto isaga oo ka hadlaya baahida diinta ay dadka u qabaan waxa uu yiri: “Aadanaha waligiisba waxa uu ku baraarugsanaa dareen dhinnaan ah iyo in ay wax ka maqan yihiin, taasna waxa ay ka dhigtay in uu si joogto ah u dareemo cadaadis iyo baahi in uu u qabo xagga dhammaystirnaanta” Dareenkaasna waxa uu Otto ku magacaabay ‘Dareenka uunka(creature feeling)’.
Dean Hamer oo ahaa caalin cimliga Hidde sidaha ( geneticist) waxa uu 2004 tii qoray buug uu ku magacaaby ‘God Gene’ hidde sidaha Eebbe. Oo waxa uu qabaa in uu jiro hidde side ku jiro aadnaha oo ku hagaya rumaynta Eebbe.
Isku soo wada duub, diinta waa abuur ama waa wax dib ka dhashay tii la dhahaba waxaa jira hal arriin dhamaantiood ay isku raacsan yihiin taas oo ah in diinta ay isku xirta bulshada asalkana- taddawurlayda sida ay dhahaan- ay u abuurantay isku xirka bulshada iyo wax wada qabsigooda, ama diinta waa wax Eebbe u soo dejiyay in ay dadka is kula noolaadaan, akhlaaqdooda iyo dhaqankoodana ay hagaajiso- sida aqoonyahannada Islaanku qabaan.
Maarkis oo diinta darooggo u arkayay xitaa waxa uu qabay in habka ay dabaqadda shaqaalaha ku midoobi karaan burjuwaasiyiintana iskaga dhicin karaan ay diintu qayb ka tahay. Sidaa darteed dood kama taagna in diinta ay tahay waxa ugu wayn uguna muhiimsan ee abuura qiyamka bulshada.
Diinta waxa ay saamayn ku leedahay inta badan qiyamka bulshooyinka dunida, mana ahan kaliya in ay saamayn ku leedahay bulshooyinka aan horumarsanayn- sida ay dakda qaar ku doodaan- xitaa waxa ay saamayan ku leedahay wadammada horumaray, Jabaaniiska waxa ay 80% rumaysan yihiin diinta Shintaha taas oo samaysa dhaqankooda inkasta oo ay Buudiyada iyo aragtiyo kale oo falsafadeed xoogaa saamayn ah ay ku leeyihiin.
Horumarka Yruub waxaa qayb wayn ka qaatay isbaddelka diinta, sida uu Max Weber uu rumaysnaa isbaddalka xagga diinta oo uu la yimid dugsiga Borotastaantaha ‘ Protestantism’ ayaa keenay curashada nidaamka hanti goosadka ‘Capitalism’ oo figta sare kaga jira qiyamka galbeedka.
Sida uu buuggiisa “Protestant Eethic and the Spirit of Capitalism” ku sheegayo, dugsigan cusub waxa uu dhiirrigalinayay shaqada, wahsiga iyo waqti lumiskana waxa uu arkayay wax Eebbe uusan raali ka ahayn, waxa ay qabeen in aadanaha dhulka loo keenay shaqo oo aan raaxo loo keenin, taasna waxa ay dhalisay in dadka shaqada iyo wax qabadka u kacaan.
Waa arrin iska cad sida ay diinta qiyamka bulshada u samayso, marka aad aragto sida ay uu Islaanka u baddalay qiyamka bulshadii carabta ee reer miyiga u badnaa, kana dhigay bulsho hogaaamisa dunida xilli dheer ayaga oo ka adkaaday dawladihii dunida ugu xoogga waynaa.
3. Caqliga
Caqliga aadanaha ma ahan mid la dafiri karo in uu Qiyamka bulshada sameeyo, maxaa yeelay waa isha labaad ee ugu wayn marka diinta laga soo tago, xitaa waxa uu qaabeeyaa fahanka diinta, kana dhigaa mid la jaanqaadaya xaaladda bulshada ay ku nooshahay, waa waxa ugu horeeya ee uu aadanaha xume iyo same ku kala saaro, waxaa si aad ah taariikhda basharka uga buuxo faylasuufyo caqligooda adeegsaday oo dejiyay qiyam aad u sareeya oo ay cadaallada iyo xoryidda baarka sare kaga jiraan, ilaa haddana la majeerto oo wax laga soo qaato.
Ma filayo in qodobkan uu falanqyan dheer ah u baahan yahay, ma cid baa jirta dood ka qabta in caqliga aadanaha uu akhlaaq iyo qiyama dejin karo? Maya, ayay ila tahay.
Waxaa jira bulshooyin ku tiirsan falsafado oo xeerarkooda halkaas ka soo qaata, sida Shiinaha oo kale. Shiinaha waxa ay aad ugu tiirsan yihiin Falsafadda Konfooshiyada (Confucianism) oo uu dhidibbada u taagay faylasuufkii la oran jiray Kong Fuzi ama Confucius sida loo yaqaano, kaas oo noolaa inta u dhaxaysay (551-479 Ciise ka hor).
Macalin Koonfooshiyas waxa uu dejiyay qawaaniin dhawr ah oo saamayn ku leh dhamaan dhinacyada nolsha laga bilaaba qofka iyo naftiisa ilaa maamulka dawladda.
Waxa uu dejiay qiyam akhlaaqdeed ay bulshada ku wada dhaqanto. “Konfooshiyada waxaa si wayn loogu tixgaliyaa in ay tahay salka iyo aasaaska bulshada, caadada iyo dhaqanka shiinaha maaanta” David L. Hall, oo ah bare sar oo Falsafadda ka dhiga jaamacada Texas.
Shiinaha waa dal ay ku nool yihiin Allekoodka ugu badan oo waxaa la sheegaa in ku dhawaad 90% dadka wadankaas aysan diin rumaysanayn ama Jiritaan Eebbe, haddana waan aragnaa horumarka ay samaynayaan in qiyamka bulsheed ee ka dhex jira.
Kaalinta caqliga aadanaha ay samaysanka qiyamka waxaa laga arki karaa galbeedka oo halgankii falsafadlayda uu gaarsiiayay heer sare, qiyamka bulshadana uu saamayn xoog leh ku yeeshay,, shakina kuma jiro in caqliga uu horseed u ahaa maanfurnaanta bulshada reer Yurub maanta ka muuqata.
Gunaanadkii dhaqanka waa wax guud oo qiyamka ayaa sal u ah, diinta waa waxa ugu wayn ee qiyamka abuura, caqliga iyo duruufta saamayn ayay ku leeyihiin samaysanka qiyamka bulshada. Qiyamka ugu wanaagsan waxa uu abuurmaa marka diinta iyo calqiga la kaashado oo duruufta bulshadana la eego. Aadnaha waligii qiyam ayuu lahaa dhanka uu doonaba haka keeno, mana jirto bulsho meel ku nool oo aan wax qiimayn, balse waxaa muhiim ah oo in la baaro mudan, wa maxay qiyamka ay bulshadan wax ku salaysato?
TIXRAAC
Michael Haralambos, Sociology in Picture
1. Peter Worsley, The Introducing Sociology
2. Dean Hamer, God Gene
3. الإنسان والأديان دراسة ومقارنة, محمد كمال جعفر
4. The protestant ethic and Spirit of capitalism
Haddii aad doonaysid PDF ahaan halkaan hoose ka la deg:
